Guddoomiyaha Degmada Waajid oo sheegay inay soo galbiyeen kolonyo gaadiid ah

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Degmadda Waajid ee gobolka Bakool Mudane Cabdullaahi Aadan Yariisow ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgallo xalay ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah degmada Waajid ee gobalka Bakool

Wareysi uu siiyey Warbaahinta Qaranka ayuu ku sheegay in howlgalka ay ciidamada ka fuliyeen meel 45 km u jirta magaalada, iyagoo ku guuleystey inay soo gudbiyaan gaadiid ku soo wajahnaa degmada Waajid kuwaasi oo ay jidka u galeen maleeshiyadka argagixisada ee Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa xusey intii uu howlgalkaas socdey dagaalka uu ku dhintay qof rayid ah oo ka mid ah dadkii gaadiidka waday, kaasi oo uu sheegay in lagu aasay magaalada, waxana uu intaa ku daray inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee doonaya inay go’doon geliyaan magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...