Ruushka oo Soomaaliya ka saacidaya dagaalka dhanka argagixisada

Date:

Muqdisho(SONNA)-Moscow ayaa qorshaynaysa in ay Soomaaliya ka caawiso dadaalkeeda ka dhanka ah xag-jirnimada iyo argagixisada,Wasiirka arrimaha dibbada Ruushka Sergey Lavrov ayaa ka sheegay shalay oo Talaada ahayd kullan uu la qaatay ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, kaasi oo hareer socday kan 72-daa ee golaha guud ee Qaramada Midoobey ee New York.

” Waxaan ku farax sanahay fursadan kulanka hareer socday kan guud oo aan uga wada hadalnay xiriirka laba geesood, waan danaynaynaa saaxiibtinimadeena taariikhiga ah, waxaana jecelnahay in aan Soomaaliya ka taageerno dadaalka ay uga jirta xal ka gaarida dhibaatooyinka dhanka ah xag-jirnimada iyo argagixisada”, Lavrov ayaa sidaa yiri.

” Dhinacyada waxa ay ka wada hadleen arrrimo la xiriira hanaanka deganaanshaha Soomaaliya, isaga oo ku nuux-nuuxsaday lagama maarmaanimada in la sii wada joogtaynayo dadaalada dawladda Federal-ka  Soomaaliya iyo beesha caalamka ee ku aadan in nabbad laga dhaliyo Soomaaliya”, Wasaarada Arrimaha Dibbadda Ruushka ayaa tiri.

Ruushka dhinaciisa waxa uu u muujiyey taageero  mas’uuliyiinta dawladda Federal-ka Soomaaliya iyo Hawl-galka nabad ilaalinta midowga Africa ee Soomaaliya dadaaladooda ka dhan ah argagixisada.

Wasaarada ayaa intaas ku dartay in labada dhinac  ay is dhaaf sadeen in ay yeeshaan kulamo kale oo lagu hormarinayo xiiriirka laba geesoodka ah, waxayna ku cel-celiyeen balan qaadkooda ah in ay balaariyaan is-kaashigooda dhinaca siyaasada, ganacsiga, dhaqaalaha iyo meelo kale sida ay qortay wakaalada wararka u faafisa Ruushka ee la yiraahdo Tass.

“Waxa aan gaaray New York oo aan uga qayb galayo kulanka guud ee 72-dd  ee Qaramada Midobay, kulankayga uga horreeya waxaan la yeeshay wasiirka arrimaha dibbadda Rushka Lavrov kaasi oo ku saabsanaa xoojinta iskaashiga labada dal Soomliya iyo Rushka”, sidaas waxaa bartiisa twiter-ka ku yiri Ra’isul wasaraha Somaliya, Xasan Cali Kheyre.

Waxa Tarjumay

Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...