Home Blog Page 1568

Qaar kamid ah dalalkii xayiraadda saaray Qadar oo raadinaya xal diplomaasiyadeed

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Diplomaasiyiin ka kala socda Sucuudiga, Imaaraatka, Baxrayn iyo Masar ay warfidiyeenka ugu sheegeen xarunta Qaramada Midoobay in ay haatan doonayaan in Qatar fuliso lix qodob oo oo waaweyn.

Waxaa kamid ah Qodobada la dagaalanka argagixisada iyo xag jirka iyo in ay joojiso talaabooyinka carinta iyo kicinta ah oo ay waddo Dowladda Qadar.

Danjiraha Sucuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay, Cabdullah al-Mucallimi, ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibadda ee dalalkoodu lixdan qodob ee cusub isku raaceen markii ay ku shireen Qaahira 5 July.

Ilaa iyo haatan majiraan wax jawaab ah oo ay bixisay Xukuumadda Doha oo ku aadan warkaasi ka soo baxay diplomaasiyiintaasi, balse waa ay beenisay in ay taageerto argigixisada.

Kadib shir jaraaid oo  ay ku qabteen magalaad Newyork , Diblomaasiyiinta ka socday afarta dal waxay warbixinta ay ku sheegeen in ay doonayaan in xal diolomaasiyadeed lagu dhameeyo dhibaatadasi taagan.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ka hadlay diidmada lacagaha shillin Soomaaliga

0

Mas’uuliyiinta sare ee dowlada goboleedka Galmudug ayaa war ka soo saaray dhibaatooyinka ka taagan lacagaha shillin Soomaaliga ah, abaaraha iyo dagaalo ka soo cusboonaaday deegaannada maamulka, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato sidii wax looga qaban lahaa arrimahaasi.

Shirjaraa’id uu ku qabtay magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah Galmudug Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa waxaa uu kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhashey isticmaalka lacagaha shillin Soomaaliga ah oo deegaanada Galmudug laga diiday iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

“Shirkan jaraa’id waxaan u qabtay in aan ka jawaabno xaaladaha kataagan deegaanada Galmudug,waxaan ka codsanaynaa dadka qurba joogta ah iyo ganacsatada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha, iyo in laga wada shaqeeyo xal u helista diidmada lacagaha shilin Soomaaliga ah, sidooo kale waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanada Galmudug”ayuu yiri Madaxweyen kuxigeenka Galmudug.

Hadalkani ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa imaanaya, ayadoo muddooyinkii ugu dambeyeey deeganaad Galmudug ay ka taagnaayeen xaalado adag kadib markii ganacsatadu ay diideen in ay qaatana lacagaha shillin Soomaaliga ah.

Suuqyada magaalaad Gaalkacyo iyo deegaano kale oo katirsan Galmudug ayaa laga diiday qaadashada lacagaha shillin Soomaaliga ah taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha bulshada.

Dhallinyaro la baray xirfado ay ku shaqeystaan

0

Iyadoo ay ka socanayaan magaalada Gaalkacyo barnaamijyo ku aadan la dagaallanka shaqa la’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa maanta ku dhawaad boqol iyo lixdan dhallinyara ah loogu soo gaba a gabeeyay magaalada tababar si lacag la aan ah loogu barayay xirfado kala duwan oo ay ku shaqeeysan karaan, kuna maareeyn karaan dhaqaalaha ay ka helaan nolashooda, maadaama ay jiraan kumanaan dhallinyaraha oo ku nool Gobalka Mudug isla markaana ay heysato shaqa la’aan inteeda badan loo tirinayo in ay ka dhalatay aqoon la’aanta dhallinyarada ka heysta xirfadihii  ay ku shaqeeysan lahaayeen.

Tababarkaan oo ay fulintiisa iska kaashanayeen dugsiga tababarka xirfadaha ee Mudug iyo hay’adaha SOSDA iyo Daryeel oo iyagu afartii sano ee u danbeeysay door weyn ka qaatay in in kabadan kun dhallinyara ah isla markaana isugu jira wiilal iyo gabdho ay si lacag la’aan ah uga saacidaan barida xirfado kala duwan oo ay ku shaqeysan karaan, kuwaasi oo qaarkood xiligaan ku mareeya nolashooda xirfado ay bareen  ayaa xirtaankiisii waxaa kasoo qeyb galay  masuuliyiin ka tirsan kuwa Maamulka degnmada Gaalkacyo, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha SOSDA iyo Daryeel, waalidiin iyo marti sharaf kale

Ugu horeyna waxaa munaasabada xiritaanka  ka hadlay Maamulaha xarunta tababarka xirfadaha ee Mudug Maxamed Daahir Aadan ayaa sheegay in boqal konton iyo lix arday oo dhalinyara ah, isla markaana si lacag la aan ah ay u bareen muddo lix bilood ah xirfado ay ka mid yihiin korantada, makaanikada, kumbuyuutarka, solar system-ka iyo luuqadda English-ka ay maanta ka qalin jabinayaan Xarunta Tababarka Xirfadaha ee Mudug ayna yihiin Dufcadii lixaad ee ka baxda xaruntaasi intii ay shaqeynaysay

Sidoo kale waxaa madasha xiritaanka tababarkaan ka hadlaya C/laahi Macalin oo ku hadlayay magaca Hay adda Daryeel waxaaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in wixii ay muddo ay ku taamayeen ay mira dhaleen, isagoo xusay in ujeeddada laga leeyahay barnaamijyadaan ay yihiin kuwa ku aadan in la helo dhallinyaro leh xirfado ay ku shaqeysan karaan.

Ugu danbeyna duqa degmada Gaalkacyo ayaa halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiiyay dhalinyaradii tababarka dhameystay, isagoo u mahad celiyay Hay’adaha barnaamijkaan iska kaashaday.

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa soo saarista lacago cusub

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudan Xasan Cali khayre  ayaa  kormeer  shaqo ku tagay  Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta si uu hubiyo  qaabka ay  ugu adeegaan bulshadda.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa maamulka  Bankiga dhexe ee Soomaaliya  kala hadlay  soo saarista  lacag cusub oo dalku yeesho , tayeynta  shillinka Soomaaliga iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo dhibaatadda  dhaqaale ee ka dhalan karta  adeegsiga lacagaha  been abuurka ah  ah.

Sidoo kale intii uu kormeerkiisa ku jiray Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tagay Wasaaradda  Batroolka iyo Macdanta halkaasi oo warbixin kaga dhageystay mas’uuliyiinta wasaaradda taasi oo ku saabsan sida ay u socdaan howlaha wasaaradda.

Dhinaca kale Ra’iisul Xasan Cali Khayre ayaa   qeyb kamid ah   waqtiisa shaqadda siiyey in uu  muwadininta Sooomaaliyeed  uga jawaabo  talooyin  iyo tusaalooyin  ay ku soo diren Email  loogu talagalay   in dadka Soomaaliyeed ay ugu soo diraan talooyinkooda.

Mudane Xasan Cali khayre ayaa dadkii u soo diray fariimaha  si caadi ah ugu jawaabayey isla markaana u sheegayey in Dowladdu ay ku shaqaynayso  Aragtidooda wanaagsan.

Wasaaradda Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Aqoonyahanada Soomaaliyeed

0

Kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii ay Wasaaradda u dhageeysan laheeyd talooyinka Aqoonyahanada ee ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Aqoonyahnada ay kaalin weyn uga banaantahay ka qaybqaadashada Geedi-socodka.

“Aqoonyahanada waa indhaha iyo maskaxda bulshada, waxaa Geedi-socodka idinkaga banaan kaalin ballaaran oo ay tahay in aad buuxisaan; Wasaaraddu waxa ay mar walba diyaar u tahay in ay idiin dhageeysato” ayuu yiri AVV Cabdi Xoosh.

Sidoo kale Wasiirka isaga oo ka hadlayay muuhimadda ay leeyihiin kulamada wadatashiga ayuu yiri “Kulamada noocan oo kale ah waxa ay muhiim u yihiin in Geedi-socodka uu noqdo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay oo daah-furnaan ku saleeysan; Waa labadaa mabd’a waxa ay Wasaaradda ku shaqeyneyso”.

Ugu damabeyn, Mudane Xoosh ayaa ka codsaday Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kulanka ka soo qaybgalay in ay marwalba talooyinkooda la wadaagaan Wasaaradda.

—–DHAMAAD—–

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sagootiyay Safiirka Sweden oo muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay”

0

 Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa munaasabad saagootin ah loogu qabtay Safiirkii dalka Sweden Mr. Mikael Lindvall oo muddo gaaraysa 5 sano ka shaqaynaayey dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiisha Madaxtooyada ayaa Safiirka qado sharaf kula qaatay Aqalka Madaxtooyada.

“Dawladda Soomaaliya waxay uga mahad-celinaysaa Safiir Mikael Lidvall kaalinta mugga lahayd ee uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal intii uu hayey xilka Safiirnimo. Sidoo kale, dadaaladii ay ku bixisay Safaaraddu hawlaha gargaarka iyo arrimaha bulashada.” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar.

Safiirka Dalka Sweden Mr. Mikael Lindvall ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay wada shaqayntii iyo garab istaaggii uu ka helay Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddadii uu ka shaqaynaayey Safaaradda Dalkiisa, sidoo kale waxa uu ka warbixiyey qaar ka mid ah Mashaariicda dhawaan ay fulin doonto Safaraaddu. “Waxaan la bilaabaynaa Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ah mashruuc cusub oo lagu tayeynaayo Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka kaasoo Dowladda Sweden ay ku maalgalindoonto lacag gaaraysa 8.5 Malyan oo Doolar”.

Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyey Safiir Mikael Lidvall walxo ka mid ah Agabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Urrurada Bulshada Rayidka ah.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan hal mar bishiiba la qabto la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, kaasoo looga hadlo isbadelka dalka iyo sida shacabka Soomalaiyeed ay uga qayb qaadan karaan horumarka iyo xasillinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ka soo qayb galayaasha kulanka inuu ugu yeeray sidii uu ugala tashan lahaa xaaladda uu dalka ku jiro iyo sida ugu habboon ee horumar lagu gaarsiin karo dalka, maadaama bulshadda Soomaaliyeed la’aantood aan la soo gaareen meesha maanta ay joogto dawladnimadu.

“Waxan idinka codsanayaa inaad si dhow ula shaqeysaan dawladdiina si meesha looga saaro cidda aan ku farxsaneyn qaranimadeena iyo kuwa caadeystay dhiigga shacabkeenna qiimaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Qaar kamid ah ka soo qeyb galayaasha kulanka ayaa soo jeediyey in la dardargaliyo sugidda amniga Muqdisho, si loo furo waddooyinka xiran oo shacabku ay dhib ku qabaan xiliyada ay marayaan, sidoo kalena waxay cadeeyeen in amni daradu ay saameyn ku yeelatay Ganacsiga iyo isku socodka dadka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa tilmaamay in shacabka Soomaliyeed ay ku adag tahay aaminaada madaxdooda, taasina waxay meesha ka saartay wada shaqeynta dawladda iyo shacabka,haddana loo baahan yahay sidii aan u heli lahayn kalsoonida shacabka.

DHAMMAAD

Ra’isulwasaare ku-xigeenka oo xariga ka jaray mashruuca balaarinta Dhageysiga Radio Muqdisho

0

Si  kor loogu qaado wacyi galinta bulshadda ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo kaashanaysa Qaramada Midoobey waxa ay ku guuleysatay inay hawada geliso FM 5.000 oo Waad ah kaasoo cod baahiyaha Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya gaarsiinaya si toos shanta Gobol Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiiro, Xildhibaanno, Mas’uuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Benaadir iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa xafladda daahfurka mashruuca balaarinta Raadiyaha Qaranka..

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in sare u qaadidda tayada Idaacada ay muhiim u tahay bulshada, waxaana uu intaa ku daray in tallaabadan ay xoojineyso in bulshada Soomaaliyeed ay gaarto siyaasadda dowladda.

Wasiirkii hore ee warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed Jahaweyn ayaa bogaadiyay horumarka Radio Muqdisho iyo Warbaahinta Qaranka .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusf Al-cadaala iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis waxa ay si wadajir u sheegeen in balaarinta dhegeysiga  Radio Muqdisho ay muhiim u tahay la dagaallanka afkaarta qaldan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow waxa uu tilmaamay in Wasaaradda ay kordhinayso howlaha kor loogu qaadayo wacyi gelinta bulshada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo daah furay mashruuca balaarinta Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda waxa uu  ku tilmaamay tallaabo hore oo loo qaaday .

1951 dii ayaa la aas aasay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda waa uu door ku lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya kaddib burburkii Soomaaliya iyo waqtigan lagu guda jiro dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhagax dhigay dayactirka Buundada Degmada Qoryooley

0

Buundada Degmada Qoryooley waxa ay muhiim u tahay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha  qeybo ka mid ah gobolada dalka waxaana ka muuqda bur bur xoog leh  buundada ma helin wax dayac tir ah sanado badan.

Maleeshiyada shabaab ayaaa dhowr jeer isku dayay in ay jaraan buundada si isku socodka gaadidka iyo dadweynaha ay u istaagan hasa ahaate maamulka degmada iyo dadka shacabka ah oo isgarbsanaya ayaa ka hortagay.

Guddomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhagax dhigay buundada Degmada Qoryooley  waxaana ku sugnaa goobta dhagax dhigista  Maamulka Degmada iyo masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka shabellaha hoose.

Gudoomiye ku xigeenka  Amniga Degmada Qoryooley ayaa shegay in buundada ay dhisanthay sanado badan  burburka  ku yimidna ay sababtay in ay istaagan isku socodka gadidka iyo dadweynaha.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Ibraaahim Aadan Cali Najax ayaa Markii uu dhagax dhigay kadib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in buundada  aysan in mudda helin dayactir maamulka gobolka shabellaha hoose uu bilaabayo dayactirka buundadan isagoo  maamulada Degmooyinka Gobolka Shabellah Hooose ugu baqay in ay nabada iyo isdhaxgalka  bulshada ay ka shaqeyan.

Gudoomiyaha Gobglka Shabellaha Hoose iyo masuuliyinti la socotay ayaa kormeeray biya xireen ku yaala Degmada Qoryoley iyadoo maamulka degmada Qoryooley  Gudoomiyaha  Gobolka warbixin ka siiyen sida uu  u shaqeyo biya xirenka  maamulka gobolka ayaa degmada qoryooley waxa uu ka hirgelinayaa  leerarka ku shaqeya cadceeda si xiliyada habeenki u u shaqeyo ganacsiga iyo isku socodka dadka.

Haweeneydii ugu horeysay ee duuliye ka noqoto Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

0

Asli Xasan Nuur  Cabaade waa mid ka mid ah mawaadiniin taariikhda Soomaaliya ka dhex muuqda had iyo jeerna lagu xasuusto in astaan ku dayasho mudan ay u tahay Qaranka maanta ayay ku soo laabatay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana si diiran u soo dhaweeyay haweenka qaranka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Asli Xasan waxa ay noqotay taariikhda gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ah oo diyaarad duulisay waxaana ay xubin fir fircoon ka ahayd duuliyaashii ciidanka cirka Soomaaliya bur burkii dowladii milatariga ka dibna Asli waxaa ay ololeeye u ahayd nabad iyo isu keenida bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed marwo Batuulo Axmed Gabale ayaa ka hadashay soo dhaweynta ay maanta u sameeyeen Asli Cabaade.

Asli Xasan Nuur  ayaa si qiiro ku jirto ugu mahad celisay dhamaan bulshada ka qayb qaadatay soo dhaweynteeda.

Bishii September 1976dii ayay Asli Xasan Nuur kicisay Diyaaradii ugu horeysay oo nuuceedu ahaa sasna 150 in ay duuliye noqotana waxaa ay u gashay dadaal aad u balaaran Asli waxaa ay ku soo kortay Xerada Ciidammada Cirka ee Afasyooni kaliya qooskeeda asli xubno ka tirsan ayaa asli ku wehliyay ciidanka xoogga sida Caasho Xasan Maxamed Xasan iyo Maxamuud  sidoo kale labada waalid ee Asli waxaa ay ka mid ahaayeen ciidammada  mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa ay ku nooleed gobolka texas ee dalka mareykanka waxaana ay asli wali diyaar u tahay in ay u shaqeyso Qaranka oo ay soo saarto duuliyaal cusub.