Home Blog Page 861

Maalinta dhalinyarada Adduunka oo lagu xusay Jowhar.[Sawirro]

0

12-ka August oo ku beegan maalinta dhallinyarada caalamka oo maanta oo kale laga xuso dunida inteeda kale ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhallinyarada Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo uu madasha ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka dhallinyarada Gobolka Xuseen Maxamed Xaaji oo tilmaamay in dhallinta gobolka ay qabaan baahiyo kala duwan, loona baahanyahay in maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe uu ka jawaabo.

Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa dhallinyarada ka codsaday inay la yimaadaan hal abuur ganacsi si gacan looga siiyo arrimahaasi.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cumar Maxamed Cumar (Gaabow) ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal ay iska kaashanayen Wasaaradda Qorsheynta oo uu hakad geliyay cudurka COVID-19, balse ay ku rajo weynyihiin in arrimahasi dib loo bilaabo, si shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada.

Agaasimaha cusub ee isbitalka Madiina oo munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyey+sawirro.

0

Munaasabad lagu dhiirogelinayay laguna soo dhaweynayay maamulka cusub ee dhawaan loo magacabay isbitalka Madiina ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeybgalay xafladda mas’uuliyiin,ganacsato iyo arday kuwaasi oo wax ka soo bartay dalka Shiinaha,iyadoo Dr Haashim Maxamed Faarax agaasimaha cusub ee soo dhaweynta loo sameeyey uu kamid yahay bahda reer China.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadlay gobtaasi ayaa agaasimaha cusub ku dhiirogeliyay gudashada waajibaadka loo igmaday oo ah u adeegista shacabka,waxaana kamid ah Hodan Cismaan Cabdi oo kaaliye ka ah jaamacadda Zhejian normal University ee dalka Shiinaha,Dr Najiib Ciise Diiriye oo ka socday Jaamacadda Simad,ganacsato iyo dhaqaatiir kale.

Dr Haashim Maxamed Faarax agaasimaha cusub ee isbitalka Madiina ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen bahdiisa,wuxuuna muujiyay sidi uu diyaarka ugu yahay in bulshadiisa uu u adeego.

Agaasimaha cusub ee isbitaalka Madiina Dr. Hashim Farah ayaa 5 August 2020 xilka kala wareegay agaasimihii hore ee isbitaalka Dr Maxamed Yuusuf oo in muddo ah soo maamulayay isbitalkaasi. Xil wareejintan waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha hoggaanka caafimadka ciidmadda Booliska Soomaaliya Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) iyo mas’uuliyiin kale.

Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Wasaaradaha Maaliyadda DF iyo Dowlad goboleedyada.

0

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu soo Gaba-gabeeyay shirkii Wasiirrada Waasaaradaha Maaliyadda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo shalay furmay.

Shirkaan oo ahaa mid bille ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray siddii loo wadaagi lahaa dakhliga habka miisaaniyadda ee laga helay Bankiga adduunka kuna aaddan hoos u dhicii miisaaniyadeed ee uu keenay Cudurka COVID-19 iyo qodobo kale.

War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa laga saaray shirkii u qabsoomay Wasiirrada Waasaaradaha Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Halkaan hoose ka akhriso war-murtiyeedka

Dowladda FS,Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir oo lasoo gabagabeeyay shir muhiim ah.

0

Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka, Maamul Goballeedyada xubnaha ka ah Dowladda iyo Gobalka Banaadir,ayaa Magaalada Muqdisho lagusoo gunaanaday shir la xiriiray xoojinta xiriirka wadashaqeyneyd ee dhinacyadaasi iyo dardargalinta howlaha ee ay u hayaan umadda.

Shirkaan oo ay martigelisay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka,waxaa  muddo laba cisho ah uu ka socday Garoonka Caalamiga Aadan Cabdulle, Muqdisho.

Shirkaan oo ku soo gabagaboobay jawi is-afgarad,waxaa ka soo baxay qodobo aasaasi ah oo xoojinaaya xiriirka wadashaqeyneyd ee dhinacyadaasi.

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa la kulmay guddi loo saaray dhacdadii Xabsiga dhexe ee Xamar.

0

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha  XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay guddiga loo magaacay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalin kahor ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlay sameynta baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii Xabsiga dhexe, si loo helo warbixin dhammeystiran oo go’aan lagu qaadan karo, ayaa lagu magacaabay guddi Farsamo oo guddiga kala shaqeeya fududeynta baarintaanka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha  ayaa guddiga kula dardaarmay inay baaritaanka kusoo gebagebeeyaan 10-ka maalin ee loo qorsheeyay lagu soo saaro natiijada baaritaanka.

 

Duqa Muqdisho oo u hambalyeeyay dhalinyarada Soomaaliyeed maalinta dhalinyarada Adduunka.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta dhallinyarada adduunka oo sannad walba la xuso 12-Ogoosto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalintaan ay ahmiyad weyn u leedahay dhallinyarada adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed, isagoo ku amaanay dadaalkooda ku aaddan dowlad dhiska oo uu sheegay in ay meel dheer kasoo billaabeen xilligii gumeystaha, xurnimadiina ay ahaayeen kuwo dhaliyay illaa haddana ay u dhintaan difaaca dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xusay in dhallinyaradu ay dowladda hadda jirta ay kaalin weyn ku leeyihiin dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha iyo qeybaha kale, wuxuuna sheegay in ahmiyada koowaad uu Madaxweyne Farmaajo siiyay dhallinyarada siddii ay qeyb uga noqon lahaayeen maamulka.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in muddadii uu xafiiska joogay uu ahmiyad gaar ah siiyay dhallinyarada oo uu udhisay xarun ay leeyihiin, taas oo ka kooban qeybo muhiim ah sida hoolalka shirarka iyo xafiisyo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)ayaa ugu dambeyn dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Caasimadda ugu hambalyeeyay 12-ka Agust, isagoo  ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dowlad dhiska, si dalku uu ugaaro hormar weyn.

Maanta oo kale 12-ka Ogoosto sannad walba ayaa adduunka looga dabbaal degaa maalinta dhallinyarada caalamka.

Ilhaan Cumar oo guul ka gaartay wajiga 1-aad ee doorashada.

0

Xildhibaanad Ilhaan Nuur Cumar maxamed, oo ku magac dheer Ilhaan Cumar, kana tirsan Golaha wakiillada dalka Mareykanka ayaa guul aad u wayn gaartay, kadib markii ay ku guuleysatay isreebraabka kursiga xisbiga Dimoqraadiga ee gobolka Minnesota

Tartanka doorashadan oo si weyn ula tartamay Antone Melton-Meaux iyo musharaxiin kale ayay Ilhan ka gaartay guul weyn.

Guusha kadib ayay Ilhan Cumar boggeeda Twitterka waxa ay ku sheegtay in abaabul weyn loo galay sidii kursigeeda looga guuleysan lahaa.

“Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korortay”.

Afartii sano ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si wayn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump.

Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya ka soo jeedda ee heerkaas gaarta, sidoo kalana waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Maraykanka.

Xoogga dalka oo u gurmanaya Dad rayid ah oo la dagaalamaya argagaxisada.

0

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa ku baxay deegaanka Shabeellow oo qiyaastii 20-km u jira deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kaddib markii maleeshiyada Al-shabaab ay dagaal ku soo qaaday dadka deegaanka oo ka biyo diiday amarro ay dul dhigeen.

Dagaalka ay maleeshiyada argagaxisadu kusoo qaaday dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa deegaanka Shabeellow aroortii hore ee saaka ayay wararku sheegayaan in uu ka dambeeyay kaddib markii maleeshiyadu ay isku dayday in ay baad ka qaataan dadka deegaanka,taas oo ay ka biyo diideen dadka rayidka ah ee halkaas ku nool.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray maleeshiyada Al-shabaab iyo dadka deegaanka oo naftooda u huray in ay iska xureeyaan cadowga kusoo duulay deegaannadooda,waxaana hadda deegaanka kaabiga ku haya ciidanka xoogga dalka si ay u baacsadaan argagaxisada oo aan awoodin in ay u babac dhigaan ciidanka Qaranka.

Muddooyinkii dambe shacabka Soomaaliyeed ee nool deegaannada ay ku suganyihiin maleeshiyada Al-shabaab ayaa ku baraarugay dhagarta argagaxisada, waxeyna billaabeen in ay la dagaalamaan si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada ay ku hayaan,iyadoo cadowga jab xooggan la gaarsiiyay.

Kulanka Golaha Shacabka oo goor dhaw furmaya.

0

Xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goordhaw kulan uga furmo xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa ay akhrinta seddexaad marsiin doonaan Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed,waxaana sidoo kale ajandaha ka mid ah Akhrinta warbixinta guddiga Dastuurka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka 10-aad oo waqtiga xilheyntooda gebo-gabo yahay ayaa waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo hortebin u leh dalka, iyada oo dhawaan Guddoomiyaha Golaha uu ku baaqay in la dardar geliyo Shaqooyinka Baarlamaanka.

AMISOM oo gar-gaar agab ah gaar siisay Dad ay saameeyeen Fatahaadaha Webiga.

0

Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa maalinimadii shalay agab gargaar ah gaarsiiyay dadka ku barakacay daadadkii dhowaan ku dhuftay degmada Beladweyne ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Mucaawinadaan oo ka kooban bustayaal, weelal,maro kaneecooyin iyo kuwo kale,waxaa ku deeqay Maamulka Amisom ee ku sugan Gobolka Hiiraan,gaar ahaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ka hoos shaqeeya AMISOM.

Qalabkaan mucaawinada ah ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu yareeyo dhibaatada soo gaartay barakacayaasha oo  khasbanaaday inay guryahooda ugu cararaan daadadka ay sababeen roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay Gobolkaasi.