Home Blog Page 1569

R/Wasaaraha Soomaaliya oo maanta dadweyne kula kulmay degmada Boondheere

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka duulaya qorshaha xukuumadda eek u aadan u adeegista shacabka  ayaa galabta  tagay mid kamid ah maqaayadaha kuyaala degmada Boondheere ee magaalada halkaasi oo uu kula kulmay dadweyne kaladuwan.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya   ayaa  shacbkii uu lakulmay weydiinayay aragtida ay ka qabaan waxqabadka Dowladda,isagoo sidoo kale dhageystay warbixino ku aadan talooyin ay u soo jeediyeen Dowladda.

“Qaar kamid ah dadweynihii uu lakulmay ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri” waan ku faraxsanahay booqashadaada mudane ra’iisul Wasaare, ma filaynin waana ku soo dhaweyneynaa, waxaan ka codsanaynaa xukuumadda in ay si hufan ugu adeegto shacabka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali khayre ayaa kormeer kadis ah ku tagay  wasaardaha  Cadaaladda , iyo Awqaafta iyo arimaha diinta isagoo u kuurgalayay haubak ay u socdaan howlaha shaqo ee Wasaaradahaasi ay u hayaan bulshada.

Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigay sharciyo ay diyaarisay Wasaaradda kuwaasi oo kamid ah shuruucda ay Xukuumaddu u gudbinayso Baarlamaanka Soomaaliya.

Muwadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay qeybo ka mid ah Dalka Koofur Afrika

0

Falalkan Weerka ah ee lagu dilay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeysanayey dalka koofurka afrika ayaa ka kala dhacay labo magaalo oo ku kala yaal dalka Koofur Afrika , waxaana 24kii  Saac ee u danbeysay lagu dilay dalka Koofur afrika Labo Muwaadin oo Soomaali ah.

Weerarka Koowaad ayaa Waxaa lagu dilay AUN Nuur Cismaan Nuur oo ka mid ahaa ganacsataddii goobaha Ganacsiga ku lahaa agagaarka Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur afrika.

Sidoo kale Magaalo ku dhaw xadka Koofur Afrika iyo dalka Musanbiig  ayaa lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayey Maxamed Xuseen Gacal oo noqonayo Muwaadinki labaad ee Soomaali ah oo 24 saac gudahood lagu dilo Koofur Afrika.

Bangiga aduunka oo kordhinaya lacagtii uu ku kabi jiray mushaaraadka shaqaalaha dowladda

0

Muqdisho, 19, July, 2017….Wasiiru dowlaha W. Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdullahi Sheikh Cali Qalocow ayaa shir la yeeshay wafdi uu hogaaminayo wakiilka Soomaaliya ee u qaabilsan Bangiga Aduunka, waxayna ka wada hadleen dar dargalinta howlaha shaqo uu Bangigu ka hayo Soomaaliya.

Shirkaan oo daba socday shirar hore ayaa lagu falanqeeyey kordhinta lacagta ay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha oo ahayd $ 700,000 kun bihsii, ayaa hada Bangiga Aduunku go’aamiyey in laga dhigo $ 1,700,000 oo dollar bishii, laga bilaabo bishaan aan ku guda jirno.

Kabidda mushaarka shaqaalaha rayidka ah ayaa waxaa ayaa waxaa ku xiran fulinta shuruudo ay isla qaateen Bangiga Aduunka iyo dowladda Soomaaliya taas oo ah in lagu socdo nidaamkii Hagaajinta Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) oo soo bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana bil kasta si wada jir ah laysula eegayaa waxa ka qabsoomay shuruudahaas, oo hadii la fulin waayo ay dhici karto in ay hakato.

Bangiga Aduunka ayaa ka wada mashaariic kala duwan dalka kuwaas oo badankooda hoos yimaadaan wasaaradda maaliyada, mashariicda ayaa isugu jirta dib u habaynta shaqaalaha dowladda, dayactir iyo dhisida xarumaha dowaladda, kabida mushaaraadka oo ay ka fa’iidysanayaan maamul goboleedyada, iyo kor u qaadida tayada Hay’adaha dakhliga  ee Dowladda iyo kuwo kale oo badan.

Shacabka Puntland oo soo dhaweeyey go’aankii Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland.

0

Shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aankii ay Baarlamaanka Puntland ay kalsoonida kala laabteen Golaha Wasiiradda ee Maamul Goboleedka Puntland.

Qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan deeganaada Maamul Goboleedka Puntland oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golaha wasiiradda ee kalsoonida lagala laabtay ay ku fashilmeen shaqadii loo idmaday ayagoo aad u bogaadiyey go’aanka ay qaateen Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Barlamaanka ee kalsooni kala noqoshada golaha Wasiiradda Maamulka Puntland waxa uuna balanqaaday in uu si dhaqso ah kusoo dhisi doono golihiisa Wasiiradda.

Guddoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka oo Muqdisho kula kulay saraakiil ka socotay UNDP

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ,Gudoomiyaha  Aqalka Sare ee  Cabdi Xaashi C/llaahi iyo kuxigeenada koowaad ee labada Aqal ayaa xarunta Xalane ee Magaaladda Muqdisho uga qeyb galay shir looga hadlayay dardargelinta howlaha mushaariicda ee deeq bixiyaasha caalamka ay ku taageerayaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan oo ay goob joog ka ahaayeen  wakiilo ka socday deeq bixiyaasha caalamka iyo hay’adaha la shaqeeya oo ay hogaamineysay hay’adda Horumarinta mashaariicda Qaramada Midoobay ee UNDP.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad oo geba gabada ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyaay shirkaasi.

“Shirka waxaa looga hadlayay qorshaha dardargelinta mashruuca lagu taageerayo Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu ahaa shir horey u socday hadana waxa laga dooday qorshaha horumarinta mashaaricda ee sanadkan.

Gudoomiye Mahad C/lla Cawad ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaankan 10aad uu ka shaqo iyo baahi badanyahay baarlamaankii hore islamarkaana xildhibaanada laga rabo in ay aadaan deegaanadii laga soo doortay si ay warbixino uga keenaan aragtida dadweynaha.

Tan iyo ka dib markii dhawaan ay furmeen kal fadhiyada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya  waxaa soconayay dadaalo ku aadan sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada gole ayna u dardargelin lahaayeen howlaha horyaal.

Ku-simaha Madaxweynaha K/Galbeed oo lakulmay wefdi ka socday dowladda Britain

0

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada KMG ah ee Dowlad Goboleedka K/Galbeed ee magaalada Baydhabo ayaa looga hadlaya dowrka Dowladda Britain ay ku leedahay mashaariic horumarineed oo ka soconaya deegaanada maamulkaasi.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefdigaasi oo ka socday Britain islamarkaana ahaa saraakiil sare ayaa kulankoodi ku soo bandhigay waxqabadka dowladda Ingiriiska ee ku aadan dhinacyada dib u dhiska,iyo tababarada ciidamada, xarumaha maamulka uu ka howlgalo.

Wefdigaasi oo ka socoday Britain ayaa sidoo kale sheegey in xukuumadda Britain ay sii wadi doonto taageerada ay lagarab istaagan tahay shacabka iyo Dowlada goboleedka K/Galbeed.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay qorsheynayaan sidii ay uga qeyb qaadamn lahaayeen dib u dejin loo sameeyo kumanaanka qof ee ka soo barakacay abaaraha ku dhoftay qeybo kamid ah gobolada dalka kuwaasi oo kujira xeryo kuyaala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ingiriiska kaalinta ay ka qaadanayso mashaariic horumarineed oo kaladuwan oo laga hirgeliyay deegaanada uu ka arrimiyo maamulkiisa.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay Qurbajoogta dalka ku sugan

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaadatay dadka Qurbajoogta ah ee dalka ku sugan oo isugu jiray masuuliyiin dalka xilal ka haysa, sida Xildhibaano iyo Safiiro.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxa uu kulanka ku saabsanyahay.

“Marka hore waan idinkaga mahadcelinayaa sida aad ugu soo qaybgasheen kulanka, waxa aan idinkugu yeernay in aan idinka tala gelino habraaca aan doneyno in aan ku wajahno Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka; Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay door muhiim ah ka qaateen dib u dhiska dalka waana lagama maarmaan in laga talageliyo wax walba oo horumarka dalkeenna saameeyn ku
leh” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, AVV Cabdi Xoosh oo ka hadlayey sida ay uga go’antahay in Qurbajoogta ay tala ku yeeshaan Geedi-socodka ayuu yiri “Dadkeenna dalka dibadiisa ka yimid ee aan kamid ahay waxa ay xaq u leeyihiin in ay ra’yigooda ku biiriyaan Geedi-socodka, waxaa inaga go’an in aan ugu tagno dalalka ay joogaan si aan u xoojino mabda’a aan ku shaqeeyneyno ee ah daah-furnaan”.

Gabagabadii, kulankan ayaa ah mid wadada u furaya in dhamaan dadka Qurbajoogta ah ay ka qaybgalaan ololaha Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo sanadkan gudihiisa ka bilaabmi doona dalka.

Madaxweynaha Puntland oo aqbalay go’aankii Baarlamaanka uu ka qaatay kalsooni kala noqoshada Golihiisa Wasiirada.

0

Madaxweynaha maamulka Puntland  C/weli Max’ed Cali  Gaas oo maanta shir jaraa’id  ku qabtay magaalada Garoowe ayaa aqabalay talaabadii ay mudanayaasha Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntalnd ay  kalsoonida kagala noqdeen  Golihii Wasiirada.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegey in dhawaan uu soo dhisidoono Gole wasiiro oo cusub, wuxuuna intaasi ku daray in uu sameynayo wadatashiyo ku aadan dhismaha xukuumad cusub si looga jawaabo go’aanka Baarlamaanka uu qaatay.

Waxaa laga sugaya Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland in uu soo dhiso Gole Wasiiro cusub, waxaana xildhibaanada Baarlamaanku ay ku eedeeyeen xukuumadii hore waxqabad la’aan.

Kulan ay maanta kuyeesheen magaalada Garoowe xildhibaanada baarlamanka dowlad goboleedka Puntaland ayaa codkii kalsoonida u qaaday golaha wasiirada kuwaasi oo iskuraacay in xukuumadda lakaladiro.

Ilaa 47 mudane ayaa u codaysay in lakaladiro, 9 way ka aamustay halka midna uu diiday.

Hadal haynta ugu badan ayaa ah kalsooni kala noqoshada Golaha wasiirada maamulka Puntland’ goobaha lagu qaxweeyo iyo meelaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan ee Puntland ayaa ah talaabada uu qaatay Baarlamaanka Puntland wallow dadku ay sugayaan qaab dhismeedka xukuumadda cusub.

Barlamanka Puntland oo codka kalsoonida kala laabtay golaha Wasiirada

0

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntaland ayaa codka kalsoonida u qaaday golaha wasiirada kuwaasi oo iskuraacay in xukuumadda lakaladiro.

Ilaa 47 mudane ayaa u codaysay in laka ladiro, 9 way ka aamustay halka midna uu diiday.

Xildhibaanada ayaa ka codsaday Madaxweynaha Puntland in uu soo dhiso gole Wasiiro cusub oo tayo leh, waxaana kala dirista golaha Wasiirada puntland ay baarlamaanka u cuskadeen waxqabad la’aan.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa laga sugaya in uu ka hadlo go’aanka ay qaateen xildhibaanada baarlamanka maamulkaasi, saxaafadda ayaa looga yeerey  madaxtooyada Garoowe halkaasi oo uu shir jaraaid ku qabanayo madaxweyne Gaas.

Duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Jubbada Hoose

0

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab sida ay SONNA u  xaqiijiyeen  saraakiisha Ammaanka Jubbaland.

Duqeynta oo  xalay ka dhacday deegaannada Beerxaani iyo Golo Shumbi oo qayaastii 60 KM u jirta magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday saldhigyo ay maleeshiyaadkaasi ku lahaayeen deegaannada la duqeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntaasi ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka ee Soomaaliya oo ku aadan arintasi.

Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka soo gaaray maleeshiyaadka Al-shabaab duqeyntaasi.

Muddooyinkii ugu dambeyeey waxaa soconayay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayadoo  horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada dalka.