Soomaaliya oo guddoomisay 41 sano ka dib Golaha loo dhan yahay ee QM.

Date:

Guddoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay, ahna danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay, kaas oo sanadkan madaxda caalamku badankood ay kaga qaybgalayaan Online-ka.

Shirka oo sanad kasta la qabto bisha September ayaa waxaa sanadkan xoogga lagu saaray saamaynta uu cudurka Corona ku yeeshay bini’aadamka oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay.

Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo jeediyey khudbadda rasmiga ah ee uu Soomaaliya ku matalayo isagoo Muqdisho ku sugan ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan.

Soomaaliya ayey guul diblomaasiyadeed oo caalami ah u tahay inay shir gudoomiso fadhiga loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay 41-sano ka dib, taas oo ah calaamad muujinaysa soo kabashada Soomaaliya iyo inay ku soo laabatay meeqaamkeedii sare ee ay ku lahayd hay’adaha waawayn ee dunidu ku kulanto.

Dhammaadka bishii June ee sanadkan ayaa Abuukar Balle uu ka mid noqday 21-da madaxweyne ku xigeen ee fadhiga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambaysay 1979-kii.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...