Home Blog Page 1525

Madaxweyne Farmaajo “Waa in Labada Aqal ay ka odayeeyaan Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka”

0

Muqdisho, 12 Luulyo 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ugu baaqay mudanayaasha in ay ka mari dhaliyaan himilooyinka shacabka ay wakiilka ka yihiin, ayna kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

Madaxwaynu waxa uu tilmaamay howlaha adag ee horyaala Golaha Aqalka Sare sida Dib-u-eegista Dastuurka, Wadatashiga iyo u kuur gelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Dowlad Goboleedyada, Dejinta Hannaan Awood-qaybsi oo ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka; hannaankaas oo ku salaysan is aaminaad iyo danta guud.

“Waxaa tihiin rajadii Soomaaliya ka saari lahayd jahwareerka siyaasadeed, waxaana la idinka fadhiyaa inaad dhidibada u aastaan dowladnimada, dalkana ka hirgelisaan dheeli-tir iyo xasillooni siyaasadeed.”

“Waa in Labada Aqal ay ka wada shaqeeyaan sida danta qaranku ku jirto oo meel iska dhignaa danaha qofeed, kooxeed ama beeleed, waana inay ka odayeeyaan hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.”

Madaxaweynaha ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa labada gole sida ku cad Qodobka 56aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta Shiraya

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan kulan ka dib markii dhowaan uu furmay Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka.

Xubno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Maanta xildhibaanada la horgaynayo Miisaaniyadda Dowladda taas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda.

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u ansixiyay Miisaaniyadda ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale waxaa jira Sharciyo Badan oo horyaala Baarlamaanka Soomaaliya oo la doonayo in go’aan laga gaaro sida uu horay u sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa oo la kulmay Madaxweyne Shariif Xasan

0

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxamaan Xoosh Jibriil ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyaga oo uga warbixiyay hawlgalka ay u joogaan Baydhabo.

AVV Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn uga mahadceliyay Madaxweynaha sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Baydhabo kadibna warbixin ka siiyay hawsha ay u imaadeen Koonfur Galbeed.

“Aad ayaan Mudane Madaxweyne kaaga mahadcelinayaa sida aad noogu soo dhaweeyseen Baydhabo, hawsha aan u nimid waxa ay ahayd in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegsita Dastuurka; runtii aad ayaan ugu qanacnay talooyinkii wanaagsanaa ee ay na la wadaageen bulshadii iyo madaxdii kale ee aan la kulannay” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa soo dhaweeyay hawsha ay Wasaaradda wado isaga oo u ballanqaaday in maamulkiisu ay ka shaqeyn doonaan sidii Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegsita Dastuurka uu guul ugu soo dhamaan lahaa.

Ugu dambeyn, safar howleedkii Wafdiga Wasiir Cabdi Xoosh ee Baydhabo ayaa guul ku soo dhamaaday, iyaga oo maalmaha soo socda u safri doona caasimadaha kale ee dawlad goboleedyada.

—–DHAMAAD—–

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku xigeenka Petrol ka iyo Macdanta oo Istanbul uga qeybgalay Shir Caalami ah

0

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka & Macdanta Mudane Maxamud Cabdulqaadir Warsame, waxaana qeyb ka ahaa Qubaro dhinaca soosaarista Batroolka ah.

Wafdiga Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Istanbul ayaa intii uu shirku socday waxa ay si gooni gooni ah shirar garab socda Shirweynaha Balroolka Dunida ay la qaateen Madax badan oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Dabiiciga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga. Wafdiga Soomaaliya waxaa uu sidoo kale si gaar gaar ah u qaabilay Madax ka socotay wadamada Qatar, Azarbajan, America, Albania, Serbia iyo kuwo kale.
Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirto dowladaha ku bohoobay Shirweynaha Joogtada ah ee Wadamada Batrolka Soosaara iyo kuwa rajada dhaw ka qabo in ay soo saaraan.

Shirkan oo socondoona shan maalmood ah ayaa lagu wadaa in la isku dhaafsado afkaar iyo fikrado la xiriiro sidii loo horumarin lahaa hanaanka soosaarista Batroolka iyo Suuq-geyntisa iyada oo Soomaaliya si rasmi ah ay uga mid noqotay Shirweynaha Wadamada Shidaalka soosaara, iyada oo taasi ay ka dambeysay dadaal ay Madaxda Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta Dalkeenu u galeen arrintan iyada ay kaalin mug lehna ka geysatay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Waxaa lagu wadaa in Shirweynah Batroolka Istalnul la soo gabagabeyn doono 13 ka July, iyadoo wafdiga Soomaaliya ay fursad weyn u heleen in ay si gaar gaar ah u arkaan Shirkadaha Shidaalka Soosaare ee ugu waaweyn dunida oo ay ku jiraan kuwo horey Soomaaliya u siisay ruqsad rasmi ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka “Waxaan Diyaar u nahay in aan Soomaaliya kala shaqayno cirib-tirka argagaxisada”

0

Muqdisho, 11ka Luuliyo, 2017: Xogahaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka taageerto qorshayaasha horumarineed ee ay higsanayso iyo in ay kala shaqayso dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku cirib tireyso argagaxisada.

Mdane Tillerson oo khadka teleefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa u xaqiijiyay in Maraykanka uu si buuxda u taageerayo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Ahmiyadda ugu weyn ee aan leenahay waa sugidda nabadgalyada iyo xaqiijinta in hay’adaheenna ammaanka ay yihiin kuwo tayo iyo tababar fiican leh. Waxaan dardargelinaynaa dagaalka ka dhanka Alshabaab si loo afjaro khatarta argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Sooomaaliya ayaa dhawaan waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ka caawisay in ay hawlgallo ka fuliyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen argagixisada Alshabaab.

=Dhammaad=

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo gaaray dalka Qatar

0

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar, isagoo isku dayaya inuu dhex dhexaadiyo xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Qatar iyo Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga.

Tillerson ayaa soo maray dalka Kuwait, halkaasoo Isniintii shalay uu kula kulmay Amiirka dalkaas Sheekh Sabah Al Ahmad Al Sabah oo dadaal ugu jira xalinta xiisada u dhaxeysa dalalka Qatar iyo afar dal oo carbeed.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ugu baaqay dalalka Khaliijka in xal loo helo khilaafka, waxaa lagu wadaa in magaalada Doxa uu kula kulmo Amiirka Qatar.

Sidoo kale waxaa uu berri u ambabixi doonaa dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu kula kulmi doono Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis.

Mareykanka oo saaxib dhow la ah wadamada khaliijka ee hodanka ku ah saliida ayaa doonaya in xal laga gaaro xiisada ka taagan Gobolka.

Xulafada Sacuudiga ayaa dhowaan Qatar u gudbiyay dalab ka kooban 13 shuruudo inay aqbasho, hadii ay rabto in laga qaado cunaqabateynta ay ku soo rogeen hase ahaatee Qatar ayaa diiday

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay dhaqaale siiso Argagixisada, balse Qatar ayaa ku gacan seyrtay eedeymahaas.

Shirkii golaha amniga qaranka oo la soo gaba gabeeyay

0

Muqdisho, 10 Luulyo 2017 :- War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka

1.Golaha Amniga Qaranka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 5ta ilaa 10ka bisha Luulyo, 2017.

2.Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wassaraada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo La Taliyaha Amniga Qaranka.

3.Golaha Amniga Qaranka waxa uu bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dowladda dhexe ka qabatay arrimaha amniga sida xasilinta caasimadda, siyaasadda iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

4.Keddib markii uu Goluhu qiimeeyay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxay isla garteen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah, meelna looga soo wadajeesto cid kasta oo ku taageerta dhaqaale, gabbaad ama faafineysa afkaardooda gurracan.

5.Golahu, markiiuu dib u eegay Heshiiskii Amni ee Bishii 16-17 Abriil, 2017, uuna dhageystay talooyinkii ay soo jeediyeen Guddi hoosaadyada Difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka, tixgeliyeyna aragtiyada kala duwan ee bulshada, waxaa talooyinkaas lagu biiriyay Qorshaha Amniga Qaranka.

6.Golahu, waxaa kale oo uu ku heshiiyay sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya dhameystirka Qaab dhismeedka Amniga Qaranka oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka Ciidamada Nabadsugidda, Booliska, iyo ciidanka Asluubta. Guddidaas waxa uu ka kala imaandoonaa Dawladda Federaalka, Dawlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir.

7.Golaha oo garowsan baahida loo qabo in siyaasad mideysan laga yeesho horumarinta nidaamka federaalka, dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee 2020ka, waxay ku heshiiyeen in taabo gelinta qodobadaas loo maro hannaan ku salaysan wadatashi joogto ah oo 3dii biloodba mar ah.

8.Golahu waxa uu iskuraacay in sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka la horgeeyo Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h) ee Dastuurka KMG.

9.Golahu, waxa uu meelmariyay xeerka anshaxa ee kulamadooda iyo Fulinta Qorshaha Amniga Qaranka.

10.Ugu dambeyntii, Kulanka Golaha Amniga Qaranka wuxuu dhici doonaa saddexdii biloodba mar.

Wabillaahi Towfiiq

DHAMMAAD

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Garoowe Ku Daah-furay Shirweynaha Dib u Eegista Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland.

0

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 10 July, 2017 waxa uu caasimadda Maamul Goboleedka Garoowe ku daah-furay shirweynaha dib u eegista mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, shirkaas oo sanadkasta qabsooma isla markaana daba socdey shirarkii hore ayaa waxaa lagu gorfeeyaa tallaabooyinka dhinaca horumarka loo qaaday iyo guulaha laga gaaray mashruuca JPLG sanadkii tagay.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa shirka ku wehelinayey hay’adaha Qaramada Midoobey iyo wasaaradaha Dawlad Goboleedka Puntland ee ay sida wada jirka ah uga dhaxayso dhaqaajinta iyo hirgelinta qorshayaasha mashruuca JPLG, kuwaas oo kala ah Hay’addaUNDP, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada, Howlaha Guud, Maaliyadda iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.

Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee ku midaysan horumarinta iyo ka faa’iidaysiga mashruuca JPLG ayaa madasha shirka ka hadlay waxayna si qota dheer uga warameen mashruuca oo maraya heer gebo-gebo ah iyo sidii loo kordhin lahaa mudada mashruuca, caqabadaha taagan iyo sidii loo xallin lahaa, arrimaha muhiimka ah ee loo baahan yahay in lagu guulaysto iyo hirgelinta qorshayaashii waxqabad ee baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo shirka si rasmi ah u daah-furay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay faa’iidooyinka iyo horumarka laga dhaxlay mashruuca JPLG isagoo caddeeyey in Puntland ay buuxsio markasta dawrka ay ku leedahay mashruuca isla markaana ay diyaar u tahay sixitaanka iyo dhaqaajinta qorshayaashii baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahad celiyay hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka qayb qaata socod siinta mashruucan iyo dhammaan masuuliyiinta iyo hay’adaha kale ee Maamulka oo iyaga laftoodu kaalin muhiim ah ku leh mashruuca JPLG.

Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ku sugan Baydhabo oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed

0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta booqday xarunta Baarlamaanka Koonfur Galbeed (KG) iyaga oo kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka KG Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa, Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka KG, iyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee KG Mudane Cabduqaadir Nuur Caraale.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ugu horreeyn uga mahadceliyay Gudoomiyaha soo dhaweeynta isaga oo uga war bixiyay hawlagalka ay u joogaan Baydhabo.

“Gudoomiye aad ayaan kaaga mahadcelinaynaa soo dhaweeynta diirran ee aad noo sameeysay, waxaan adiga iyo Guddiga idinku nimid in aan idinkaga warbixino habka aan ku galeyno hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Qaranka, aad ayaana ugu baahannahay in aad taladiiina na la wadaagtaan” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu damabeyn, Wasiirka ayaa ku ammaanay Baarlamaanka iyo dhamaan hay’adaha dawlad goboleedka Koonfur Galbeed horumarka ay durbaba gaareen isaga oo ka codsaday in gacan laga siiyo Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka oo muhiim u ah dhamaan dadka Soomaaliyeed.

—–DHAMAAD—–

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Kismaayo ka dhacaya

0

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa shaaciyay in shirka ugu horeeya ee golaha Wasiirrada lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, sidoo kalana haatan xarun ku meel gaar ah u ah dowlad gobaleedka Jubbaland.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in arintaan looga goleeyay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad gobaleedyada dowladda hoos taga.

Sidoo kale qorshuhu wuxuu yahay in todobaadyada soo socda golaha wasiirrada ay ku shiraan xarumaha dowlad gobaleedyada kale ee dalka.

Shirka golaha Wasiirrada ee lagu balansanyahay inuu ka dhacayo Jubbaland ayaa qabsoomi doona maalinta Khamiista ah ee nagu soo aadan.