Home Blog Page 1561

Safiirka Soomaaliya ee Masar” habkan ayaan Baasaboorka Soomaaliga u bixina

0

Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta  Mudane Cabdi Qani Maxamed Wacays oo wareysi gaar ah uu siiyay warbaahinta qaranka uga warbixinayay adeegyada ay safaaradda bixiso iyo xiriirka ka dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Wariyaheena dalka Masar Mowliid Xasan Cabddi ayaa wareystay waxaana uu waydiiyay adeegyada ay safaaraddu bixiso ugu horeyn.

“Safaaradda waxa ay bixisa adeegyo fara badan oo waxa kamid ah warqad cadeyneysa qofka muwaadinka Soomaaliyeed, waxaan bixinaa,warqadaha dhalashada, guurka iyo dhimashada ee qofka dhinta u ogolaaneysa in la duugo waan bixinaa”

“Wixii adeeg ah ee dadka Soomaaliyeed uga baahdan xafiisyada Masar waan  u gudbinaa sido kale waxaan bixinaa Baasaboorka Soomaliyaa waxaana adeegaas qaabilsan  qeybta arimaha qunsuliyada iyo shaqaalaha hoos jooga” ayuu yiri Danjire Cabdi Qane Wacays.

Sidoo kale safiirka oo  si faahfaahsan uga hadlay shuruudaha looga baahan yahay muwaadinka Soomaaliyeed ee raba inu qaato Baasaboorka iyo muddada uu sugayo”

“Qofka shuruudaha uu ku qaato ee looga baahan yahay waa marka hore inu haysto wax cadeyn  oo Soomaalinimadiisa ah ama teesaro lee yahay ama uu leeyahay baasaboor hore oo u sameystay ka dhacay ama koobigiisa, ama qoraal rasmiya ee Dowladeed oo cadeynaya shaqsiyadiisa, taariikhdiisa,dhalashadiisa iyo magaciisa intaas hadii mid kamida uu wato waa toos,

“ Hadii intaas midna uu ka haysan ee fara maran yahay waa in uu la yimaada odayaal Soomaaliyeed oo jaaliyadda kamid ah sadax qof ah oo marqaatiyaal ka noqda in uu magaca uu sheeganayo iyo xogta uu bixinayo ay sax yihiin, oo sidaas loogu soo saari karo baasaboor waa in dadka marqaatiga ka noqonayana ay yihiin dad deegaan ku ah magaalada oo sharci iyo Iqaamo ku leh baasaboor Soomaali ahna haysta” ayuu hadalkiisa ku sii daray safiirka Soomaaliya ee Masar.

“Waxaa u baasaboorka ku qaadan karaa markii xogtaas laga buuxiyo oo loo diro Soomaaliya waxay ku maqnaaneysa mudo 15 bari ugu badnaan 15kaas bari wixii ka danbeeyo waa loo soo diraa”

Dhanka kalle safiirka oo ka waramayo  xiriirka ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Masar aya yiri”

“Dowladaha Masar iyo Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeyo waa mid soo jireen ah oo taariikh fac weyn leh, waxaa jirtay marxaladooyin ay isla soo mareen oo midna uu midka kale dhayalsan karin laga soo bilaabo xoriyadii ay qaadatay Soomaaliya 1960kii Masar waxay ahayd Dowladihii ugu horeeyay ee taageeray Soomaaliya marxalad adag ka jirta ee Dowladda Masar gacantii aysiisay  Soomaaliya ama kaalmadii ay siisay  63 ama 64 ay ahayd lama ilaawaan qof kasto xiligaas  noola ama taariikhdeeda soo aqriyayna ay meel weyn kaga taalo” ayuu yiri Danjire Cbadi Qani Wacays.

“Masar, sidoo kalle xiligii dagaalkii 76 ay Masar la gashay cadawga kaalintii ay ka qaadatay Soomaaliya iyadana qof kastoo mas’uul ama shacab Masaari ah mid ay ilaabi  karaan, ma ahan intaas oo idil waxa kasii dambeeyay xiligii Dowladaha carbeed oo idil ay ka goosteen xiriirka Masar iyadoo taariikhda soo dhax martay Soomaaliya iyo Masar laga shidaal qaadanaya Dowladda Soomaaliya way ku gacan seertay ama wey diiday oo waxa ay ahayd Dowlada kaliya ee carbeed oo ku sal adeegtay in calanka Masar Soomaaliya uu ka taagnaado safaaradeenana ay ka furnaato”Safiirka ayaa sidaasi yiri.

Wasiir Xoosh oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub (EU) u fadhisa Soomaaliya Amb Veronique Lorenzo, kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa intii uu kulankooda socday kawada hadlay sidii EU ay u taageeri lahaayeen hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

AVV Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dawladda Soomaaliya, dhanka kalena waxa uu ka codsaday in Wasaaradda lagu garab istaago hawlaha ay dadka Soomaaliyeed u hayso.

“Midowga Yurub waxa ay door wayn ka soo qaateen guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhismaha dawladnimada iyo xoojinta amniga, waanan uga mahadcelinaynaa sida ay noo garab istaageen waqtiyadii adkaa ee ina soo maray, dhinaca kale waxa aan idinka codsaneynaa in aad nagu garab istaagtaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaantan dalka ka bilaabmaya” ayuu yiri Wasiirka.

Safiirka ayaa dhinaceeda aad usoo dhaweysay isla markaana bogaadisay howlaha iyo latashiyada baaxadda leh oo ay Wasaaradda muddooyinkaan waddo, waxayna dhiirigelisay in la sii xoojiyo. Safiiradda waxey ballanqaaday in EU ay si buuxda u taageereyso dib u eegista Dastuurka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Safiirka sida ay uga go’antahay in ay Wasaaradda taageerto iyo guud ahaanba hay’adaha dawladda.

Saraakiil Ciidan oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xaruunta Baay”

0

Saraakiil  ciidan oo ka socda Dowladaha Talyaaniga,Ingiriiska iyo maraeykanka ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Baydhaboee Xaruunta Gobolka Baay waxaana Garoonka Baydhabo kusoo dhaweeyey Saraakiisha Xooga Dalka Soomaliya.

Saraakiishaan ka socday Dowladaha reer Galbeedka ayaa booqosho kala duwan ku tagay Xeryaha Ciidamada Xooga Dalka ku leeyihiin Xaruunta Gobolka Baay waxaana ka mid ah Xaruumaha ay kor meereen Xerada taliska qeybta 60 aad ee Ciidamada Xooga Dalka iyo Xaruumo kale.

Waxaa ayna balan qaadeen inay dhawaan deegaanada Maamulka koofur Galbeed ay ka hirgalin doonaan Xaruumo Ciidan taasooo qeyb ka noqonaysa Xoojinta iyo tayaynta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Amaanduulaha  taliska qeybta Lixdanaad ee  Ciidamada Xooga Dalka G/ sare Cismaanciil Khaliif Shire ayaa sheegay inay Saraakiisha ka socday Dalalka Talyaaniga,ingiriiska iyo mareykanka ay kala hadleen inay ka taageeraan dhinacyada tababarada iyo taakulaynta Ciidamada Xooga Dalka gaarahaan kuwa ka howl-gala Gobolada Baay iyo Bakool.

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ka Furay Shirka Isimada Puntland”

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 July 2017 magaalada Garoowe gaar ahaan Hotel Garand kaga qayb galay shirka Isimada Puntland ee xalinta tabashada beesha Tanade Daarood ee Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland.

Shirkani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka  Puntland  Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiiradda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtoyada Puntland, Isimadda Puntland, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay muhiimadda shirkani ayaa tilmaamay inuu yahay mid ka turjumaya wax wadda lahaan shaha shacabka Reer Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyey in loobaahan yahay in Maamulku sanadkiiba mar isugu yeedho isimada, si ay uga arrin sadaan xaaladda dalka,  fekerna ugu darsadaan masiirka wadaninimo iyo kan horumarineedba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Isimada xasuusiyey  in aasaaskii Puntland iyo  jiritaanka Puntlandba ay u ahaayeen hormuud, isla markaana ay weligood u ahaan doonaan, loona baahan yahay inay gartaan Isimadu musuuliyadda waaraysa ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkoodaba.

” Jiritaanka Puntland iyo aasaaskeediiba idinkaa saldhig u ahaa, idinkaa buldhig u ahaa inay Puntland  midnimadeedii sii sugnaato, is jacaylkii iyo mar xabayntii dadka Puntland ka dhexayseyna sii socdaan weli masuuliyadeedii idinkay idin saaran tahay, qofka siyaasiga ahi waana imaanayaa waana tegayaa, laakiin idinka masuuliyad kale oo aan dhammaanayn ayaa idin saaran ilaa aad ka god-gashaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xasuusiyey shacabka Puntland in maanta horumar lixaadle ka socdo dhammaan degaanada Puntland, kaasi oo salka ku haya kabidda kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in horumarku leeyahay wanaag iyo farxad, dhanka kalena uu leeyahay cadaw badan oo ka xun horumarkaaga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo cusboonaysiiyo axdigii lagu dhisay Puntland 1998-dii maadaama ay wax walba oo bini aadan samaysto u baahan yahay bid u cusboonaysiin ama dib u eegid, sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimada ay u leeyihiin beesha Tanade Darood jiraanka Puntland ayaa sheegay.

” waxaan rabaa in wax ka iraahdo in beeshani laba siyaaboodba Puntland muhiim ugu tahay, waxay muhiim ugu yihiin difaaca iyo jiritaanka Puntland, midnimadda Puntlandna muhiim ayay u yihiin, waxaa jirta haddaba tabasho, ka jirta matelaadda shacbiga ee Baarlamaanka, tabashadaasi muday soo jirtey, waana soo socotey, waxayna u baahan tahay in wax layska yiraahdo lagana jawaabo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

U qaabilsanaha Arrimaha Soomaaliya Filand ayaa la kulmay Soomaalida haysata Sharciyada Dalkaas (Daawo Muuqaal)

0

Kulankaan  uu maanta la qaatay Xogayaha u qaabilsan arrimaha Soomaaliya wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Filand  qaar ka mid ah Soomaalida haysata Sharciyada Dalka Filand ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay  ka mid yihiin caqabadaha haysta iyo baahiyaha ay qabaan jaalliyada Soomaaliyeed.

Intii uu kulanka uu socday ayaa laysku dhaafsaday talooyin,figrado ku qotama baahiyaha, caqabadaha heysta jaaliyada iyo qaabka loga guddbi karo waxayna jaaliyadu inta badan ay ku celceliyeen iney baahi weyn u qabaan hirgilinta xafiis cusub oo logu adeego Dadka heysta sharciga dalka filand.

Waakan Drs mulki Cilmi Rooble oo ka mid ah jaaliyada heysata shariciga Dalka filan ayaa ugu horeyn madasha kulnka hadal ka jeydisay ayaa sharaxaad ka bixisay booqashada maanta uu soo booqday xogayaha iyo waxyaabihi ay kala hadleen xogayaha.

Mr Toni Sinder xogayah u qaabilsanaha arimaha soomaaliya ee wasaarada arimaha dibada ee Dalka filan oo ugu danbeyntii kulankaasi hadal ka jeydiyay ayaa balan qaaday inuu horgeyndoono dhamaan warbixnida ay usoo bandhigeyn Qurba-joogta Soomaaliyeed madaxda filand.

Guddoomiye Jawaari oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka soday Qaramada Midoobay (Daawo Muuqaal)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa qeybta horumarinta ee laanta haweenka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Faadumo Dayib Qaasim oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka ku jira Baarlamaanka waxaana kulanka oo ay goobjoog ka ahayd  Guddoomiyaha haweenka ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku bogaadiyay howsha ay u heyso haweenka Soomaaliyeed, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay in Gabar Soomaaliyeed ay ka mid noqoto madaxda laanta haweenka ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca Kale qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kulamo ay kaga hadlayeen qorshe howleedkooda ,waxaana Guddiga golaha shacabka u qaabilsan arimaha garsoorka iyo awqaafta uu maanta la kulmay wasiirka owqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Gudoomiyaha Guddigaasi Xildhibaan Shariif Sheekhquna -Maye ,waxaana ka qeyb galay  Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

????????????????????????????????????

Guddoomiye ku-xigeenka 1aaad ee golaha shacabka oo daah furay xarunta Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha

0

Daah furka xarunta Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya, xubno ka socday Guddiga Qaran ee shaqaalaha Rayidka iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha Hakish iyo TIKA oo gacan ka geystay dhismaha xaruntan.

Guddoomiyaha Xiriirka Guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa tilmaamay in xaruntan ahmiyad gaar ah u leedahay guud ahaa shaqaalaha Soomaaliyeed, in la hirgaliyana ay tahay talaabo wanaagsan.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha dalka Turkiga ee kaalinta ku lahaa dhismaha xarunta Xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ku booriyey Madaxda xiriirka iney ka shaqeeyaan isku xirka guud ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed, si loo abuuro fursado shaqo oo dhallinyaradu ay ka faa’iideystaan.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in xaruntan ay kaalin ka qaadaneyso in la helo shaqaale tababbaran, dowladuna ay ka shaqeneyso in la sameeyo qorshe shaqo abuur ah.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Cabdiwweli Sheakh Ibraahim Muudey ayaa u mahad celiyey hay’daha dalka Turkiga ee gacanta ka geystay hirgelinta xarunta xiriirka guud ee shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana uu Madaxda Xiriirka guud ee shaqaalaha ku booriyay inay u adeegaan bulshadooda oo ay gacan ka geystaan sidii shaqaalaha loo tayayn lahaa xagga aqoontooda.

Guddiga Amniga Badaha oo yeeshay Kulan muhiim ah

0

Muqdisho, July 25, 2017….Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga amniga Badaha, kaas oo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badaheena. Guddigan oo loo sameeyey in xiriir joogto ah la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha badda ayaa bishii hal-mar kulan ku yeesha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxana kulanka ka soo qeyb galay lix Wasaaradood oo ay khuseyso arrimaha badaha, sida, Wasaaradda Kaluumeysiga, Amniga, Gaashaandhigga, Arrimaha Dibedda, Maaliyadda, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo wafdi ka socday Maamul Goboleedyada oo si dhow ula socda xaaladda badaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Kuluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in la samaynayo sharcigii lagu dhisi lahaa ciidanka ilaaliya xeebaha oo loo yaqaan (Goast Guard) iyo sidii wax looga qaban lahaa sharci darada looga kaluumeysto xeebaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirkan looga hadlay xoojinta hay’addaha Garsoorka.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in kulankan uu hor-u-dhac u yahay shir kale oo ka dhici doona dalka Uganda, oo looga hadlayo amniga baddaha Soomaaliya, kasoo ay ka qayb galayaan dhammaan maamul Goboleedyada iyo madax ka socota dawladda dhaxe. Sidoo kalena waxaa lagu marti qaaday beesha caalamka sidii ay hay’addaha dhaqaalaha bixiya u taageeri lahaayeen qaabka loo sugayo amniga dalka iyo kan badaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dalka Faransiiska

0

Muqdisho, 25 Luulyo 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya Mudane Antoine Sivan.

Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Somaaliya in dowladda Faransiisku ay kala shaqayso.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay haysato taageerada Shacabka, sidaas darteedna looga baahnayahay wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya in ay dowladda kala shaqeeyaan qorshayaasha horyaala ay ka mid tahay xal u helista daymaha lagu leeyahay dalka iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

Danjire Antoine Sivan ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Madaxwaynaha Faransiiska Immanu-wel Mak-roon ( Emmanuel Macron ) oo ku tarjumaysa sida ay u garab taaganyihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

 

Maleeshiyada Shabaab oo lacago baad ah ku soo daayay 7 shaqaale gar gaar oo duledka Baydhabo ay ku afduubteen

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi ay soo gaareen 7 kamid ah shaqaale gar gaar oo ay horey u afduubteen maleeshiyaadka Shabaab gelinkii dambe ee Isniintii.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee magaalada Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa soo sheegaya in dadkaasi la afduubtay laga qaatay lacago baad ah oo gaaraya min 4000 kun oo dollar.

Shaqaalahaasi oo muddo todobaad ah ay gacanta ugu jireen koxda SHabaab aya isugu jiray 3 dumar ah, iyo 4 rag ah oo uu kujiray darawalkii waday gaarigii ay la socdeen, waxayna  u shaqeynayeen  hay’adda Gareedo oo ka shaqeysa arrimaha samafalka deegaanadaasi.

Majiraan wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta hay’adaasi ee la xiriira dhacdadaasi, balse warar ka madax banana oo ay heleyso SONNA ayaa sheegaya in lacago baad ah laga qaatay dadkaasi la afduubtay.

Deegaanka Deynuunaay oo qayaas ahaantii 30 ilaa 25 KM dhanka Bari kaga beegan magaalada Baydhabo ayaa laga afduubtay shaqalaahasi xili ay ku guda jireen howlo hoodi shaqo ee dhinaca samafalka.

W/Q Cali C/qaadir Cali