Home Blog Page 1560

Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlayay Qatarta Xagjirnimada Oo Lagu Qabtay Wadajir

0

Kulan dadweyne oo ku saabsan sida maamulka iyo shacabku isaga kaashalahaa ka hortagga falalka argagixisada Al-shabaab oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay dagmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada, Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir iyo Xubno matalayay Culimada Soomaaliyeed.

Kulanka oo qeyb ka ah Barnaamijyo Wacyigalinta Bulshada ee ka hortagga fikirka Xagjirnimada looguna talagalay in lagu baahiyo 17 degmo ee gobalka Banaadir ayaa hal ku dhiggiisu yahay “Ha qarsan dhagarqabayaasha Shabaab kuna wargali Maamulka iyo Ciidamada Amniga Qof kasta oo aad uga shakiso in uu yahay Al-shabaab”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Wadajir Aamina Cabdulle Maxamed Oo kamid aheyd dadkii ka badbaaday qaraxii Argagixisada Alshabaab ay ka geysteen Xarunta dagmadaasi ayaa la ilmeysay sida xaqdarrada ah ee lagu xasuuqay dadweyne aan waxba galabsan oo u soo shaqo tagay dagmada, kuwaas oo iyagoo Sooman qaarkoodna ay saf ugu jireen Wasoqaadashada Salaadda Duhur la xasuuqay.

“Qaraxa 20 Jun ka dhacay xarunta Degmada wuxuu igu reebay tiiraanyo ii gaar ah, waan weyseesanayay, wiil kamid ahaa dhallinyaradii shihiiday ayaa markaas i dhahay hooyo caaga markaa weysada dhameysato isii waan ku weysaqaadaneynaa, Allaha u naxariisto dhammaantood, fikir xagjirnimo ah ayaa dadkaas oo dhan lagu laayay” ayay tiri hooyo Aamina.

Sh Cabdullaahi Axmed Garruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa kulanka ka sheegay in bulshadu uu waajir diini ah ka saaranyahay in laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaaan sudiida Amniga, isagoo bulshada goobta joogtay Xasuusiyay sida uu Alle wax walba uga fadilay dhiigga qofka Muslimka ah oo xaqdarro loo daadiyo.

”Waxaa laga weriyay ibn Mascuud (RC) Inuu yiri Rasuulka Illahay (scw) Qof muslim ah ma bannaana in dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin:-Qofkii isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee dhilleysta, Kii qof muslim ah dila, Qofka diinta ka baxa ee ururka muslimka ka faquuqma.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sheekh Garruun oo sharaxista Xadiiska siiwata ayaa yiri ”Xadiiskani wuxuu caddeynayaa halka islaamku ka taagan yahay dembiyada foosha xun, maxaa yeelay, dhiigga islaamku aad buu qaali u yahay mana oggola Muslimku in dhayal lagu daadiyo, marka waxaa loo banneeyay dhiigga gof ka dembiyadaa midkood falay waa iney yihiin dembiyo halis ah oo halbowlaha goynaya xasilloonaanta iyo nabadgelyada bulshada muslimka ah ee ku dhisan isku kalsoonaanta iyo iskaashiga”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in maalintii ay dalka ku soo laabatay degmada Wadajir ay aheyd degmada ugu nabadgalyada badan magaalada Muqdisho, balse maanta ay dagmada ka jirto amni xumi taasina looga bixi karo marka bulshadu ka xuroobaan cabsida kooxaha xagjirka ah ayna la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

“Reer Wadajir waxaa la idinka rabaa in aad la timaadaan isbadal muuqda oo aad soo gudbisaan kuwa idinku dhex dhuumanaya ee maalin kasta usoo tagan in ay mid mid idiin beegsadaan, laamaha ammaankana waxaa laga rabaa in ay damaanadqaadaan amniga dadka ku dhiirada in ay soo sheegaan goobaha ay cadawgu ku dhuumaaleysanayaan” ayay tiri Jawaahir

Qaar kamid ah Bilshada ka qeybgalay Kulanka Dadweyne ayaa Ballanqaaday in ay la shaqeynayaa laamanaha Ammaanka, iyagoo bogaadiyay barnaamijka wacyigalinta Bulshada ee maanta lagu qabtay degmada Wadajir.

Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan oo kulanka Soo Gunaanaday ayaa xusay in kulankaan wacyigalinta bulshada uu ahmiyad gaar ah u leeyahay hormarinta Amniga degmada Wadjir, Wuxuuna xusay loo baahanyahay in si wadajir ah ay gacmaha isku qabsadaan bulshada deegaanka iyo laamaha amniga si meesha looga saaro kooxaha xambaarsan fikirka qatarta ah ee Xagjirnimo.

“Hadda wey fiicantahay isku xirnaanta bulshada, maamulka degmada iyo laamaha ammaanka, dadku wey baqayeen markii hore laakiin hadda markii ay ogaadeen in kooxaha argagixisada alshabaab in aysan cidna u aabayeeleynin wuu isbadalay dareenka iyo fahamka bulshada ee arrintaas ku saabsan, anagana waxaan idiin ballanqaadeynaa in aan habeen iyo maalin idin garab taaganaano” ayuu yiri Guddoomiye Cumar.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xaruntii dagmada ay burburiyeen kooxaha argagixisada ayna ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxbagalabsan, haddii aan loo midoobin oo aan lasoo gudbin kuwa xagjirka ah waxaa dhaceysa in maalin walba nala dilo ama nala qarxiyo.\

Wasiir Beyle oo sheegey in dib loo dhisayo xarumihii wasaaradda

0

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiir ku xigeenka mudane Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa saaka boqosho ku tagay qaar ka mid ah xarumihii Wasaaraddu ay  lahayd Dagmooyinka Xamarweyn iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Ujeedad kormeerka mas’uuliyiintani ay ku tageen xarumihii hore ee wasaaradda maaliyadda ayaa ah sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya dib u dhis lagu sameeyo xarumahaasi.

Xarumahaan oo ahaa Laamihii Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda ayaa qaarkood  laga saaray dadkii daganaa halka qaar kalana bur bur xoogan uu ka muuqdo.

Wasiirka ayaa sheegay in Xarumaha hada gacanta dowladda ku soo noqday lagu samaynayo dayactir si loogu qabto adeegyadii shacabka loo hayey.

“Xarumihii ay lahayd wasaaradda maaliyadda ee hadda gacanta Dowladda ku soo noqday waxaa lagu sameynayaa dayactir, si loogu qabto adeegyada muhiimka ah ee wasaaraddu ay u hayso shacabka”ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya aya wadad dadaalo ku aadan sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa guud ahaan xarumihii ay ku lahayd dalka si loogu qabto adeegyada muhiimka ah, waxaa dhawaan lagu guuleystay in dib loo dhiso xaruntii weynayd ee wasaaradasi oo kutaala ka so horjeedka Bankiga Dhexe ee degmada Shingaani.

Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaasi

0

Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland oo laga hirgeliyey dhismaheeda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Xafladda Xarigjarka Wasaaradda ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, guddomiyaha golaha Wakiilladda Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Dr. Cabdirahmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed, Mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha dowladgobleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Isimo, Aqoon yahanno, iyo qaar ka mid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Puntland ayaa ugu horrayn tilaamay in uu aad ugu faraxsan yahay furitaanka iyo ka soo qayb galka xafladda dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu ammaan iyo bogaadin u  jeediyey cidwalba oo ka  qayb qaadatay hirgelinta dhismahani oo ay ugu horreyaan madaxda Wasaaraddu iyo farsama yaqaankii dhisay dhismahani ( Engineer ).

” Waxaan rabaa inaan ammaan iyo bogaadhin u soo jeediyo Wasaaradda Maaliyadda dhammaanteed, ku bogaadiyo dhismahan cusub iyo hoggaamiyaha wanaagsan ee mashruucani hogaaminayey Wasiir Cabdulaahi Shiikh Axmed, runtii qofku wakhti yar ayuu joogayaa shaqaduna waa meerto.” ayuu yiri Madaxweyne C/weli Gaas.

Sidoo kale Maxweynaha ayaa caddeeyey in dhismaha Wasaaradda Maaliyadda lagu hirgeliyey si isku tashiya, kaasi oo hore uga go’anaa  Puntland in ay wax ku qabsato isku tashi dhanwalba leh, Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqaalaha Wasaaraddu ku hirgeliyeen dhismahani 1.5% oo ay ka beekhaamiyeen gunnadooda.

”waxaan leeyahay Wasiir Cabdulaahi iyo intii la shaqaynayseyba waxay ka tegayaa taariikh aan weligeed la iloobi doonin oo ah in 1.5% adeegooda intay beeshaamiyaan dhismaha saas u quruxda badan ay dhisaan, runtii waxa weeye waxaan weli la arag loogana baran Puntland ” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dalku u baahan yahay in la wadda ilaasho oo qof walba oo muwaadini masuuliyad iska saaro danta guud ee dalka, isla markaana meel looga soo wadda jeesto wax kasta oo dan u ah horumarka iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

”Puntland waxay u baahan tahay ilaalin cidkastana masuuliyad baa ka saaran, waxaa loo baahan yahay inaan meel uga soo wadda-jeedsano horumarkeena iyo difaaca dalkeena intaba, insha Alla wixii hadda ka danbeeya inaan u wadda dhaqaaqno horumarinta dawladda nimadeena iyo dufaaca dawladdeena ayaan rajaynaynaa, cadawgeena hadii aynaan iska qaban dabcan horumarkaan ka hadlaynaa ma suuroobayo” ayuu yiri Madaxweynuhu

Guddomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa amaan iyo bogaadin usoo jeediyey dhammaan shaqaalaha iyo maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland sida wanaagsan ee xil kasnimadda leh ee ay isugu hawleen dhismahan quruxda baddan, Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wadda shaqeeyo markasta waxa uu ku jiro wanaaga iyo masiirka danaha Puntland, isla markaana beri laga ahaado fadhi ku dirirka aan waxba siyaadinayn.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdullahi Shiikh Axmed ayaa ku dheeraaday dedaalka iyo masuuliyadda gaar  ka ah ee ay iska saareen sidii ay  u hirgelin lahaayeen dhismaha Wasaaradda, waxaana uu cadeeyey in shaqaalaha iyo Masuuliyiinta sareba ay  hirgeliyeen dhismaha cusub ee Wasaaradda iyagoo ka duulaya halku dhigii Madaxweynaha ee ahaa ”Puntland ha isku tashato”.

Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland ahna xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka  DFS Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa isna dhankiisa ku tilmaamay guushan maanta mid taarikhda gelidoonta beri ka maalina lagu maamuusi doona cidkasta oo gacan ka gaysatey, Sidoo kale xildhibaan Faroole ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in laga wadda qayb qaato dhamaystirka Dastuurka DFS, isla mar’ahaantaana waxa uu fariin u diray cid kasta oo faragenlin danagaara leh kuwadda dhamaystirka Dastuurka DFS.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu dhismayaal kale ka waddo qaar ka midda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu ballan qaaday in horumarka ka socda Puntland uu gaari doono dhammaan degaannadda Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu shaagay in caddaaladda loo siman yahay muwaadin kastana uu ku naloondoono horumarka.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay isku dhacii maanta ka dhacay Muqdisho (Daawo Muuqaal)

0

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay isku dhac u dhaxeeyay ciidammo ka tirsan dowladda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay isku dhacaasi inuu ahaa shil ku dhacay si kama isla markaana ay ka xuntahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in haatan uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadaasi.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaadhaanshigga Soomaaliya C/rashiid c/laahi Maxamed ayaa sheegay in falkaan dhacay dowladdu ay ka xuntahay sidoo kalana aysan saamayn ku yeelanaynin wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidanka Qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay isku dhac u dhaxeeyay ciidammo ka tirsan dowladda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Τετάρτη, 26 Ιουλίου 2017

Ciidamada XDS, kuwa Jubbaland iyo AMISOM oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada Kulbiyoow

0

Ciidamada XDS oo ay wehliyaan kuwa Jubbaland iyo AMISOM ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab waxa ay ka billaabeen deegaanka Kulbiyow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ciidamada Jubbaland ee Kulbiyoow Maxamed Cabdi Qabbaan ayaa VOA u sheegay in howlgalkaasi uu haatan si xowli ah uga socdo deegaankaasi, isagoo xusay in ujeeddada howlgalkaasi yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku heynta Kulbiyoow.

“Ujeeddadeenu waa in aan maleeshiyaadka Shabaab ka xoreyno deegaanka Kulbiyoow, waxaanna ku rajo weynnahay inaan saacaadaha soo socda si buuxdo ula wareegno gacan ku heynta Kulbiyoow ” ayuu yiri Maxamed Cabdi Qabbaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi ku daray in dagaalkani uu qeyb ka yahay howlgallo qorsheysan oo maleeshiyadka Shabaab looga sifeynayo deegaannada Jubbooyinka, wuxuuna tilmaamay in dadkii degganaa deegaanka Kulbiyoow ay badankood u qaxeen ama u carareen magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan oo sii hadlay ayaa tibaaxay ineysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray ciidamada inta uu socday dagaalka lagu xoreynayo deegaanka Kulbiyoow, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in qasaare xoog leh ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Shabaab,  walloow uusan caddeynin nooca qasaarahaasi, laakiin wuxuu ballan qaaday in ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray maleeshiyaadka Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday xarumihii ay lahayd Wasaaradda

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ay wehlinayeen Agaaismaha guud ee Wasaardda iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka ayaa kormeer ku tagay Xaruntii Talefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo kutaala xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, halkaasi oo hada qeybo kamid ah ay dagan yihiin dad shacab ah, iyadoo Wasaaraddu qorsheyneyso in dib loo dhiso xaruntaasi.

Wasiirka Warfaafinta iyo agaasimayaasha oo uu wehlinayay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid ayaa kormeeray dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, iyagoo u kuur galayay sida loo wajihi karo dib u dhiska xarunta.

Shir jaraa’id oo kormeerka kaddib ay siwadajir ah u qabteen Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid ayaaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Geedow waxa uu ka sheegay in ka maamul ahaan ay Wasaaradda la garab taagan yihiin dadaal kasta oo dib loogu howlgelinayo xaruntii Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa xusay in mas’uuliyiinta Wasaaradda ay xoogga saarayaan sidii Telefishinka Qaranka uu ugu guuri lahaa xaruntiisi hore oo u baahan dayactir iyo dib u dhis.

Telefisnka Qaranka Soomaaliyeed oo la aas aasay 1983-kii ayaa xaruntiisa waxa ay ku taalaa xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshid ee Gobolka Benaadir, waxayna u baahan tahay xaruntaasi dayactir, iyadoo hadda Telefishinka uu si KMG ah ugu shaqeeya xarunta Radio Muqdisho codka Jmahuuriyadda Soomaaliya.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socday ayaa sidoo kale booqday Carwadii hore ee degmada Hodan iyo meelo kale si dib loo howlgeliyo xarumihii ay lahayd Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, halkaasi oo ay kula kulmeen Guddoomiyaha degmada Hodan.

 

Sawir Qaade:- Qeys Cali Shire

R/wasaare Khayrre “Haddii aan rabno in aan dhibka ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu magac daray kulanka madaxda sare iyo shaqaalaha dawladda oo lagu soo bandhigayey wax-qabadka shaqaalaha iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa madaxdooda, sidoo kalena waxaa looga hadlayay xaquuqda ay leeyihiin shaqaalaha. Waxaana munaasabadda goob-joog ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Shaqaalaha dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in uu ku faraxsan yahay ka qeyb galka kulan-kan muhiimka ah, ayaa ku dhaaraaday dhibaatadii iyo daruufahii adkaa ee lagu soo shaqeeyay, iyadoo aysan horey u heli jirin shaqaaluhu xaquuq joogta ah.

“Waxaan ognahay inaad dalkaan ugu soo shaqeyseen duruufo adag, iyadoo aan la mari karin jidadka amni xumo awgeed, waxaan dareen sanahay qaar kiin inaad soo shaqeyseen iyadoo laga faano dawladda, balse ugu dambeyn waxaad soo gaarteen inaad shaqaysaan, idinkoo ku faanaya shaqada aad qarankiina u haysaan”

“Hadii aan rabno inaan dhibka ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda, bulsho kastana sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayaa lagu qiimeeyaa, taasina waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan” ayuu yiri raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu qaaday jidkii horumarka, taasina ay keentay in ay dib-u-soo noqoto sharaftii Soomaaliya ku lahayd adduunka. Wuxuuna faray in qof walba looga baahan yahay in uu ka soo hor-jeesto musuq-maasuqa, si loo helo sinnaan iyo caddalad, dalkuna u gaaro horumarka uu higsanayo.

“Haddii aan ku guuleysanay in aan bixinno mushaarka shaqaalaha mudadii aan xafiiska joognay, waa in qof walba ogaadaa in bil walba heli doono xuquuqdiisa, isna laga rabo shaqo dheeraad ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Kulanka ayaa intii uu socday sidoo kale waxaa hadallo ka jeediyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

MAQAAL:- Gudcurkii Iftiimay

0

Marka hore salaan qiimo badan dhamman Ummadda Soomaaliyeed salaan kaddib qormadan soo socoto waxaan kaga hadli doona qodobo dhowr ah oo la xiriira waayihii ugu dambeyay ee dalkeena, hiilada iyo hagar daamooyinka caalamka iyo ujeedooyinka Ummaddeed.

Shaki kuma jiro in dal bur buray oo mudo ku daahay fowdo nidaam la’aan iyo kala dambeyn la’aan taasoo sabab u ahayeen dagaladii sokeeye ee dalka soo maray, waxaana hubaal ah in dalkeenu soo maray xaalado kala duwan oo lahaa wajiyo aan qurux badneen sida boobka hantida Qaranka iyo mida shacab, daadinta dhiigga inta nugal iyo haldoorka Ummaddeed.

Wakhtigaan aan ka hadleyno waa marxalad kale oo qayb ka ahayd waayo aragnimadii aynu ka dhaxalnay waayihii kala duwanaa dalku xilligaas wuxuu lahaa dowlad kumeel gaar ah oo la ciir ciireysay  amni daro, dhaqaale la’aan iyo dagaallo joogta ah oo ka imaanayey burcad diineedyo isbiirsaday.

Sanadku waa 2011 dowladii KMG ahayd ee dalkeenu waxaa ay wajahday xaalad kale oo culeyskeeda wadatay oo sii joojisay dhibatooyinkii wada jiray ee dalka ka jiray, waana abaarihii ku dhuftay koonfurta iyo qaybo ka mid ah bartamaha dalka oo sababay geerida kumanaan muwadiniin Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobolladii abaartu ay sameysay.

Ma jiro xiriir caalami ah dalkuna ma laha keyd dhaqaale oo xoog leh gobollada dalku iskuma furna oo wixii yar ee naftooda ay kasoo jareen shacabka Soomaaliyeed ee ka damqaday dhibta iyo xaaladda ay ku jiran walalahooda ay abaartu ku dhufatay, ma jiraan wadooyin loo mariyo meel walba waa mooryaan diimeed aaminsan daadinta dhiigga Ummadda, islaamka in uu jano ku galaayo, dowladdu ma laha gaadiid iyo gaashaan buur xoogan oo ka hor tagi kara maleeshiyaadlkaasi.

Maalin walba waa geeri ay gaajo iyo haraad sababeen, dhaguhu waxaa ay maqlaan baroorta iyo qaylo dhaanta dhibanayaasha Soomaaliyeed indhuhu way ilmeynayaan sacabo ka masaxana malaha, dadaalku waa joogto miro dhalkiisu waa yar yahay, dhawaaqa dowladda la hardamaysa cadowyada midoobay waa joogto, gurmadka bannaanku waa balan qaad iyo yabooh aan la rumeyn.

Dowladdaan aan saaxiibada lahayn dadkeeduna u diyaarsaneen hannaanka dowladnimo waxaa ay wajahday marxaladihii ugu darnaa ee oo labo geesood ahaa mid waa shacabkeedi oo gaajo iyo haraad u dhimanaya, midna waa shacabkeedi oo maalin walba si joogta ah dhiiggooda loo daadinayo oo aysan waxba ka qaban karin.

Markaan waa muhiim in aad hesho walaal ku garab gala, oo kula qaybsada dhibta iyo culeysyada kaa tan weyn, oo aadan xalka u hayn, baroortii shacabka oo ay wehliso qaylo dhantii dowladii kumeel gaarka ahayd ee dalka ka jirtay.

Alle qabo ma qado 19 August 2011 waa maalin taariikhi ah oo waxaa isbadalay wax walba oo u baahna in la badalo, waxaa soo baxay walaalo cusub oo xuduud iyo xiriir kale aynu inaga dhaxeyn, waa dowladda iyo shacabka Turkiga oo ka damqaday dhibta ka taagan dalka qaniga ah oo haddana  ah dalka ugu baahida badan caalamka ee Soomaaliya.

Garoonkii diyaaradaha Muqdisho oo aysan mudo dhowr iyo labaanka sano aysan ka soo dagin diyaarad sida mas’uuliyiin maqaam sare leh, ayaa waxaa markii ugu horeysay kasoo degay xiligasi wefdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaarihii dalka Turkiga xiligaa oo ay la socdaan qoyskii qayb kamid ah.

Booqashadii Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan waxaa ay caalamka bartay in dalkaan la daala dhacaya culesyada uu u baahan yahay hiilo iyo garab istaag buuxda oo hagar la’aaneed si uu mar kale u soo kabto.

Hiilada iyo caawinta dalka Turkigu kuma koobneen raashin iyo daawooyin la gaarsiiyo malaayiin shacab Soomaaliyeed oo gaajeysnaa, waxaa dalka laga hir galiyay mashariic muhiim u ahaa dalkeena gaar ahaan dayactirka iyo balaarinta garoonka diyaaraha, dhismaha isbitaalka Digfeer, laamiyadii burbursanaa, dib u habeynta dekeda Muqdisho, deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah, kuwaasi oo leh heerar kala duwan oo dhanka waxbarashada ah iyo mashariic kale.

Dalka Turkigu waxaa uu caalamka tusay ahmiyadda Soomaaliya ay u leedahay siyaasada iyo iskaashiga dhaqan dhaqaale iyo wax wada qaybsiga, waxaan uu markii ugu horeysay Muqdisho ka dhistay Safaradda ugu weyn dalka Turkigu uu ku leeyahay caalamka oo dhan sida uu caddeeyay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Saaxiibka Soomaaliya Madaxweynaha dalka Turkiga waxaa mar kale uu soo gaaray Muqdisho oo wax badan ka duwan Muqdishadii uu yimid, iyadoo ay hareereyn culeyso kala duwan balse xiligaan waa 19.8.2015 Muqdisho, waxaa ay soo ceshatay maqaamkii caasimad ay lahayd, waxaana ka socda horumaro kala duwan, waxaana uu wakhtigan u jooga Muqdisho xarig ka jarka mashariic waa weyn oo laga hir galiyay dalka.

  

W/Q Sharma’arke Maxamed Warsame

Madaxweynaha Falastiin oo shuruudo adag ku xiray Isra’iil

0

Falastiiniyiinta ayaa ka soo horjeestay talaabada isra’iil oo ku aadan wax ka badalka qalabka wax lagu baaro oo ay dhawaan ku rakibtay albaabka laga galo masjidka Barakaysan ee Al-aqsa ee kuyaala magaalaad Qudus, kadib markii maamulka Israel uu qaaday qalabkaasi Electronikada ahaa.

Hogaamiyaha Falastiin Max’uud Cabaas Abuu-Maasin ayaa sheegey in ay sii wadidoonaan talaabooyinka ay u qaadayaan joojinta xiriirka israiil , waxaana arintani ay ka dambeysay markii rabshado ay ka dhasheen qalabkaasi ay rakibtay Israel, kaasi oo Falastiiniyiintu ay u arkaan mid Israel ay ku doonayso Sal balaarsi.

Maamulka Israel ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay ka hortagto waxa ay ku tilmaantay hubka sida sharci darada ah la isaga gudbinayo deegaanadaasi, balser waxay intaasi ku dareen Israeliyiintu in qalabkaasi mid ka duwan oo aan wax dhibaato ah lahayn ay ku bedeleen.

Dhinacyada Falastiin iyo Israel ayaa lakulmaya cadaadis caalami ah oo ku aadan in ay xal waara ka gaaraan ismaan dhaafka ka dhashay qalabka lagu rakibay masjidka Xarram- AlShariifayn oo Yuhuuduu u taqaano Temple Mount

Danjiraha QM u qaalbilsan Bariga Dhexe ayaa sheegey in loo baahan yahay in xal laga gaaro muranka ka taagan masjidka Al-aqsa.

Madaxweynaha Falastiin oo lakulmay culimada ugu waaweyn ee Falastiin ayaa shuruudoa adag ku xiray israiil taasi oo ah in gebi ahaanba la joojiyo qalbkaasi laguna celiyo magalaad Jerusalem.

 W/Q Cali C/qaadir Cali 

Safiirka Soomaaliya ee Masar” habkan ayaan Baasaboorka Soomaaliga u bixina

0

Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta  Mudane Cabdi Qani Maxamed Wacays oo wareysi gaar ah uu siiyay warbaahinta qaranka uga warbixinayay adeegyada ay safaaradda bixiso iyo xiriirka ka dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Wariyaheena dalka Masar Mowliid Xasan Cabddi ayaa wareystay waxaana uu waydiiyay adeegyada ay safaaraddu bixiso ugu horeyn.

“Safaaradda waxa ay bixisa adeegyo fara badan oo waxa kamid ah warqad cadeyneysa qofka muwaadinka Soomaaliyeed, waxaan bixinaa,warqadaha dhalashada, guurka iyo dhimashada ee qofka dhinta u ogolaaneysa in la duugo waan bixinaa”

“Wixii adeeg ah ee dadka Soomaaliyeed uga baahdan xafiisyada Masar waan  u gudbinaa sido kale waxaan bixinaa Baasaboorka Soomaliyaa waxaana adeegaas qaabilsan  qeybta arimaha qunsuliyada iyo shaqaalaha hoos jooga” ayuu yiri Danjire Cabdi Qane Wacays.

Sidoo kale safiirka oo  si faahfaahsan uga hadlay shuruudaha looga baahan yahay muwaadinka Soomaaliyeed ee raba inu qaato Baasaboorka iyo muddada uu sugayo”

“Qofka shuruudaha uu ku qaato ee looga baahan yahay waa marka hore inu haysto wax cadeyn  oo Soomaalinimadiisa ah ama teesaro lee yahay ama uu leeyahay baasaboor hore oo u sameystay ka dhacay ama koobigiisa, ama qoraal rasmiya ee Dowladeed oo cadeynaya shaqsiyadiisa, taariikhdiisa,dhalashadiisa iyo magaciisa intaas hadii mid kamida uu wato waa toos,

“ Hadii intaas midna uu ka haysan ee fara maran yahay waa in uu la yimaada odayaal Soomaaliyeed oo jaaliyadda kamid ah sadax qof ah oo marqaatiyaal ka noqda in uu magaca uu sheeganayo iyo xogta uu bixinayo ay sax yihiin, oo sidaas loogu soo saari karo baasaboor waa in dadka marqaatiga ka noqonayana ay yihiin dad deegaan ku ah magaalada oo sharci iyo Iqaamo ku leh baasaboor Soomaali ahna haysta” ayuu hadalkiisa ku sii daray safiirka Soomaaliya ee Masar.

“Waxaa u baasaboorka ku qaadan karaa markii xogtaas laga buuxiyo oo loo diro Soomaaliya waxay ku maqnaaneysa mudo 15 bari ugu badnaan 15kaas bari wixii ka danbeeyo waa loo soo diraa”

Dhanka kalle safiirka oo ka waramayo  xiriirka ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Masar aya yiri”

“Dowladaha Masar iyo Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeyo waa mid soo jireen ah oo taariikh fac weyn leh, waxaa jirtay marxaladooyin ay isla soo mareen oo midna uu midka kale dhayalsan karin laga soo bilaabo xoriyadii ay qaadatay Soomaaliya 1960kii Masar waxay ahayd Dowladihii ugu horeeyay ee taageeray Soomaaliya marxalad adag ka jirta ee Dowladda Masar gacantii aysiisay  Soomaaliya ama kaalmadii ay siisay  63 ama 64 ay ahayd lama ilaawaan qof kasto xiligaas  noola ama taariikhdeeda soo aqriyayna ay meel weyn kaga taalo” ayuu yiri Danjire Cbadi Qani Wacays.

“Masar, sidoo kalle xiligii dagaalkii 76 ay Masar la gashay cadawga kaalintii ay ka qaadatay Soomaaliya iyadana qof kastoo mas’uul ama shacab Masaari ah mid ay ilaabi  karaan, ma ahan intaas oo idil waxa kasii dambeeyay xiligii Dowladaha carbeed oo idil ay ka goosteen xiriirka Masar iyadoo taariikhda soo dhax martay Soomaaliya iyo Masar laga shidaal qaadanaya Dowladda Soomaaliya way ku gacan seertay ama wey diiday oo waxa ay ahayd Dowlada kaliya ee carbeed oo ku sal adeegtay in calanka Masar Soomaaliya uu ka taagnaado safaaradeenana ay ka furnaato”Safiirka ayaa sidaasi yiri.