Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin wax wada hadal ah oo na dhex yaalla annaga iyo Khawaarijta”

Date:

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad dhinacya badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka

kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku ciliyay

in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay dowladdu la furtay khawaarijta, wax ka dhaxeeyana aysan jirin.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne xasan sheekh in warkaa uu yahay mid been abuur ah,dadka Soomaaliyeed ayuuna faray in ay iska saaraan walaahoowga arrintaasi ku aaddan.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin wax wada hadal ah oo na dhex yaalla annaga iyo Khawaarijta”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay laysla dhex marayay in uu jiro qorshe ku aaddan wada hadallo lala furo khawaarijta, taas oo uu madaxweynuhu ku sheegay wax aan jirin oo aan sal iyo raad lahayn, isag oo ku cel-celiyay in aysan muuqan wax ay ka wada hadlaan khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...