Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka qeyb galay Munaasabad lagu sagootinayay Taliyahii hore howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Date:

-Taliska Ciidanka xoogga Dalka ayaa xalay Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu sagootinayay Taliyahii hore ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) Gen, Fulvio Poli kaas oo dhawaan xilkii uu ka idlaaday.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa u Mahad-celiyay Gen, Fulvio Poli waxuuna ku amaanay xil gudashadiisa muddadii uu ku sugnaa Soomaaliya, waxuuna u rajeeyay Mustaqbal wanaagsan.

Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxaa dhawaan loo soo magacaabay Giuseppe Zizzari xilka ayuuna kala wareegay Gen, Fulvio oo sagootiin qiima sara leh loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Saraakiil sare oo ka tirsan DFS, Turkiga, Mareykanka iyo Howlgalka ATMIS ayaana goobjoog ahaa Munaasabadda sagootinta Taliyahii hore ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...