Home Blog Page 307

Saad loo waday Khawaarijta oo lagu qabtay Bariga Galgaduud.

Ciidanka amniga ee ku sugay Deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Shidaal iyo Raashin ay si qarsoodi ah ku gudbisanayeen kooxaha Khawaarijta.
 
Deegaanka Dawacooleey oo u dhaxeeya Gadoon iyo Xiindheere ayeey ka qabteen Gaari Xamuul ah oo saanad aad u badan u siday Khawaarijta.
 
Khawaarijta oo helay xogta ah in saanadooda gacanta lagu dhigay ayaa isku dayay in ay weeraraan ciidan deegaanka Balse cashar ayaa loo dhigay waxaana laga dilay 3 ka mid ah khawaarijtii weerarka soo qaadday.
 
Sawiradani waa qayb kamid ah shidaalka iyo raashinka la qabtay ee khawaarijta loo wadey, waxaana go’doon adag uu saaran yahay deegaanada Argagaxisadu maamusho ee Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Wasiirka Difaaca Kenya kala hadlay Xoojinta Amniga labada dal iyo ciribtirka Khawaarijta

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Kulan qado sharaf ah hoygiisa ugu sameeyay Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Difaaca Kenya ayaa ka wada hadlay xoojinta amniga labada dal iyo sidii wadajir la’isaga kaashan lahaa ciribtirka iyo la dagaallanka Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay dhibaatada argagixisadu in ay saameyn ku wada leedahay waddamada gobolka, ciribtirkooduna uu wax weyn ka beddellayo amniga, nolosha iyo horumar ka tisqaada gobolka.
Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale, ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, wuxuuna ballan qaaday in Dowladdiisu ay kaalin muuqata ka qaadan doonto sidii loo soo afjari lahaa kooxaha Khawaarijta.

MADAXWEYNE SHEEKH OO MADAXTOOYADA QARANKA KU QAABILAY WASIIRKA DIFAACA DALKA KENYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya mudane Aadan Barre Ducaale ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, xasilloonida gobolka iyo dardar galinta dadaalada mideysan ee lagu ciribtirayo argagixiso.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol , si looga adkaado argagixisada cuuryaamiysay horumarka gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageeridda halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daah-furay xarunta Qaran ee Tubsan

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay howlgelinta xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee Tubsan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in la wiiqay awooddii Khawaarijta ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Tubsan looga fadhiyo sidii ay u ciribtiri lahayd afkaarta gurracan ee kooxaha Khawaarijta ay uga been sheegayaan diinteenna suubban, isagoo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay argagixisadu marin habaabisay in ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee ay dowladdu siinayso, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan dadkooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hoggaanka Tubsan in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Khawaarijta ay baraan afkaar suubban oo ku saleysan nabadda iyo waddaniyadda.
Munaasabadda Xarunta Qaran ee Tubsan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Safiiro ka socday saaxiibada caalamka iyo marti sharaf kale.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARAAQAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA DALKA SWEDEN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalkeenna Mudane Joacim Waern.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Danjire Joacim Waern in uu ka miro Dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, dhanka kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay sidii dowladiisa ay door weyn kaga qaadan lahayd in dalalka caalamka Soomaaliya ka taageeraan dagaalka ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiran sidii dalkeenna looga ciribtiri lahaa khawaarijta Al shabab.

Soomaaliya oo cambaaraysay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Isbitaal ku yaalla Gaza

0

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Isbitaalka Al-Ahly ee Gaza kaas oo ay ku dhinteen boqollaal Falastiiniyiin ah.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu yiri “waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto Sharciga Caalamiga iyo xabbad joojin deg deg ah oo shuruud la,aan ah “
Dad ka badan 500 oo qof oo u badan haween iyo carruur ayaa ku dhintay duqeynta Xalay ay isra’il la beegsatay cisbitaalka Al-Ahly .

Inta badan dowladaha caalamka iyo ururrada samafalka ayaa sidoo kale cambaarayn xooggan u jeediyay gebi ahaan duqymaha lagu beegsanayo shacabka ee ay Israa’iil ka waddo marinka Gaza, iyagoo ku baaqay in la joojiyo duqeymaha si shacabka loo gaarsiiyo kaalmo bini’aadan-nimo.

 

Al-Sisi: barakicinta shacabka Falastiin waxay nagu dhiiro galineysaa dagaal ka dhan ah Isra’iill

Madaxweynaha Masar Cabdul Fataax Al-Sisi, ayaa ka digay sii socoshada duqeymaha milateri ee ka socda mgaalada Qaza, wuxuuna sheegay in haddii ay sii socdaan ay yeelan doonaan saameyn amni iyo mid militari oo faraha ka baxdo.

Al-Sisi, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta oo Arbaca ah qabtay ku sheegay mar uu xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Schulz, in barakicinta Falastiiniyiinta ay ka dhigan tahay in Israa’iil ay dalbaneyso dagaal, isagoo wacad ku maray in waxii ka dhaca go’doominta marinka Qaza, ay mas’uuliyadeeda qaadi doonta Isra’iil.

Madaxweynaha Masar ayaa yiri; “Sii wadida duqeymaha milatari ee lagu gumaadayo shacabka Qaza, waxa ay saamayn ku yeelan doontaa gobolka waxana laga yaabaa in ay faraha ka baxdo, indhaha lagama daboolan karo dilka dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan”.

Shalay ayay aheed markii Xukuumadda Qaahira ay ugu baaqday Israa’iil inay joojiso beegsiga iyo duqeymaha ay ku hayso dadka rayidka ah, ayna ogolaato in halkaasi la gaarsiiyo gargaarka bini’aadannimo.

 

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlaya howl gallada lagu cirib tirayo khawaarijta

0
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Mudane Aadan Barre Ducaale.
Labada dhinac ayaa gali doona wadatashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardargalinta howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada xoogan ku haya Shucuubta gobolka.

Haniya: Iska caabintu way sii socon doontaa ilaa Gumeesiga uu ka baxo dhulkeena xurmada leh

Madaxa Xafiiska Siyaasadda dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta Islaamiga ah ee Xamaas, Ismaaciil Haniya, ayaa sheegay in xasuuqii ay Ciidamada Isra’iil ka geysteen Isbitaalka magaalada Qaza uu caddeeyn u yahay  naxariis darada Isra’iil iyo baaxadda jabka gaaray.

Ismaaciil Haniya, oo la hadlayay Warbaahinta ayaa Carrabka ku adkeeyay in xasuuqa Yahuudda aanay wiiqi doonin go’aanka dadka reer Falastiin, ee jecel xoriyadda dhulkooda iyo dalkooda,” isagoo intaa ku daray in iska caabbintu ay sii socon doonto ilaa gumaystaha uu ka baxo dhulkooda.

Madaxa siyaasadda Xamaas, ayaa ugu baaqay dhammaan shucuubta Islaamka inay garab istagaan Shacabka Falastiin, isagoo sidokale ugu baaqay Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo dhammaan ururada caalamiga ah inay cambaareeyaan daadinta dhiigga Shacabka reer Falastiin.

 

Wasiirka Cadaaladda oo ka qeeyb galay Shirka Gollaha Cadaaladda Carabta

0
Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq uga qeyb galay fadhiga 39-aad ee Gollaha Cadaaladda Carabta oo markii ugu horeysay lagu qabtay magalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
In shirkaan lagu qabto dalka Ciraaq, dowladda Soomaaliya-na uga qebgasho heer Wasiir ayaa mudan in si gooni ah loo dul istaago, marka la fiiriyo duruufaha amni iyo siyaasadeed ee ay soo martay Dowladda Ciraaq oo sanado ka hor ayna suuragal ahayn in shir noocaan oo kale ah lagu qabto sababo la xiriira kooxaha argagaxisada Daacish iyo Al-qaacida oo dhibaato wayn ku hayay dowladda iyo shacabka Ciraaq, kana hor taagnaa horumar kasta oo ay hiigsanayeen.
Ka qeyb galka shirkaan ee Wasiirka Cadaaladda iyo xubnaha ka socda Garsoorka dalka ayaa wax wayn uga dhigan Soomaaliya maadama ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay wadaagaan duruufo ay ugu horeyso argagaxisada dhibaatada wayn gaarsiisay shacabka labada dal.
Soomaaliya ayaa hada doonaysa inay waaya aragnimo ka qaadato dagaallada iyo dadaallada dalka Ciraaq looga xoreeyay ururada argagxisada iyo soocelinta amniga iyo kala danbeynta iyo dhisida hay’ado garsoor ee awoodda leh, si aan uga faa’iideysanno dal ahaan oo annaguna aan isaga xoreyno Khawaarijta.
Inta shirku socday, waxaa la’is dhaafsaday doodo la xiriira sharciyada muhiimka u ah wadamada jaamacadda Carabta oo ay ugu horreeyaan sharciga dagaalka argagaxisada ee wadamada carabta, sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharciga ka hor tagga lacag dhaqista iyo danbiyaynta in madax furasho la siiyo kooxaha argagaxisada.

Wasiir Xasan Macalim oo khudbad dhinacyo badan taabnaysa ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay ujeedooyinka iyo tiirarka barnaamijka xukuumada Dan qaran iyo dadaallada uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee ay Soomaaliya ku bixineyso la dagaallanka kooxaha argagaxisada iyo ka ciribtirkooda Soomaaliya iyo abuurista iyo tayeynta sharciyada la dagaalnka aragagaxisada, musuqmaasuqa iyo lacag dhaqista.