Gaadiid Ganacsi oo gaaray Magaalada Xudur ka dib markii Ciidamada Xoogga Dalka howlgalo sameeyeen

Date:

Xudur (SONNA) Ku dhawaad 15 Gaadiid oo u rarnaa Ganacsatada Bakool ayaa gaaray Xarunta Gobolka Bakool ee Xudur kuwaasoo ka yimid Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Gaadiidkan oo ku xayirnaa maalmihii lasoo dhaafay inta u dhaxeysa Gobolada Bakool iyo Hiiraan ayaa waxaa ugu dambayn u suurto gashay in ay gaaraan Xaruunta Gobolka Bakool ka dib markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ka sameeyeen Waddooyinka isku xira Gobladaas.

Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa waxa ay go’doon saareen Waddooyinka soo gala Magaalo madaxda Gobolka Bakool taasoo qeyb ka ah dhibaatooyinka Nabad diidku ku hayaan dadka Shabaka ah ee ku nool Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Xasan C/raxmaan ee kaga soo warama Gobolka Bakool ayaa soo sheegaya in gaadiidkan oo u rarnaa ganacsatada Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool ay gaareen Magaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...