Home Blog Page 863

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo duqeymo la beegsaday dhismo ay ku sugnaayeen Kooxda Al-Shabaab.

0

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn la beegsadeen dhismo ay argagixisadu ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, iyagoo xusay iney ku dhaawaceen laba ka mid ah horjoogayaasha kooxda.

Jeneraal. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgallada ee Taliksa Milatariga Mareykanka ee Africa ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabaab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa”.

Ciidamada XDS oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada ka geysta deegaannada ay haraadiga ku tahay kooxda, kuwaasoo lagu qaarijiyay horjoogayaal ku caanbaxay dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbashada Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay Arinka Dugsiyadda Sare Ee Puntland.

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay xiisada wasaaraddiisa kala dhexeysa dowlad goboleedka Puntland.

Goodax Barre oo ka jawaabayay hadalkii ka soo yeeray ardayda dhigata iskuulada ku yaalla deegaannada Puntland kuwaasoo dhowaan dalbaday in aan la siyaasadeyn waxbarashadooda.

Wasiirka oo u jawaabayey ardaydaas oo muuqaalladooda lagu baahiye Internet-ka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay garab istaagto arday kasta oo Soomaaliyeed, si uu helo waxbarasho dhameystiran, islamarkaana ardayda wax ka barta deeganada Puntland ay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka.

“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si uu u helo waxbarasho dhammeystiran, islamarkaana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barata deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka”. ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasaaraddiisu aysan dan gaar ah ka laheyn Puntland, balse ay muhiim tahay in ay galaan imtixaanaadka Qaranka ee dowladda.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo Gaaray Dalka Suudaan.

0

Waxaa soo gaaray caasimada dalka Suudaan ee khartuum Wasiirka wasaarada Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya Injineer C/rashiid Axmed Maxamed iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo wasiirka.

Soo dhaweynta wasiirka oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum, ayaa waxaa hormuud ka ahaa Caadil Cali Ibraahim oo ah wasiirka Batroolka ee Suudaan iyo Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane Maxamed Sheekh. 

Soo dhoweynta Wafdiga Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo ahayd mid diiran ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay saraakiil kale oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Khartuum, waxaana ka mid ahaa u qeybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, Yuusuf Jeego.

Wasiirka ayaa booqasho rasmi ah ku joogi doona dalka Suudaan Mudo laba cisho ah isagoo kulamo la yeelan doona Madaxda dowlada Suudaan.

 

Askari ka mid ah Millatariga Thailand oo si saf mar ah u toogtay dad rayid ah.

Askari u dhashay dalka Thailand oo rasaas uu furay ku dilay 20 qof isla markaana dhaawacay ku dhawaad 30 kale, waxaa dhintay weerarakaasi 20 ruux oo rayid ah halka ay dhaawacmeen in ka bdan  30 qof oo kale kadib markii   askari ka tirsanaa ciidamada Thailand uu si saf mar ah rasaas ula dhacay dad  rayid ah oo ka dukaamaysanayay magaalada Korat oo 260-KM dhinaca waqooyi kaga beeggan caasimadda Thailand ee Bangkok.

Sarkaal u hadlay ciidamada millatariga  waddankaasi  ayaa warbaahinta u sheegay in askarigan oo magaciisa la yiraahdo Jacravanth Thoma,  uu markii hore uu weeraray saldhig ciidan isagoo xeradaasi kasoo qaatay qeyb ka mid ah hubkii yaallay kadibna uu usoo tallaabay dhismo uu ku yaallay suuq ganacsi oo aan wax badan ka fogeyn saldhiggaasi.

Wasiiru-dowlaha Maaliyadda oo tababar u soo xiray shaqaalaha Wasaaradda “SAWIRRO”

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa maanta tababar soconayay 10 maalmood u soo xiray shaqaalaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bartiisa ku qoray “Waxaan ku faraxsanahay in Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim uu si rasmi ah u soo xiray tababar soconayay 10 maalmood oo ku saabsanaa farsamooyinka horumarsan ee lagu falanqeynayo macluumaadka maaliyadeed ee shaqaalaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Tababarkaan ayaa ah mid xoojinaya xirfadda shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda si loo hirgeliyo, dib-u-habeynna loogu sameeyo, si ay gacan uga geystaan gaaritaanka himilooyinka horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa hadalkiisa ku soo koobay “Waxaan ugu mahadcelinayaa Mashruuca Taageerada Miisaaniyadda Midowga Yurub ee tababarkaan naga caawiyay”.

Madaxweyne Farmaajo Oo Saxiixay Sharciga Batroolka Ee JFS

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu Sharcigan u leeyahay shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama uu sharcigan hagayo xuquuqda muwaadiniinteennu

ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsiga ku aaddan xasilloonida dalka iyo in wadajir ah ay ugu tallaabsadaan Gu’ga barwaaqo-sooranka iyo horumarka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee ka qayb qaadatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Batroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

 

DHAMMAAD

 

Aqalka Sare Oo Maanta Meel-marinaya Sharciga Doorashooyinka Dalka

0

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu meel mariyo sharciga Doorashooyinka Qaranka oo maalmihii la soo dhaafay uu Aqalku ka doodayay, kadib markii uu u saaray Guddi Sharcigan ka soo baaraan-daga.

Doodda uu maalmihii la soo dhaafay Aqalka Sare ku eegayay sharcigan ayaa ahayd mid leh kala duwanaansho dhinaca aragtida ah iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaannada ay tallooyin ka soo jeediyeen qaar kamid ah qodobo kujira sharcigan iyagoo soo jeediyay in lagu bedelo qodobo kale.

Senatarada Haweenka ah ee ka tirsan Aqalka Sare ayaa maalmo ka hor buuq ka keenay qodobka 23-aad ee faqada 4-aad ee sharciga, taasoo ka hadleysay qoondada Haweenka.

Senatarada Haweenka ah ee Aqalka Sare ayaa ku doodaya in %30 kuraasta loo xiro Dumar kaligoodna ku tartamaan, taasoo loo arko in aysan Dastuuri ahayn hadii sidaas loo dhigana laga yaabo in ay furto buuq cusub oo keeenaya in qodobadii lagu diiiday Sharcigii ay soo diyaarisay Xukuumada ee ka hor imaanayay Qodobka 89-aad ee Dastuurka.

Inkastoo sharcigan wax ka bedel lagu sameeyay qodobadii horay u soo diyaarisay Xukuumadda, inta badan laga saaray qodobadii ka hor imaanayay dastuurka ayaa la filayaa in doodda Senatarada kaddib in cod loo qaado.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 28-kii bishii December ee sanadkii 2019-kii ansixiyay sharcigan, waxaana marka uu Aqalka sare meel mariyo la filayaa in Madaxweynaha loo gudbiyo si kama dambeys uu u meel mariyo, si ay u dhaqan gasho.

 

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiis dhanka hawada

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis la isu furayo hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada dal.

Heshiiska labada Wasiir

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa Soomaaliya u saxiixay heshiiska  halka dowladda Rwanda uu u saxiixay Wasiirka Kaabayaasha Claver Gatete.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdulaahi Salad ayaa aad u soo dhoweeyay horumarka uu gaaray dalka, isagoo ku tilmaamay in heshiiskan uu xoojin doono ganacsiga labada dal.

“Waxaan maanta la soo saxiixannay dowladda Rwanda heshiis labageesood ah oo xagga duulimaadka rayidka. Heshiiskan waxuu isu furayaa duulimaadyada tooska ah ee labada dal, taas oo ganacsiga labada waddan kor u qaadi doonto. Aniga iyo Wasiir Claver Gatete waxaa ina wehliya Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin iyo dhiggiisa Mr. Silas Udahem” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Kaabayaasha dalka Rwanda Gatete ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay kii boqolaad oo ay dalal caalamka ka tirsan la saxiixatay dowlada Rwanda, uuna rajeynayo in albaabo ganacsi oo cusub u furo labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa gaareyso  horumar dhinaca xiriirka dalalka caalamka ee dhinaca Isgaarsiinta Hawada, iyadoo diyaarado laga leeyahay wadamada Kenya, Jabuti, Turkey, Qadar, Uganda iyo Ethiopia ay duulimaadyo ku yimaadaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan guutada 5aad qeybta 27aad oo tababar loo soo xiray

0

Tabarbarkaan oo socday mudo 6 maalmood ah ayaa loo soo xiray saraakiisha Ururada guutada 5aad qeybta 27 aad  ciidanka xooga dalka kuna sugan magalada Baledweyn.

Muhiimadda tababarankan ayaan waxa uu ahaa mid saraakiisha lagu barayay qaabka ugu wanaagsan oo ay ula dhaqmi lahaayeen bulshada xiliyada ay joogaan furumaha dagaalka iyo xiliyada dagaalka ay ku jiraan.

Cashrada lagu baranayay ayaa waxaa bixiniyey macalimiin ku xeel dheer arimaha ciidanka, kuwaasi oo si weyn uga hadlay hannaanka saraakiishu ay u wajahayaan la macaamilka shacabka.

Abaanduulaha qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneral Ssalax Yacquub oo soo xiray tababarka ayaa saraakiisha kula dardaarmay in ay si fiican u gutaan waajibaadka saran, ayna ku dhaqmaan waxyaabihii labaray.

 

Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku dhigay carruur si qasab ah lagu askareeyay “SAWIRRO”

0

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameynayay deegaanno ka tiran gobolka Bakool ayaa gacanta ku soo dhigay carruur muddo sideed bilood ah (8) ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku heysteen deegaan lagu magacaabo Doodaali oo ka tirsan Gobolka Baay, halkaas oo Al-Shabaab ku tababarayaan carruur waaladiintooda si xoog ah ay uga soo wataan, kuwaasi oo inta badan laga qafaashey dhulka miyiga ah ee gobolka Bakool.

Carruurtaan oo tiradoodu tahay 9  iyo labo darawal oo u kaxaynaysay mooto seddex lugooleey oo ay saarnaayeen ayaa lasoo qabtay xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-jirow ee ka tirsan Gobollada Baay iyo Bakool.

Carruurta ayaa la isugu keenay saldhigga booliska degmada Xudur, halkaasi oo su’aalo dheeraad ah lagu weydiinayo.

Xasan Salaad Ibraahim waa 12 sano jir sideed bilood ka hor Al-Shabaab ay ka kaxaysay deegaanka Dudumaale oo qiyaastii 30km dhanka bari ka xiga magaalada Xudur ee gobolka Bakool, waxaana uu xusay inay si qasab ah ku askareeyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay ka qafaasheen deegaankii uu ku noolaa.

Guddoomiyaha Amniga ee Degmada Xudur Ibraahim Isaak Ibraahim (Shaati) ayaa sheegay in carruurtan si qasab ah lagu askareeyey, ujeedkuna ahaa in loo adeegsado gumaadka shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in ciidamada xoogga ay ku guuleystaan inay soo qabtaan carruurtan la askareeyay.