Home Blog Page 1559

Tababar ku saabsan hababka doorashooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan hababka kala duwan ee doorashooyinka ayaa loo qabtay xubno ka socay hey’adaha qaabilsan arrimaha doorashooyinka iyo shaqaalaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Aqoon is waydaarsigan waxaaa soo qaban qaabiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Aqoon is waydaarsigaan oo socondoona muddo  Sadex maalmood ah ayaa waxaa fuaray  gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaacil Ibraahim  (Xaliimo Yareey .)

Qubaro ku xeeldheer  arrimaha doorashooyinka ayaa bixinaya casharro ka tarjumaya habka kala duwan ee doorashooyinka, iyadoo xubnihii ka qeybgalay aqoon is waydaarsiga ay is dhaafsaden aragtiyo la xiriira mowduuca.

Dr.  Daahir Mirre Jibriil xoghayaha  guud ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aqoon is waydaarsigan uu ahmiyad leeyahay ayna ka soo bixidoonaan qodobbo dhaxalgal ah,  ayna la wadadagi doonaan hey’adaha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Guddiga madaxa bannaan ee  doorashooyinka Qaranka  ayaa wajibaadkiisu yahay in dalka uu gaarsiyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka waxa ayna wadaan dadaallo arintaas loogu diyaar garoobayo.

Bandhigga Buugaagta Muqdisho oo maalintii 2-aad galay +Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)—Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho ayaa galay maalintiisii Labaad, iyadoo ay halkii ka socdeen soo bandhigidda Buugaata ku kala qoran Afaf kala duwan, waxaana Dadweynaha ka qeyb galay Bandhig Carweedka Buugaagta ay fursad u helayaan in ay cilmi kororsadaan, qaarkood ayaana iibsanayey buugaagta goobta lagu soo bandhigay.

Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo ururkiisu uu soo qaban qaabiyey Bandhig Carweedkan ayaa sheegay in sanadkaan oo wax badan kaga badalan yahay bandhigyadii horey ay u soo sameeyeen.

Maalinta beri ah oo noqonaysaa maalintii sedexaad ee uu socda Bandhigga buugaagta ayaa lafilayaa in la soo geba gebeeyo,iyadoo madaxa ilaa dadweyne ay si isku mid ah ugu qeybgaleen shalay ilaa maanta .

Bandhigayada noocaan ah oo kale ah ayaa door wanaagsan ka qaadan kara in dadku ay ku baraarugaan ahmiyadda wax qorista iyo wa akhrista.

Sanadkii 3-aad ayaa Muqdisho lagu qabtay Bandhig Carweedka Buugaagta, waxaana qoraayaal Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh carwada ay ku soo bandhigeen buugaag ay ka qoreen mowduucyo kala duwan oo si gaar ah xooga u saarayey arimaha bulshada iyo ahmiyadda afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Kuweyt iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis.

0

Ankara- (SONNA)- Labada dal Turkiga iyo Kuwet ayaa kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta kaabaysha dhaqaalaha, ka gadaal markii uu booqasho martiqaad ah uu dalka Turkiga ku tagay Ra’iisul Wasaaraha  dalka Kuweyt Shekh Jabir Al-mubaarak Al-sabaax

Dhinaca Dowladda Tirkiga waxaa heshiiskaasi u saxiixay Madaxweynaha dalkaasi  Rajab dhayib Ordagan, halka Dowladda Kuweytna  uu u saxiixay Ra’iisul Wasaare  Shekh Jabir Almubaarak Alsabaax,iyadoo qodobada heshiisyadaasi ay laba hogaamiye qalinka ku duugeen ay ka mid yihiin wax wada qabsiga dhinacyada  dulimaadka diyaaradaha Rayidka ah,Canshuuraha, Isgaarsiinta iyo waliba dhinaca kala faaideysiga  aqoonta iyo waaya aragnimada Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada labadaasi dal.

Booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha dalka Kuwait  ku tagay dalka Turkiga ayaa imanaysa xiili Dawladda Kuweyt ay waddo dadallo lagu qaboojinayo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda Qadar iyo Kuwa Khaliijka.

Dowladda Turkiga  ayaa  doonaysaa in xiisadda ka aloosan wadamada Khaliijka qaarkood iyo Dowladda Qadar loo maro hab dibolomaasi ah oo  wada hadal iyo isfaham ah lagana fogaado inay ku lug yeeshaan arrintaasi faragelin kale ee quwado shesheeye.

Sida laga warqabo Dowlada Turkiga iyo Kuweyt ayaa leh xiriir aad u wanagsan  oo ku dhisan istaraatiijiyada iskaashiga laba dhinac  iyo waliba tan wadamada  Islaamka

Shacabka degmada Yaaqshiid oo aragtidooda ka dhiibtay dib u dhiska iyo maqaamka caasimadda

0

Shacabka degmada Yaaqshid ayaa aragtidooda ka dhiibtay Sida ay tahay in loo wajaho arrimaha Maamulka, ammiga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka degmadaasi  iyo maqaamka Muqdisho.

Barnaamijkaan oo qeyb ka ah olalaha aragti wadaagga ee hiigsiga Caasimadda oo uu ka qeybgalay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa bulshada degmadaasi waxa ay soo jeediyeen dhowr arrimood oo ay ka mid tahay.

Dhismaha waddooyinka degmada Yaaqshid si la mid ah degmooyinka kale,   in laga gudbo nidaamka hadda ay ku yimaadaan guddoomiyaasha degmooyinka iyo gobolka loona gudbo in shacabka ay soo doortaan,  in Maamulka gobolka uu raadiyo xaqa Muqdisho ay leedahay in ay matalaad ku yeelato Dowladda.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshid   Axmed Xassan Maxamuud “Geeddoow” ayaa sheegay in ay ku shaqeynayaan rabitaanka Shacabka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa faahfaahiyay ujeedada olalaha aragti wadaagga Hiigsiga Caasimadda., isaga oo sheegay in ahmiyad ay siinayaan rabitaanka Dadka si ay ugu shaqeeyaan.

Dhan kale  Waaxyaha ay ka kooban tahay degmada Yaaqshid ayaa Xassan Xuseen Maxamed u doortay Guddoomiyaha Cayaaraha degmada, kaasi oo ku soo baxay doorasho uu goobjoog ka ahaa Maamulka oo ka dhacday Xarunta degmada Yaaqshid.

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada, loogana hadlay Doorashooyinka 2020, amniga iyo arrimo kale

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, qeybiisa hore, halka uu qeybtiisa danbe uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Hindise sharciyeedyo, doorashooyinka 2020 iyo arrimo kale.

Hay’adaha amniga ayaa ugu horreyntii laga dhageystay warbixinta amniga, iyagoo sheegay in kooxaha nabad-diidka ah oo diidan horumarka amniga dalka inay gobollada qaar qaraxyo ka geysteen oo shacab ay ku laayeen, iyadoo hay’adaha amniga ay sii labojibaarayaan soo celinta amniga iyo xasiloonida. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegtay inay socoto qiimeyn lagu sameynayo diyaar garowga ciidanka XDS ee ku aadan sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen mustaqbalka dhow.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo soo bandhigay qorshaha guud ee doorashooyinka, si qoto-dheerna uga warbixiyey horumarka ay ku tallaabsadeen ee ku aadan diyaargarowgooda, sheegeyna inay ka go’antahay sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah. Guddiga ayaa sheegay inay daraasad ku sameeyeen dalal badan oo duruufaha heysta ay la mid yihiin Soomaaliya haddana ay doorashooyin ka qabsoomeen. Guddiga ayaa sheegay inay jiraan caqabado fara badan, kana codsaday in Golaha Wasiirada ay xal u helaan caqabadahaas oo ay ka mid yihiin tan dhaqaalaha, amniga iyo siyaasada oo muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka. Golaha Wasiirada ayaa Guddiga ku ammaanay dadaalkooda una ballanqaaday inay u fududeyn doonaan howlahooda si dalka looga hirgeliyo doorashooyin hal-qof iyo hal-cod ah 2020ka.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer iyo falanqeyn ka dib si aqlabiyad leh ku ansaxiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida, oo muhiim u ah dib-u-habeynta ciidamada Qaranka iyo sidii dadka howlgabka ah, agoonta iyo curyaamiinta ay u heli lahaayeen xaquuqdooda aasaasiga ah. Sharcigan ayaa ahaa mid dib u eegis ku sameeyey Sharci Lr 6 ee 31kii December 1969kii, si loola saanqaado xaalada dalka ku suganyahay.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka dooday hindise sharciyeedyo kale si looga soo baaraandago oo kulamada danbe loo ansixiyo. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa dib u eegis ku sameeyey Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada, kuna ballamay inay ka soo baaraandegaan si loo ansixiyo kulamada danbe.

—-DHAMMAAD—-

Bandhigga Buugaagta Muqdisho oo maalintii 2-aad galay

0

Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho ayaa galay maalintiisii Labaad, iyadoo ay halkii ka socdeen soo bandhigidda Buugaata  kala qoran Afaf kala duwan, waxaana Dadweynaha ka qeyb galay Bandhig Carweedka Buugaagta aya fursad u helaya in ay cilmi kororsadaan, qaarkood ayaana iibsanayey buugaagta goobta lagu soo bandhigay.

Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo ururkiisu uu soo qaban qaabiyey Bandhig Carweedkan ayaa sheegay in sanadkaan oo wax badan kaga badalan yahay bandhigyadii horey ay u soo sameeyeen.

Bandhigayada noocaan ah oo kale ah ayaa door wanaagsan ka qaadan kara in dadku ay ku baraarugaan ahmiyadda wax qorista iyo wa akhrista.
Sanadkii 3-aad ayaa Muqdisho lagu qabtay Bandhig Carweedka Buugaagta, waxaana qoraayaal Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh carwada ay ku soo bandhigeen buugaag ay ka qoreen mowduucyo kala duwan oo si gaar ah xooga u saarayey arimaha bulshada iyo ahmiyadda afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Suxufi:Noqo mid wax dhisa (Qormo)

0

Saxaafaddu waa muraayad laga  daawado  horumarka dhaqan dhaqaale ee ka muuqda ilbaxnimada  iyo xadaaradda soo jireenka ah ee kala dhexeeya bulsho weynta caalamka ee mudada fog ku noolaa dunidaan

Labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka ka hanaqaaday saxaafad xor ah oo ay taabagalinteeda iska kaashadeen aqoonyahanno isugu jiray dad wax ku bartay dalka iyo kuwo kale oo ku soo barbaabaray dibadda isla markaana doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta Soomaalida oo muddo badan ku soo jirtay gacan mileteri iyo caburin xad dhaaf ah.

Warbaahinta Soomaalida oo dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ku bilaabatay qaab ganacsi iyo kuwo laga lahaa dano  siyaasadeed , waxa ay soo saareen suxuufiyiin badan oo kaalin muhiim ah ka qaatay geedi socodka nabadda iyo rajo soo celinta umadda.

Xilligaan waxaa la oran karaa warbaahinta Soomaaliya,waxa ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh ,kadib kolkii qeybaha bulshadu ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo iyo kuwa kale ee lagu dhaliilayo hogaamiyaasha umadda.

Inkastoo warbaahinta Soomaaliya ay gaartay guulo wax ku ool ah haddana waxaa muuqda dhaliillo ka imaanaya qaar kamid ah suxuufiyiinta ka howlgala gudaha dalka iyo dibadda,kuwaas oo u qaatay in saxaafadda lagu soo bandhigi karo qoraallo ama hadallo laga dheehan karo wax dumin,caadhifad iyo nin jecleysi.

Iyadoo la dareemayo in doorka  saxaafadda uu yahay mid qiimo weyn  ku leh bulshada dhexdeeda xillgaan,qaladaadka dhinaca warbaahinta ah ah ee ay galaan suxuufiyiinta ama madaxda xarumaha,waa kuwo si toos ah u taabanaaya shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana sumcad xumo ku abuuraya kalsoonida kala dhexeysa dadka,

Hadabba maxay ka dhigan tahay in aad wareysato ruux qaran dumis ah ama qof doonaya in uu dhalliil been ah u sameeyo dowladda,arintaasi waxaa lagu macneyn karaa si xun wax u sheeg sixi waa ka daran yahau waayo adiga ayaa u fududeeyay in la isticmaalo aaladda warbaahinta oo xilliyada qaar noqota mid wax lagu dumiyo.

Inta badan ma kuu muuqdaan in aad difaacdo dowladda ,adigoo eegaya maslaxadda dadka iyo dalka oo waqtigaan ka soo gudbaya marxaladdii burburka,mase waxaad dooneysaa in dib loogu laabto nidaamkii qabiilka iyo kala fogaamta Soomaalida?

Isku day in aad dhexdhexaad ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda,iskana ilaali in aad la safato garab,waxaana haboon in aad hakiso ama joojiso qoraal ama hadal kasta oo ka hor imaanaya danta dadka iyo dalka.

U diid  warbaahintaada in ay adeegsadaan cid kasta oo daneyneysa in ay kiciyaan mowjado qabiil iyo kuwo u xusul duubaya in la wiiqo dowladda curdunka ah ee laga filayo soo celinta karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka.

Suxuufigu waa in waxa uu gudbinaayo uu latashiyo kala sameeyo madaxda  si meesha ay uga baxdo tayo xumo soo wajahda qaab dhismeedka waxsoosaarka warbaahinta, iyadoo maanka la galinaayo in dadka lala hadlaayo ay yihiin aqoonyahan ,kuwo kula siman iyo kuwo kaa liita.

Suxufiga dhabta ah waa midka ka shaqeeya horumarka dadka iyo dalka ee ma aha kan u adeega dad  gaar ah isla markaana buunbuuniya ceebaha iyo dhaliilaha lagu tilmaamo  hogaamiyaasha qaar ,waxaana mudan in aad adeegsato  qaab asluubeysan oo aad ku gudbin karto dhibaatooyinka jira.

Xusuusnoow saxaaafadda aad ku howlgaleyso  waa seef laba afla ah, macnaha waxaa loola jeedaa cid ayaad ku dulmin kartaa ha noqdaan shaqsiyaad, mas’uuliyiin ,dowlad ama hogaamiyaal bulsho marna wax ayaad ku dhisi kartaa sida horumarka dadka iyo dalka, Hana  ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta,iyadoo sidoo kale ay waajib  tahay in jagooyinka loo magacaabayo  tifatirayaasha iyo madaxda barnaamijyada ay noqdaan kuwo aqoon iyo waayo aragnomo  durugsan u leh Saxaafadda.

Ogoow haddii la garab-maro anshaxa saxaafadda in ay ay jiraan hey’ado garsoor oo awood u leh in ay kaa qaadaan tallaabo sharci ah oo horseedi kara in lagu soo taago maxkamad, kadibna aad halkaa ku weydo magacii iyo sumcaddii aad laheyd,mana ahan wax xun sheeg waxyaabaha uu suxufigu ku gaaro maqaam.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Hay’adda ICAO oo ku heshiiyay wareejinta Maamulka Hawada Soomaaliya

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulisa Hawada ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo uu ku weheliyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yusuf Jaalle) iyo ku xigeenka maareyaha Axmed Macalin Xasan ayaa soo soo gaaray magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaasi oo xarun u ah Hay’adda caalamiga ah ee adduunka u qaabilsan duulista Hawada ee loo soo gaabiyo  (ICAO)

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ugu horeyn kulan gaar ah la qaateen xoghayaha guud ee hay’adda duulimaadyada rayid ICAO haweenadeyda lagu magacaabo Dr Fang Lie iyo saraakiil sare sare oo ka socday hay’ada ICAO, waxaana shirkan oo looga hadlay qorshaha looga soo rarayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya maamulka hawada Soomaaliya sidii loo dadejin lahaa in sanadkan gudihiisa  maamulka hawada si toos ah loogu soo wareejiyo maagaalada Muqdisho.

Xogahaha Guud ee hay’adda ICAO Dr Fang Lie ayaa sheegtay in Wasiirka iyo wafdigiisa ay yeesheen wadahal miro dhal ah iyo in sida ugu  dhaqsaha badan hay’ada FISS ee hadda gacanta ku haysa adeega duulimaadyada Soomaaliya in magaalada Muqdisho lagu soo wareejiyo oo halkaas shaqada maamulka hawada Soomaaliya xarun u noqoto.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa u sheegay Warbaahita Qaranka in kulanka uu la yeeshay madaxda hay’adda duulimaadyada rayidka Adduunka ee ICAO uu ku soo dhaamaday guul iyo isgarad.

Galankii dambe markii shirka dib laysugu soo noqday ayaa si rasmi ah loo kala saxiixday heshiiska qorshaha soo warjeejinta hay’ada FISS oo hadda magaalada Nairobi ku maamusha adeega hawada Soomaaliya,heshiisan waxaa si wadajir ah u wada saxiixay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar iyo agaasimaha xafiiska farsamda iyo iskaashiga ee ha’ayda ICAO Ivan Galan ,

 

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Muxyadiin Jaamac Muuse Montreal Canada

Qoysas barakacayaal ah oo la gaarsiiyay deeq raashin ah

0

Raashinka gargaarka ah ee loo qaybiyay qoysaskan ka soo barakacay abaarihii sanadkaan ka dhacay dalka ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday dowladda Turkiga, waxaana ay gaarayaan dadka ka faa’iideystay ku dhawaad 10 kun oo qoys, waxaana gaarsiiyay raashinka mas’uuliyiin ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha Qaranka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed .

Dadkaan la gaarsiiyay Raashinka macaawinada ah oo badankoodu ka soo barakacay gobollada Koonfur Galbeed, isla markaana ku nool degaanada Garasbaaley iyo ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ayaa ka hadlay raashin qaybinta waxaana uu xusay in dadkaasi ay si weyn ugu baahi qabeen raashinkaa la gaarsiiyay isla markaana ay dhowr jeer ka maamul ahaan codsiyo ku aadan in wax loo qabto u gudbiyeen maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Maaliyadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Aadan Sate ayaa uga mahadceliyay maamulka Garasbaaley sida ay ula tacaaleen xaaladda dadka ku soo barakacay deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

“Dadkaan waa dadkii ka soo barakacay Koonfur Galbeed gaar ahaan Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool waxaana ay ka soo barakaceen abaartii sanadkaan ku dhufatay dalka, raashinka maanta aan u qaybineyno waa kun iyo shan boqol oo tan oo Koonfur Galbeed la siiyay goobaha kale ee aan ka qaybineyno waxaa ka mid ah Ceelasha biyaha iyo goobo kale “ayuu yiri mudane Cabdiraxmaan.

Raashinka la gaarsiiyay wax badan kama tari karo dadkaan marka la eego daruufaha ay ku nool yihiin hase yeeshee dhowr maalin ayuu dabka u shidi karaa waxaana dadkaas sidii loo bad badai lahaa noloshooda u istaagay markii ay soo barakaceen Bulshada ku nool Gobolka Banaadir .

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yusuf-Garaad Cumar Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Cismaan Al Hammadi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa boggaadiyay kaalinta dowladda Imaaraat-ka carabta kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay in xiriirka labada dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo iskaashi miro-dhala.

Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sare u qaadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta iyo fulinta heshiisyo dhinacyo badan leh oo labada dal ay hore u gaareen oo ka shaqeynaya dano wadaaga.

Dhanka kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Mukhtar Mahad Daa’uud ayaa kulan gaar ah oo xoojinayay kulanka hore ee Wasiir Garaad, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Mohamed Al Hammadi, waxa ayna kaga wada hadleen arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaallaha.

Kulanka oo ku idlaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Carabta Mr. Mustafa Adam Dagaal iyo kaaliyaha gaarka ah ee xafiiska Wasiirka.