Khilaafka Iiraan iyo Mareykanka oo cirka isku shareeraya

Date:

Muqdisho(SONNA) Xasan Ruuxaani, Madaxweynaha Dalka Iiraan, ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ee Newyork ayaa si kulul u dhaleeceeyey hadal uu dalkiisa ku weeraray  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweynaha Iiraan ayaa ku tilmaamay hadalkii madaxweryne Trump mid uu ka muuqday nacayb iyo waxlaga xumaado,taasi oo uu isna jawaab ka bixiyay,wuxuuna intaasi ku daray dalkiisa aanu wax cabsi ah ka qabain hanjabaadda Mareykanka,kadib markiia Trump uu sheegay in Iiraan ay ku sifowday musuqmaasuq baahsan iyo colaad hurin.

Khudbadiisa ayuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump  ku eedeyeey Xukuumadda Tehraan in ay hurinayso colaadaha ka taagan Bariga dhexe,kana soo horjeedo geedi socodka nabadda.

Madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay Iiran in ay joojiso taageerada ay u fidiso argagixisada isla markaana waxa uu cambaareeyay heshiiskii uu Obama la galay Iiraan.

Hadal isna uu ka jeediyay shirka Golaha guud ee QM madaxweynaha wadanka Iiraan Xasan ruuxaani ayaa ku difaacay heshiiskii dalkiisa uu la galay maamulkii Obama, waxa uuna sheegay in Iiran ay si adag uga jawaabi doonto hadii dal kamid ah kuwii heshiiska barnaamijka nukliyerka saxiixay u ku xadgudbo.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa wajahayo culeyso badan oo isugu jira dhinacyada Diplomaasiyadda iyo siyaasadda,kadib markii wadamo badan oo caalamka kamid ah oo ka dhigtay cadow,sida Kuuriyada Waqooyi oo uu Mareykanku u arko Cadowgiisa,Ruushak o khilaaf uu kala dhexeeyo,Iiraan Venezuela,iyo Cubba

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...