Madaxweynaha Mareykanka oo markale Pyongyang ugu hanjabay Guluf Militari

Date:

Mareykanka(SONNA) Waxaa sii kordhaya khilaafaadka dhinaca diblomaasiyadda ee u dhaxeeya wadamada Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi,taasi oo salka ku haysa barnaamijka Nuclearka Waqooyiga Kuuriya.

Donald Jey Trump Madaxweynaha Wadanka Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu qaado  tallaabo milatari oo uu ku tilmaamay in ay xal u tahay xasaradda Kuuriyada Waqooyi, isagoo uga digay Xukuumada Pyongyang in arrintaasi ay ku noqon doonto awaaqib xumo.

Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykana isagoo barbar taagnaa  Ra’iisul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayuu hadalkan jeediyay madaxweyne Trump oo u muuqda qof aad uga careysan talaabada dhanka Nuclearka ah oo ay qaadayso Waqooyiga Kuuriya.

Wuxuu sidoo kale Donalda  Trump weerar dhanka afka ah ku qaaday hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmayo si xun isla markaana uu ku socdo waddo qaldan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa isagoo ka hadlayay mowqifka Mareykanka uu ka taagan yahay arrinta Kuuriyada Waqooyi ayuu ku sheegay in mareykanka uusan rabin dagaal balse talaabadaasi ay imaan karto hadii loo arko in Pyongyong ay keento khataro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...