Home Blog Page 1524

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Hey’adda IMF iyo Bangiga Aduunka

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFS Dr: Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shirka Hey’adda Lacahta Adduunka IMF/Bangiga Aduunka oo ka furmay Magaalada Washington D.C. ee Wadanka Maraykanka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFS Dr C/Raxmaan Ducaale ayaa kala hadli doona Madaxda IMF-ta iyo kuwa Bangiga Aduunka arrimo ku saabsan Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee dhawaan la soo daabacayo.

Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray dugsiyo ay wax ku bartaan gabdho da’yar ah

0

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta konmeer ku tagay dhowr xarumood oo ay wax ku bartaan Gabdhaha Agoonta ah iyo kuwa danyarta ah.

Goobaha uu wasiirku tagay waxaa ka mid ah xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheer, Schoolka Agoonta ee Banaadir oo ay ku jiraan ku dhawaad 1,000 arday ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Schoolka Yaasiin Cismaan iyo xarunta ay wax ku bartaan Ardayda Indhoolayaasha ah ee Al Bashiir.

Wasiir C/raxmaanDaahir Cismaan ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu soo arko qaabka ay wax u bartaan gabdhaha da’yarta ah maadaama ay maanta ku beegantahay 11 October oo loo asteeyey maalinta gabdhaha yar-yar.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in loo bahanyahay in la garabgalo dadka danyarta ah gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, sidoo kalena uu qorsha sanadka soo socda uu wasaaradda waxbarashadda yahay in la dhiso School weyn oo ay wax ku bartaan Ardayda aan araga laheyn.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri  “Qorshaha wasaaradda ayaa waxaa ku jira in Miisaaniyadda Dowladda lagu daro 500 oo Macalin kuwaasoo xitaa loo dirayo Goboladda Dalka haddii loo baahdo”.

Magaaaladda Muqdisho waxaa ku yaala xarumo badan oo ay wax ka bartaan ardayda danyarta ah iyo sidoo kale kuwa qaba baahiyaha gaarka ah waxaana intooda badan yihiin kuwo lacag la’aan ah.

Taariikhda Calankeena iyo halgankii loo soo maray

0

12-kii October sanadkii 1954-tii ayeey aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee Calanka Buluugga ah ee u eg samada xiddigta Shanta geesoodka ahna ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Federalka Somalia.

Dalkeenna waxaa soo maray Sadex Calan kuwaas oo kala ahaa Calanka gumeystihii Talyaaniga iyo kan Ingiriiska oo jiray 1941-dii ilaa 1950-kii waxaana 1954-tii Qaramada midoobay dalkeenna ku wareejisay Talyaaniga si uu xornimo u gaarsiiyo iyadoo qaramada midoobay magacawday Sadex waddan oo dusha ka kontoroolayay sida uu Talyaanigu u maamulayay dalkeenna, kuwaas oo kala ahaa waddamada Masar, Colompia iyo Philibin, waxaana markaasi dalka ka jiray calanka Talyaaniga oo uu wehliyo kan Qaramada Midoobay,  qorshahaasi xornimo gaarsiinta ahna waxaa ka shaqeeyay xisbigii Leegada.

Haddaba isla sanadkaasi 1954 waxaa loo baahday in la helo Calan uu yeesho dalkeenna mar haddi la helay nidaamki xornimo gaarsiinta, waxaa la soo bandhigay naqshado farabadan hase yeeshee isla sanadkaasi 12 Obtober 1954-tii maantoo kale Allaha u naxariistee  Maxad Cawaale Liibaan oo ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga Leegada ayaa jeebkiisa ka soo bixyay Calanka hadda jira ee buluugga ah.

Calankan Buluugga ah ee xiddigta ku leh bartamaha ayaa ah kan caalamka oo dhan noo aqoonsanyahay,  waana mid sharaf iyo maamuus ku leh qof kasta oo muwaadin Soomaali ah, waxaana loo soo maray halgan adag oo dhiig farabadan ku daatay, qiimaha, ixtiraamka, karaamada iyo jaceylka ay u qabaan ummadda Soomaaliyeed Calankeenna suubban darteed markii la garaaco Musigga astaanta u ah Calanka dadkoo dhan wey sara kacaan iyagoo taagnaada ilaa uu dhamaado muusigga astaantaCalanka.

Ma aha wax la soo koobi karo halganka adag ee waddaniyiinta Soomaaliyeed usoo galeen Calankeenna,  waxaana xusud mudan in halgankii ugu dambeeyay ee lagu difaacayo Calanka uu yahay kan imminka socda ee dalka lagaga saarayo kooxda Shabaab iyo Alqaacidda kuwaas oo iyagu diiday jiritaanka calankeenna iyo Soomaalinimadeennaba waxeyna dharaar cad meelo fagaare ah ku gubeen Calankeenna aynu Jecelnahay.

Hase yeeshee waxaa arrintaasi ka dhiidhiyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad, iyadoo malleeshiyaadkii shabaab ee doonayay in ay calan madow ku bedelaan calnkeenna sharafta leh laga saaray inta badan gobollada dalka, iyadoo haatan uu Calankeennu ka dulbabanayo dhamaan meelihii ugu dambeeyay ee shabaab laga xoreeyay iyo gobollada dalkeenna marka laga reebo meelaha kooban oo ay wali dalka ugu harsanyihiin Shabaab iyo Alqaacidda.

Ma aha wax qoraal oo kaliya lagu soo koobi karo jacelylka iyo karaamada uu Calankeennu ku leeyahay quluubta waddaniyiinta Soomaaliyeed meel kastoo ay ku noolyihiin.

W.Q. Mowliid Maxamed Sabriye

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo gaaray Dalka Cumaan

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Mohamed Aadan Koofi ayaa gaaray dalka Cumaan, iyadoona halkaasi ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Koofi ayaa kormeer ku tagay xarunta ay ku shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan, isagoona si gaara ugu kuur galay howlaha ka socda xafiiska bixinta Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga.

Agaasimaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Soomaliya u fadhiya Cumaan Wardheere, waxaana ay ka wada hadleen howlaha Hay’adda ka heyso safaaradda iyo dhowrista sharciga qaadashada Baasaboorka iyo kaarka Aqoonsiga.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dadaal ugu jirta sidii loo hormarin lahaa Baasaboorka Soomaaliya, si loo gaaro in Muwaadin kasta oo Soomaali ah uu ku tagi karo halkii uu doonayo.

Doorashada Maamulka iyo Golaha deegaanka oo Maanta ka dhacaysa Xudur

0

Bakool (SONNA) Doorashada Maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo Magaaladaasi, iyadoo Bulshada deegaanka ay codkooda dhiibanayaan.

Doorashada ayaa waxaa ka qeybgalaya Ma’suuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha xukumadda Federaalka Soomaaliya,Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaya in Saaka ay socoto qaban qabada dooroshada Maamulka Degmada Xudur si weynna loo adkeeyay Amaanka Magaalada Xudur maadaama ay kasoo qeyb galayaan Ma’suuliyiin sar sare.

Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa wada dhismaha iyo xoojinta Maamulada degmooyinka Gobolada Baay,Bakool iyo Shabeelaha hoose oo dhamaan ka tirsan deegaanada hoos yimaada Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo gaaray Dalka Cumaan+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Mohamed Aadan Koofi ayaa gaaray dalka Cumaan, iyadoona halkaasi ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Koofi ayaa kormeer ku tagay xarunta ay ku shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan, isagoona si gaara ugu kuur galay howlaha ka socda xafiiska bixinta Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga.

Agaasimaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Soomaliya u fadhiya Cumaan Wardheere, waxaana ay ka wada hadleen howlaha Hay’adda ka heyso safaaradda iyo dhowrista sharciga qaadashada Baasaboorka iyo kaarka Aqoonsiga.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dadaal ugu jirta sidii loo hormarin lahaa Baasaboorka Soomaaliya, si loo gaaro in Muwaadin kasta oo Soomaali ah uu ku tagi karo halkii uu doonayo.

Natiijada doorashada Liberia oo la shaacinayo

0

Liberia(SONNA) Waxaa si rasmi ah uga bilowday dalka Liberia tirinta codadkii la dhiibtay ee doorashada madaxtinimo ee wadankaasi,Iyadoo ay noqonayso xil isku wareejintii ugu horaysay ee dimoqraadi ah ee dalkaasi ka dhacda mudo todobaatan sano ka badan.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan howlaha doorashooyinka,balse guddiga waxaa uu qiray in ay jiraan qaladaad dhacay intii ay doorashadu socotay.

Haweeneyda ka sii degaysa xilka madaxtinimo Allen Johnson ayaa ku baaqday in si nabad ah ay dadka u codeeyaan la iskana ilaaliyo wax dhibatooyin ah oo dhaca inta ay howlaha doorashooyinu ay socdaa.

Waxaa xilkaasi ku tartamaysa ilaa  Labaatan musharax Waxaana ka mid ah ciyaaryahan hore George Weah,kaasi oo lagu tilmaamo inuu tartankiisu aad u xoogan yahay marka loo eego musharixiinta kale.

Waxaa la sugayaa in lagu dhawaaqo natiijada dhawaan,balse waxaa la hadal hayaa in ay adkaan karto in si dhaqsi ah loo shaaciyo sababo la xiriira waddooyinka caasimadda oo aad ciriiri u ah.

Sanadkii 2003dii ayay ahayd markii Miss Sirleaf ay qabatay hoggaanka madaxtinimo,xili dalkaasi uu ka jiray dagaal sokeeye intii uu talada hayay hoggaamiyihii hore Charles tailor oo haatan ku jira xabsi kuyaala dalka Britain,kadib markii maxakamadda dembiyada dagaal ee adduunka ay xukuntay.

5 qof oo Shabaab ah oo ku dhintay gaari kula qarxay Hiiraan

0

Hiiraan(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Shabaab  uu la qarxay gari ay saar naayeen kaasi oo marayay meel u dhow magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ilaa 5 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kadib markii gaari ay saarnaayeen maleeshiyada Shabaab uu kula qarxay deegaanka lagu magacaabo Luuq-Jeelow oo hostaga magaalada Baladweyne.

Goob Joogayaal ayaa SONNA u sheegay in gaariga nuuciisu uu ahaa Noho islamarkaana laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,taasi oo sababtay in ay ku dhintaan 5 kamid ah dhagar qabayashii gaarigaasi u rarnaa.

Deeganka Luuq Jeelow wuxuu u jiraa Baladweyne ilaa 12 KM Khayaastii,waxaana gaarigaasi la sheegay in uu ka yimid dhanka Deegaanka Buqqable oo ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyada Shabaab.

Howl-galo ka dhan ah Al shabaab oo ka socda Gobolka Shabeelaha hoose

0

Bashiir maxamed Yuusuf oo ah Gudoomihaya Amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan dhaqdhaqaayo ka dhan ah Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab.

Bashiir maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay tani in ay qeyb ka tahay gulufka dagaal ee maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al shabaab looga saarayo deegaanada faro ku tiriska ah ee ay kaga harsan yihiin Gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada shabeelaha hoose.

Waxaa uu sheegay Bashiir maxamed Yuusuf Gudoomihaya Amniga iyo siyaasadda Maamulka Degmada Baraawe  in ay Gobolka ka jirto abaar saamayn ku yeelatay bulshada deegaanada shabeelaha hoose in kastoo ay jiraan deeqo la gaarsiiyay dadka ku nool Gobolka shabeelaha hoose hase ahaatee aysan ku filnayn marka loo eego baahida ay qabaan bulshadu.

Natiijada doorashada Liberia oo la shaacinayo

0

Waxaa si rasmi ah uga bilowday dalka Liberia tirinta codadkii la dhiibtay ee doorashada madaxtinimo ee wadankaasi,Iyadoo ay noqonayso xil isku wareejintii ugu horaysay ee dimoqraadi ah ee dalkaasi ka dhacda mudo todobaatan sano ka badan.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan howlaha doorashooyinka,balse guddiga waxaa uu qiray in ay jiraan qaladaad dhacay intii ay doorashadu socotay.

Haweeneyda ka sii degaysa xilka madaxtinimo Allen Johnson ayaa ku baaqday in si nabad ah ay dadka u codeeyaan la iskana ilaaliyo wax dhibatooyin ah oo dhaca inta ay howlaha doorashooyinu ay socdaa.

Waxaa xilkaasi ku tartamaysa ilaa  Labaatan musharax Waxaana ka mid ah ciyaaryahan hore George Weah,kaasi oo lagu tilmaamo inuu tartankiisu aad u xoogan yahay marka loo eego musharixiinta kale.

Waxaa la sugayaa in lagu dhawaaqo natiijada dhawaan,balse waxaa la hadal hayaa in ay adkaan karto in si dhaqsi ah loo shaaciyo sababo la xiriira waddooyinka caasimadda oo aad ciriiri u ah.

Sanadkii 2003dii ayay ahayd markii Miss Sirleaf ay qabatay hoggaanka madaxtinimo,xili dalkaasi uu ka jiray dagaal sokeeye intii uu talada hayay hoggaamiyihii hore Charles tailor oo haatan ku jira xabsi kuyaala dalka Britain,kadib markii maxakamadda dembiyada dagaal ee adduunka ay xukuntay.