Home Blog Page 306

Ra’iisul Wasaare Xamsa: in ka badan 215 goobood oo kala duwan ayaa lagu xoreeyey khawaarijta

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo 22 Agoosto ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagaga waydiinayey waxqabadka Xukuumadda ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka khawaarijta iyo guullaha laga gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas ku soo bandhigay guullaha ay xukuumaddu ay ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, garsoorka, adeegyada aasaasiga ah, iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda ay si guul leh uga hortagtay kooxda Khawaarijta, iyada oo fulisay hawlgallo ciidan oo lagu xoreeyey in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo ku yaal gobollada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in si weyn hoos loogu dhigay falalkii argagixisadu ay geysan jireen ee lagu xasuuqi jiray shacabka Soomaaliyeed, waxaana la curyaamiyey ilihii dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda ay kooxdaasi ku hawlgeli jirtay.

Maxkamada Sare Ciidamada oo xukun ku riday Eedaysanayaal loo haystay dilka Guddoomiyihii Mareereey

0

-Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd 30-kii Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 30-kii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka

Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay,Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

 

Duqa Muqdisho oo kormeer ugu tagay Ciidamada Amniga ee ku sugan Degmada Garasbaaley

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa kormeer dhiiragelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee Howlgalka Amni xaqiijinta ka wada duleedka Degmada Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho, ayaa ku amaanay ciidmada sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hureen bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka soomaaliyeed, waxaa uuna si gaar ah u xusay 4-marxuum oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo isku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxo oo lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka, asigoona balan qaaday in uu ka-faalad qaadayo qoyskooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saraakiisha laamaha amniga ku wareejiyay Deeq isugu jirtay Xoolo (Neefaf Ari ah) iyo Agab kale oo ay istecmaalaan Ciidamada, taasi oo qeyb ka ah dhiira-gelinta, ka warqabka iyo kor joogteynta ciidamada ku howlan sugida amniga iyo bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkaan, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir Mudane Cabdifataax Shaaweeye, Guddoomiyaha Degmada Garasbaaley, Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag, Culuma’udiin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Laamaha Amniga.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha oo kulan la qaatay Qaar mid ah Deeq bixiyaasha Soomaaliya 

0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdixakiin Xasan Ashkir, Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), ayaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya, kulan muhiim ah oo ku saabsan qiimaynta hirgalinta Aqoonsiga Danabeysan ee sharciga ah ee Soomaaliya la qaatay qaar ka mid ah Waddamada iyo Hay’addaha deeq bixiyayaasha ah ee Soomaaliya taageera.

Kulanka waxaa ka qaybgalay madax ka socday Waddamada Norway, Sweden, Swizerland, Dernmak, Uk, Bangiga Aduunka, UNDP iyo Somali Joint Fund.

Dood iyo falaqeyn dheer kadib, waxaa ay mas’uuliyiinta ka socday waddamadii shirka ka soo qayb galay iyo hay’addaha soo bandhigeen sida ay uga go’antahay in ay Soomaaliya ka taageeraan hirgalinta Aqoonsiga Danabeysan ee Sharciga ah.

Intaas kadib Wasiir Cabdixakiin Xasan Ashkir oo soo xiray shirka, ayaa ugu mahadceliyey wadamadii iyo hay’adihii shirka kasoo qayb galay taageerada ay la garab taaganyihiin dhisamaha hay’adaha dowladda iyo taageeradooda dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo bandhigay wixii u qabsoomay Xukuumadda DanQaran

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagaga waydiinayey waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo jirsatay labo sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas ku soo bandhigay guulaha ay xukuumaddu ay ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, garsoorka, adeegyada aasaasiga ah, iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay si guul leh uga hortagtay kooxda Khawaarijta, iyada oo fulisay hawlgallo ciidan oo lagu xoreeyey in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo ku yaal gobollada Soomaaliya.

Hawlgalladan ayaa si weyn hoos ugu dhigay falalkii argagixisadu ay geysan jireen ee lagu xasuuqi jiray shacabka Soomaaliyeed, waxaana la curyaamiyey ilihii dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda ay kooxdaasi ku tiirsanayd.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku nuuxnuuxsaday guusha weyn oo ay xukuumaddu ka gaartay arrimaha dhaqaalaha, isagoo xusay in lagu guuleystay in dalkeenna laga dulqaado $4.5 bilyan oo dayn ah, kaddib markii la dhammeystiray hannaankii dayn cafinta. Wuxuu intaa ku daray in dakhliga dalka uu kordhay 25%, taas oo kaalin weyn ka qaadatay koboca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in xukuumaddu ay meelmarisay sharciyo iyo siyaasado muhiim ah oo la xiriira, caddaaladda iyo garsoorka, isagoo sidoo kale tilmaamay in la xoojiyay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo lacag dhaqista. Tallaabooyinkan ayaa abuurtay kalsooni dheeraad ah oo ay dadweynuhu ku qabaan nidaamka garsoorka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuuxnuuxsaday in Xukuumadda DanQaran ay ka shaqeynayso sidii dalkaan looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, iyada oo la diyaariyey shuruucdii doorashooyinka, una gudbisay labada gole ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay guulaha la xiriira in Soomaaliya ay ku biirtay Ururka Suuqa Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo suurta gelinaysa fursado dhaqaale iyo ganacsi. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga qaaday dalkeenna cunaqabateyntii hubka ee saarneyd iyo in aan hananay kursiga Golaha Ammaanka ee QM.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed taageeradooda iyo ka qeyb-galkooda kulanka, isaga oo ballan qaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo loo doortay guddoomiyaha Guddiga arrimaha Dibadda BJFS 

0

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay kulan guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka uu ku dooranayay guddoomiyaha cusub ee guddiga.

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxaa xilka guddoomiyaha guddiga ku tartamayay laba musharax oo kala ah Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle iyo Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Xubnaha guddiga ayaa Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo doorashada ka dib hadlay ayaa guddoomiyaha cusub ee guddiga kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga ,isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyeen.

Doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha shacabka ayaa waxaa goob joog ahaa habdhowre kuxigeenada golaha, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Guddiyada golaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Warbixiyay Wadahadaladii U Dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, oo ay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ay “si qasab ah” ku joogaan Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in hadaladaasi ay sii adkeynayaan Xaaladda jirta.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah sanadihii 2007-2008, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca 800 kun oo qof.

“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaas waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, hadii ay tahay maal ama dhiigba.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa bogaadiyay mowqifka dowladda Turkiga ay ku dooneyso in xal looga gaaro xiisadan, isagoo rajeeyay in wareegga soo socda uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.

Golaha Wasiirrada Oo Soo Saaray Qaraar Ku Saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA)

Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin:

Qodobka 1-aad

Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA)

1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA).

2. Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA).

3. Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqangalka ah.

Qodobka 2-aad Hay’adda Dawladda Mas’uulka uga ah Dakhli Ururinta

1. Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

Qodobka 3-aad Dejinta Tacriifadaha

1. Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

3. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka.

Qodobka 4-aad

Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016

1. Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqangalka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019.

2. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin.

3. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara.

4. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan:

(b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay.

(t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.

(j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose.

Qodobka 5-aad Qodobo Qubane ah

1. Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho waa in la dhimo qiimaha adeegga konton boqolkiiba (50%) iyadoo khidmadda kasoo xaroota lagu qabanayo Khasnadda Midaysan.

2. Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecaddaha kala soo daga furdooyinka Soomaaliya waxaa la farayaa inay shahaadada caddaynta tayada baddecadda ay kala yimaadan shirkadda Veritas ee Dawladda Soomaaliya ugu xilsaaran hubinta tayada badeecadaha.

3. Waxaa la joojiyay lacagaha howl fududeynta ah ee aan sharciga ku saleysneyn ee ganacsatada looga qaado Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha.

4. Dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Shirkadda Alport Mogadishu, kuwa Furdada, Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo hay’addaha kale ee amniga ma samayn karaan xannibaad ama daahis ay ka dhalan karto kharash ku siyaada badeecadda Dekadda.

5. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe lagu fududeynayo adeegayada laga bixiyo Dekedda Muqdishu.

6. Dhammaan shirkadaha dillaalayda furdooyinka iyo wakiiladda maraakibta (customs brokers & shipping lines) waxaa ka mamnuuc ah inay ku dallacaan ganacsatada lacagaha fududeynta ah oo lagu bixiyay si sharci daro ah.

7. Waxaa la joojiyay lacagaha laga qaado gaadiidka xammuulka ah ee ka baxa baraha koontaroolada ah ee magaalada Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad.

8. Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar.

9. Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.

10. Wasaaradda Ganacsiga waxaa la farayaa in ay u kuurgalid iyo wadatashiyo ka soo samayso cabashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya ganacsatada, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.

11. Waxaa la farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada inay keento qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ka jira gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Muqdisho, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Shiinaha

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha usoo magacowgay dalkeenna Mudane Wang Yu ayaa ka guddoomay Warqadaha aqoonsigiisa Safiirnimo.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran, waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa mudane Xi Jinping.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha Ganacsiga Africa iyo Hindiya

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha’ Mudane Cabdisalaam Shariif Xusseen, ayaa ka qayb galay shirweynaha ganacsiga Africa iyo Hindiya (Indian African conclave 19th CII) oo ka socdo magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya.

Shirka oo sanadle ah ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socda inta badan dalalka Qaaradda Africa, waxanay madaxda halkaasi ka hadashay sheegeen in kobaca ganacsi iyo dhaqaalaha Qaarada Africa uu dardar xooggan ku socdo.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Hindiya, Jagdeep Dhankar ayaa ku dheeraaday xiriirka Hindiya iyo Africa maalgashiyada labada dhinac iyo sida ay weli diyaarka ugu yihiin in ganacsiga iyo suuqyada Africa wax soo saarkooda kor loo qaado.

Africa iyo Hindiya ayaa inta badan waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga ah.