Dowladda Iran oo sheegtay in ay diyaar u tahay in Mareykanka Maxaabiis is dhaafsadaan.

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Maxamed Jawaad Zarif ayaa sheegay in Iran diyaar u tahay in ay maxaabiis is dhaafsadaan Mareykanka, xilli xiisadda labada dal u dhexeysa ay wali aad u sarreyso.

Hadalkan ayuu wasiirka ka sheegay kulan aaladda fogaan arag ah ku yeesheen golaha xiriiradda dibadda kaas oo ka dhacay isniintii magaalada New York.
Washington ayaa muddo dheer dalbanaysay in muwaadiniinta Mareykanka ee Iran u xiran la sii daayo kuwaas oo ay kamid yihiin Aabe iyo wiilkiisa oo heysta dhalashada Mareykanka oo lagu kala magacaabo Baquer iyo Siamak Namazi oo loo heysto arrimo siyaasadeed.

Tehran ayaa beenisay in dadka ku jira xabsiyadeed ay yihiin maxaabiis siyaasadeed waxay sheegtay in dadkan yihiin basaasiin u shaqeeya laamaha mukhaabaraadka Mareykanka.“Waxaa jira Iraniyiin ku jira jeelashada Mareykanka waxa lagu heystana maxaa wadankiina u khiyaami weyseen. Hadda waxaan diyaar u nahay in aan maxaabiis is dhaafsano, ayuu yiri Zarif.

Labada dal ayaa horey isku dhaafsaday maxaabiis iyadoo xiriirka labada dhinac uu sii xumaanayo tan iyo 2018 markaas oo Trump uu ka baxay heshiiskii nugliyeerka oo quwadaha reer galbeedka iyo Iran wada saxiixdeen sanaddii 2015.

Todobaadyadii u dambeeyay Washington waxay isku dayaysaa galaan gal ku aaddan sidii loo cusbooneysiin lahaa cunaqabateynta hubka ee Iran saaran taas oo wakhtigeeda ku eg tahay 18 bisha soo socota ee October.

Michael White oo ka tirsanaa ciidanka badda Mareykanka ayaa sanaddii 2018 laga soo daayay xabsi Iran ku yaalla taa bedelkeedna Mareykanku waxay sii daayeen seynisyahanka heysta dhalashada Mareykanka ee Majid Taheri.

December sanaddii 2018, Washington iyo Tehran ayaa ka wada shaqeeyay is dhaafsiga maxaabiis, Iran waxay sii deysay Xiyue Wang oo muddo saddex sano ah ku jirey xabsi ku yaalla dalka Iran isagoo lagu eedeeyay basaasnimo Mareykanku dhankooda waxay sii daayeen Massoud Soleimani oo Mareykanku ku eedeeyeen in uu ku xadgudbay cunaqabateynta saaran Iran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...