Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Turkiga “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay magaalada New York qaar ka mid ah madaxda caalamka ka socotay ee ka qeyb galeysa shirka guud ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa ugu mahad celiyay shacabka iyo Dawladda Turkiga taakulaynta aan hagarta lahayn ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre mar uu la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii Argagaxisada iyo dagaalkii sokeeye. Waxaana u tilmaamay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo tayeeyo hay’adaha Amniga si loo gaaro nabad waarta.

Madaxweyne Erdogan ayaa qiray dhankiisa horumarka la taaban karo ee Dawladda Soomaaliya ay gaartay mudada kooban.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...