Dowladaha Soomaaliya iyo Jabaan oo heshiis kala saxiixday

Date:

Heshiiskan laba geesoodka ah oo ay maanta magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Wasaaradda qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Somaaliya iyo hay’adda JICA ee wadanka Japan u qaabilsan Iskaashiga Horumarineed.

Heshiiskan labada dhinac ayaa waxaa dowladda soomaaliya u saxiixay Wasiir ku_xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga XfS, Fahmo Ahmed Nuur, halka dowladda Japan ay u saxiixday Madax Hay’ada JICA Dalka kenya.

Sidoo kale waxaa madasha goobjoog ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Ogalaasha Mashaariicda Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horuamrinta dhaqalaha, iyo Wafdi ka socda hay’adda japan oo ka yimad m agaalada tokyo dalkaasi.

Nuxurka Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa xoojinta ilaha dhaqaaalaha Dalka sida Kalluumeysiga iyo kor u qaadista tayada hay’adaha wax soo saarka.

Heshiiskan ayaa daba socdaa kulamo sanadkii hore ku dhaxmaray dalka Japan Madaxda Wasaaradda Qorsheynta iyo Hay’adda Jica, taasi oo ku saabsanaa sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa tayada shaqaalaha rayidka iyo horumainta hay’adda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...