Soomaaliya oo guddoomisay 41 sano ka dib Golaha loo dhan yahay ee QM.

Date:

Guddoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay, ahna danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay, kaas oo sanadkan madaxda caalamku badankood ay kaga qaybgalayaan Online-ka.

Shirka oo sanad kasta la qabto bisha September ayaa waxaa sanadkan xoogga lagu saaray saamaynta uu cudurka Corona ku yeeshay bini’aadamka oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay.

Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo jeediyey khudbadda rasmiga ah ee uu Soomaaliya ku matalayo isagoo Muqdisho ku sugan ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan.

Soomaaliya ayey guul diblomaasiyadeed oo caalami ah u tahay inay shir gudoomiso fadhiga loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay 41-sano ka dib, taas oo ah calaamad muujinaysa soo kabashada Soomaaliya iyo inay ku soo laabatay meeqaamkeedii sare ee ay ku lahayd hay’adaha waawayn ee dunidu ku kulanto.

Dhammaadka bishii June ee sanadkan ayaa Abuukar Balle uu ka mid noqday 21-da madaxweyne ku xigeen ee fadhiga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambaysay 1979-kii.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...