Mareykanka tirada dhimashada oo ku dhow 200,000 oo ruux.

Date:

Tirada dhimashada safmarka COVID-19 ee Mareykanka ayaa mareysa ku dhowaad 200,000 taas oo ka dhigan iyo shantii qof ee feyraska cororna caalamka ugu geeriyoota uu mid kamid ah yahay qof Amerikaan, waxayna su’aal gelisay sida Madaxweyne Trump ula tacaalay safmarka xilli markii labaad u ololeynayo xafiiska.

Sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins University, Mareykanka waxaa laga diiwaan geliyay ugu yaraan 199,818 qof in ay u dhinteen, iyadoo kiisaska COVID-19 ee dalkaas gaarayso in ka badan 6.8 million, waana dalka ugu badan caalamka kiisaska Corona. In ka badan 70% dadka u dhintay da’dooda waxay ka weyn tahay 65 sano.

Cel celis ahaa todobaadkii Mareykanka waxaa ugu dhintay safmarka ku dhowaad 800 oo ruux, sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters, waxayna intaas ku dartay in tirada dhimashada 5% korortay toodbaadkii hore.

Machadka caafimaadka Jaamacadda Washington ayaa saadaalisay in tirada dhimashada gaari doono 378,000 oo ruux dhammaadka sanadkan 2020, iyadoo maalin kasta geeriyoon doonaan 3,000 ilaa bartamaha bisha December. Dadka dhaliila maamulka Trump waxay sheegeen in xogaha feyraska ay tilmaan u tahay sida maamulka ugu guul dareystay in uu wax ka qabto safmarka.

“Karti xumada iyo beenta Donald Trump ayaa sabab u ah in aan aragno lixdii bilood ee la soo dhaafay in Mareykanka ay ka dhintan dadkii ugu badnaa taariikhda, sidaa waxaa isniintii sheegay musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden.

Gobolada ugu dhimashada badan waxaa kamid ah, gobolada koofureed ee Mareykanka Texas iyo Florida waxana ku soo xigay California. Isniintii, Trump waxaa uu qirey in dalka uu xaalad xun ku jiray.

Trump ayaa ka dambeeyay Joe Biden ra’yi uruurin la sameeyay inkastoo aad isugu dhow yihiin haddana Madaxweyne Trump waxaa caqabad ku ah sida uu u maareeyay safmarka COVID-19 iyo dhaqaale burbruka wadanka ku qabsaday ayaa laga yaabaa in codad badan ku waayo doorashada 3 bisha November.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha XFS oo Kulan wada jir ah ka Yeeshay Xoojinta Arrimaha Shaqooyinka Qaranka

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane...

Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...