Raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Turkiga โ€œSawirroโ€

Date:

Muqdisho (SONNA)ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay magaalada New York qaar ka mid ah madaxda caalamka ka socotay ee ka qeyb galeysa shirka guud ee Qaramada Midoobey.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa ugu mahad celiyay shacabka iyo Dawladda Turkiga taakulaynta aan hagarta lahayn ee ay siiyaan Soomaaliya.

โ€œSoomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeenโ€ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xasan Khayre mar uu la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii Argagaxisada iyo dagaalkii sokeeye. Waxaana u tilmaamay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo tayeeyo hayโ€™adaha Amniga si loo gaaro nabad waarta.

Madaxweyne Erdogan ayaa qiray dhankiisa horumarka la taaban karo ee Dawladda Soomaaliya ay gaartay mudada kooban.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...