Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin wax wada hadal ah oo na dhex yaalla annaga iyo Khawaarijta”

Date:

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad dhinacya badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka

kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku ciliyay

in aysan jirin wax wada hadal ah oo ay dowladdu la furtay khawaarijta, wax ka dhaxeeyana aysan jirin.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne xasan sheekh in warkaa uu yahay mid been abuur ah,dadka Soomaaliyeed ayuuna faray in ay iska saaraan walaahoowga arrintaasi ku aaddan.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin wax wada hadal ah oo na dhex yaalla annaga iyo Khawaarijta”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay laysla dhex marayay in uu jiro qorshe ku aaddan wada hadallo lala furo khawaarijta, taas oo uu madaxweynuhu ku sheegay wax aan jirin oo aan sal iyo raad lahayn, isag oo ku cel-celiyay in aysan muuqan wax ay ka wada hadlaan khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...