Qoysas raashin loogu qeybiyay degmada Doolow

Date:

Muqdisho (SONNA) Ku dhawaad 800 Qoys oo dan yar Islamarkana ku nool xerooyinka barakacayasha Degmada Doolow ee Gobalka Gedo ayaa ka faa’iidaystay Deeqdan raashinka oo ay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana maanta laga qaybiyay qaar ka mid ah degmoyinka Gobalkaasi.

Qeybinta raashinka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamed Faarax Warsame Darwiish, Guddoomiyaha Gobalka Gedo Mudane Maxamed Muxumed, Xildhibaano iyo mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Dadkii ka faa’iideystay deeqda raashinka ah ayaa ka mahadceliyay kaalmada la soo gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Muxumed ayaa waxa uu sheegay in ay guddoomeen raashinkii loogu talagalay Gobalka Gedo, ayna maanta ka qeybiyeen degmada Doolow.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamed Faarax Warsame Darwiish ayaa uga mahadceliyay dowladda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya deeqda ay soo gaarsiisay dowlad goboleedka Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...