Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka dooday Goโ€™aankii Xukuumadda Soomaaliya.

Date:

Kulankaan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaraai, ayaa ajandahiisu ย  waxa uu ahaa Qeybinta Hindise Sharciyeedyada ilaa hada lasoo gaarsiiyay Golaha Shacabka iyo sidoo kale ka doodista Qaraarkii Golaha Wasiirada ee 6-dii September sanadkan 2017-ka.

Kalfadhigaan oo ay kasoo qeyb galeen 178 Mudane ayaa guddoomiyaha Golaha shacabka ugu horeyn waxa uu xildhibaanadaย  u sheegay in ilaa hadda golaha la soo gaarsiiyay 11 Hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya wixii hada ka dambeeya oo kalfadhigan ka harsanna aanu Golahu loo soo gudbin Karin wax hindise sharciyeed ah sida uu qabo xeer hoosaadka Golaha Shacabkaย  qodobkiisa 42-aad.

Intaasi ka dib ย Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u guda galay ka doodista Qaraarka Golaha Wasiirada 6-dii September oo ay mudanayaashu aragtiyo kala duwan ay ka qabeen.

Dooda Xildhibaanadda kadib ayaa Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxa uu sheegay in guddi gaar ah loo saari doonno Goโ€™aankii Xukuumadda dhowaan ay ka qaadatay arrinta C/kariin Muuse Qalbidhagax oo ah Sargaal Jabhadda ONLF ka tirsan.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay In ay is dejiyaan oo ay ku kalsoonaadaan Golahooda, islamarkaana ay ka feejignaadaan wararka aan xaqiiqda ku saleysaneyn oo ay faafinayaan dad aan raali ka aheyn dowladnimada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...