Home Blog Page 1559

Wasiirka Difaaca XS oo Tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan xoogga Dalka

0

Ciidamada katirsan militariga Soomaaliya ayaa tababara kor loogu qaadayay aqoontooda loogu soo geba gebeeyey magaalada Muqdisho kuaasi oo isugu jiray sarakiil, saraakiil xigeen iyo kuwo kale.

Waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya,saraakiil katirsan ayadoo tababarkasi oo muddo bil ah ka socoday magaalada Muqdisho ay bixinayeen saraakiil Mareykan ah.

General Bile Ibraahim Aadan oo ah madaxa taakulaynta ciidanka xoogga dalka ayaa uga mahadceliyay saraakiisha Mareykanka ah tababarkan ay siiyen cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka, oo la barayay sidii ay dalkoodi u difaaci lahaayeen.

Mudane C/rashiid C/laahi oo ah wasiirka Gaashaaindhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ciidankaasi katirsan xoogga dalka u soo xiray tababarka ayaa bogaadiyay in waxyaaboihii ay barteen ay dalka ugu adeegaan.

“Waxaan aaminsanahay in howsha la idin tababaray ay tahay mid dhaxalgal ah,islamarkaana anficidoonta ciidamada xoogga dalka,anficidoonto dalka,looguna talagalay wax alaale wixii diwaangelin ah,oo laxisaabtan ah eek u saabsan wax alaale wixii ciidamadu ay leeyihiin in la helidoono xisaab waafi ah, oo boqolka sano ee soo socota qofkii idinka dambeeya uu helikaro recordkaasi, jiilka soo socoda ee soo koraya waa in ay helaan”, Ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya aydoo ay soo wehliyaan wadamo kale sida Turkiga Midowga Yurub iyo qaar kamid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya waxayna ka caawiyaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dib u dhiska ciidamada.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shacab iyo madax kala qeyb galay Maalinta Ololaha Nadaafadda

0

Muqdisho,27 July 2017….. Maalinta Ololaha Nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyey, ayaa maanta si weyn looga xusay Caasimadda dalka, waxaana isu soo baxyo lagu nadiifinaayo magaalada laysugu soo baxay xaafadaha iyo goobaha qashinka lagu aruuriyo ee kala duwan.

Ololaha nadaafadda waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, ku-xigeenkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed, Xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan, waxana ay hawshan nadiifinta ka bilaabeen degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Taleex halka ay Wasiirada Xukuumadda ka bilaabeen xarumaha Wasaaradahooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo gacantiisa ku waday gaadiidka gashinka xaaqayay, isla markaana dhex socday haweenka olalaha nadaafadda sameynayay, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u istaagaan ka shaqeynta nadaafadda dalkooda.

“Maanta waa xiligii aynu u astaynay nadaafadda oo dalka dhan laga fulindoono, waxaana muhiima in yar iyo wayn madax iyo shacaba aynu ka wada qeyb qaadano ololaha nadaafadda. Inaan iska nadiifin wayno qashinka si aan u noolaano ceeb ayay nagu tahay, maanta waxaan u taagan nahay inaan nadiifino dalkeena madaxdii qaranka oo dhan ayaa u soo baxay arrintan”, ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

“Tani waxay ka turjumaysaa in Soomaalidu ay dalkeeda dib-u-dhisato, haddii aynaan anagu qashinka iska xaaqin oo aynaan nadiifin jidadka, ma jirto cid noo keenaysa dal bilicsan, haddii aad ka qeyb qaadato nadaafadda guud iyo barnaamijyada iskaa wax u qabso, waxay tusaale u tahay in aad dalkaaga dib-u-dhisatid. Waa in qof walba oo Soomaali ah ogaadaa dalka kaliya ee naga dhexeeya inuu yahay kan”.ayuu Ra’iisul Wasaaraha hadalkisa ku daray.

Maalinta nadaafadda ayaa si weyn waxaa uga dhex muuqday qaar ka mid ah haya’daha dawladda, kuwaas oo ka hawl galaayey goobo kala duwan, isla markaana dadweynaha kala qayb qaatay.

Wasaaradaha uu Ra’iisul Wasaaruhu tagey ee ololaha nadaafaddu ka socday ayaa waxaa kamid ahaa wasaarada Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda, Madaxtooyada dalka, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Waxbarashada iyo qaar kale, kuwaas oo ay hor kacaayeen wasiirada iyo maamulada kala duwan.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay guddi qaabilsan dhismaha waddooyinka

0

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  kulan kula  yeeshay Madaxtooyada Garoowe guddiga dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Kulankani ayaa waxa ay guddigu uga xog-bixiyeen xogo ku saabsan meesha ay marayso shaqada dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo, isla mar’ahaantaana waxa ay kulanku intii uu socdey soo bandhigeen muuqaalo muujinaya sida ay shaqadu u socoto iyo meesha ay marayso dhismaha waddadu.

Xubnaha Giddiga Ceeldaahir-Ceerigaabo ee Madaxweynaha Puntland layeeshay kulanka ayaa waxa ay u cadeeyeen inay waddada dhismaheedu marayo magaalada Middigale oo Ceeldaahir u jirta 50km, taas oo micnaheedu yahay  in waddada la dhamaystiray intii ugu adkayd dhulka, una baahnayd khibrad iyo dedaal dheeraadda.

Sidoo kale Gudddiga ayaa waxa ay Madaxweynaha Puntland faah-faahin kasiiyeen qaabka loo waajihi doono dhismaha waddada wejiga labaad ee daamurka iyo jayga, iyagoo sheegay in waddada loo dhisi doona si casriya oo la mida kuwa ay hirgashadaan waddamada horumaray, sidoo kale guddiga ayaa cadeeye inay qaadan doonaan 11 Engineer oo  dhallinyaro muwaadiniin ah.

Dhinaca kale guddiga ayaa sheegay in waddada balaceedu ahaan doono ”9m” taasi oo u jeedkeedu yahay in labada gaari ee waddada isku dhaafaya u dhexeeyso masaafo ku filan, tayo ahaan iyo qorshe ahaanba dhismaha waddadu waa mid ka fajacin doonta shacabka Soomaaliyeed  iyo indhaha beesha caalamkaba, waxaana ay guddigu Madaxweynaha Puntland uga Mahad celiyeen fekerka saliimka ah ee dhismaha waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo uu isagu iskalahaa muhandiska iyo fekredda dhismaha waddadaasi.

Madaxweynaah Dawlad goboleedka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa guddiga ku amaanay shaqadda wanaagsan ee ay ka qabteen hirgelinta waddadaasi iyo sida micnaha leh ee ay uga soo baxeen dardaarankii shacabka ay u hayaan shaqadani, sidoo kale Dr Cabdiweli ayaa hoosta ka xariiqay in shaqaalaha waddadani yihiin kuwo xirfad u leh shaqada ay qabanayaan, isla markaana waxa uu wax lagu farxo ku timaamay talada ay guddigu qaateen ee ah in ay shaqaalaysiiyaan dhallinyaro muwaadiniin ah, taasina ay dhiiri gelinayso dhallinta Soomaaliyeed ee dalkooda wax u soo bartay.

Ugu danabaytii, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in waddada qalabka lagu dhisaya yahay kuwo tayo leh, dhaxalna unoqon doona qorshayaasha mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ee Puntland, sidoo kale waxa uu cadeeyey in wadda kharashka lagu dhisayo uu ku yimid iskaashiga shacabka iyo dawlad Goboleedka Puntland, kuna hirgalay halkudhigii ”Puntland ha isku tashato”, isla markaana aanay wax gacan ah kulahayn cid ka baxsan intaasi, waxaana uu xusay in dhismaha waddada loo gudbi doono dhowaan wejigii labaad.

Madaxweyne Shariif Xasan oo la kulmay madaxa Hay’adda FAO

0

Madaxa hay’adda QM u qaabilsan cunada iyo Beeraha ee FAO Daniel Danotti   waxaa ugu horeyn Aqalka madaxatooyada K/Galbeed kulan kula qaatay Madaxaweynaha maamulkaasi  Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro iyo Guddoomiyaha Maamulka G/Bay waxaa looga mahadcelinayey Hay’adda FAO  dowrkii ay ka qaadatay Badbaadinta Dadkii ay abaaruhu  ay saameyeen ee ku sugnaa deegaanada K/Galbeed.

Madahaweynaha K/Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu  ka codsaday Madaxdaa hay’dda Cunada iyo Beeraha QM u qaabilsan Soomaaliya FAO Mr Danotti in ay kala Shaqeyaan sidii Dib loogu celin lahaa Qoysaska ka soo barakacay abaaraha ku dhiuftay deegaanadooda kuwaasi oo haatan ku sugan xeryaha magaalada Baydhabo.

“Waxaan uga mahadcelinaynaa Hay’adda FAO, dowrkii ay ka qaadatay u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanadan, iyio mashaariicda horumarineed, waxaana ka codsanaynaa in ay ka qeybqaataan sidii dib loogu celin lahaa qoysaska soo barakacay” ayuu yiri madaxweyune Shariif Xasan.

in taasi kadib Wakiilka Hay’adda FAO ee  QM u qaabilsan Soomaaliya Cunada iyo Beeraha ee Daniel Danotti ayaa waxaa kulan uu laqaatey wasiirada Wasaaradaha Beeraha Xanaanada Xoolaha iyo waliba  Qorsheynta ayagoo ka wada hadlay sidii mashaariic lagu horumarinayo wax soo saarka beeraha iyo xanaanada xoolaha ay deegaanadaasi uga fulin lahayd Hay’adda.

W/Q Cali C/qaadir Cali 

Xog-hayaha Guud ee QM oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee QM

0

Safiirka cusub ee Soomaliya u qaabilsan Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa magaalada Newyorka ee xarunta QM kula kulmay Xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres  maalintii Arbacada ayagoo ka wada hadlay xiriirka QM iyo Dowladda Soomaaliya.

Abuukar Max’ed Cismaan Danjiraha cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacowday Qaramada Midoobay ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiyay Xog-hayaha guud ee QM fadhiya Qaramada Midoobay Antonio Guterres .

Danjire Abuukar Max’ed Cismaan ayaa sheegy in uu xoojin doono xiriirka dib lomaasiyadeed ee u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaa warqadihii aqoonsiga safiirnimo iga guddoomay Antonio Guterres Xog-hayaha guud ee QM’ waan ku faraxsanahay xilkani in aan Soomaaliya u qabto, horey waxaan xilal kaladuwan uga soo qabtay Dowladihii dalka Soomaaliya soo maray.

W/Q Cali C/qaadir Cali 

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe : Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada waa in ay wax ka qabtaan lacagaha been abuurka ah

0

Kadib shir jaraa’d uu maanta ku qabtay xafiiskiisa,Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhashey lacago been abuur ah oo la soo geliyay qaar kamid ah suuqyada dalka.

Wuxuu ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada in ay ku dadaalaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen lacagaasi oo been abuurka ah.

“Waxaa jira lacago been abuur ah oo dhawaan la soo geliyay suuqyada magaalooyinka dalka, lacagtaasi saameyn ayay ku yeelatay nolosha bulshada, marka waxaan  ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada in ay wax ka qabtaan lacagasi”, Ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa dhanka kale sheegey in uu socdo qorshe ku aadan sidii lacago cusub oo shillin Soomaali ah loo soo daabici lahaa si looga gudbo dhibaatooyinka ka taagan dhanka lacagaha shillionka ah.

Hadalka ka soo baxay guddoomiyaha ayaa imaanaya xili muddooyinkii ugu dambeeyey suuqyada qaar kamid ah magaalooyinka gobolada dalka lagu arkayay lacago been abuur ah kuwaasi oo saameeyey nolosha bulshada.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay dhibaatooyinkaasi ay ka tagnaayeen ayadoo maamulka iyo ganacsatadu ay ka shireen sidii xal looga gaari lahaa arrintaasi, oo saameyn xoogan ay ku yeelatay nolosha dadka.

W/Q Cali C/qaadir Cali 

Ra’iisul Wasaaraha oo ku booriyay shaqaalaha rayidka ee dowladda inay gutaan waajibaadka loo idmaday

0

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku booriyay  Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda inay gutaan waajibaadka loo idmaday.

Mudane Xasan Cali Qeyre oo shaley aheyd kulan gaar ah la qaatay Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladdu ay Xuquuqda shaqaalaha iyo mushaaraadkooda xil gaar ah iska saari doonto, sidoo kalena looga baahanyahey dhankooda iney kaso baxaan dar dar galinta iyo habsami u socodka u adeeggidda bulshada.

“Waajibkeena waxa uu yahay inaad heshaan xaquuqdiina, idinkana waxaa la idinka raba inaad ka soo baxdaan waajibkiina, waxaan shacabka u sheegnay in Aniga iyo Madaxweynaha aan ku dadaali doono in qofkasta oo u shaqeeya dowladda uu heli doono mushaar, laakiin qofka helaya mushaarka waa qof u shaqeeyay dowladda, marka waxaa la idinka rabaa inaad shaqada waqtigeeda lagu yimaado oo aad u adeegtaan bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in dowladdu ay la dagaalameyso musuq maasuqa.

Madaxweynaha oo guddi xaqiiqo raadin ah u saaray shaqaaqo shalay ka dhacay Muqdisho

0

Shirka Todabaadlaha ahaa ee Golaha Ammaanka qaranka oo uu guddoominaayey Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagaga hadlay Shaqaaqadii dhex martay qaar ka mid ah ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa arrinkaan u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Taliye Saacid  oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milateriga ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Kormeerka kaddib waxaa si wada jir ah ula hadlay warbaahinta talis-yada Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milatariga oo ku tilmaamay dhacdadaan mid fool xun oo laga xumaado, iyaga oo  xaqiijiyey in gacanta lagu hayo dhammaan dadkii ku lug lahaa falkan.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka ah Maxamed Abuukar Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sahilka dhacay uusan saamayn ku yeelan doonin howl-galladii lagu xasilinaayey magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidankooda.
Taliyaha Booliska Jeneraal Saacid waxa uu sheegay in Boolisku ay haatan baaraayaan sida ay wax u dhaceen iyo cidda ku lug leh.
Waxa uuna intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan ay usoo gudbinaayaan Natiijada baaritaanka iyo in caddaaladda la hor keenidoono dhammaan dambiilayaasha kiiskaan.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya oo ka shiray horumarinta xiriirka labada dal

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda F. Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa galabta magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Kenya Amino. iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen labada wasiir kulanka kaddib ayeey ku sheegeen in shirkooda uu dabasocday heshiiskii labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay Nairobi ku gaareen bishii Marso ee sanadkan, kaasoo ku saabsanaa, socdaalka, ganacsiga, isu furidda xuduudda labada dal iyo arrimo kale.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkeenna Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa sheegay in guddi labada dal ah ay ka shaqeyndoonaan dhaqangelinta heshiiski labada madaxweyne, wuxuuna intaasi ku daray in labada dalba ay isku aragti ka yihiin hirgelinta heshiiskaasi.

Si kastaba ha ahaatee kulankaasi ayaa muujinaya sida labada dowladood ee deriska ah wa Soomaaliya iyo Kenya ay uga go’antahay hagaajinta xiriirkooda. iyagoo iska kaashanaya dhinacyada ammaanka ganacsiga, socdaalka iyo arrimo kale oo muhiim u ah shucuubta labada dal.

Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlayay Qatarta Xagjirnimada Oo Lagu Qabtay Wadajir

0

Kulan dadweyne oo ku saabsan sida maamulka iyo shacabku isaga kaashalahaa ka hortagga falalka argagixisada Al-shabaab oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay dagmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada, Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir iyo Xubno matalayay Culimada Soomaaliyeed.

Kulanka oo qeyb ka ah Barnaamijyo Wacyigalinta Bulshada ee ka hortagga fikirka Xagjirnimada looguna talagalay in lagu baahiyo 17 degmo ee gobalka Banaadir ayaa hal ku dhiggiisu yahay “Ha qarsan dhagarqabayaasha Shabaab kuna wargali Maamulka iyo Ciidamada Amniga Qof kasta oo aad uga shakiso in uu yahay Al-shabaab”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Wadajir Aamina Cabdulle Maxamed Oo kamid aheyd dadkii ka badbaaday qaraxii Argagixisada Alshabaab ay ka geysteen Xarunta dagmadaasi ayaa la ilmeysay sida xaqdarrada ah ee lagu xasuuqay dadweyne aan waxba galabsan oo u soo shaqo tagay dagmada, kuwaas oo iyagoo Sooman qaarkoodna ay saf ugu jireen Wasoqaadashada Salaadda Duhur la xasuuqay.

“Qaraxa 20 Jun ka dhacay xarunta Degmada wuxuu igu reebay tiiraanyo ii gaar ah, waan weyseesanayay, wiil kamid ahaa dhallinyaradii shihiiday ayaa markaas i dhahay hooyo caaga markaa weysada dhameysato isii waan ku weysaqaadaneynaa, Allaha u naxariisto dhammaantood, fikir xagjirnimo ah ayaa dadkaas oo dhan lagu laayay” ayay tiri hooyo Aamina.

Sh Cabdullaahi Axmed Garruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa kulanka ka sheegay in bulshadu uu waajir diini ah ka saaranyahay in laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaaan sudiida Amniga, isagoo bulshada goobta joogtay Xasuusiyay sida uu Alle wax walba uga fadilay dhiigga qofka Muslimka ah oo xaqdarro loo daadiyo.

”Waxaa laga weriyay ibn Mascuud (RC) Inuu yiri Rasuulka Illahay (scw) Qof muslim ah ma bannaana in dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin:-Qofkii isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee dhilleysta, Kii qof muslim ah dila, Qofka diinta ka baxa ee ururka muslimka ka faquuqma.” [Bukhaari iyo Muslim]

Sheekh Garruun oo sharaxista Xadiiska siiwata ayaa yiri ”Xadiiskani wuxuu caddeynayaa halka islaamku ka taagan yahay dembiyada foosha xun, maxaa yeelay, dhiigga islaamku aad buu qaali u yahay mana oggola Muslimku in dhayal lagu daadiyo, marka waxaa loo banneeyay dhiigga gof ka dembiyadaa midkood falay waa iney yihiin dembiyo halis ah oo halbowlaha goynaya xasilloonaanta iyo nabadgelyada bulshada muslimka ah ee ku dhisan isku kalsoonaanta iyo iskaashiga”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in maalintii ay dalka ku soo laabatay degmada Wadajir ay aheyd degmada ugu nabadgalyada badan magaalada Muqdisho, balse maanta ay dagmada ka jirto amni xumi taasina looga bixi karo marka bulshadu ka xuroobaan cabsida kooxaha xagjirka ah ayna la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

“Reer Wadajir waxaa la idinka rabaa in aad la timaadaan isbadal muuqda oo aad soo gudbisaan kuwa idinku dhex dhuumanaya ee maalin kasta usoo tagan in ay mid mid idiin beegsadaan, laamaha ammaankana waxaa laga rabaa in ay damaanadqaadaan amniga dadka ku dhiirada in ay soo sheegaan goobaha ay cadawgu ku dhuumaaleysanayaan” ayay tiri Jawaahir

Qaar kamid ah Bilshada ka qeybgalay Kulanka Dadweyne ayaa Ballanqaaday in ay la shaqeynayaa laamanaha Ammaanka, iyagoo bogaadiyay barnaamijka wacyigalinta Bulshada ee maanta lagu qabtay degmada Wadajir.

Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan oo kulanka Soo Gunaanaday ayaa xusay in kulankaan wacyigalinta bulshada uu ahmiyad gaar ah u leeyahay hormarinta Amniga degmada Wadjir, Wuxuuna xusay loo baahanyahay in si wadajir ah ay gacmaha isku qabsadaan bulshada deegaanka iyo laamaha amniga si meesha looga saaro kooxaha xambaarsan fikirka qatarta ah ee Xagjirnimo.

“Hadda wey fiicantahay isku xirnaanta bulshada, maamulka degmada iyo laamaha ammaanka, dadku wey baqayeen markii hore laakiin hadda markii ay ogaadeen in kooxaha argagixisada alshabaab in aysan cidna u aabayeeleynin wuu isbadalay dareenka iyo fahamka bulshada ee arrintaas ku saabsan, anagana waxaan idiin ballanqaadeynaa in aan habeen iyo maalin idin garab taaganaano” ayuu yiri Guddoomiye Cumar.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xaruntii dagmada ay burburiyeen kooxaha argagixisada ayna ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxbagalabsan, haddii aan loo midoobin oo aan lasoo gudbin kuwa xagjirka ah waxaa dhaceysa in maalin walba nala dilo ama nala qarxiyo.\