Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda oo Kormeeray Dekadda Magaalada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Beyle iyo ku xigeenkiisa Prof C/laahi Shiikh Cali (Qaloocoow) iyo Saraakiil ka tirsan Hogaanka Ilaalada Canshuuraha ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dakadda Magaalada Muqdisho oo ah mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee Dalka.

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Dakadda iyo Saraakiisha Ilaalada Canshuuraha ayaa mid mid u hubiyay Agabyada kala duwan ee ka soo dagay Furdada Xamar iyo qaabka loo canshuuray.

Wasiirka Maaliyadda Dr Beyleh ayaa ku dhiiri galiyay shaqaalaha ku howlan qaadista Canshuuraha iyo hubintooda inay Qaranka sidaacad ah ugu adeegaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....