Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo Booqday Mashruuca waraabka beeraha G/gedo

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqday Mashruuca waraabka Beeraha ee Gobolka Gedo oo heer gabo gabo ah maraya.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qorsheeneysa in la gaarsiiyo mashruucan dhammaan gobolada maamulkaasi, si looga faa’iidaysto biyaha wabiga looguna waraabiyo beeraha ka fog dhinacyada  wabiga.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah waxay lug kusoo mareen dhammaan qaybaha Mashruucan oo biyaha wabiga Jubba lagu gaarsiinayo dhulka fog ee baadiyaha, isagoo  Madaxweynaha ammaanay sida dar darta leh ee hawshu ay usocoto.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii Beeraleeyda looga gacansiin lahaa wax soo saarka, ayna uga faa’iidaysan lahayeen suuqyada gudaha iyo dibada oo waxyabaha ay Beeraan ay u suuq geeyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...