133 qof Soomaali ah oo Dalka dib loogu soo celiyay

Date:

Cadan (SONNA)- Ururka socdaalka Dowliga ee Qaraamada Midoobay ayaa sheegay 133 Soomaali ah oo ku sugnaa dalka Yeman ay halkaasi ka daadgureeyeen iyagoo loosoo celiyay dalkoodii.

Wakaaladda Wararka ee Turkiga Andol oo warkan ka soo xigatay masuulka xagga warfaafinta Ururkaasi u qaabilsan ee dalka Yeman ayaa sheegay in dhamaan qaxootiga Soomaalida ah maalintii Isniin aheyd laga daadgureeyay Yeman loona celiyay Soomaaliya,iyadoo laga qaaday Dekedda magaalada Cadan.

Wuxuuna masuulkan intaa raaciyay in ay hay’addu daadgureynta dadkaasi ay kala kaashatay  hay’adda qaxootiga aduunka,waana dufcadii 14-aad ee daadgureynta Qaxootiyada yeman ku suganaa ee dib loogu celiyay wadamadooda.

Ururka Qaxootiga aduunka ee Qaraamada midoobay ayaa hore u sheegay in 100 kun qof Somaali iyo Ethiopian ay dalka Yeman gaareen sanad wax ka yar gudahooda, halka tobanaan qofna ay ku dhinteen mudadii ay tahriibka ahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...