Qoysas raashin loogu qeybiyay degmada Doolow

Date:

Ku dhawaad 800 Qoys oo dan yar  Isla markana ku nool xeroyinka barakacayasha Degmada Doolow ee Gobalka Gedo ayaa ka faa’iidaystay Deeqdan rashinka oo ay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana maanta laga qaybiyay qaar  ka mid ah degmoyinka Gobalka

Qeybinta raashinka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamed Faarax Warsame Darwiish Guddoomiyaha Gobalka Gedo Mudane Maxamed Muxumed, Xildhibaano iyo mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Dadkii ka faa’iideystay deeqda raashinka ah ayaa ka mahadceliyay kaalmada la soo gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed Aadan waxaa uu sheegay in ay gudoomeen raashinkii loogu talagalay Gobalka Gedo, ayna maanta ka qeybiyeen degmada Doolow.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamed Faarax Warsame Darwiish ayaa uga mahadceliyay dowladda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya deeqda ay soo gaarsiisay dowlad goboleedka Jubbaland.

Deeqdan ayaa maanta la gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah oo ku sugan xeryo ku yaala magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...