Home Blog Page 1531

Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho oo lagu xusay dabaal-degga maalinta xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya

0

Munaasabadda lagu xusayay 1-da Luulyo ee 57-guuradii ka soo wareegatay xornimadii Gobolada Koofureed iyo is raacii Gobolada waqooyi iyo Koofur ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Aqalka dowladda Hoose.

Munaasabaddan oo aheyd tii labaad ee maalmaha xoriyadda oo uu si heer sare ah u soo agaasimay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka duwaneyd munaasabadihii horay dalka looga qaban jiray.

Waxaa munaasabadan ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, xildhibaanada labada Gole iyo Safiiro.

Abaarihii 12-ka habeenimo, markii ay ku taagneyd ayaa la saaray Calanka Soomaaliya, waxaana mar kaliya is qabsaday dabaal degyo iyo bulleer cirka loo ridayay, kaasoo bixinayay midibyo kala duwan.

Madaxda dowladda ayaa khubad ku aadan xoriyaddii la helay 1960 ka jeediyay munaasabada, waxaana munaasabada ay ku soo gaba gabowday jawi nabdoon.

Madaxweynaha oo Ubax dhigay Taalada Dal-jirka

0

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon, iyadoo maanta loo dabaal degayo 57-guuradii ka soo wareegatay, xornimadii Gobolada Koofur iyo is raacii Koofur iyo waqooyi.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Daljirka Dahsoon, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo xirnaa dharka Calanka, sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidanka booliska iyo kooxda muusikada baambeyda ayaa iyana ka mid ahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka, waxaa uu markii dambe ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon.

Waa markii labaad ee uu Madaxweynuhu ubax dhigo taaladan, 26-kii June ayay aheyd markii uu halkaas ubax dhigay, xilligaasoo ku beegneyd, markii uu horeysay ee Calan Soomaaliyeed la taago, iyo xoriyadii Gobolada Waqooyi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad kooban uu ka jeediyay munaasabada waxaa uu hambalyo ugu diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh weyn ku leh Soomaaliya, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in midnimadii dib loo soo celiyo.

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobalka Sh/Dhexe

0

Wararka naga soo gaaray gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan gobalkaas uu ka dhacay Dagaal Khasaaro Gaystay oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyada AL-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa khasaaro badan waxay gaarsiiyeen Maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka Xoogga.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee gobalkaas ayaa sidoo kale ku waramaya in ciidamada ay ku guulaysteen in Al-Shabaab ay ka dul qaadeen qaar ka mid ah Bulshada ku nool deegaanada gobalkaas oo dhinaatooyin badan ay ku haayeen.

Sikastaba mudooyinkaan ayaa waxaa gobalka Shabeellaha Dhexe ka socday Howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Nabad iyo Nolol diidka ah ee Al-Shabaab.

Howlgaladaan ayaa waxaa horkacaya Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali Caanood.

1-da Luulyo “Maalintii Guusha”

0

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku weyn quluubtooda, kuwaasi oo ku astaysan diiwaan taariikheedka bulshadaasi, maalmahaasi waxay mudnaanta goonida ah ku heleen waa gaaritaanka guulo mudan in si joogta ah loo xasuusto loona hurey naf iyo maal, kuwa ugu qiimaha badanna waxaa ka mid ah maalmaha qarannimada.

Shacbiga soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha ku sharfan magaca wayna ku helay kifaaxii ay u soo galeen hanashada gobanimadooda ayaa halgankoodii gobanimodoon wuxuu la soo bilawday soo ifbaxii damcii gumaysiga ee xeebaha bariga Afrika.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay,muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystihii ingiriiska, wuxuuna jab taariikkaysan ku dhigay ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

Sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta.

Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka kifaaxay goballada waqooyi ee dalka.

1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dal ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal waxay u saartay inay alifaan naqshadda uu yeelanayo Calanka.Soomaaliya, waxaana ku guulaystay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5ta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.

24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud waxayn gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.

Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfur iyo waqooyi oo ku heshiiyay in ay midoobaan labada gobol lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26kii juun 1960kii ayaa beerta xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar), 4 maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee soomaaliya.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].

Waxaa taariikhda ku daabacan , sooyaalka soomaaliduna xusi doonaa qiiradii iyo xornimo jacaylkii lagu keenay Calanka,Xornimadii Soomaaliya oo laga joogo 56 sano waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii soomaali ku mataanowday ee abwaanada soomaaliyeed ka yiraahdeen(Dhaaxaan murugo iyo haraad mudanee, maantay curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).

Qallinka:- Abuukar Xaaji Gobdoon

Xildhibaanad Maryan Cabdi Geedi oo la kulantay qaar ka mid ah Haweenka ku nool Maraykanka

0

Xildhibaanad Maryan Cabdi Geedi oo ka mid ah xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan soo gaartay magaalada Columbus Ohio ee Dalka Mareykanka ayaa waxa ay kulan xogwaran iyo dhiirogalin isugu jira la qaadatay haweeka Soomaaliyeed ee Columbus.

Haweenkan oo isugu jiray Gancsato, Aqoonyahan, Arday iyo qeybaha bulshada ayaa aad ugu dhursugayay in wax badan ay ka ogaadaan dalkooda oo ay in mudaa ka soo maqanyihiin iyaga oo dhanka kale qaarbadan oo ka mid ah ay ka rajo qabaan in ay dalkii dib ugu laabtaan.
Waxa ay ka warbixisay xaalada dalka, marxaladihii hanaanka dorashada iyo sida xulashadii  baarlamanka loo maareeyay.
Xildhibaanada ayaa si weyn ugu dhiirogalisay Haweenka in ay malgashadaan dalkooda isla markaana ka faaiideystaan waxa alle ku manaystay ee qeyraad ah.
“In aad Soomaaliya Tagto waxay kaa caawinaysaa in ay badasho aragtidaadii ku aadanayd Soomaaliya” ayay tiri Xildhibaan Maryan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa kulnkan ka hadlay Safiirkii ugu horeeyay ee oo gabar ah oo ay soomaaliya dibada u yeelato Fadumo isaaq bixi oo dhankeeda cabirday Ahmiyada haweebku u leeyihiin Dadkooda .
Haweenkii ka hadlay kulankan ayaa aad u soo dhaweyay in Xildhibaanada qaranka ay ku jiraa dhalinyaro Aqoonyahan ah.

Mukhtaar Rooboow & Al-shabaab waa laba is diiddey (War-bixin)

0

Kooxda Al-Shabaab saddexdii sanno ee u dambeysay waxaa ku dhacay burbur siyaasadeed iyo mid hoggaaminneed ama ciidan kaddib dilkii hogggaamiyahoodii Axmed Godane oo dhacay bishii September ee sannadkii 2014-kii, kooxda ayaa qiratay dilka Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo magaciisu ahaa (Axmed Godane ) isla bishii uu dilka dhacay

Godane waxaa dilkiisa ka hor uu hormuud ka ahaa ragga Al-Shabaab horjoogeyaasha ka ah ee Mareykanka uu madaxooda lacago badan dul dhgigay bishii June ee sannadkii 2012-ka, markii Milatari ahaan kooxda looga adkaadey dagaalladii ay la galeen ciidammada dowladda iyo AMISOM waxa ay bilaabeen in ay ka xeeladeystaan deegaannadii gacantooda ka baxay halka goobaha qaar xoog looga saaray.

Godane waxa uu qorsheeyey in uu khaarajiyo raggii isaga ku xigay, kuwaas oo uu u arkay in ay marin-habaabiyeen qorshihii uga degnaa dagaalladii lagu jabiyey, raggaas waxaa ka mid ahaa Ibraahim Afghan, Mukhtaar Rooboow,  Xasan Daahir Aweys oo hadda ku jira gacanta dowladda Soomaaliya & Sakariye Ismaaciil Xirsi oo xiligaas ahaa madaxii Sirdoonka laakiin hadda aan ka tirsaneyn Al-Shabaab iyo kuwa kale oo badan si uu u badello ahaadiiftiisii ku aaddaneyd in uu ku sii wado dagaallada argagixiso ee Soomaaliya, maadaama awood ahaan kooxdu ku fashilantay damaceedii ahaa in Soomaaliya ay ka dhigaan dal saldhig u ah argagixisada.

Sawirka saxda ah ee Godane

Haddii aan soo qaadanno hadalkii Sakariye Ismaaciil Xirsi uu jeediyey 2014-kii markii uu la midoobey dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu yiri “Al-shabaab waa koox diin laaweyaal ah oo doonaya in ay sii lumiyaan mustaqbalka dalkeenna, isla markaana ka fog siyaasad iyo Diin sax ah intaba, laakiin waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan dagaalladaas fool xumada ah dadka Soomaaliyeedna waxaa looga baahan yahay in ay fahamaan oo ay meel uga soo wada jeestaan kooxdaan caaddeysatay dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed” , waxaa ka muuqdey in uu bixiyey xogta sax ah ee ah in Al-shabaab aysan aheyn koox danaha Soomaali u socota ee ay yihiin argagixiso.

Waxaa jiray qorsheyaal ay kooxda dhexdeeda u malleegeen rag saraakiil iyaga ka tirsanaa oo  si qorsheysanna loo dilay ugu dambeyn, Ibraahim Jaamac Meecaad (Ibraahim Afghan), oo kooxda dhexdeeda looga yaqaan Al-Zeylici ayaa ka mid ah raggii uu dilay Godane geeridiisii ka hor, waxaa halkaas ka muuqdey inaan kala fahamno u jeedooyinka fog ee Godane in ay ahaayeen ka takhlusidda cid walba oo fahmi karta shriqoolladiisii u degnaa.

Muddo kaddib Mukhtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu Mansuur) ayaa gooni isu taag ka noqdey kooxda laga soo bilaabo sannadkii 2013-kii,  laakiin ma bixin faah-faahin ku aaddaneyd sababaha keenay in uu ka dhex-marnaado kooxda, mana sheegin in uu ka laabtay fikirka Al-shabaab, xog-ogollaaleyaal ayaa xaqiijiyey in uu sii culasaadey khilaaf xooggan uu dhaxeeyey horjoogeyaasha kooxda Al-Shabaab.

Ragga ka cararay inta anan la dilin Axmed Godane waxaa ka mid ah

1-Mukhtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu-mansuur)

2-Xasan Daahir Aweys

3-Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongale)

4-Abuu-mansuur Al-amriiki oo asal ahaan ka soo jeeda Mareykanka. Al-shabaab in ay dishayna lagu sheegay

5-Ibraahim Jaamac Meecaad (Ibraahim Afghan), oo Shabaab ay dileen & rag kale oo badan

Maxay aheyd sababta Mukhtaar Rooboow uga fogaadey Al-Shabaab

Xog la helay ayaa muujineysa in uu ka war helay dil loo qorsheeyey si loo marsiiyo waddadii lagu dilay rag saaxiibadiisa ahaa oo ay Al-Shabaab ka wada tirsanaayeen, Al-shabaab waxa ay rumeysnaayeen in ay xal ka gaari doonaan arrinta Rooboow in ay gacanta ku dhigaan ama ay khaarajiyaan ugu dambeyn,  laakiin umma suuragelin Rooboow waxa uu heystaa cudud ciidan oo garab u ah, isaga oo deegaan ahaan u soo carraabbay deegaanka la yiraahdo “Baan” oo ka tirsan tuulada Abal, isla markaana 18,km u jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dadka qaar waxa ay si aad u aaminsannaayeen in Rooboow uu u muuqdey mid ka aragti duwan horjoogeyaasha Al-shabaab, suuragalna ay tahay in ugu dambeyn uu iyaga dagaal kala hortago ama uu gebi-ahaanba isaga baxo kooxda, saadaalin la sameeyey ayaa muujineysa in cel celis ahaan ay dhab ku dhowdahay arrintaas oo Mukhtaar Rooboow uu kooxda isaga bixi doono.

Mareykanka & Rooboow

Toddobaad ka hor dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in liiska raga argagixisada laga saaray Abuu-mansuur Rooboow, Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka faah-faahin kama bixin go’aanka ay shaaciyeen ee Rooboow lagu cafiyey

Maxaa ku soo beegay go’aanka Mareykanka xiligaan.

1-Inkastoo Mareykanka faah-faahin dheeri ah uusan bixin, waxaa la xuuraansadey in ay jiraan xiriirro aan toos aheyn oo u dhaxeeyay hey’adaha Sirdoonka Soomaaliya, Mareykanka & Rooboow, kuna aaddan sidii xal looga gaari lahaa dammaanadda amnigiisa nafeed, maadaama deegaanka uu ku sugan yahay ay in muddo ahba Al-Shabaab qorsheynayeen in ku soo dilaan, go’doonna uu ku yahay halkaasi, laakin Mareykanku uu fursad diblomaasiyaddeysan u arkay  qorshaha Al-shabaab ee ku wajahan Rooboow, ayna sax tahay in laga faa’ideysto.

2-in dagaalka Argagixiso ee Soomaaliya aan lagu xallin awood Milatari oo Kaliyah, loona baahan yahay mid diblomaasiyaddeed in lagu baddelo aragtida rag Al-shabaab ka tirsan.

3-in laga faa’ideysto fursadaha saraakiisha sare ee Al-shabaab ay ula midoobi karaan dowladda Soomaaliya, taasna ay waddo muhiim ah u tahay soo afjaridda jiritaanka kooxda Al-shabaab.

Mareykanka  ayaa Soomaaliya ka taageera dhinaca ciidammada iyo hey’adaha Sirdoonka, sidaa darteed waxaa suurogal ah in hey’adaha Mukhaabaraadka ay soo gudbiyeen xog ah  in ay jiraan fursado  qaali ah oo sheegaya  rag fikradda Al-shabaab ay la dheeraatay laakiin aan si dhab ah u rumeysneyn kooxda maadaama ay gaari waayeen siyaasaddii loogu sheekeeyey ee aheyd Soomaaliya dhan ayaad xukummi doontaan, taasna aysan suuroobi karin xiligaan la joogo oo ay Soomaaliya ka jirto dowlad ciidan heysata caalamkuna uu taageersan yahay.

Macluumaadkii ugu dambeeyey ee la helay ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan deegaannada Koonfur galbeed  loo diray deegaanka Baano oo ka tirsan tuulada Abal, taas oo hoostagta degmada Xudur, waa halka uu ku sugan yahay Mukhtaar Rooboow Cali Cabdi Mareyle (Abuu Mansuur), dhinaca kalena ay Al-shabaab wadaan isku dayo ay dagaal kala hortagaan Rooboow.

Sargaal ka tirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa horey  looga soo xigtay “Soomaaliya burburkeed dowlad la’aan waxaa sii xoojiyey in Al-shabaab oo argagixiso ah ay uga biiraan rag uu mid ahaa Axmed Godane  sababtuna ay tahay falsafadaha hoggaaminneed ee uu dhinaca qaloocan u weeciyey haddii uu Qarannimo u baddeli lahaa guulo Soomaaliyeed bey noqon lahaayeen, laakiin rag aanan muuqan baa fikradaha khaldan iska diidi doona muddo dhow oo uu gabbalka sii dhacayo”.

Waxaan sugi doonnaa sida ugu habboon ee ay dowladda Federaalka ula mtacaamusho arrintaan taagan, amniga Soomaaliyana qeyb weyn ka quseysa. laakiin waxaan u arkay in aysan ku habbooneyn ka hor-dhicidda ama saadaalinta qorsaha dowladda Federaalka Sooamaliya ee arrintaan la xiriirta, lagana war dhowro sida soo socota.

 

War-bixintaan W/D Feysal Muuse

 

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey.

0

Muqdisho, 29 June 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxana kulanka goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay sida ay dawladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dawladnimada Soomaaliya oo maraya meel aad muhiim u ah. Wuxuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha mudnaanta sare u leh dawladda.

“Booqashada uu noogu yimid Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey, waxay cadeynaysaa horumarka ballaaran ee la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay oo sii jiitay indhaha caalamka, waxaan isla soo qaadnay arrimo muhiim ah oo wax tar u leh dalkeena, iyaguna waxay qireen in Soomaaliya ay u heelan tahay sidii ay uga faaiideysan lahayd taageerada uu caalamku siiyo”ayuu yiri R.W Khayre.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey Børge Brende ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyn ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay sameysay horumar baxaad leh 4tii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana loo baahan yahay in lasii adkeeyo. Waxana uu intaasi raaciyey in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda.

Dhanka kale. Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey ayaa kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulanka guddiga Amniga Badaha.

0

Muqdisho, 28 June 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga amniga Badaha, kaas oo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badaheena. Guddigan ayaa waxaa loo sameeyey in xiriir joogto ah ay la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda ee ka shaqeeya arrimaha badaha.

Waxana kulanka ka soo qeyb galay Wasaaradaha, Arrimaha Dibedda, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga, Kaluumeysiga, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka oo dood dheer ka yeeshay qodobadii laga hadlayay.

Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amniga xeebaha dalkeena, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciidamadda Ilaalada xeebaha oo hadda qorshuhu yahay in la hoos geeyo Wasaaradda Amniga, maadaama ay xiligii hore ay hoostagi jireen Wasaaradda Gaashaandhigga ciidamadani.

Wasiiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda dawladda Federaalka Soomaaliya C/raxman Maxamed Cabdi Xaashi ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay ku bilowdeen kuna dhamaadeen shirarkii looga hadlayay wadaagga kheyraadka dalka ee u dhexeeyay Wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada, gaar ahaan shir saddex cisho uga socday maamullada iyo Wasaaradda oo arrimahaas looga hadlayay, wuxuna xusay in Wasaaraddu ay joogteyn doonto wada xaajoodka u dhexeya labada dhinac si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay guddiga in la sameeyo qorshe cad oo loo marayo arrimaha badaheena, isla markaana cid waliba oo quseyso arrintani lala fariisto si qodobada ka soo baxaya shirarka u noqdaan kuwa leh aragti fog.

“Badda Soomaaliya Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiiji ah oo muhimad weyn ugu fadhida caalamka gaar ahaan marka laga hadlaayo ganacsiga, gaadiidka badda iyo siyaabo kale, waxaana dadka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad danahooda ka shaqeysaan oo tallaabo walba oo la qaadayo noqoto mid cad oo wax mugdi ah uusan ku jirin, dalkeenana loogana faaiideeyo kheyraadkaas”ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad iyo qaar kamid ah Wasiiradda Maamul gobolleeyada qaar ee kulanka goob-joog ka ahaa oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimadda uu dalkeena u leeyahay guddigani ka shaqeynaya Badaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Puntland oo Faah Faahisay Markab La Sheegay In Gantaal Lagula Qarxiyey Xeebta Caluula

0
Ayadoo warar soo baxayey ay sheegayeen in qarax laga  maqlay markab taagnaa meel ku dhow xeebta degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Puntland waxa ay faah faahin ka bixisay jiritaanka warkaasi iyo ilaa hada xogta laga hayo.

Maxamed Axmed Caynab oo ah Guddoomiyaha gobolka ay ka tirsan tahay Caluula ee Puntland oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in dadka deegaanku ay kusoo war geliyeen in markab kuwa dagaalka ah oo taagnaa xeebta Caluula uu markab kale oo dagaal gantaal ku dhuftay ayaga oo taasi ka duulayana ay tageen goobta.

“waxaan tagnay goobta naloogu sheegay in markabka uu ku qarxay, dadku qaar waxeey kuu sheegayaan in markabka uu markab kale gantaal ku dhuftay oo halkaa uu ku quusay balse anagu goobta markii aan gaarnay maanta haba yaraatee kuma aynaan arag wax raad ah oo muujinaya in goobta markab lagu gubay iyo qasaaro kale toona”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Axmed Caynab.

“xeebta badda cas ma ahan sida xeebta badweynta India oo hadii uu markab ku quuso horey laga arkayo oo waa mool aad u dheer,markab quusayna sida alwaax horey lagama arkayo oo dusha sooma fuulayo wuu degayaa oo wuu quusayaa waxaan u baahannahay inaan si qoto dheer u baarno oo Punland ayaan ka codsanay wasaaradaheeda iney berrito soo diraan quburro quusta si hoos loo galo oo gunta loo ogaado, inta ka horeysana baaritaankaas la xaqiijin doono”ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyntii waxa uu rajo ka muujiyey Guddoomiye Maxamed Axmed Caynab in berrito si dhab ah loo xaqiijiyo jiritaanka warkaasi balse hada aanay jirin xitaa maraakiibtii faraha badneyd ee dagaalka oo xeebaha Caluula joogi jiray in midkoodna aanay joogin.

Madaxweynaha Puntland oo Kaqayb Galay Xafladda Qalin Jebinta Ardayda Dugsida Sare Ee Ganbool

0

Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda iyo macalimiinta dugsiga Ganbool, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa hambal iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin jebisey, maamulka iyo macalimiinta dugsiga Ganbool iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabcday ardaydaasi, waxaana uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay waxbarashadu, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ardayda kula dardaarmay inay markasta ku dedaalaan sidii ay aqoon tooda usii kobcin lahaayeen, si ay mustaqbalka dhaw ugu faa’iideyaan aqoonta ay soo barteen dalkooda iyo dadkood, madaama ay yihiin jiilkii berito hogaanka u qaban lahaa dalka.

dhinaca kale Madaxweynaha oo ka hadlaya shaqooyinka iyo mihiimada ay leeyihiin yaa sheegay in shaqo kasta oo qofku qabtaa ay tahay sharaf (shariif) ama wax wanaagsan hanoqoto tan ugu liidata ee laqabto ama tan ugu mustawe saraysa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlayey ardayda ayaa sheegay in qorshaha uga degan dawladda Al-shabaab uu yahay mid aan naxariisi ku jiren lana cidhib tirayo dhammaantood, isla markaana la karkarinayo lafahooda, mid midna loo ugaadhsan doono sida duurjoogta, waxaana uu hoosta ka xariiqay madaxweynuhu in ay Al-shabaab yihiin dabayl soconaysa oo dhaafaysa shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo taliinta sare ee Dawladda Puntland Abshir aw. Yuusuf Ciise ayaa dhankiisa ardayda ku boqaadiyey in ay sii wataan waxbarashoododa, isla markaana ay ka midha madhilyaan himiladooda iyo tan waalinkoodaba, waxaana uu sheegay in dugsiga Ganbool uu ka qayb qaatay Gurmadkii abaara taasina ay tahay wax lagu bogaadiyo, sidoo kale wasiirka aya xusay in qofka beeralayda ahi uu ugu farxad badan yahay marka dalagu usoo go’, halka bahda waxbarashaduna ay farxadooda tahay marka ay soo baxaaan arday aqoon leh dhisan oo karti leh.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Illahay uga baryey inuu ku badhitaaro dedaalka ay da’yartani ugu jirto inay ka guul gaadhan meesha ay himiladoodu tahay, waxaana uu marlabaad ugu hanbalyeyey guusha ay gaadheen.

–DHAMMAAD–