Bandhig carweedka Buugaagta oo Maanta lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Sanadkii Sedexaad ayaa Muqdisho lagu qabtay Bandhig Carweedka Buugaagta, waxaana qoraayaal Soomaaliyeed oo  rag iyo dumarba leh carwada ay ku soo bandhigeen buugaag ay ka qoreen mowduucyo kala duwan oo si gaar ah xooga u saarayey arimaha bulshada iyo ahmiyadda afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Bandhigan waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo Masuuliyiin kale.

Dadweynaha ka qeyb galay Bandhig Carweedka Buugaagta Muqdisho ayaa maalmaha uu soconayo fursad u helaya in ay cilmi kororsadaan, qaarkood ayaana iibsanayey buugaagta goobta lagu soo bandhigay.

Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo urukiisu uu soo qaban qaabiyey Bandhig Carweedkan ayaa sheegay in sanadkaan oo wax badan kaga badalanyahay bandhigyadii horey ay u soo sameeyeen.

Bandhigayada noocaan ah oo kale ah ayaa door wanaagsan ka qaadan kara in dadku ay ku baraarugaan ahmiyadda wax qorista.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...