Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga oo tababar uga furmay Shiinaha

Date:

Agaasimaha waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya Marwo,Ikraan Maxamed Cabdullaahi oo madasha ka hadashay, ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin tababarkaan qiimaha badan,islamarkaana ka faa’ideysan doonaan qibradda iyo waayo-aragnimada Dowladda Shiinaha ee xagga Kheyraadka Biyaha.

Ms. Lin Huifang, ku xigeenka Agaasimaha guud ee FECC, oo sharaxday ujeedooyinka tababarkan, ayaa hoosta ka xariiqay inuu daaran yahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa ka faa’ideysiga Kheyraadka Badda sida Kalluumeysiga, wuxuuna howlwadeenadda tababarka loo furay kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan tababarkan, islamarkaana wixii wanaagsan ay u gudbiyaan shacabka ay wakiilka ka yihiin.

Ugu dambeyn, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjie Cali Cawaale Kullane, ayaa muujiyay doorka muhiimka ah ee kalluumeysiga Soomaaliya iyo suurtagalnimada in la wanaajiyo iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya, waxaana tababarkan uu socon doonaa 10-ka Luulyo ilaa 30-ka Luulyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....