Khilaafka Iiraan iyo Mareykanka oo cirka isku shareeraya

Date:

Xasan Ruuxaani, Madaxweynaha Dalka Iiraan, ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ee Newyork ayaa si kulul u dhaleeceeyey hadal uu dalkiisa ku weeraray  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweynaha Iiraan ayaa ku tilmaamay hadalkii madaxweryne Trump mid uu ka muuqday nacayb iyo waxlaga xumaado,taasi oo uu isna jawaab ka bixiyay,wuxuuna intaasi ku daray dalkiisa aanu wax cabsi ah ka qabain hanjabaadda Mareykanka,kadib markiia Trump uu sheegay in Iiraan ay ku sifowday musuqmaasuq baahsan iyo colaad hurin.

Khudbadiisa ayuu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump  ku eedeyeey Xukuumadda Tehraan in ay hurinayso colaadaha ka taagan Bariga dhexe,kana soo horjeedo geedi socodka nabadda.

Madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay Iiran in ay joojiso taageerada ay u fidiso argagixisada isla markaana waxa uu cambaareeyay heshiiskii uu Obama la galay Iiraan.

Hadal isna uu ka jeediyay shirka Golaha guud ee QM madaxweynaha wadanka Iiraan Xasan ruuxaani ayaa ku difaacay heshiiskii dalkiisa uu la galay maamulkii Obama, waxa uuna sheegay in Iiran ay si adag uga jawaabi doonto hadii dal kamid ah kuwii heshiiska barnaamijka nukliyerka saxiixay u ku xadgudbo.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa wajahayo culeyso badan oo isugu jira dhinacyada Diplomaasiyadda iyo siyaasadda,kadib markii wadamo badan oo caalamka kamid ah oo ka dhigtay cadow,sida Kuuriyada Waqooyi oo uu Mareykanku u arko Cadowgiisa,Ruushak o khilaaf uu kala dhexeeyo,Iiraan Venezuela,iyo Cubba

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...