133 qof Soomaali ah oo Dalka dib loogu soo celiyay

Date:

Cadan (SONNA)- Ururka socdaalka Dowliga ee Qaraamada Midoobay ayaa sheegay 133 Soomaali ah oo ku sugnaa dalka Yeman ay halkaasi ka daadgureeyeen iyagoo loosoo celiyay dalkoodii.

Wakaaladda Wararka ee Turkiga Andol oo warkan ka soo xigatay masuulka xagga warfaafinta Ururkaasi u qaabilsan ee dalka Yeman ayaa sheegay in dhamaan qaxootiga Soomaalida ah maalintii Isniin aheyd laga daadgureeyay Yeman loona celiyay Soomaaliya,iyadoo laga qaaday Dekedda magaalada Cadan.

Wuxuuna masuulkan intaa raaciyay in ay hay’addu daadgureynta dadkaasi ay kala kaashatay  hay’adda qaxootiga aduunka,waana dufcadii 14-aad ee daadgureynta Qaxootiyada yeman ku suganaa ee dib loogu celiyay wadamadooda.

Ururka Qaxootiga aduunka ee Qaraamada midoobay ayaa hore u sheegay in 100 kun qof Somaali iyo Ethiopian ay dalka Yeman gaareen sanad wax ka yar gudahooda, halka tobanaan qofna ay ku dhinteen mudadii ay tahriibka ahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...