Home Blog Page 305

Taliyaha Ciidanka XDS oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga ku soo dhaweeyay Muqdisho

0

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibrahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa garoonka ciidanka Cirka kusoo dhaweeyay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo tababar kuso qaatay dalka Ereteriya.

Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo khudbad u jeediyey cutubyadan tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in xilli loo baahnaa ciidankaan ay dalka dib ugu soo laabteen

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka cimillada ee heer Wasiir.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka cimillada ee heer Wasiir.
Shirkan oo ah midkii labaad ee ay yeeshaan Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka Cimilada ayaa looga hadlay sidii dalku u gaari lahaa isku filnaansho dhanka cunnada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka oo saamayn balaaran ku leh shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay siday ay Xukuumadda #DanQaran uga go’an tahay dardar gelinta arrimaha la xiriira wax-soo-saarka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ula soo bixi lahaayeen dalagga dalka isla markaana uga faa’ideysan lahaayeen khayraadka noocyada badan ee dalkeenna ceegaaga.

Shirweynaha 5-aad ee Caafimaadka oo maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb

0
Shirweynaha 5-aad ee wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha caafimaadka ee dowladaha xubnaha ka ah federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb, waxaana furay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.
Wasiirro iyo Agaasimayaal ka kala socda wasaaradaha caafimaadka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka ayaa Dhuusamareeb u yimid ka qeyb galka shirkaan oo soca doona muddo labo maalmood ah.

Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo celisay muwaaddiniin ku xannibnaa dalka Liibiya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 99 muwaaddiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muddo ku jiray xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.

Muwaaddiniintan oo hab tahriib ah ku galay Liibiya ayaa waxaa soo celintooda iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS iyo Hay’adda socdaalka Adduunka IOM ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay Ergeyga gaarka ah ee xafiiska Madaxweynaha JFS u qaabbilsan soo galootiga iyo xaquuqda carruurta, Maryan Yaasiin Jaamac iyo Raage Cusmaan oo ah Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Agaasimaha waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS , Raage Cusmaan ayaa Waraabhnta Qaranka u sheegay in muwaaddiniintan oo ka koobnaa 88 rag ah iyo 11 haween ah ay 47 ka mid ah ka dejiyeen magaalada Hargeysa, halka 52 kalena la keenay Muqdisho.

Agaasime Raage ayaa howshan ugu mahad celiyay madaxweynaha JFS, Hay’adda socdaalka Adduunka IOM iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya, wuxuna dhallin yarada Soomaaliyeed faray in ay dalkooda iimaansadaan kuwa doonaya tahriibkana ay ku tusaale qaataan muwaaddiniintan maanta lasoo celiyay.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan muwaaddiniin kale oo ku xanniban dalka Liibiya, kuwaas oo dhowaan ay rajeynayaan in dalka dib loogu soo celiyo.

JIDKAAN MEEL KALE OO LOOGA LEEXDO MA LEH (WARBIXIN)

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen dagaalkan, maadama gacanta Argagixisada laga saaray deegaanno badan oo istaraatiiji u ah isu-socodka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, waxaana gacanta Dowladda dib loogu soo celiyay in ka badan 120 goobood oo isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ay sanad gudihiis looga ciribtiray Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo intaas ka mug weyn, maadaama Argagixisadu ay yihiin Aafo calami ah oo lagu dabar-gooyo iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah, iyadoo isaga iyo Taliyaha Ciidanka iyo kan Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aadan in ay iska dulqaadaan Argagixisada ciriiriga ku haysa nolasha dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay doorka horumarineed ee Soomaaliya amni ah ay ka qaadan karto  Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab, waxayna hadaladaasi yimaadeen kadib markii kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka Africom ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Saldhig cusub ka furay Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, kaasi oo ujeedadu tahay sidii halkaasi looga furo Wejiga labaad ee ku wajahan la dagaalanka Kooxda Khawaaijta ah ee Alshabaab,  kadib markii uu kulan la qaatay Madaxda iyo masuuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee Koonfur-galbeed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, iyagoo ballanqaaday in ay safka hore ka galayaan jiidaha dagaalka, abaabulka dadweynaha iyo taageerada wajiga Labaad ee halganka.

Sidoo kale Madaxweyne Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kula qaatay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxgaradka, duubabka dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka, kuwaasi oo uu ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan Soomaaliya xor ka ah Argagixisada, dadkeeduna mideysan yihiin, wuxuuna ku bogaadiyey reer Bakool iyo guud ahaan bulshada Koonfur-galbeed sida ay ugu mideysan yihiin dowladnimada, uguna taagan yihiin in ay iska dulqaadaan Argagixisada dhiig-miiratada ah ee caqabadda ku noqotay horumarka deegaannadooda.

Reer Bakool durba waxa ay bilaabeen la dagaalkan Al-shabaab, waxaaa lagu soo waramayaa in Ururka 260-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ay Khawaarijta kala wareegeen gacan ku heynta deegaanka Eel-Boon oo qiyaasti 48 KM dhanka Galbeedka kaga beegan degmada Waajid ee Gobolka Bokool, iyadoo howlgalka xoreynta Eel – Boon Khawaarijta looga furtay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta Shacabka oo ay uga carareen deegaankaasi.

Dhamme Onkod Macalin Aadan Taliyaha Ururka 260-aad ee Guutada 9aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in deegaankaaasi laga ceyriyay Khawaarijta.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Wasiirka amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka ayaa kormeer ku tagay fadhiyada Ciidanka qalabka sida ay ku leeyihiin magaalada Xudur ee gobolka Bakool, waxayna kala hadleen Ciidamada Qalabka Sida, islamarkaana ay ku dhiiragaliyaan shaqada adag ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in loo baahan inay sii laba-laaban maadama xilligan lagu jiro dagaal ka dhan ah cadowga khawaarijta oo la doonayo in dalka looga sifeeyo.

Ciidamada qalabka sida ee ku sugan fadhiyada kala duwan ee magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa shaqo xooggan ka qabtay dhanka sugida amniga, iyaga oo haatanna u diyar garoobaya dagaalka lagu ciribtirayo kooxda gabalkeedu dhacay ee khawaarijta iyo wajiga labaad dagaalka. “In horumar la gaarsiiyo magaaladdan iyo deeggaannada ku teedsan, bulshadda ku noolna ay hesho adeeg dowladeed oo dhameystiran cidda hortaagan waa kooxda gabalkeedu dhacay, in dadka danta yar ay helaan adeeg caafimaad iyo nolol dhameystiranba cida u diidan waa khawaarijta, waxa kaliya ee noo furanna waa inaan ka xorreyno shacabkeenna dhiig-miiratada la haray” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dib u bilaabay howlgallada lagu baacsano khawaarijta, iyadoo ay la wareegeen gacan ku heynta Deegaanka Ciid ciidka iyo deeganka shabelow oo lala wareegay isna iyo howlgal kale oo ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Galcad iyo Ceel Baca doo ka kala tirsan Galguuud iyo Shabeelada Dhexe.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalo qorshayn ka fuliyay dhulka miyigaa ee u dhaxeeya Deegaanada Caad iyo Shabeeloow ee koonfurta Gobolka Mudug, waxayna Ciidamada ay dhulka miyigaa ah ku baacsanayaan firxadka khawaarijta arxanka daran ee Al-Shabaab, iyadoo uu Taliye ku xigeenka Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor xoogga Dalka Soomaaliyeed Suul-nuuge uu hogaaminayay howlgalka qorshayn.

Ciidamadu waxay gudaha u galeen Saldhigyo khawaarijta ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaala Aagga Shabeeloow, iyadoo ay   kooxda Khawaarijta ah ay iskaga firxadeen Saldhiyo ay ku lahaayeen dhulka Miyiga ah ee Aagga Caad iyo shabeeloow, waxaana lagu soo waramayaa in ay Afka saareen Deegaanka Jowle, maadaama dhulka u dhaxeeya Deegaannada Caad iyo Shabeeloow ay yihiin Dhul banaan ah oo aan laheyn meel lagu gambado ayay nafta ula carareen deegaanka Jowle.

Xoola dhaqatada deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Sh/dhexe oo 15 sano ka dib Xoolahooda u daaqsin geeyey Ciid ciidka Jimbilow, islamarkaana Waddo ayaa laga falay, taasi oo isku xiri doonta Deegaanka Cali Fooldheere iyo Degmada Mahadaay ee Gobolkaasi, kadib markii lagu laayay Maleeshiyaadkii Khawaarijta ee in muddo ah ku go’doonsanaa.

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska (ilaalo Qaran) ayaa iyaguna howlgal qorshaysan oo ka dhan ahaa khawaarijta ka sameeyay dhulka howdka ah oo u dhaxeeya degmada Galcad ee Gobolka Galguduud iyo deegaanka Ceel bacad ee gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo uu howlgakaasi uu hoggaaminaayay taliyaha ururka 4-aad ee kumaandooska ilaalo qaran Dhamme Maxamad Xuseen Aadan, waxayna ciidanku halkaasi ku burburiyeen fariisimo ay Argagidisada ku lahaayeen dhulka howdka ah, islamarkaana doonayay inay isku aruursadaan, si ay dhibaateeyaan Shacabka.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka ay ka war heleen khawaarijta oo isku aruursanayay dhulka howdka ah ayna ku qaadeen weerar qorshaysan , isla markaana dagaal halkaasi ka dhacay ay ku gaarsiiyeen khasaaro xooggan. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka waday deegaanno ku yaal xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halka oo ay ciidanka ka wadaan howlgallo lagu sifeynayo khawaarijta ku dhuumaleysaneyso dhulka howdka ah.

“Jidaan meel kale oo looga leexdo ma leh”, ayuu yiri Madaxweye Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab ayaa sheegay in uu furan yahay oo kaliya Jidka gulufka dagaalka, isagoo tilmaamay inaysan jirin Waddo kale oo looga leexan karo Jidkaasi furan.

 

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dhismaha Waddada Laamiga Via Liberia ee Degmada Waaberi

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray dhismaha Waddada Laamiga Via Liberia ee Degmada Waaberi oo lagu dhisay isku tashiga Bulshada iyo Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Munaasabadda Xarigjarka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Maamulka Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay ka qeyb qaataan Amniga iyo horumarka Caasimadda.

Tirade Suxufiyiinta lagu dilay Qaza tan iyo markii ay bilowdeen duqeymaha oo la shaaciyay

Tirada saxafiyiinta reer Falastiin ee ku geeriyootay duqeynta joogtada ah ee Isra’iil ay ka wado magaalada Qaza tan iyo 7-dii bishan October ayaa gaaray  ku dhawaad Labaatameeya ruux.

Ururka suxufiyiinta Falastiiniyiinta ayaa bayaan ay soo sareen sku sheegay in illaa markii ay bilowden duqeymaha ay Isra’iil ku haysa magaalooyinka Falastiin, gaar ahaan Qaza ay waxyeello kala duwan ka soo gaartay Saxaafadda ka howlgasho magaalada.

Bayaanka Suxufuyiintan ayaa lagu sheegay in duqeymahii ugu denbeeyay ay ku geeriyodeen Wariyaal ay ka mid ahayeen Rushdi Al-Sarraji iyo Khaliil Abu Adxa.

Sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Falastiin gabal dhicii shalay, waxaa duqeyn ka dhacday meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Sheekh Radwaan ee magaalada Gaza, ku geeriyooday Weriye Maxamed Imad, kaasi oo tirade guud ee Suxufiyiinta ku dhintay duqeymaha Isra’iil ka dhigaya 19 Wariye

 

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo dil toogasha ah ku fulisay Rag oo horay dilal u geystay

0

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay Yuusuf Isaaq Nuur iyo Aadan Maxamed Xasan, kadib markii ay dilal ka geysteen degaanada Koonfur Galbeed.

Ex, Dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan, ayaa loo toogtay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan, kaas oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan Loo arkin meedkiisa.

Dhinaca kale Ex. dable Boolis, Aadan Maxamed Xasan Ibraahim oo loo yaqaanay (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Axmed oo ahaa wayeel 65 jira ah, kaasi uu markii dilka loo geysanayay isku dayay in uu Aadan ka waaniyo  isbaaro u taalay mid ka mid ah Xaafadaha magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

0
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan u jeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal gaar ahaan gargaarka bini’aadannimo la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Fei Shengchao.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda wax ku-oolka ah ee ay ka gaysanayaan wax ka qabashada mushkiladda abaaraha, fatahaadaha iyo guud ahaan musiibooyinka bani’aadannimo ee dalkeenna ka jira.
Hay’adda SoDMA ayaa hormuud u ah dadaalllada loogu diyaar garoobayo cimillada El-nino oo laga yaabo in ay saameeyso ilaa hal milyan oo qof oo ku nool gudaha dalka.

Obama oo dhaleceeyay go’doominta Israa’iil ay ku hayso Qaza

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, ayaa dhaleceeyay go’aanka Isra’iil ay saadka ugu jartay Marinka Qaza, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan.

Obama oo xilka madaxtinimada Maraykanka qabtay intii u dhaxaysay 2009 iyo 2017, ayaa yiri: “Go’aanka ay Israa’iil magaalada Qaza kaga jartay cunnada, biyaha, iyo korontada kaliya ma ahan inay ka dhalankarto khatar bini’aadannimo, balse waxay horseedi kartaa inuu sii adkaado ammaanka gobalka”.

Waxa uu intaa ku daray in go’aankaasi uu horseedi karo in ay meesha ka baxdo taageerada caalamka uu siiyo Isra’iil, taas oo laga yaabo inay wiiqdo dadaallada muddada dheer lagu raadinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Qaza, kuwaa oo ay ku jiraan carruur iyo dumar, boqolaal kun oo dadka degaanka ahna waxaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Barack Obama.