Culimada Soomaaliyeed oo Cambaareysay Xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Burma

Date:

Muqdisho (SONNA)ย Kulankan oo Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ย ku Cambaareeyeen falalka xasuuqa ah ee lagu hayo Muslimiintaย  Rohinga eeย  wadanka Burma, kuwaasi oo loo geysanayo Xadgudubyo meel ka dhac ku ah Xuquuqda Aadanaha.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galayย  Macalimiinta Dugsiyada qur’aanka kariimka ee gobolka Banaadir, Culimaaโ€™udiin iyo Aqoonyahano, waxaana diiradaย  lagu saaray dhibaatooyinkaย  laguย  Xasuuqayoย  Muslimiinta Burma

Qaar ka mid ah Culimaaโ€™udiinkii ka hadlay goobta ayaa si kulul u cambaareeyay shacabka iyo dowlada Burma , dhibaatooyinkaย  xasuuqaย  ah ay ku hayaanย  Muslimiintaย  kuย  noolย  wadankaasi.

Madaxa Xiriirka Guud ee Golaha Cullimadaย  Soomaaliyeed Shiikh Cumar Cali Roobleย  oo kahadlay goobta ayaa wax laga xumaado ku timaamayย  dhibaatooyinkaasi lagula kacayo Muslimiinta Rohinga ee wadanka Burma.

Ku simaha Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Shiikh Sayid Abaa Cali ayaa ugu baaqay Culimaaโ€™udiinka Soomaaliyeed iyo dhamaan Muslimiintaย  in ay gacan ka geystaan sidii loogu gurman lahaa Muslimiinta la xasuuqayo.

Muddooyinkan ayaa waxaa isa soo tarayay Xasuuqa iyo Dilalka lagu hayo Muslimiinta Rohinga ee wadanka Burma.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...