Guddoomiyaha Degmada Waajid oo sheegay inay soo galbiyeen kolonyo gaadiid ah

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Degmadda Waajid ee gobolka Bakool Mudane Cabdullaahi Aadan Yariisow ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgallo xalay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Waajid ee gobalka Bakool

Wareysi uu siiyey Warbaahinta Qaranka ayuu ku sheegay in howlgalka ay ciidamada ka fuliyeen meel 45 km u jirta magaalada, iyagoo ku guuleystey inay soo gudbiyaan gaadiid ku soo wajahnaa degmada Waajid kuwaasi oo ay jidka u galeen maleeshiyadka argagixisada ee Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa xusey intii uu howlgalkaas socdey dagaalka uu ku dhintay qof rayid ah oo ka mid ah dadkii gaadiidka waday, kaasi oo uu sheegay in lagu aasay magaalada, waxana uu intaa ku daray inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee doonaya inay go’doon geliyaan magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...