Home Blog Page 1530

Wasiirka Amniga “Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa u xiran falkii lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka”

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo ku simaha Taliyaha Booliska Soomaaliya ahna taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Mukhtaar Afrax Xuseen ayaa si kulul waxay maanta uga hadleen dhacdadii shalay lagu dilay Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale.iyo Xoghayihii Ururkaasi Canab C/laahi Xaashi.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa marka hore sheegay in wax laga xumaado ay tahay in degmada Xamarweyne oo ka mid ah degmooyinka ugu nabdoon Gobolka Banaadir in kooxo hubeysan dil ka geystaan haddana baxsadaan, isagoo dhan kale sheegay iney jiraan mas’uuliyiin u xiran falkaasi maalmaha soo socdana warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Sidoo kale,Wasiirka Amniga ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan baaritaan ku socdo mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amaanka oo falkaan lala xiriirinayo,islamarkaana ay dhici karto haddii ay ku cadaato iney xilkooda ku waayaan.

Dhanka kale,Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Mukhtaar Afrax Xuseen ayaa marka hore cambaareeyay falka lagu weeraray gaari ay lahayd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale. oo darawal uu ka ahaa Wiilkeeda oo lagu nagacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi oo weerarka lagu dilay.

Wuxuuna Taliye Afrax ku tilmaamay falkaasi mid laga xumaado oo u baahan in laamaha amaanka qaadaan talaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo kooxaha argagaxisada oo caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Weerarka dilka ah ayaa shalay oo taariikhda ku beegneyd 27-September 2017, ka dhacay Wadada Via Roma ee degmada Xamarweyne,waxaana labada ruuxa ee la toogtay ay wateen gaari Surf ah iyada oo ay labaduba ay goobta ku nafwaayeen..

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Mukhtaar Afrax ayaa hadalkaan waxay ka jeediyeen kulan looga hadlayay adkeynta amaanka oo ka dhacay Xarunta Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska diiwaangelinta Xisbiyada siyaasadda oo maanta laga furay Muqdisho

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa markii ugu horreeysay furay diiwan galinta KMG ah ee Xisbiyada siyaasadda dalka.

Guddiga ayaa maanta soo soo bandhigay foomamka diiwaan galinta KMG ah, iyada oo ay goobta joogaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Sheekh Ismaaciil “Xaliimo Yarey” Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in diiwaan galinta KMG ah ee maanta la daah furay ay fursad badan siineyso xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Diiwaangelinta ee guddiga ayaa u sharaxay xisbiyada goobta joogay habka iyo hannaanka ay isku diiwaan galinayaan, waxaana jiray su’aalo iyo talooyin ay xisbiyadu u jeediyeen guddiga,  hase ahaatee masuuliyiinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa u sheegay xisbiyada in wax waliba uu Dastuurka faahfaahinayo, iyaguna ay hirgalin doonaan.

Guddoonka xisbiyada qaar ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in guddigu uu qaaday talaabo muhiim ah oo muujineysa in looga gudbi karo nidaamka hab qeybisag ee hadda lagu shaqeeyo.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan hirgalinta doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka qabsoonta mustaqbalka.

Qurba joogta Soomaaliyeed oo lagu dhiira geliyay iney ka qeyb qaataan horumarka dalkooda+Sawiro

0

Iyadoo isbedelka iyo horumarka haatan kajira Soomaaliya ay sii kordhayaan ayaa waxaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Gobolada Kala duwan ee Mareykanka waxay wadaan qorshayaal iyo dadaalo ay kaga qeyb qaadanayaan maalgashiga dalka,taasi oo jawaab u ah dhiira gelinta madaxda Dowladda Soomaaliya ee ah in Qurba Joogta Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Wafdi isugu jira Ganacsato Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Jubbaland oo isugu jira xubno Wasiiro iyobaarlamaanka maamulkaasi oo ku sugan dalkani Mareykanka uunahoggaamniyayo Cusmaan Xuseen Xaaji Feyruus Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa booqasho waxay ku tageen dhul beereed ku yaala Gobolka Minesota,iyagoo u kuurgalaya sida beeralayda Mareykanku ay horumarin ugu sameynayaan wax soo saarka Dalagyada Beeraha.

Intii uu socday kormeerka Mas’uuliyiinta iyo ganacasatada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay kulamo la yeesheyeen madax iyo ganacsato Mareykan ah  sida Hay’adda Gaal oo qabilsan dhanka horumarinta maalgashiga Ganacsi,iyagoo ka wada hadlay sidii qurba Joogta Soomaaliyeed ay qibradooda ganacsi ay dib ugula laaban lahaayeen dalkooda Hooyo.

Markii kormeerkaasi uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta Qaranka lahadlay qaar kamid ah ganacsatada oo muujiyay baahida loo qabo sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay waqti xaadirkaan uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka maalgashi ee Dalka Soomaaliya.

Libaan Hussein Minneapolis

Turkiga oo sheegay inuu fulinaayo balan qaadkii ahaa inuu 10-kun Guri ka dhisayo Soomaaliya

0

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan bekar oo Wareysi gaar ah siiyey Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin caawinaada turkiga uu siiyo Soomaaliya sida gargaarka, Caafimaadka, Mashaariicda horumarineed iyo kuwa kale.

Danjire Olgan Bekar, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo ka hadlayey Ballan qaadkii uu sameeyey Madaxweynaha Turkiga booqashadiisii ugu dambeysay ee Muqdisho uu ku yimid ee ahaa 10-kun oo guri in ay ka dhisi doonaan Soomaaliya, ayaa sheegay in Mashruucaasi fullintiisa ay ku howlan yihiin, isagoo xusay in uu dhacay hakad yar oo dhanka Dhaqaalaha ah, sida ugu dhaqsiyaha badanna u guda geli doonaan fulinta mashruucaasi oo uu sheegay in ay ku baxeyso dhaqaalo badan.

Danjire Bekar oo soo hadal qaaday dhanka Caafimaadka ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka hirgaliyeen Xarumo Caafimaad sida Istbitaalka Rejeb dayib Erdogan (EX DIGFEER), haddii ay la kulmaan howlwadeenadooda Caafimaad, kiis Soomaaliya aysan waxba uga qabin Karin ayuu sheegay safiirka in ay ka shaqeeyaan in dalka turkiga lagu daweeyo bukaanadaasi, iyagoo wax sharruud ah aan lagu xirin.

Amb Olgan Bekar si gaar ah ayuu u faahfaahiyey Isbitaalka Ex Digfeer ee Rajeb Dayib Erdogan iyo Shaqooyinka caafimaad ee uu qabto,  isagoo sheegay in Isbitaalkaasi uu yahay kan ugu weyn ee Gobolka Geeska Afrika ku yaalla, dad kala duwan oo ka kala yimid Gobolada dalka Soomaaliya iyo Qeybo ka mid ah Kenya ayuu sheegay in Isbitaalka EX DIGFEER ay u yimaadaan arrimo Caafimaad, waxaana uu  xusay in rajo weyn isbitalkaasi uu galiyey Bulshada Soomaaliyeed, addeegyadiisa Caafimaadna ay aad ugu kalsoon yihiin.

Waxa uu  sheegay Danjire Bekar in dhowaan Isbitaalka digfeer uu qaatay kalkaaliyeyaal cusub oo Soomaali ah, kuwaasi oo Imtixaan u galay shaqadaan, laguna kala xushay heerka Aqoontooda, waxaana uu sidoo kale sheegay in ay ku howlan yihiin horumarka iyo tayeynta addeegyada laga helo Isbitaalka Rajeb dayib Erdogan EX DIGFEER, si Soomaaliya ay uga maaranto baahi Caafimaad oo Dibada ah.

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar, ayaa iftiimiyey in  imaatinkooda Soomaaliya salka uu ku hayo garab istaag dhab ah inay u muujiyaan Ummadda Soomaaliyeed, ayna ka daali doonin howlaha gargaarka ah, isagoo carabka ku dhuftay in Mashruucyo badan oo Horumarineed ay fuliyeen, kuwa kalana ay wadaan.

Mashruucii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ay ka fuliyeen ayuu ku sheegay in uu yahay Dugsi lagu baranayo Duulimaadka oo Muqdisho ay ka hirgaliyeen, September 26, 2017 ayaana albaabada loo furay dugsigaasi, kaas oo ujjeedada ay ka leeyihiin uu ku tilmaamay in ay tahay soo nooleynta howlihii Duulimaad ee Wadanka Soomaaliya uu lahaa, waxaana uu tilmaamay in dhowaan xarriga ay ka jari doonaan dugsiga tababarka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ku yaalla Dulleedka Magaalada Muqdisho.

 

Faah-faahin ku saabsan kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sacuudiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.

Madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Qasriga uu deggan yahay ku soo boogday Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, oo isla markaana ah Wasiirka Difaaca.

Madaxweynaha waxay ka wadahadleen Boqorka iyo Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudiga xoojinta xiriirka faca weyn ee labada dal, maalgashiga, iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo la dagaallanka xagjirnimada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida iyo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu ka fulineyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay iska wareysteen qaddiyadaha haatan ka taagan mandaqadda iyo caalamkaba.

Mas’uuliyiintii kale ee uu Madaxweynahu sida gaarka ah ula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Caadil Al-Jubeyr.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo dalkaSucuudiga  waxay noqotay mid ku dhammaatay isfaham iyo in la sii xoojiyo iskaashiga laba dal ee walaalaha ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa wada hadallada uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Riyaad Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Dhanka Sucuudiga waxaa uga qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda.

Danjiraha Turkiga ee Somaliya oo ka hadlay Wada hadallada Dowladda F. S. iyo maamulka Somaliland

0

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, si toos ahna looga daawanayay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, loogana dhageysnayay Radio Muqdisho ayaa kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya.

Waxyaabaha uu ka hadlay Safiirka waxaa ka mid ah Wada hadallada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo dowlada Turkiga ay gar wadeen ka tahay.

Safiirka ayaa sheegay in wada hadalada dowladda F. Soomaaliya iyo maamulka Somaliland mudooyinkii dambe uu gaabis ku yimid Maadaama Soomaaliya ay ka dhacday Doorasho, taasoo si weyn ay ugu mashquuleen, sidoo kalena Maamulka Somaliland ay qorsheynayaan in ay doortaan maamul cusub, Safiirka ayaa balanqaaday markii ay dhacdo Doorashada Somaliland, oo maamulka la doorto uu xafiiska la wareego inay dib u balaabi doonaan Wada hadalada lana dardar galin doono.

Sidoo kale Olgan Baker wuxuu carabka ku dhuftay in Dowlada Turkiga ay ka war heyso in Hogaamiyeyaasha Dowlada Federaalka iyo kuwa Somaliland ay si wadajir ah diyaar ugu yihiin in guul laga gaaro wada hadalada, si dhaqso ahna loo bilaabo.

Sidoo kale Wareysiga uu siiyay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Wakaaladda SONNA wuxuu kaga hadlay Doorashada Qof iyo Cod oo la rajeynayo in Soomaaliya ay ka dhacdo 2020-ka, wuxuuna sheegay in Kaalin weyn ay ka qaadan doonaan sidii loo hirgalin lahaa, isagoo xusay in Turkiga uu balaarinayo aqoonta Guddiyada ka shaqeynaya doorashada, Tababaro badana ay siin doonaan.

Safiirka wuxuu balanqaaday in Dowlada Turkiga ay dadaal kasta u sameyn doonto sidii Doorashadaasi ay u guuleysan laheyd, Soomaaliyana ay ku garab taagan yihiin sidii ay kaga talaabsan laheyd halka ay joogto.


Akhriso faah faahin ku saabsan kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sacuusiga

0

Jeddah(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.

Madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Qasriga uu deggan yahay ku soo boogday Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, oo isla markaana ah Wasiirka Difaaca.

Madaxweynaha waxay ka wadahadleen Boqorka iyo Dhaxal-Sugaha Boqorooyada Sucuudiga xoojinta xiriirka faca weyn ee labada dal, maalgashiga, iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo la dagaallanka xagjirnimada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida iyo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu ka fulineyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay iska wareysteen qaddiyadaha haatan ka taagan mandaqadda iyo caalamkaba.

Masuuliyiintii kale ee uu Madaxweynahu sida gaarka ah ula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Caadil Al-Jubeyr.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo dalkan waxay noqotay mid ku dhammaatay isfaham iyo in la sii xoojiyo iskaashiga laba dal ee walaalaha ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa wada hadallada uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Riyaad Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Dhanka Sucuudiga waxaa uga qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda.

Danjiraha Turkiga ee Somaliya oo ka hadlay Wada hadalada Dowlada Soomaaliya iyo Somaliland

0

Muqdisho (SONNA) Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo wareysi gaar ah siiyay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, si toos ahna looga daawanayay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, loogana dhageysnayay Radio Muqdisho ayaa kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya.

Waxyaabaha uu ka hadlay Safiirka waxaa ka mid ah Wada hadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo dowlada Turkiga ay gar wadeen ka tahay.

Safiirka ayaa sheegay in wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland mudooyinkii dambe uu gaabis ku yimid Maadaama Soomaaliya ay ka dhacday Doorasho, taasoo si weyn ay ugu mashquuleen, sidoo kalena Maamulka Somaliland ay qorsheynayaan in doortaan maamul cusub, Safiirka ayaa balanqaaday markii ay dhacdo Doorashada Somaliland, oo maamulka la doorto uu xafiiska la wareego inay dib u balaabi doonaan Wada hadalada lana dardar galin doono.

Sidoo kale Olgan Baker wuxuu carabka ku dhuftay in Dowlada Turkiga ay ka war heyso in Hogaamiyeyaasha Dowlada Federaalka iyo kuwa Somaliland ay si wadajir ah diyaar ugu yihiin in guul laga gaaro wada hadalada, si dhaqso ahna loo bilaabo.

Sidoo kale Wareysiga uu siiyay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Wakaaladda SONNA wuxuu kaga hadlay Doorashada Qof iyo Cod oo la rajeynayo in Soomaaliya ay ka dhacdo 2020-ka, wuxuuna sheegay in Kaalin weyn ay ka qaadan doonaan sidii loo hirgalin lahaa, isagoo xusay in Turkiga uu balaarinayo aqoonta Guddiyada ka shaqeynaya doorashada, Tababaro badana ay siin doonaan.

Safiirka wuxuu balanqaaday in Dowlada Turkiga ay dadaal kasta u sameyn doonto sidii Doorashadaasi ay u guuleysan laheyd, Soomaaliyana ay ku garab taagan yihiin sidii ay kaga talaabsan laheyd halka joogto.

Wareysiga Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo Dhameystiran Goordhow ka Filo Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Aqoon isweydaarsi ku saabsan maamulka Dowladdaha hoose oo ka furmay Baydhabo “Sawirro”

0

Muqdisho  (SONNA) Kulanka Aqoon isweydaarsiga ah ee maanta ka furmay magaalada Baydhabo isla markaana socon doono muddo dhoor maalin ah ayaa waxaa ka qeybgalayaasha lagu barayey casharo la xariira baahinta maamulada Dawladaha Hoose iyo Hanaanka Maamul u dhisidda Degmooyinka

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda arrimaha Gudaha ee dowladda Fadaraalka Soomaaliy, oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed yo saraakiil ka tirsan hay’adda UNDP, iyadoo ka qeyb galayaasha la barayay hanaanka dhismaha dowladaha Hoose.

Shirka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Wakiilo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heer Federaal iyo Maamul gobaleedyada, Odoyaal dhaqameedyo, qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Baay iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin oo furay kulanka ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada in loo dhiso maamul ay raali ku yihiin, isla markaana maamulka uu yahay mid la gaarsiinaayo meelkasta ee ay shacabku ku nool yihiin.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Fadaraalka iyo mida Koonfur Galbeed dadaalka ay ugu jiraan in ay ka hirgeliyaan deegaanada Koonfur Galbeed, maamulo shacabka u adeegaya isla markaana ku shaqeyn doona rabitaanka dadka deegaanada Koonfur Galbeed.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Agaasimaha guud ee sanduuqa Horumarinta Sacuudiga

0

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta kula kulmay qasriga cas ee Magaalada jiddah Agaasimaha guud ee maamulka Horumarinta sanduuqa sacuudiga fowzi calyaan al-sucuud, iyagoo diiradda saaray arrimo badan oo labada dhinac quseeya.

Waxaa kulanka lagu soo qaaday intii uu socday sidii wax looga qaban lahaa islamarkaana loo taageeri lahaa horumarinta mashaariicda la xiriira  arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya .

Kulanka waxaa goobjoog ahaa safiirka soomaaliya u fadhiya boqortooyada Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle iyo Agaasimaha dhanka  mashaariicda ee sanduuqa Horumarinta Sacuudiga Eng Bandar al-baazici.