Hoggaamiyeyaashada Dunida oo xusaya Sanad-guurada 75-aad ee Qaramada Midoobay.

Date:

Hoggaamiyeyaasha dunida ayaa aallada fogaan aragga kaga qeybgalay isniintii xuska 75- aad ee aas-aaska Qaramada Midoobe, iyadoo safmarka COVID-19, iyo dhaqaalaha liita ee caalamka ay kamid yihiin caqabadaha dunida hor yaalla iyo waxtarka isku duubnimada Ururka oo la unkay dagaalkii labaad ee dunida.

Malaayiin dad ah ayaa lagu qasbay in ay guriyahooda joogaan dhaqaaluhu wuu baaba’ay markii safmarka COVID-19 uu ku baahay caalamka horraantii sanadkan. Hadda dalalka qaar waxay dareemayaan hirkii labaad ee cudurka 193 dal uu xubnaha ka ah Ururkan waxay dareemayaan is aaminaad daro gaar ahaan Mareykanka iyo Shiinaha oo xafiltankooda sii ballaaranayo.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in munaasabadda ay ku soo aaday xilli uu dunida aafeeyay safmarka Corona gaar ahaan arrimaha dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka caalamka.

Madaxweynaha Shiinaha oo kulanka ka qeybgalay ayaa isniintii sheegay in dalna uusan awood u laheyn in danaha kuwa kale ku amar ku taagleeyo. “Dalna xaq uma lahan in arrimaha dunida uu shiikhiyo ama isaga uu maamul, ama isaga ka faa’ideysto horumarka dhammaan, kuwa xataa in qof wax yar wixii uu doonayay loo ogolaado ama hoggaamiyaha dunida. Keligii talisnimo waa ay dhammaatay.”ayuu yiri madaxweyne Xi.

Shiinaha ayaa hadda isku arka hoggaamiyaha duni go’aannada la wada leeyahay ka dib markii Madaxweyne Trump uu ka baxay iskaashiga caalamka sida heshiiska cimilada, heshiiskii Iran sidoo kale uu joojiyay xubinimada Mareykanka guddiga sare ee xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay iyo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Madaxweyne Trump ayaa ku jirey liiska madaxda khubadaha ugu horreeya jeedin doona laakiin bedelkiisa waxaa hoolka shirka ee Qaramada Midoobay ka hadashay sii hayaha xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobe  Cherith Norman Chalet.

Waxay sheegtay in hey’addan ay waxyaabo badan oo la soo maray ay tijaabo ugu filan tahay sidaa darteedna ay jiraan arrimo laga walaacsan yahay. “Qaramada Midoobay muddo dheer ayay ka caga jiidaysay is bedel micno leh lagu sameeyo ka dib markii ay lumisay daah furnaanta ayna u nuglaatay agendiyaasha keligii taliyaha iyo digtaatooriyadda. ayay tiri Cherith Norman Chale.

Maqanaanshaha Madaxweyne Trump ayaa shaki badan abuurtay, dadka waxay is weydiinayaan tani ma arrin si ula kac loo sameeyay baa mise, Qaramada Midoobay ayaan kamid aheyn wax-yaabaha mudnaanta u leh Mareykanka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres ayaa sheegay in safmarka COVID-19 uu caalamka kala daadiyay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay u baahan tahay in isbedel lagu sameeyo.”Gole masiirka ummad ka badan todobo bilyan uu gacanta ugu jira in ay ka koobnaadaan shan dal ma caddaalad baa?,” ayuu yiri madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...