Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan Soomaalia+sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yuusuf-Garaad Cumar ayaa  xafiiskiisa ku qabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya H.E. Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi Gelinkii dambe ee Arbacadii, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa boggaadiyay kaalinta dowladda Imaaraat-ka carabta kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay in xiriirka labada dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo iskaashi miro-dhala.

Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sare u qaadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta iyo fulinta heshiisyo dhinacyo badan leh oo labada dal ay hore u gaareen oo ka shaqeynaya dano wadaaga.

Dhanka kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daa’ud ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Mohamed Al Hammadi, waxa ayna kaga wada hadleen arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaallaha.

Kulanka oo ku idlaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Carabta Mr. Mustafa Adam Dagaal iyo kaaliyaha gaarka ah ee xafiiska Wasiirka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...