Saldhigyo Argagaxisada Al shabaab ku Dhuumaaleysanayeen oo la Duqeeyay

Date:

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo is garabsanaya ayaa duqeyn culus ka fuliyay Saldhigyo Al shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose Aadan Cumar madoobe ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Saldhigyada la weeraray ay hore kaga carareen Al shabaab, ka dib hawlgalo dhowr ah oo lagu beegsaday, keymaha oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen ayay dib ugu soo laabteen Saldhigyadan, iyagoo doonayay inay qaraxyo ka soo abaabulaan oo shacabka ay ku dhibaataayeen,balse waxaa ka war helay Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Mareykan ah, waxaana weerar duqeyn ah xalay lagu laayay Argagaxisada oo dhabar jab xoogan la gaasriiyay iyadoo Guddoomiyaha uu sheegay sida loo xaqiijiyay in Maleeshiyo ka baxsatay duqeynta aysan jirin.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in aysan jirin khasaaro soo gaaray dadka rayid ah, isagoo ku amaanay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka inay xaqiijiyaan markasta meelaha weerarka ay ku qaadayaan si shacabka aan dhibaato loo gaarsiin.

Xigasho:SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Cali Xoosh oo gaaray Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo...

Soomaaliya iyo Afrikada dhexe oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya 21-ka Janaayo

Shacabka  Soomaaliyeed ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta warfaafinta...

Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, mudane Daa’uud...