Wasiir ku xiggeenka Shaqada XFS oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wafdi uu hoggaaminayay Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Safaaradda Dalka Qadar ee Soomaaliya Danjire Hassan Bin Hamza Asadkulankaas ayaa ka dhacay Xarrunta Safaaradda Dalka Qadar ee Magaalada Muqdisho.

 Kulankan ayaa looga hadlayay qodobo dhowr ah oo ku saabsan heshiisyadii u dhexeeyay Dalka Qadar iyo Soomaaliya ee dhanka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Mashaariicdii horumarineed ee ka dhexeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Qadar ee Soomaaliya Hassan Bin Hamza Asad  oo aad ugu faraxsanaa kulankan ay wada yeesheen Wasiir ku xiggeenka iyo wafdigiisa ayaa soo dhoweyn kaddib ku yiri:

“Mudane Wasiir, ka Safaarad ahaan, waxaan mar walba xoojinaa  xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaanna gacanta ku heynaa heshiisyadii dhex maray Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Qatar iyo Soomaaliya, waxaana dooneynaa in dib loosoo celiyo wada shaqeyntii guddiyada  labada dhinac ee ku howlanaa Mashaariicda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada”.

Hassan Bin Hamza Asad, Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Dowladda Qadar ay soo dhoweynayso in la dardar geliyo xiriirka labada dhinac, Waxuuna ku wargeliyay Wasiir ku xiggeenka in uu u hayo Casuumaad uga timid Wasaaradda dhiggiisa ee shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Dalka Qadar uuna rajeynaayo in uu ka jawaabi doono Casuumaaddaas uu tagi doono caasimadda Doha ee dalka Qatar.

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Shaqada  Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan aya kaga mahadceliyay Safiirka soo dhoweyntiisa diirran, sidoo kalana xusay dowrka ay ka qaadatay dowladda Qatar xaaladaha addeega ee ka jira Dalka Soomaaliya, waxuuna u sheegay inuu salaan ka gaarsiiyo Madaxweynaha dalka Qadar, waxuu kaloo u sheegay iney sii wadi doonaan wadashaqeyntii guddiga labada dhinac ee u qaabilsanaa Horumarinta Mashaariicda ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xiggeenka ayaa hadalkiisa ku xusay Dowladda Soomaaliya iney tahay Dowlad Halku-dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol taasoo qaadatay hannaanka wadashaqeyn ee uu lahaan jiray Dalka sida labada dal ee Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa, isagoo Safiirka u sheegay iney garab ka siiyaan soo celinta dugsiyadii Farsamada ee uu Dalka lahaan jiray si loo helo Shaqaale xirfadle ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...