Home Blog Page 1530

Wasaaradda arrimaha dibadda oo qabatay kulan logu duceynayay Marxuum C/raxmaan Jaamac Barre

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Munaasabad duco iyo xusuus ah maanta ugu qabatay Royal Palace Hotel ee Magaalada Muqidisho Marxuum Abdirahman Jama Barre, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda oo August 15, 2017, ku geeriyooday Magaalada San Diego, Gobolka California ee dalka Mareykanka.

Munaasabadaan ducada ah oo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare, Wasiirro, Xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal, qaar ka mid ah danjirayaasha Soomaalida, qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, diblomaasiyiin, samadoonno, indheer garad, aqoonyahanno iyo dad wax ku ool u ah bulshada, waxa ayna dhammaantooda Allah uga baryeen Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre in qabrigiisa ka dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada, hoygiisana ka yeelo Jannada sare ee Alfardows.

Hadallo ay Munaasabadda ka kala jeediyeen Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan, Danire Cali Maxamed Cali iyo diblomaasi hore Cabdi Shire Warsame, waxa ay wada xuseen kartidii maamul ee uu ku hagayay marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre howlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo siyaasaddeeda, taasi oo horseed u noqotay in saaxadda caalamka iyo midda gobolka ay si weyn uga muuqato Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cusmaan Xasan “Juriille” oo ah xubin ka tirsan Aqalka sare ayaa muujiyay in xog ogaalnimadii Cabdiraxmaan Jaamac Barre ay wax weyn ka badashay howlihii shaqo ee Wasaaradda mudadii uu joogay, xaqiijiyayna guullo la taaban karo.

Si la mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha H.E. Mr. Abdullahi Hamud Mohamed ayaa farriin tacsi ah oo uu ka siday Ra’iisul wasaare H.E. Mr. Hassan Ali Kheire u gudbiyay qoyska Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay la qeybsanayso murugada iyo tiiraanyada reerka Wasiirkii hore.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare Hon. Mr. Mowleid Hussein Guhad ayaa isna tacsi uu ka sidday Guddoonka iyo xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu u gudbiyay qoyska Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo sheegay in wanaaggii uu ka tagay Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac ay sababtay in jiilka xilligan shaqeeya ay maamuusaan waxqabadkiisii, ayna u duceeyaan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa isna sheegay inuu ka mid ahaa jiilkii da’yarta ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka shaqeynayay xilligii uu Wasiirku ahaa Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre, isaga oo ku tilmaamay in cadaalad-falkiisii ay gaartay heer uu ka war-doono diblomaasiga xanuunsada, ugana farxiya kuwa dadaalka badan darajooyin kala duwan oo dalacsiin iyo abaal marrinno leh.

Qoyska Marxuumka oo Munaasabadda goob ka joog ka ahaa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo marti sharafta kale uga mahadceliyay ka qeybgalkooda Munaasabadda ducada, waxa ayna bogaadiyeen sida qiimaha leh ee loo maamuusay Marxuumka.

Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii milatariga ayaa labo xilli noqday Wasiirka Wasaaadda Arrimaha Dibadda iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyadda, waxa uu ahaa siyaasi indheer-garad ah, macallin iyo barbaariye.

Allah u naxariisto, Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa noqday Wasiirka lixaad (6,aad) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo ka shaqeeyay howlaha diblomaasiyadda muddo ku siman 11 sano, waxa uu u adeegay dadkiisa iyo dalkiisa.

R/Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo furay Shirweynaha Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay Shirweynaha qaran ee xal-u-helidda Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakayaasha Soomaaliyeed. Waxana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, gaar ahaan waaxda u qaabilsan Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka.

 

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirkani soconaya saddexda maalin ka sheegay hannaanka iyo qorshaha ballaaran ee uga yaalla Xukuumadda dib u dejinta dadka Soomaaliyeed ee colaadaha iyo abaaraha ka dhacaya dalka ay saameeyeen.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u mahad-celiyey hay’adda Qaxootiga qaranka iyo hay’adaha caalamka ee ka qeyb qaadanaya badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dibedda iyo gudaha dalka ku barakacay.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa yiri” Dawladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay inay qabato wax walba ay kari karto oo dadka Soomaaliyeed ku heli karaan nolol ka wanaagsan midda ay hadda ku nool yihiin.

 

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin ka socda dawlad-gobolleeyada dalka ka jira iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Q/M ee UNHCR. Waxana dhammaadka shirkani ka soo bixi doona warmurtiyeed la xiriira sida loo wajahayo Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo Go’aan ka soo saartay dhismaha rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo nuqul kamid ah ay heshey Radio Muqdisho ayaa lagu shaaciyay go’aano ay Wasaaraddu ay ka soo saartay dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sida tan.

*Markii aan arkay sharci No.22 Taariikh 2 Nov.1985

Markii aan arkay qodobka 10aad farqadiisa 4aad ee xil haynta mudada maamulka Rugta.

*Markii aan arkay qodobka 17aad farqadiisa 3aad ee qeexaya hadii dood dood ka timaado sharcinimada doorashada xubnaha guddiga Rugta.

*Markii aan arkay qodobka 20aad farqadiisa 3aad oo sheegay waxaa lagu maareynayaa muranka shaqaalaha Ruhta oo ah xeer uu soo saaro Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

1: Laga Bilaabo maalinta uu saxiixo Wasiirku xeerkan waxaa la baabi’iyay lana burburiyay jiritaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Iyadoo la cuskanayo sharciyada kor  ku xusan.

2: Laga bilaabo maalinta uu saxiixo wasiirka wareegtadan, waxaa la joojiyay cidkasta oo la soo xiriiri jirtay ama ay la macaamili lahayd Rugtii Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee shaqada laga joojiyay gudaha iyo dibadda.

3:Sida Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha maamul Goboleedyada iyo kuwa Caalamka,Wasaaraddu waxay cayimi doontaa waqtiga la qabanayo doorashada maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed,marka ay la tashato Ganacsatada Soomaaliyeed, rugaha maamul Goboleedyada iyo madaxda ay khuseyso.

4:Laga bilaabo waqtiga wareegtadan la saxiixo majirto shakhsi ama hay’ad sharci  u haysta in uu ku hadlo magaca Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

5:Dhamaan Rugaha ganacsi iyo Warshadaha maamul Goboleedyada dalka waxay toos ula soo xiriirayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed inta laga dhisayo rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

6:Sidoo kale waxaa lagu wargelinayaa labadii dhinac ee isku hayay maamulka Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Gobolka Banaadir in doorasho xor iyo xalaal ah lagu qaban doono caasimadda Muqdisho muddo bil gudeheeda,iyadoo dhamaan ganacsatada iyo dhamaan ganacsatada Gobolka Banadir uu u furan yahay ka soo qeyb galka doorashada.

7:Qaabka doorashada iyo maalinta ay dhacayso doorashada Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Gobolka Banaadir Wasaaradda ayaa dib ka soo saari doonta.

8: Ugu dambeyn, SharciNo.22 kuna Taarikheysan 2 Nov.1985 kuna kana hadlaya dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha,Beeraha,Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Farshaxanka, waxaa lagu dhaqmayaa inta laga soo dooranayo madaxda rugta  cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed qodobka 38aad farqadiisa 1aad oo qeexaya  hogaamin ku meel gaar ah oo rugtu yeelato,iyadoo la raacinaayofaqradaha 2aad, 3aad iyo 4aad ee qodobka kor ku xusan marka ay soo dhameystirmaan.

Wadshaqeyn wacan

Khadra Axmed Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadah

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo maanta la kulmay dhigiisa Dalka Masar

0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa maanta kulan la qaatey dhigiisa Dalka Masar, ayagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa hormarinta beeraha dibna loogu howl galin lahaa heshiisyo ay galeen labada dal sanadkii 2015-ka.

“Kulanka maanta aan la yeeshay wasiirka Beeraha Masar Dr. Abdulmuncim Albana waxu dabo socdaa fulinta heshiisyadii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay dhawaan ku gaareen magaalada Qaahira waxaana ka wadahalnay sidii aan isaga gaashan laheyn Hormarinta Beeraha ” ayuu yiri wasiirka Beeraha XFS oo lahadlay SONNA.

Ugu dambeyn Wasiirka beeraha Masar DR.Abdulmuncim Albana oo isna dhankiisa la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in maanta la hirgaliyay qeyb ka mid ah heshiiskii labada Madaxweyne.

“Manta Waxan hir galinaynay qeyb kamid ah qodobadii laga wada hadlay ee ku saabsana isfahamka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood, sidoo kale waxaan kawada hadalnay Wasiirka sidii loo abuuri lahaa Beer wadaag laga abuurayo soomaliya oo cabirkeedu uu gaarayo labo boqol oo Higtar.ayuu yiri DR. Abdulmuncim Albana.

Dowladda oo la wareegtay Qalab dhameystiran oo lagu maamuli doono Hawada Soomaaliya

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi raxmaan Kulmiye Xirsi “Cabdiraxmaan Dheere” ayaa u sheegay SONNA in maanta saraakiil ka socoto Hay’ada ECAO uu kala wareegay qalab dhameystiran oo lagu maamuli doono Hawada Soomaaliya.

“Waxaan maanta qalabkii lagu maamuli lahaa hawada Soomaaliya kala wareegnay Hay’ada ECAO, waan kaga mahad celineynaa Hay’ada sida ay noo taageertay, qalabkaan wuxuu sahli doonaa in mudo dhowr iyo labaatan sano ka dib hawada Soomaaliya laga maamulo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiiru dowlaha.

Wasiiru dowlaha wuxuu sheegay in heer gaba gabo uu marayo qorshaha ay guud ahaan kula soo wareegayaan Maamulka Hawada Soomaaliya, isagoo xusay ay diyaar tahay goobtii looga shaqeyn lahaa qalabkaasi ay maanta la wareegaan, waxa kaliya ee u harsana ay tahay in la soo wareejiyo shaqaalihi ka shaqeynayay hawada Soomaaliya oo hada ku shaqeeya dalka Kenya.

“Qalab dhameystiran ayaan kala wareegnay Hay’ada ECAO, meeshii aan ku shaqeyn laheyn way inoo diyaarsan tahay, waxaa inoo harsan shaqaalihii hawsha qaban lahaa oo hada ku shaqeeya xarun ku taala dalka Kenya” ayuu intaa ku daray Wasiir Cabdiraxmaan Dheere.

Qalabkaan la keenay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya xili shalay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo wareysi siiyay Wakaalada SONNA isagoo u sheegay in bisha Oktoober dhamaadkeeda hawada Soomaaliya laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Wasiirka Xanaanada xoolaha oo la kulmay madaxa Bankiga horumarinta Islaamka

0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo wafdi uu hogaamiya oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudi Carabiya ayaa wuxuu kulan kula qaatay magaalada Jeddah Madaxa Bankiga horumarinta Islaamka Dr. Bandar Mohamed Hamza Haja.

Kulankaan oo labada mas’uul kaga wada hadleen xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya bakgiga Islaamka iyo dowlada Soomaaliya gaar ahaan horumarinta xoolaha iyo maalgashigooda.

Sida la wada ogyahay Soomaaliya waxay udub dhaxaad u tahay barnaamijka Hadyiga iyo Adaaxida ee xoolaha lagu  qalo xajka uuna fuliyo Bankiga horumarinta Islaamka. Bankiga wuxuu balan qaaday inay Soomaaliya sii ahaan doonto udub dhaxaadka barnaamijkan.

Sidoo kale, labada masuul waxay isku afgarteen in la hormariyo tayada, shaqada iyo agabka wasaarda Xanaanda Xoolaha ayadoo lagu salaynayo Qorshaha Hormarinta Qaranka (QHQ) isla markaana Bankiga wuxuu ka mahad celiyay wada shaqaynta Soomaaliya gaar ahaan baahida ay Soomaaliya u dabooshay martidada Alle, taas oo Soomaaliya sanadkasta kaga qayb qaadato in ka badan Hal (1) malyan oo neef.

Sidoo kale, waxaa kulanka diirada lagu saaaray sidii loo kobcin lahaa u adkeysi Soomaaliya u leedahay abaaraha, Bankigana wuxuu hoosta ka xariiqay u diyaar garowgiisa arintan ayadoo labada dhinac ay isla wada samayn doonaan qorsho dhamaystiran oo ku aadan.

Shir qaxootiga Soomaaliyeed ku saabsan oo Muqdisho ka furmey

0

Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka furmay Shir weyne Qaran oo lagu magac daray “U Helida Xal waraara Qaxoootiga soo laabanaya iyo Barakacayaasha”

Shir weynahaan waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo kaashaneyso Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya, waxaana maalgalinaya hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Munaasabada furitaanka shirkan waxaa goob joog ka ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socda dowlad goboleedyada dalka, waxaana uu socon doonaa Muddo sedex maalmood ah.

Guddigii dowlada u xilsaartay dhacadadii Bariire oo gaaray deegaankaas

0

Guddigii Dowlada Soomaaliya u xilsaartay inay baaraan Dhacdadii Bariire ayaa gaaray deegaankaas sida uu Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay wasiirka amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo ah gudoomiyaha gudigan.

Gudigaan ayaa u kuur galaya dhacdadii Jimcihii ka dhacday Deegaanka Bariire, waxayna wareysiyo la yeelan doonaan dadka deegaanka si ay u ogaadaan xaqiiqda.

“Ujeedada gudiga waa in ay ka keenaan xog dhab ah dhacdadii deegaanka ka dhacday, waxay la soo kulmi doonaan dadka deegaanka si ay u soo ogaadaan sida wax u dhaceen, sababta naloo xilsaaray waa inaan keenaa xaqiiqda”

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddigan magacawday 26-da bishaan, waxaana loo qabtay mudo shan maalmood inay ku soo ogaadaan sida wax u dhaceen, waxaana u haray sedex maalin oo maanta ay ku jirto.

#SONNA

Wasiirka Gaadiidka: ”Muqdisho ayaa laga maamulayaa hawada Soomaaliya October dhamaadkeeda”

0

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo horumarin lahaa adeegyada dhanka duulimaadyada ee dalka, iyo maamulka hawada Soomaaliya, maadaam haatan dalka uu dib uga soo kabsanayo saameyntii ka dhalatay burburkii 25 sano ka badan dalka uu kujiray.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Salaad oo ka qeybgalay shir u dhexeeyey Wasiirada Duulista Africa iyo Bariga Dhexe, loogana hadlayay ammaanka dhanka duulista oo ka dhacay magaalada Sharma,Alsheekh ee Dalka Masar ayaa sheegey in guulo la taaban karo ay uga soo bexeen shirkaasi Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kulamo kaladuwan la yeeshey qaar kamid ah Wasiiradii ka qeybgalay shirkaasi oo ay kawad hadleen arrimaha laxiriira dhanka duulista, Sida wasiirka Duulista Hawada ee Dalka Masar, wuxuuna sheegey in siweyn loo soo dhaweeyey natiijooyin fiicana ay ka soo bexeen kulamadaasi.

Wareysi gaar ah oo uu SONNA siiyay Axadii,  Wasiirka ayaa waxaa uu ku faah faahiyay qorshaha ku aadan waqtiga rasmiga ah ee Dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in la bilaabo maamulka Hawada Soomaaliya.

“Waxaa rajeynaynaa in hawada Soomaaliya marka ugu horeysay laga maamulidoono magaalada Muqdisho,  Duulista hawada marka horeba iyadoo marka horeba aan aad u dhisnayn ayaa hadana dowladii bur burtay, marka hadda waxaan u baahanahay, in aanu helno shaqaale tababar fiican leh, markii ay soo laabtaana ay ka qeyb qaataan maamulka hawada Soomaaliya, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha October ayaa rajaynaynaa in ay bilaabato arrintaasi,balse way dhici kartaa dib u dhac oo maalmo ah, maadaama qalab badan la rakibayo”, Ayuu Yiri Wasiir Max’ed C//llaahi Salaad.

Wasiirka ayaa sheegay in la dhameystiray adeegyadii looga baahnaa garoonka diyaaradah si loo helo duulimaadyada xiliyadii habeenkii, duulimaadyada shacabka iyo kuwa kaleba ay si isku mid ah u shaqeyn karaan, isagoo intaasi ku daray in ay jiraan shirkado la soo xiriirey si ay isku diwaan geliyaan adeegyada dhanka Duulimaadyada oo xiliyada habeenkii ah oo markii ugu horeysay laga hirgeliyay Garoonka Muqdisho.

Madaxweyihii hore oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliya ee K. Afrika

0

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay kulan casho ah waxaa uu la qaatay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ,ganacsato iyo qeybaha bulshada ee jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ee dalka South Africa.

Sido kale kulanka joogay madaxda safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka South Africa sida Safiir Jamaal Maxamed Barrow,qunsulka safaarada Maxamed Cali Mirre iyo Xoghayaha  kowaad ee safaarada Ismaaciil Cabdalle Soomane.

Kulanka waxaa uu ahaa mid is xog wareysi ah waxaana qaar ka mid ah waxgaradkii kala duwan ayaa halkaasi ka hadlay waxaana ay si wadajir ah usoo dhaweeyeen madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud kadibna waxaa ay warbixin guud ka siiyeen xaalada Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa oo maalmahii lasoo dhaafay weeraro dilal is daba joog ah kala kulmayay kooxo burcad ah,waxaa ay intaasi ku dareen waxbgaradka in South Africa ay ku heystaan nolol aad u wacan iyo soo dhaweyn dowlada South Africa ay ka haleen.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ka hadlay kulanka waxaana uu jeediyay khudbad dheer oo dhinac yo badan taabaneysay waxaa uu ugu horeyn u mahad celiyay jaaliyada Soomaalida ee ku nool South Africa waxaa uu kadib jaaliyada warbixin ka siiyay Kulankii uu la galay madaxweynayaashii Hore iyo Soomaaliya halka ay maanta taagan tahay waxaana uu ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan Soomaaliya horumarka ay hiigsaneyso.

Madaxweynahii hore waxaa uu jaaliyada in ay wataan magac culus oo Soomaaliya la dhaho taa oo loo baahan yahay in ay muujiyaan wanaaga uu leeyahay dowlada iyo shacabka South Africa si taa loo sameeyana waxaa muhim ah ayuu yiri in la isku xero jaaliyada oo midnimada iyo wadajirka ay ka shaqeeyaan.