Bandhig carweedka Buugaagta oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Sanadkii Sedexaad ayaa Muqdisho lagu qabtay Bandhig Carweedka Buugaagta, waxaana qoraayaal Soomaaliyeed oo  rag iyo dumarba leh carwada ay ku soo bandhigeen buugaag ay ka qoreen mowduucyo kala duwan oo si gaar ah xooga u saarayey arimaha bulshada iyo ahmiyadda afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Dadweynaha ka qeyb galay Bandhig Carweedka Buugaagta Muqdisho ayaa maalmaha uu soconayo fursad u helaya in ay cilmi kororsadaan, qaarkood ayaana iibsanayey buugaagta goobta lagu soo bandhigay.

Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo urukiisu uu soo qaban qaabiyey Bandhig Carweedkan ayaa sheegay in sanadkaan oo wax badan kaga badalanyahay bandhigyadii horey ay u soo sameeyeen.

Bandhigayada noocaan ah oo kale ah ayaa door wanaagsan ka qaadan kara in dadku ay ku baraarugaan ahmiyadda wax qorista.


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...