Madaxweynaha JFS oo kullan la qaatay Madaxda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga Dalka 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga.

Saraakiisha, ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinidii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Ciidanka xoogga ayaa howlgallo ay shakay ka fuliyeen,Jubbaland ku burburiyay goobo ay ku dhuumaalaysan jireen argagixisada,Waxa ayna kula wareegeen halkaas ,Saanad ciidan iyo Deegaano ay Khawaarijtu joogi jireen.Dadka deeganka iyo ciidamada kala duwan ee Dowladda ayaa wado Sifeynta haraadiga Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....