Home Blog Page 1561

Sharciga socdaalka Soomaaliya oo isbadal lagu sameynayo (Daawo Muuqaal)

0

Agaasimaha Hey’adda Socdalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegy in ay dib u eegis ay ku sameynayaan sharciga socdaaalka Soomaaliya  si uu ula jaanqaado wadamada Caalamka.

Sidoo kale Hey’adda ayaa ku guuleysatay in ay furto xuduudaha Soomaaliya soo gelista xagga sharciga, iyagoo sido kale rajeynaya in ay furaan meela kale oo xuduudaha dalka ku yaalo xarumahooda si loo hubiyo xagga gelista iyo ka bixista dalka sharciyada socdaalka Soomaaliya si ay kaga qeyb noqdan amniga dalka.

Gaashanle sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay latashiyo la sameynayaan hay’adaha ay quseyso ee dowlada Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka, si dib u eegis loogu sameeyo sharcigan.

“Shirka maanta waxa uu ahaa wadatashi ku saabsan dib u eegis lagu sameynayo sharciga Socdaalka Soomaaliya, waxaana la sameeyay 1966 oo lagu soo saaray xeer, waxbadan ayaa ka dambeeyay oo isbadalo ka dhacay dalka iyo caalamka, waxaa is badalay Dastuurkii dalka, waxaa kaloo is badalay qaab dhismeedki dowladnimo ee xilligaasi la heystay, waxaa la qaatay Nidaamka Federaalka, waxaa addduunka ku soo kordhay xaalado amni iyo waxyaabo badan oo u baahan xakameyn, waxaana batay socdaalo Soomaaliya soo galaya iyo kuwa ka baxaya” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Agaasimaha ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidii xarumo ay uga furan lahaayeen qaar ka mid ah magaalooyinka ku yaala xaduudda, isagoo xusay inay wadaha la galeen maamulada halkaasi ka dhisan, si ay gacan uga siiyaan saraakiisha socdaalka Soomaaliya gudashada howlaha loo idmaday.

Gaashanle sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa intaa ku daray “Ceer barde, Feer Feer iyo Goldogob ayaa inoo qorsheysan inaan xafiisyo ka hirgelino, inta badan qalabkii lagu shaqeyn lahaa waan dhignay, waana diyaar howlwadeenadii shaqada qaban lahayd, waxaan kaloo la hadalnay maamulada halkaasi ka arrimiya si ay gacan uga siiyaan saraakiisha inay gutaan howlaha loo xilsaaray”.


Dukaamo Soomaali leedahay oo lagu boobay duleedka Cape Town

0

Shacab South Africaan ah oo careysan ayaa habeenkii xalay ahaa boobay goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaalay xaafadda lagu magacaabo Paarl oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada Cape Town.

Shacabka deegaankaasi ayaa waxaa la sheegay in ay ka caroodeen gacan ka hadal dhax maray mid ka mid ah dadka deegaanka iyo ruux Soomaali ah oo ka shaqeynayay midka mid ah dukaamada la boobay.

Dukaamada la boobay oo ah saddex ayaa waxaa la sheegay in uu ku jiray dukaan lagu iibinayay alaabaha jumlada ah ee lagu iibiyo dukaamada yaryar ee Soomaalida ku leeyihiin tuulooyinka hoos yimaada xaafadda Paarl.

Ciidamada boolis ka ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay waxaana u suuragashay in ay xakameeyeen rabashadaha ka dhashay arrintaasi wallow aan la ogeyn ilaa iminka cid loo soo qabtay falkaasi.

Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Safiirka UK ee Soomaliya oo kulan yeeshay “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA):- Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiiro ka tirsan Koofur galbeed, Xildhibaano iyo xubno kale, kadibna waxaa loo galbiyay Madaxtooyada maamulka K/Galbeed, iyagoo kula kulmay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan.

Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Danjire David Concar, ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, Abaaraha, dib u dejinta Barakacayaasha iyo dib u habeyn lagu sameeyo Wabiga

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuurdiin Yuusuf, ayaa Wariyeyaasha sharraxaad ka siiyey markii uu idlaaday Kulanka  dhex maray Madaxweynaha Koofur galbeed iyo wafdigii la socday Safiirka Boqotooyadda Britain ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Dowladda Ingiriiska ay balan qaaday Mashaariic ay ka mid yihiin in ay dayactirto Wabiga Shabeelle, si uu u keydiyo biyaha.

 

Puntland iyo Galmudug oo miyiga Gaalkacyo kawada wacyagelin ku aadan sidii nabada loo ilaalin lahaa.

0

 

Muqdisho (SONNA):- Madaxweyne ku xiggeenka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee  Puntland Mudane Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo Wariyeyaasha lahadlay  ayaa sheegay in uu  dhaamaday dagaalkii iyo falalkii amnidaro ee kol hore ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,  kaas oo u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan Dowlad goboleedyada  Puntland iyo Galmudug.

Mudane Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey, Madaxweyne ku xiggeenka Puntland ayaa Waxa uu sheegay in Shacabka labada Maamul iyo madaxdooda ay diyaar u yihiin in xasiloonida la ilaaliyo, islamarkaana Madaxda labada Maamul ay deegaanada Miyiga ah ay ka wadaan wacyagelin ku aadan sidii nabada loo ilaalin lahaa.

“Haddii dhalinyaradda, haweenka iyo Waxgaradka  ay doorkooda qaataan, waxaan hubaa in dadkaan uu hishiinayo, marka waxaan leeyahay Shacabka meel kasta oo ay joogaan waa in ay u diyaar garoobaan nabadda sidii looga mira-dhalin lahaa colaadana looga looga hortagi lahaa” ayuu yiri Mudane C/xakiin Cameey

Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa shalay waxaa kala booqday Madaxweyne ku xiggeenada Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyagoo dadka Xoolo dhaqatada ah gaarsiinayay in la dhaqangeliyo heshiiskii lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Koofur galbeed iyo Safiirka UK ee Somalia oo kulan ay yeesheen uga hadlay Dayactirka Wabiga shabeelle

0

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiiro ka tirsan Koofur galbeed, Xildhibaano iyo xubno kale, kadibna waxaa loo galbiyay Madaxtooyada maamulka K/Galbeed, iyagoo kula kulmay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan.

Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Danjire David Concar, ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, Abaaraha, dib u dejinta Barakacayaasha iyo dib u habeyn lagu sameeyo Wabiga

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuurdiin Yuusuf, ayaa Wariyeyaasha sharraxaad ka siiyey markii uu idlaaday Kulanka  dhex maray Madaxweynaha Koofur galbeed iyo wafdigii la socday Safiirka Boqotooyadda Britain ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Dowladda Ingiriiska ay balan qaaday Mashaariic ay ka mid yihiin in ay dayactirto Wabiga Shabeelle, si uu u keydiyo biyaha.

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo ka shiray qodobo ay kamid yihiin Xildhibaanada safra wargalin la’aan Guddoonka ah.

0

Kulankaan oo ahaa kii  12-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Federaalka ah ee Soomaaliya  ay yeeshaan, ayaa waxaa looga hadlay Guntanka Kullamada guud ee Golaha Shacabka , Xildhibaanada ka qeyb gala Shirarka iyo Siminaarada aan Gudoonka la socon iyagana aan warbixin laga helin iyo sidoo kale safarada Xildhibinaada raaca wafuuda ee aan guddoonka la socon.

kulanka oo uu sidoo kale ku sugnaa Gudoomiye ku xiggeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa  markii uu soo gaba gaboobay ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka Xildhibaan Sharma’arke Garaad Saleemaan Buraale oo ah Habdhowraha golaha Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sharaxaad ka bixiyey Qodobadii kasoo baxay kulankaasi.


Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo la kulmay Danjiraha Denmark u fadhiya Soomaaliya.

0

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan la qaatay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen, kulankani ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

“Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Danjiraha Dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mette Knudsen ayaa sheegtay soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey. Isla markaan ay Denmark diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo la kulmay Danjiraha Denmark u fadhiya Soomaaliya.

0

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan la qaatay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen, kulankani ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

“Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Danjiraha Dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mette Knudsen ayaa sheegtay soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey. Isla markaan ay Denmark diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.

DHAMMAAD

Shir Wadatashi ah oo ku saabsan Sharciga Socdaalka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho ( SONNA) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa shir wadatashi ah u qabatay Khubaro ka kala socday qaar ka mid ah Hay’addaha dowlada iyo Bulshada rayidka, waxaana shirkan uu ku saabsan yahay dib u eegista Sharciga Socdaalka.

Waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka arimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiiru dowlaha arimaha gudaha Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale (Koofi).

Wasiirada Shirka ka soo qeyb galay ayaa ka dalbaday quburada loo soo xulay in ay ka qeyb galaan wax ka badalka sharciga Socdaalka in ay is waafajiyaan xaalada uu hada dalka marayo iyo sharcigan, Maadaama marka la sameynayay sharciga ay aheyd 1966, Xiligaasna ay sameysay dowlada dhaxe, hadana Soomaaliya ay qaadatay Federal , sidoo kalena ay hada aduunka ku soo korortay argagaxiso aan horay loo aqoon.

Shirkan Wadatashiga ah ayaa waxaa lagu qaban doonaa mudo seddex bilood gudahood ah dhamaan Maamul goboleedyada dalka ka dibna waxaa loo soo gudbinayaa Golaha Wasiiradda si ay uga doodaan oo ay baarlamaanka ugu gudbiyaan.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh ee Qaxootiga Rohingya

0

Dhaka-SONNA-Sheikh Hasina Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh, ayaa maanta booqanaysa xerada Kutupalong, ee ay maamusho Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, xeradan ayaa ka mid ah xeryaha qaxootiga ee loo sameeyay Muslimiinta Rohingya.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey Sheekh Hasina dhibaato wayn ku sheegtay tobonnaanka kun ee Muslimiinta Rohingya ee dalkeeda soo gaaraya.

Booqashadan ayaa ah tallaabadii ugu weynayd ee ay dowladda Bangladesh ku muujinayso inay ka go’an tahay inay shaaca kaga qaaddo qaxootiga Muslimiinta Rohingya ee ka soo qulqulaya dalka dariska ah ee Myanmar, iyo weliba inay dalbato caawin caalami ah si dhibaatadan wax looga qabto.

Dowladda Bangladesh ayaa  ku dadaalaysa sidii ay u xallin laheyd tiradan sidoo kalana ay u xakamayn laheyd deeqaha aan habeysnayn ee soo gaaraya.

Sidoo kale waxa ay bilowday inay diiwaangeliso dadka cusub ee halkaas soo gaaraya.

Waxaa isbadel uu ku yimid siyaasadda dowladda Bangladesh taas oo markii hore shaki ka qabtay sharciyadda muhaajiriintaasi.

Hasayeeshee haatan waxa ay doonaysaa inay diiwaangeliso dadkaasi, si ay mustaqbalka ugu ogaato inay yihiin muwaadiniin dalka Burma ka soo jeeda.