Home Blog Page 307

Golaha Wasiirrada Oo Soo Saaray Qaraar Ku Saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA)

Golaha Wasiirradu Wuxuu Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin:

Qodobka 1-aad

Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA)

1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA).

2. Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA).

3. Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqangalka ah.

Qodobka 2-aad Hay’adda Dawladda Mas’uulka uga ah Dakhli Ururinta

1. Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

Qodobka 3-aad Dejinta Tacriifadaha

1. Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

3. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka.

Qodobka 4-aad

Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016

1. Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqangalka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019.

2. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin.

3. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara.

4. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan:

(b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tracking) oo ay horay loo galay.

(t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.

(j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose.

Qodobka 5-aad Qodobo Qubane ah

1. Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho waa in la dhimo qiimaha adeegga konton boqolkiiba (50%) iyadoo khidmadda kasoo xaroota lagu qabanayo Khasnadda Midaysan.

2. Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecaddaha kala soo daga furdooyinka Soomaaliya waxaa la farayaa inay shahaadada caddaynta tayada baddecadda ay kala yimaadan shirkadda Veritas ee Dawladda Soomaaliya ugu xilsaaran hubinta tayada badeecadaha.

3. Waxaa la joojiyay lacagaha howl fududeynta ah ee aan sharciga ku saleysneyn ee ganacsatada looga qaado Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha.

4. Dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Shirkadda Alport Mogadishu, kuwa Furdada, Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo hay’addaha kale ee amniga ma samayn karaan xannibaad ama daahis ay ka dhalan karto kharash ku siyaada badeecadda Dekadda.

5. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe lagu fududeynayo adeegayada laga bixiyo Dekedda Muqdishu.

6. Dhammaan shirkadaha dillaalayda furdooyinka iyo wakiiladda maraakibta (customs brokers & shipping lines) waxaa ka mamnuuc ah inay ku dallacaan ganacsatada lacagaha fududeynta ah oo lagu bixiyay si sharci daro ah.

7. Waxaa la joojiyay lacagaha laga qaado gaadiidka xammuulka ah ee ka baxa baraha koontaroolada ah ee magaalada Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad.

8. Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar.

9. Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.

10. Wasaaradda Ganacsiga waxaa la farayaa in ay u kuurgalid iyo wadatashiyo ka soo samayso cabashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya ganacsatada, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.

11. Waxaa la farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada inay keento qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ka jira gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Muqdisho, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Shiinaha

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha usoo magacowgay dalkeenna Mudane Wang Yu ayaa ka guddoomay Warqadaha aqoonsigiisa Safiirnimo.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Safiirka cusub sida diirran ee uu u soo bandhigay doonista uu u qabo inuu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay ahmiyad ay leedahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Safiirka cusub ee Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhaweynta diirran, waxa uuna soo gaarsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa mudane Xi Jinping.

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha Ganacsiga Africa iyo Hindiya

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha’ Mudane Cabdisalaam Shariif Xusseen, ayaa ka qayb galay shirweynaha ganacsiga Africa iyo Hindiya (Indian African conclave 19th CII) oo ka socdo magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya.

Shirka oo sanadle ah ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socda inta badan dalalka Qaaradda Africa, waxanay madaxda halkaasi ka hadashay sheegeen in kobaca ganacsi iyo dhaqaalaha Qaarada Africa uu dardar xooggan ku socdo.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Hindiya, Jagdeep Dhankar ayaa ku dheeraaday xiriirka Hindiya iyo Africa maalgashiyada labada dhinac iyo sida ay weli diyaarka ugu yihiin in ganacsiga iyo suuqyada Africa wax soo saarkooda kor loo qaado.

Africa iyo Hindiya ayaa inta badan waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga ah.

Taliyaha NISA oo gaaray goobtii lagu fashiliyay Qaraxyadii ay soo abaabuleen Khawaarijta

0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan qaraxyadaas.

Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aaggaas.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo daah furay Masruuca Iskaashiga Caalamka ee Waxbarashada dalka

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah furay Masruuca Iskaashiga Caalamka ah ee Waxbarashada dalka.

Mashuurcaan oo ay dowladda Soomaaliye ka taageerayaan saaxiibbada Caalamka, ayaa ah mid kor loogu qaadayo hannaanka Waxbarashada dalka, iyadoo is beddal lagu sameynayo Waxbarashada dalka.

Munaasabadda daah furka, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Maaliyadda,wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.Mashruucan ayaa qeyb ka ah Barnaamijka GPE oo ah Barnaamij lagu taageero Waxbarashada dalalka soo koraya oo dowladda Soomaaliye ay codsatay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo China

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeyb galay Shirka lixaad ee iskaashiga China iyo Afrika ee dhinaca Warbaahinta oo maanta ka furmay magaalada Beijing ee caasimadda dalka China ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay ahmiyadda iskaashiga Soomaaliya iyo China iyo Afrika iyo China.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dowladda China casuumaadda iyo soo dhaweynta wanaagsan oo ay u sameeyeen wafdigii uu hoggaaminayay Wasiirka ee shalay soo gaaray dalka China.

Wasiirka ayaa yiri “Warbaahinta waxa ay lagama maarmaan u tahay dhismaha nabadda, horumarinta dowlad wanaagga, la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo horumarka bulshada, casriyaynta iyo horumarka xowliga ah ee warbaahinta dunida waxa ay u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay yeeshaan dowladaha, qabashada shirkan wuxuu muhiim u yahay xoojiynta wada shaqeynta iyo iskaashiga dowladaha Afrika iyo China, waana tusaale muujinaya ka go’naanta dowladda China ee hagaagjinta xiriirka Qaaradda Afrika”

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys, ayaa dowladda China ku amaanay sida ay u taageereen madax banaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya markii ay ku soo xad gudubtay  dowladda Itoobiya oo la saxiixatay heshiis sharci darra ah gobol ka mid ah Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo China ee dhinaca warbaahinta iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

” Si gaar ah maadaama Soomaaliya oo soo koraysa, kuna jirto marxalad dib u xasilin dalkeeda iyo la dagaallanka argagaxisadda, ahmiyad gaar ah ayay innoo leedahay iskaashigan horumarinta warbaahinta”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys ayaa sidoo kulan doceedyo la qaatay madaxda heerka sare ee ka qeyb galay shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo China oo ay ka  mid tahay Wasiirka Warfaafinta China oo xubin sare ka ah Golaha Dhexe ee  Xisbiga Hantiwadaagga ee dalka ka arrimiya Ms CAO Shumin.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xarunta cusub ee Baasaboorrada ka dhagax dhigay Degmada Boondheere

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta cusub ee Baasaboorrada oo laga hirgelinayo Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, Guddoomiyaha Degmada Boondheere iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda dhagaxdhigga.

Ciidammada Amniga oo Ummadda ka badbaadiyeen laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa

0

Ciidamada amniga, ayaa duleedka Muqdisho ku qarxiyay labo gaari oo ay Khawaarijta arxanka daran ku dooneysay in ay ku waxyeelleyso Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, oo u waramay Radiomuqdisho ayaa sheegay in ciidanka Amniga Qaranka ay saakay xilli hore duleedka Muqdisho ku qarxiyeen labo Gaari oo  Khawaarijtu doonaysay in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Al-Cadaala ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen geesiyaasha Qaranka iyo sida ay uga hor tageen dhagarta cadowga.

“Ciidamada geesiyaasha ee Qaranka ayaa saaka duleedka Muqdisho ku qarxiyay labo Gaari oo Khawaarijtu ay doonaysay in ay Shacabka ku layso, duco iyo bogaadin ayay mudan yihiin halyeeyada fashiliyay cadawgaas, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Kooxda Bani’aadannimada ee Soomaaliya HCT

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax ku ool ah oo la xariira xaaladda dalka la qaatay Kooxda Bani’aadannimada ee Soomaaliya (HCT) oo uu hoggaaminayo kuxigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka, George Conway.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee waddanka ka taagan, iyadoo in ka badan 6.9 milyan oo qof ay xilligaan u baahan yihiin gargaar degdeg ah, halka la carabaabay cuuryaaminta ay kheyraadka dalka ku hayaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa gacan-ku-rimiska ah ee colaaduhu ugu horreeyaan.

Guddoomiyaha Hay’adda, ayaa tilmaamay shaqada adag ee SoDMA ka qabatay howlaha la xariira ka hortagga iyo yareynta saameynta musiibooyinka tan iyo dib u howlgalinteedi, isagoo xusay in mar kasta Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay qaadashada doorkeeda, isla-markaana soo bandhigay hannaanka loo baanahan yahay in lagu wada shaqeeyo.

Guddoomiye Maxamuud Macallin, wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay ku fadhiso Madasha Bani’aadannimo ee dalka ee soo socota, dadaallada hay’adda ee ka hortagga leexsashada gargaarka, ilaha dhaqaale oo xaddidan iyo in loo baahan yahay xoojinta u diyaargarowga, dhisidda awoodda, kor u qaadista iyo isku-duwidda ka hor musiibooyinka.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo Qaabbilay Madaxa hay’adda Caalamiga ah ee USAID

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiimad gaar ah leh, waxaana si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo USAID si loo kordhiyo dadaallada horumarineed.

Labada mas’uul ayaa isla soo qaaday ajendaha kulanka soo socda ee wax-ka beddalka Hiigsiga Horumarinta Tobnaad, kaas oo lagu horumarinayo dhaqaalaha, laguna xoojinayo dedaallada dimuqraadiyadda, maamulka, iyo xasilinta dalka.

Dhinacyada ayaa isla gartay siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi dhex mara Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo USAID, iyadoo si gaar ah loo eegay kor u qaadista wada-shaqaynta dhinacyada qorshaynta, kormeerka iyo qiimeynta si loo gaaro natiijooyin horumarineed ee muuqda.