Xuska maalinta Dalxiiska adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Munaasabad lagu xusayay  maalinta caalamiga ah ee Dalxiiska aduunka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho xilli ay Dalkeenna uu xubin buuxda ka noqday hay”adda  Dalxiiska Q. M,13 Bishan.

Xafladdaasi waxaa ka qeybgalay mas’uulayiin ka tirsan dowladda Federaalka Somaaliyaha Hay’adda  iyo ururrada dalxiiiska dalka iyo  fananniinta Kooxda Banaadir.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sh, Yuusuf iyo Yaasir Maxamed Baafo ayaa ka hadlay ujeedada ay leedahay munaasbadan waxeyna guul weyn ku tilmaameen in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay Hey’adda Dalxiiska adduunka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fahma Abiikar Nuur iyo  Wasiir Ku xigeenka Wasaradda Gar gaaar Cilmi Cumar Ciise  ayaa bogaadiyay dadaalka dheer  ee loo soo galay xubinnada Soomaaliya ee dalxiiska Aduunka.

Gudoomiyaha Gobalka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa tilmayay in ka maamul ahaan ay sameyn  doonaan qorshayaal lagu horumarinayo dalxiiska Caasimada.

Wasiirka Wasaaradda Warfafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng: “Yariisoow” ayaa sheegay ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka  ku biiritaanka hey’adda dalxiiska adduunka iyo dalxiisayashaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...