Ciidamo loo tababaray habka looga hortago askareenta carruurta xilliyada dagaalka

Date:

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tababbar u soo gabo gabeeyay 60 askari oo ka tirsan ciidamada amniga dalka, kuwaasi oo la barayay hanaanka looga hortagayo askaraynta carruurta xiliyada dagaalka.

Tababbarkan oo socday labo isbuuc ayaa waxaa gabo gabadiisa ka soo qayb galay xubno ka socday ciidanka Xoogga, Booliska, ururada aan dowliga ahayn iyo xubno ka socdo maamul goboleedyada ayaa waxaa taageertay dowladda Ingriiska iyo ururka lagu magacaabo Romeo Dallaire ee ka hortagga askareenta carruurta ayagoo usoo marinayo Dalhousie University ee Canada.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISMOM Francisco Madeira ayaa yiri “Waa inaan ka badbaadinaa carruurtaan in loo tababaro fikiradaha guracan ee xagjirnimada leh iyo in ay gaystaan falal dambiyeedyo ay u geysanayaan dadkooda, Dalkooda iyo Dariskooda”.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay askareenta carruurta inay aad ugu badantahay Soomaaliya wuxuuna sheegay baahida loo qabo in  la helo tirada rasmiga ah ee carruuta ka dagaalamayso dalka ee ay sida qaldan uga faa’iideysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Tababarkaan oo xoogga lagu saarayay ogaanshaha ama soo saarita carruurta askarta iyo sidii looga hartagi lahaa ayaa waxay isku raaceen dhamaan madaxdii ka soo qayb gashay in ay muhiim tahay carruurtaas ay hellaan dib u habeeyn iyo u dhisid.

Waxay sidoo kale madaxda sheegeen in ay u diyaarinayaan ciidanka Soomaaliya sidii ay ugu diyaar garoobi lahayeen hanashada dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo deeq raashin ah kala wareegtay Hay’adda bisha Cas Turkiga

-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta shixnad gargaar ah...

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah oo soo dhaweeysay Cunaqabteynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xakameynta Qulqulka Hubka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay Shirka hannaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar

:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadirahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen...

Maxay uga dhigan tahay qaadista Cuneqabateynta Hubka Soomaaliya? (WARBIXIN)

Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa...