Home Blog Page 305

Ra”iisul Wasaare Ku-Xigeenk oo furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska iskaashi ee Hay’adda NIRA Bangiyada Dalka

0

Ra”iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska Iskaashi ee Hay’adda Diiyaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA) iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Iskaashigan ayaa door lixaad leh ka qaadan doona dhaqangelinta nidaamka aqoonsiga qaranka si dadweynaha ay ugu fududaato helitaanka adeegyada asaasiga ah ee nidaamka maaliyadda iyo adeegyada bangiyadu koow ka yihiin.

Waxaa munaasabadda daahfurka sida oo kale ka soo qayb galay, wasiirro ka tirsan xukuumadda, Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe, wakiillo ka socda ganacsatada, bangiyada, ururrada bulshada rayidka iyo martisahaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirk Cusub ee dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Shiinaha usoo magacowday Soomaaliya Wang Yu oo ay wehliyaan diblomaasiyiinta safaaradda.

Ugu horeyn Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo guddoomiyaha Golaha Shacabka soo gaarsiiyay salaan uu kaga waday dhigiisa Dalka Shiinaha ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhoweyntiisa ,isaga oo sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Soomaaliya safiir ka noqdo sidoo kalena ay tahay markii ugu horeysay oo dal Afrika ku yaala uu safiir ka noqdo.

Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan diyaarna ay u yihiin taageerida Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn Jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha uga mahadceliyay taageeradda dhincyada kala duwan leh ay mar walba siiyaan Soomaaliya,ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir qotodheer oo dhinacyo badan ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dalka gaar ahaan labada Baarlamaan isaga oo tilmaamay in ay dhinacyo badan ka wada shaqeyn doonaan,sidoo kalena ay labada wadan wadaagi doonaan aqoonta iyo khibradda Xildhibaanadda labada Baarlamaan.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota

0

-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Hasan Macallin Maxamuud ayaa qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota la yeeshay kulan diiradda lagu saarayay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha cadaaladda iyo geedi socodka dib u eegista Dastuurka.

Culimada ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay dadaallada socda ee horumarinta cadaaladda iyo qabyo tirka Dastuurka, waxayna la wadaageen talooyin iyo soo jeedino dhaxalgal u ah horumarinta dowladnimada.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa culimada uu kulanka la qaatay ku booriyay in ay habka online-ka ah uga qeyb qaataan wadatashiyada ka furan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dib u eegistu ku socoto

 

Dab khasaaro hantiyeed geeystay oo xalay ka kacay Suuqa Marwo Two ee degaanka Ceelasha Biyaha

0

Ku dhawaad 30 ka mid ah dukaamada suuqa weyn ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa xalay gubtay kadib markii Kooxda Khawaarijta qaraxyo ku xireen.

Qeybta Elektarooniga iyo maacuunta ee suuqa Marwo Two ayaa ka mid ah meelaha sida ba’aan dabka u gubay.

 

waxqabadkii ballaarnaa ee u qabsoomey labadii sano ee lasoo dhaafey.

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qeyb ka ah Bandhigga waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ayaa soo bandhigtey waxqabadkii ballaarnaa ee u qabsoomey labadii sano ee lasoo dhaafey.

Bandhigga waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran qeyteeda Caafimaadka xubnaha ka qeyb galaya waxaa hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam waxaana qeyb ka ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Agaasime waaxeedyo iyo howl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudadii labada sano aheyd ee lasoo dhaafey waxaa u hirgaley tallaabooyin waa wayn taasoo qeyb ka ah bandhigga carwada waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran oo ilaa hadda ka socota Muqdisho.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay dhawaan idinla wadaageysaa qodobada wax ku oolka ah ee u hirgaley iyo heerka uu marayo nidaamka Caafimaadka Soomaaliya oo ku jira geediga Caafimaadka loo dhanyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumadda Dan-qaran

0

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumadda Dan-qaran oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ku amaanay Ra’isulwasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo golihiisa wasiiradda wax qabadka muuqda ee ay la yimaadeen mudadii labada sano aheyd oo ay jireen.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in guulaha waxtarka leh ee la gaaray mudadii labada sano aheyd ay horseed u ahaayeen shuruucdii muhiimka aheyd ee ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,wuxuuna Ra’isulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay hogaamintiisa wanaaagsan ee laanta fulinta.

Ugu dambey Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in horumarkan la gaaray mudada kooban ee labada sano ah lagu gaaray wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, mudada harsanna la gaari karo horumar midka hada la gaaray kasii balaaran ,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladooda taageeraan oo ay ku garab istaagaan horumarka dowladnimo ee Dalka.

Madaxweynaha JFS oo qeyb galay bandhigga sanadlaha ah ee waxqabadka Xukuumadda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay Munaasabadda sannadlaha ah ee bandhigga waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha waxa uu bogaadiyey waxqabadka Xukuumadda iyo sida ay uga go’an tahay in ay xaqiijiso himmilooyinka dadka Soomaaliyeed ee xoreynta deegaannada ku jiray gacanta argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta maalgashiga iyo dib u habaynta dowladnimada.

”Xukuumadda DanQaran wixii ay qabatay labadii sano ee la soo dhaafay, waa sadar muuqda su’aal ka dhan, indhaheenna ayaan ku aragnay, guulaha la gaaray wadajir, wada-shaqeyn iyo midnimaa ayaa lagu gaaray”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dalka uu ku tallaabsanayo isbeddello horumarineed oo muddo dhow la dareemayo, kuwaas oo ay saldhig u tahay dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda iyo wadashaqaynta Hay’adaha dowladda.

“Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanaan doonaan labadii la soo dhaafay, Mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa waana ballan qaadeynaa taas”.

Inta ay socotay Munaasabaddu, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhagaystay Wasiirrada Golaha Xukuumadda, kuwaas oo soo bandhigay horumarrada la taaban karo ee ay ku tallaabsadeen muddadii ay xilka hayeen. Wasiirradu waxay si faahfaahsan uga hadleen guulaha la gaaray iyo qorsheyaasha hortabinta leh.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee CXD kormeer shaqo ugu tegay guutada 27-aad ee Abuu dujaana ee CXD.

0

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Col. Maxamed Dhagawayne ayaa kormeer shaqo ugu tegay guutada 27-aad ee Abuu dujaana ee CXD.

Taliyaha ayaa geesiyaashan ka tirsan guutada 27-aad ku amaanay sida ay u gudanayaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday , waxa uuna ku bogaadiyay in ay laba laabaan shaqada mihiimka ah ee ay u haayaan Qaranka Soomaaliyeed.

Danjire Jabril oo ka qaybgalay xaflad sagoontin ah oo loo sameeyay Arday Soomaaliyeed

0

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Nairobi Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qaybgalay xaflad loo sameeyay ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleysatay deeq waxbarasho oo dalka Japan u fidiyay dalka Soomaaliya.

Ardaydaan oo baran doonto Kuliyaddaha kala duwan ee lagu barto jaamacadaha dalka Japan ayaa la filayaa marka ay ku soo laabtan dalka Soomaaliya in kaalin mug leh ka geysataan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Danjire Jabril ayaa si weyn ugu mahad celiyay dowladda Japan deeqdan waxbarasho oo waqtigeeda ku haboon ay u fidisay ardayda Soomaaliyeed. Isaga oo ka hadalaya xaflada Waxa uu danjiruhu yiri “Deeqdaan waxbarasho waxa ay ka tarjumaysa sida hagar la’aanta ah ee dalka Japan ay uga go’an tahay taageedira mashaariicda lagu hormarinayo dalka Soomaaliya, waxaanan si kal iyo laab ah uga mahadcelinaynaa taageeradan qiimaha badan”

Sanadihii lasoo dhaafay, dalka Japan waxa ay Soomaaliya u ahayd mid ka mida saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta. Iyadoo loo marayo wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee Japan ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (JICA),

Dowladda Soomaaliya waxay ilaalinaysa Madaxabanaanida Dalkeeda (WARBIXIN)

0

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Turkiga Mevlüt oo la dardaarmayay Soomaalida,,kana hadlayey aqoontiisa Dibomaasiyada, waxa uu qoray sidan:- “Haddii Qof kugu qabsado Gurigaaga,adigoo Xaqdaradaasi la yaaban,ka waran hadday dadka kugu dhahaan Xaaladda dejiya oo arinta wada-hadal ku dhameeya,Damaacinta Itoobiya ee badda Soomaaliya sidaas ayay la mid tahay . Soomaalidu waa in aanay maanta isku furin daaqad shar ah oo aan hada kadib weligeed xirmi doonin, Dawladda Soomaaliyana waxaan kula talinayaa in aanay Gorgortan Jilicsan Dhulkeeda Itoobiya kala gelin .

Mevlut waa uu si waday hadalkiisa “in badan ayaan diblumaasiyada ka soo shaqeynayay,waan aqaanaa arimahan iyo ifafaalaheeda,maalintaad ogolaataid arimahan oo kale inaad wada hadal ka gashid adiga ayaa lumiyay qiimihii uu ku lahaa dhulkaagu,iyo sharafkaagii oo ah xuduudkaaga .Dadka iyo dawladaha kartida leh waxaa lagu gartaa astaamo gaar ah, dadkaasi wakhtigooda kuma lumiyaan calaacal iyo cabasho. Sababtuna waa inay og yihiin arrimaha dhacaya inay yihiin kuwo lagaga bixi karo adeegsiga caqliga, awood iyo karti iyo in aanay noloshu aheyn 100% mid mar kasta dhinaceeda saxda ah ku siinaysa, laakiinse loo baahan yahay halgan iyo inaad taqaanid wadada saxda ah ee aad xaqaaga ku soo dhacsan laheyd adigoon ka daaheyn.”

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayey xadgudubka Ethiopia ee madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya ayaa yiri “Itoobiya waxaan soo istaajinay meel cidlo ah, Badeenna in xoog lagula wareegana ma ogolin, mana aqbalayno.” Mar uu weydiiyay Raiisul-wasaaraha Wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Hargeysa, haddi uu hirgalo Is-afgaradkii Itoobiya iyo Maamulka Soomaliland ayna gudaha Soomaaliya soo gasho sidee ka yeeleysiin, dagaal ma qaadin doontaa?, waxa uu ku jawaabay Ra’iisul-wasaare Xamsa, “ marka ay timaado dhul Soomaaliyeed, dowladaan iyo Dadka Soomaaliyeed gorgortan kama galayaan dhulka iyo Badda, wax kasta waa noo furan yihiin oo lagu difaaci karo”.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan fartay shirikadda diyaaradaha ee Itoobiya Airline iyo Fly Dubai inay magaca SOOMAALIYA raaciso dhammaan macluumaadka la xirira duulimaadyada ay magaalooyinka Soomaaliya ku tageyso Seddax maalmood ayaana loo qabtay inay arrinkaani ku saxdo. Haddii khaladkaasi ay sixi weydo waxaa shirikadda loo sheegay in duulimaadyada Soomaaliya laga hakin doono, dhammaan duulimaadyada Itoobiya Airline ee Afrika ayaa la raaciyaa magaca dalka ay tageyso. Balse Soomaaliya, kaliya ayay shirikadu qortaa magaca magaalada ay diyaaradu tageyso.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar ku saabsan in shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Flydubai ay duulimaadyadooda Hargeysa ka dhigaan “Hargeysa, Soomaaliya” halkii ay horay uga dhigi jireen “Hargeysa, Somaliland.” Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ugu jiraan inay xaqiijiyaan in hawada dalka oo dhan ay hoos timaado maamulkeeda, iyadoo aan wax aqoonsi ah loo siineynin maamulka Somaliland ee ku andacoonaya inuu yahay dal madax-bannaan.

War shalay ay soo saartay Waaxda Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay si deg deg ah u dhaqan-galay amar kasoo baxay Arbacadii Hey’adda Duullimaadyada Rayidka ee Soomaaliya oo la duldhigay Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai oo sameeyay fal xad-gudub ku ah madax-bannaainda iyo midnimada dalka, iyadoo Shirkadahaan lagu wargeliyay in laga mamnuuci doono hawada Soomaaliya iyo duullimaadyada ay ku tagaan magaalooyinka dalka haddii aysan 23-ka August 2024, boggagooda si rasmiga ah uga saarin magaca Somaliland, marka ay duulimaadkooda Hargeysa iyo Muqdisho ka hadlayaan, maadaama labada magaalo ay Soomaaliya kawada tirsan yihiin.

FlyDubai oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay ayaa bishii June ee sanadkan joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Muqdisho, hase ahaatee waxay duulimaad ku tagtaa todobaad kasta magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale 1991.

Digniinta kale ee loo diray Fly Dubai, ayaa lagu xusay in shirkaddaasi ay sameysay qaladaad la xiriira metelaadda saxda ah ee Soomaaliya, waxaana loogu baaqay inay si sax ah u raaciso magaalooyinka magaca Soomaaliya dhammaan adeegyadeeda. Soomaaliya ayaa tillaabooyinka ay qaadeen shiirkadahan u aragta kuwa shaki gelinaya madaxbannaanideeda iyo in aan la tixgelineynin habmaamuuska rasmiga ah ee caalamiga ah ee duulista.

Go’aankan ayaa si weyn uga careysiiyey dadka reer Somaliland, oo u arkay arrintaan mid khatar ku ah qaranimada iyo madax-bannaanida ay ku doodaan. Dadweynaha qaar ayaa si cad uga hadlay dareenkooda, iyagoo sheegay in shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai ay ku xadgudbeen qaranimada Somaliland oo ay u hoggaansameen awaamiirta dowladda federaalka ee Muqdisho.

“Waxaan aad uga xunahay in shirkadaha diyaaradaha ay ugu xadgudbeen qaranimada iyo sharafta dalkeena, markii ay u hogaansameen awaamiirta dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada reer Hargeysa.

Dhanka kale, maamulka Somaliland weli kama hadlin arrintaan, waxaana la sugayaa tallaabada ay ka qaadan doonaan shirkadahaas diyaaradaha ee u hoggaansamay amarka dowladda federaalka Soomaaliya. Amarkan cusub wuxuu meesha ka saarayaa magaca Somaliland ee loogu isticmaalayey duulimaadyada Hargeysa, taasoo muujineysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay si joogto ah u dadaaleyso in Somaliland loogu arko qeyb ka mid ah Soomaaliya. Tani waxay ku noqotay dhabaha riyada gooni u goosadka ee maamulka Somaliland, taasoo ay ku riyoonayeen inay mar uun noqdaan dal madax-bannaan.

Tan iyo markii uu billaawday khilaafka ka dhashay heshiiska badda ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxaa soo kordhayay xiisadda dhanka maamulka hawada ee u dhexeysa Muqdisho iyo Hargeysa, taasi oo mar jahwareer ku riday diyaaradaha ku yimaada duulimaadyada.