Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda  Kismaayo la ballaarinayo

Date:

Kismaayo (SONNA) Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland oo ay Wehlinayaan masuuliyiin katirsan Masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo  Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland  ayaa Saaka Howlo Kormeer Shaqo ah ku Tagay Garoonka Diyaaraddaha Magaladda Kismaayo.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad, Xunbaha La Socday iyo Mareeyaha Groonka Diyaradaha Kismaayo ayaa Soo Kormeray Dhammaan Qeybaha Kala Duwan Ee Garoonka Diyaradaha Magalaadda Kismaayo oo Dhowaan Lagu Soo Kordhiyay Qalab casri ah,  iyagoona Mid Mid u Xog Warestay Qaababka Kala Duwan Ee ay Ku Shaqeeyaan.

Madaxweyne ku xiggeenka  ayaa Sido kale Soo Kormeray Xaruntii UN Ka ay Horay u Daganayeen ee Garoonka Diyaradaha Kismaayo oo Hadda ay Ka Guureen, Taas oo dhammaan Qalabkii Yalay Lagu Wareejiyay Maamulka Garoonka Diyaradaha Kismaayo.

Kormeer iyo Soo Indho indheyn ka Dib ayaa Mareeyaha Garoonka Kismaayo Cabdullaahi Aadan Maxamuud Jagadoon Waxuu Madaxweynaha iyo Xubnihii La Socday Oga Warbixiyay Howlaha Garoonka iyo Xarunta UN ka ay ka Gureen iyo Qalabka ay Mamulka Garoonka Ku Wareejiyeen, isagoona Sheegay in Garoonka Kismaayo Lagu Bilaabi Doono Balaarin.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane Cabdi Qaadir Xaaji Maxamuud, ayaa Sheegay in Garoonka Kismayo uu Horumar Weyn Ku Talabsaday, Waxuuna Mamulka Garoonka Ku Amaanay Howlaha Horumarinta Leh Ee Garoonka ay Wadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...