Madaxweynaha Mareykanka oo markale Pyongyang ugu hanjabay Guluf Militari

Date:

Mareykanka(SONNA) Waxaa sii kordhaya khilaafaadka dhinaca diblomaasiyadda ee u dhaxeeya wadamada Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi,taasi oo salka ku haysa barnaamijka Nuclearka Waqooyiga Kuuriya.

Donald Jey Trump Madaxweynaha Wadanka Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu qaado  tallaabo milatari oo uu ku tilmaamay in ay xal u tahay xasaradda Kuuriyada Waqooyi, isagoo uga digay Xukuumada Pyongyang in arrintaasi ay ku noqon doonto awaaqib xumo.

Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykana isagoo barbar taagnaa  Ra’iisul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayuu hadalkan jeediyay madaxweyne Trump oo u muuqda qof aad uga careysan talaabada dhanka Nuclearka ah oo ay qaadayso Waqooyiga Kuuriya.

Wuxuu sidoo kale Donalda  Trump weerar dhanka afka ah ku qaaday hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmayo si xun isla markaana uu ku socdo waddo qaldan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa isagoo ka hadlayay mowqifka Mareykanka uu ka taagan yahay arrinta Kuuriyada Waqooyi ayuu ku sheegay in mareykanka uusan rabin dagaal balse talaabadaasi ay imaan karto hadii loo arko in Pyongyong ay keento khataro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....