Home Blog Page 1524

FaahFaahin Ku saabsan Dabkii Xalay ka kacay Suuqa Bacaad.

0

Waxaa lagu guuleystay in goor dambe la damiyo dabkii xooganaa ee xalay ka kacay Suuq-Bacaad ee Degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho kasi oo geystay qasaare hantiyadeed.

Dabkaasi oo marka hore ka bilowday qeybta Sarifka ah ee Suuqaasi ayaa ku sii fiday qeybaha kale wuxuuna baabi’iyay dhismayaal badan,sidoo kale waxaa dabkaasi uu sababay qasaare hantiyadeed oo xoogan,iyadoo gebi ahaanba ay basbeeleen dhismaayaal ganacsi oo badan.

Dab ka dhashey koronto ayaa si dhaqsi ah ku fiday,kaasi oo si deg deg ah u gubay hanta badan oo tiilay Bakhaarada Ganacsiga,balse marki dambe lagu guuleystay in la damiyo sida uu warbaahinta u sheegay C/salaam Axmed C/llaahi oo kamid ah howlwadeenada  gaadiidka debdamiska ee Gobolka Banaadir.

“Dabka waxaa uu bilowday fiidkii,wuxuuna ka dhashey koront,runtii waxaa ku basbeeley halkaasi hanta badan,balse majiraan wax qasaare nafeed ah inta aan aragnay,Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa halkaasi gaaray alle mahadii waan ku guuleysanay”,Ayuu yiri C/salaam Axmed.

Ma ahan arrin cusub dab ka koco suuqyada Muqdisho ugu waaweyn. Balse arrinta ugu dhibka badan ayaa ah goobaha qaar oo u dhisan qaab isku raran ah oo ciriiri ah,taasi oo ay adagtay in si fudud gaadiidku ay u maraan si loo damiyo.

Dowrjeer oo hore ayaa waxaa dab ka kacay Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad, muddooyinkii ugu dambeeyeyna maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlanaa sidii loo furi lahaa waddooyinka si ay u fududaato gurmadka waqtiyada dhibaatadu ay dhacdo.

Maxaa lagudboon Uhuru Kenyata iyo Railla

0

Muqdisho(SONNA) Wixii ka dambeeyey Go’aankii Maxkamadda Sare ee Kenya ay waxba kama jiraanka kaga soo qaadday natiijada doorashadii madaxtinimada ee uu ku guuleystay Uhurru Kenyata, waxaa soconayay olole hor leh oo ay wadaan dhinacyadii ku loolamayay talada dalkasi, waa xisbiga Talada Haaya iyo kan Mucaaradkaasi Kenya.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Railla Odinge oo u meel martay dacwadiisa ka dhanka ahayd natiijadii doorashada, ayaa haatan dib ugu laabtay ololihiisa ku aadan sidii ay dib isugu soo abaabuli lahaayeen, si ay uga miro dhaliyaan hadafkoodi ku aadan in ay qabtaan hogaanka dalka.

Mr Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa kula hadlay xaafada Mathare ee magaalada Nairoobi, laba maalmood ka dib markii la shaaciyay natiijada doorashada, waxayna  isha lagu haayaa talaabada tan xigta ee uu qaadidoono.

Dhanka kale Madaxweyne Uhuuru Kenyata oo siweyn u dhaliilay go’aanka maxakamadda, balse sheegay in uu ixtiraamayo nidaamka dalka ayaa wada qorshe ku aadan sidii mar kale ay liban uga gaari lahaayeen, doorashada markale dib la iskugu laabanayo, taageerayaashiisa ayaa waxaa uu ku booriyaay in ay muujiyaan degnaansho, isagoo u rajeeyey guul markale.

Sanadkii 2007 dalka Kenya waxaa ka dhacay  qalalaaso siyaasadeed oo sababay dhimashada 1000 kun qof, kadib markii uu muran xoogan ka dhashey qaabka ay u dhacday doorashadaasi.

Koofi Annan Xog-Hayihii guud ee QM ee hore ayaa waqtigaasi ku guuleystay in uu ka qeyb qaato  xal laga garay dhibaatooyinkaasi, balse dadka odoroosa siyaasadda dalkaasi, ayaa muujinaya shaki iyo tuhuno ku aadan qalalaaso hor leh oo dhici kara, inkastoo uu amaanka uu yahay mid siweyn loo adkeeyey.

Maxaa sababay dabkii xalay ka kacay Suuq-Bacaad faah faahin ?

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa lagu guuleystay in goor dambe la damiyo dabkii xooganaa ee xalay ka kacay Suuq-Bacaad ee Degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho kasi oo geystay qasaare hantiyadeed.

Dabkaasi oo marka hore ka bilowday qeybta Sarifka ah ee Suuqaasi ayaa ku sii fiday qeybaha kale wuxuuna baabi’iyay dhismayaal badan,sidoo kale waxaa damkaasi uu sababay qasaare hantiyadeed oo xoogan,iyadoo gebi ahaanba ay basbeeleen dhismaayaal ganacsi oo badan.

Dab ka dhashey koronto ayaa si dhaqsi ah ku fiday,kaasi oo si deg deg ah u gubay hanta badan oo tiilay Bakhaarada Ganacsiga,balse marki dambe lagu guuleystay in la dembiyo sida uu warbaahinat u sheegay C/salaam Axmed C/llaahi oo kamid ah howlwadeenada  gaadiidka demdemiska ee Gobolka Banaadir.

“Dabka waxaa uu bilowday fiidkii,wuxuuna ka dhashey koront,runtii waxaa ku basbeeley halkaasi hanta badan,balse majiraan wax qasaare nafeed ah inta aan aragnay,Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa halkaasi gaaray alle mahadii waan ku guuleysanay”,Ayuu yiri C/salaam Axmed.

Saaka ayaa xaaladda goobtii demba uu ka kacay waxaa lagu arkayaa dadweyne aad u farabadan oo u soo daawasho tagay,mashaqadaasi dhacday,iyo ganacsatadii ku hanta beeley oo ka murugaysan dhacdadaasi.

Ma ahan arrin cusub dem ka koco suuqyada Muqdisho ugu waaweyn. Balse arrinta ugu dhibka badan ayaa ah goobaha qaar koor oo u dhisan qaab isku raran ah oo ciriiri ah,taasi oo ay adagtay in si fudud gaadiidku ay u maraan si loo damiyo.

Dowrjeer oo hore ayaa waxaa dab ka kacay Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad, muddooyinkii ugu dambeeyeyna maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlanaa sidii loo furi lahaa waddooyinka si ay u fududaato gurmadka waqtiyada dhibaatadu ay dhacdo.

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Xooga Dalka iyo Al-shabaab oo Duleedka Kismaayo ka socoda

0

Muqdisho(SONNA) Dagaal u dhexeeya ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Argagixisada Alshabaab ayaa saaka waaberigii ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyaad katirsan Kooxga nabaad diidka ee Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero  ciidamada ay ku leeyihiin Deegaanka Buula-Guduud oo qayaas ahaantii 30 KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Ksimaayo, gaar ahaan wadada soo aada magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal deegaanka ah ayaa SONNA u sheegay in qof naftii halige ah oo gaari watay aroortii hore uu isku qarxiyay meel u dhow xero ay leeyihiin ciidamada,iyadoo markaasi ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay dagaal kala hortageen,waxaana weli soconaya dagaalka.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashey,balse ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo diyaar garow ku jirey ayaa dagaal kala hortagay maleeshiyadii SHabaab ee weerarkaasi soo qaaday.

Magaalada Ksimaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka soconaya dhaq dhaqaaq gurmad loogu dirayo ciidamada dagaalka kula jira Argagixisada Shabaab.

Wixii warara dheeraad ah SONNA kala soco

Ilaa 8 dhalinyaro ah oo bilihii ugu dambeeyey lagu dilay Mareykanka

0

Muqdisho(SONNA) Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka,kadib markii kooxo loo yaqaano Gangs ama Qowleysato ay ka abuurmeen dalkaasi,kuwaasi oo isugu jira Soomaali,Ajaanib Mareykan ah iyo kuwo kale oo soo galooti ah.

Ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa siyaabo kaladuwan loogu dilay magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee Dalka Mareykanka,dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey,waxaana la aaminsanyihiin in kooxahaasi Qowleysatada ah ay dilalkaasi burcadnimada laxiriira ay geysanayaan.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeedee  magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu soo wajahay culeysweyn oo ay ku keeneen dilalalkaasi oo sii xoogeysanayo.

“Waxaa horey dhib ugu qabi jirnay dhalinyaro ka hooseysay 20 jir kuwaasi oo aan waxbarasho haysan oo bulshadu dhibaataynayay, balse hadda kuwaan waa kuwo ka waa weyn,waxay waa Qowleysato isugu jirta dhalinyaro Soomaali ah,Kuwo Mareykanka u dhashey iyo kuwo kale,ilaa 8 qof ayaa bilihii ugu dambeeyey la dilay,Bishii June, 3 qof ayaa ladilay, July wiil ayaa ladilay August, 2 wiil marka waa dhibaato xoogan.

Soomaalida kunool gobolkaasi Ohio ayaa kulamo la yeeshey Booliska si looga hortago dhibaatooyinkaasi,balse waxaa adag in la helo xogo ku saabsan sida ay wax u dhacayaan, sababo la xiriira waalidiinta oo ka cabsi qaba in hadii ay farta ku fiiqaan kooxcahasi ay dhibaato la kulmi karaan.

Sababaha ugu weyn oo keentey in dhalinyaro Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan falalkaasi Qowleysatanimada ah ayaa kamid ah, Waalidiinta oo inta badan Caruurto la joogin,waalidka oo kala Maqan iyo deegaanada qaarkood oo aan wanaagsanayn, Soomaalida ayaa walaac xoogan ka qaba arrintaasi.

Xigasho: VOA

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ku amaanay Qurba joogta dowrkooda ku aadan horumarka dalka+Sawirro

0

Muqdisho(SONNa) Mudane Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalay munaasabda sagootin ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Amsterdam ee Dalka Holand, ayaa siweyn uga hadlay guulaha Dowladda Soomaaliya ay gaartay.

Madasha waxaa Goob joog ahaa aqoonyahano,bulshada Soomaaliyeed oo rag iyo haweenba leh iyo guddoomiye kuxigeenkii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar,waxaana jaaliyadda Soomaaliyeed ay sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeybgalka dib u dhiska dalka, iyagoo xusay in lacag gaaraysa 60,000 kun oo dollar ay ugu deeqeen walaalohooda oo Abaaraha saameeyey.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya oo munaasabadaasi hadalka jeediyay ayaa ku Ammaanay Jaaliydda Soomalaiyeed ee Holand, sida ay ugu diyaar sanyihiin taageeradda Dowladda Soomaaliya.

“Waxay ahayd markii ugu horeysay 2000 shirkii Carta,Aqoonyahno badan oo qurba joog ah ayaa ka qeyb gashey shirkaasi iyo dhis,mihii Dolwdda,waxaana kamid ahaa siyaasiin rug cadaayaal ah, weliba kaalin hormuud leh ay ka qaateen,intaasi kadib waa ay sii xoogaysteen,maanta waxaa la marayaa in isbedelada wadanka ka dhacay ay qeyb ka yihiin,Wasaarad walba waxaa ka shaqeeya dhalinyaro iyo aqoonyahano qurba joog ah,Qaarkood ganacsi iyo shaqooyin kale ayaay abuureen, waxaa la dhihi karaa dowrmuhiim ah ayay horumarka dalka ku leeyihiin”,Ayuu yiri Wasiir Yariiswo.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in Dalka Haatan uu kajiro isbedel la taaban karo kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay hirgelinta waajibaadkii loo igmaday, wuxuuna ugu baaqay dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee kunool daafaha Caalamka in ay sii xoojiyaan kaalintoodi ku aadan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

C/llaahi Max’ed Xuseen Taajirow Holand

Taliyaha qeybta 21aad ee Xooga Dalka” Waa in aan ka hortagnaa Firxadka SHabaab ee soo gaaraya Koonfurta Mudug iyo Galgaduud “

0

Muqdisho(SONNA) Kulankani oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa ammaanka deegaanada Galmudug iyo wadashaqeyn dhexmarta laamaha ammaanka  Dowladda Federaalka ee ka howlgala deegaanada Galmudug iyo maamulka ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado, gelinkii dambe ee Sabtidii.

Waxaa goob joog ka ahaa kulankaasi saraakiisha taliska qeybta 21aad ee ciidanka xooga dalka Soomalaiyeed ee qaabilsan Ammaanka Gobolada Dhexe,Wasiirka Amniga Galmudug iyo saraakiil ka socotay Taliska Amisom ee deegaanadaasi Joogoa,kuwaasi oo kawada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa xaqiijinta amniga deegaanada uu ka arrimiyo Dowlad Goboleedka Galmudug si loogu guuleysto Argagixisada Shabaab.

C/llaahi Aadan Xuseen Cirro oo ah taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u faah fahiyay ujeedka kulankaasi.

“Kulanka maanta wuxuu ku saabsanaa in amniga Galmudug iyo ciidamada jooga deegaanada Galmudug,ha ahadeen,Amisom,Nisa,Darwiishta Booliska Galmudug iyo qeybta 21aad oo Aageedu ballaaran yahay in aagagga kale ay joogto sida Hiiraan la isweydaasrsado xogaha ku saabsan xaaladda amniga degaanadaasi 21aaad gaar ahaan galmudug,si cadowga umadda Soomaaliyeed ee Shabaab looga saaro deegaanadaasi”,Ayuu yiri Taliye Cirro.

Taliyaha ayaa sheegey in ay jiraan firxadka maleeshiyada Shabaab oo loogu awood sheegtay howlgalada ka socoda gobolada Koonfurteed oo ay wadaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed iyo kuwa Amisom ay soo gaarayaan Koonfurta Mudug iyo GalGaduud ayna ka sifeyndoonaan halkaasi.

Wuxuu ka codsatay Shacabka deegaanada Galmudug in ay laamaha Ammaanka kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dhagaraha kooxdaasi ay u soo maleegayaan shacabka.

Wariyaheena Cadaado Cabdi Xasan Rooble (Awoowe)

 

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay

0

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Dowladda Oo La Wareegtay Qalab Dhameystiran Oo Lagu Maamuli Doono Hawada Soomaaliya

28/08/2017 ayaa Wasaaradda Gaaddiidka Cirka iyo Dhulka la wareegtay qalab lagu maamulayo Hawada Soomaaliya. Qalabkan ayaa wasaaradda ku wareejisay Hay’adda ECAO. Waa qalab dhamaystiran oo lagu maamulayo hawada Soomaaliya oo haatan laga maamulo Soomaaliya dibadeeda. Dhowaan ayaa waxaa la filayaa in ay dowladda la soo wareegto Maamulka Hawada Soomaaliya. Waxaa la diyaariyey goobtii loogu shaqeyn lahaa qalabkaasi oo maanta la wareegtay wasaaradda. Shaqaalihii ka shaqeynayeyna oo haatan ka shaqeeya Kenya ay waddanka ka howlgeli doonaan.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Oo Ansixiyey Sharciga Istaatiistikada Dalka

25/08/2017 Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Hindise Sharciyeedka Istaatiistikada oo dood dheer ka dib ay xubnaha golaha wasiirada si wadar-oggol ah ugu codeeyeen una ansixiyeen. Sharcigan ayaa waxaa ka abuurmaya Hay’ada Istaatiistikada Qaranka oo wax weyn ka qaban doonta arrimaha muhiimka u ah diyaarinta Qorsheyaasha horumarinta dalka, iyo arrimo fara badan.

Ra’iisul Wasaaraha oo iclaamiyey Barnaamijka Isla xisaabtanka su’aalana uga jawaabay suxufiyiinta

30/08/2017 – ayaa Kulankan waxay Wariyaasha su’aalo Ku weydiinayeen R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golahiisa Wasiirada. R/wasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada ayaa meesha Ku soo bandhigay waxii u qobsoomay tan iyo markii la magacaabay, iyadoo kulankan loogu magacdaray Maqal Dadkaaga.

Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta oo ku Shaqo Bilowday Dhismana Wasaaradu Ay Leedahay.

29/08/2017 – Madaxda wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta ayaa si buuxda ugu wareegay in ay ku shaqeeyaan xarunta wasaaradda. Waana markii ugu horreysay ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe 1991-kii. Laga soo billaabo 2014-kii markii la kala jaray wasaraadihii warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta, madaxdii ugu sarreysay ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, sida wasiirka, ku-xigeenka iyo agaasimaha guud waxay xafiisyo ku lahaayeen dhismaha Wasaaradda Warfaafinta ee agagaarka madaxtooyada, halka shaqaalaha intooda kale ay ku hawl-galayeen dhismihii rasmiga ahaa oo ku yaalla degmada Boondheere.

Wasaaradda Maaliyadda Oo Daahfuray Hirgelinta Hannaanka Maareynta Maaliyada

29/08/2017 Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaale ayaa Muqdisho ka furay shir ay ka qayb galayaan Sagaal Wasaaradood iyo Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka. Shirkaan oo ku saabsanaa hagaajinta hanaanka Maaaliyadeed ee Dalka waxaa goob joog ka ahaa Xisaabiyayaasha ka socda Wasaaradaha qaarkood ee XFS. Maalmihii ugu damneeyay Wasaaradda Maaliyaddu waxay waday shirar iyo Tababaro kor loogu qaadayo aqoonta maamulayaasha maaliyadeed ee Hey’addaha Dowladda si wax isdaba marsiin looga fogaaado.

Wasaarada Dastuurka oo soo bandhigtay Waxqabadkii 4tii bilood ee la soo dhaafay

30/08/2017 – Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho siiyay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo ku saabsanaa waxqabadka Wasaaradda ee afartii bil ee la soo dhaafay, sidoo kale wasiirka ayaa si toos ah loo weydiinayey su’aalo ku saabsan howlaha ay waddo wasaaradda uu wasiirka ka yahay. https://www.youtube.com/watch?v=nH7WHiOCDH0

Dowladda Federaalka oo Qabatay Shirweyne Looga Hadlayey Arrimaha Qaxootiga.

28/08/2017 ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) furay Shirweynaha qaran ee xal-u-helidda Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakayaasha Soomaaliyeed. Waxaana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, gaar ahaan waaxda u qaabilsan Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin ka socda dawlad-gobolleeyada dalka ka jira iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Q/M ee UNHCR. Waxana dhammaadka shirkani ka soo baxay warmurtiyeed la xiriira sida loo wajahayo Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Dowladda oo wada Qorshe dhammaan kharashaadka Dowlada in lagu bixiyo Akaano oo aan lacag danbe gacanta laga isticmaalin

26/08/2017 ayaa Shirkaan oo ay ka qaybgaleen dhamaan agaasimayaasha maaliyadda ee wasaaradaha XFS iyo hoggaanada maaliyadeed ee hey’adaha amiga dalka waxaana looga hadlayay sidii loo hagaajin lahaa hanaanka maaliyadda dalka, isla markaana looga dhigi la haa mid ka madax banaan Musuq maasuq iyo in la joojiyo lacagaha mushaaraad ka ah ee gacanta lagu qaado. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxman Ducaale, ayaa balan qaaday in dhamaan shaqaalaha dowladda ciidamada Nuucyadooda kala duwan dhawaan ay lacagaha mushaarka ku qaadan doonaan Account balse aysan dhici doonin in qof mas’uul ah uu lacag kaash ah boorso ku soo qaado.

Xarunta Maamulka Internet-Ka Hay’Adaha Dowladda Oo La Hirgeliyay

26/08/2017 ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed xariga ka jaray xarunta Maamulka Internet-ka Haya’adaha Dwoladda oo ay hirgelisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojida, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada oo ay wehlinayeen mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda iyo Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Wasiir ku-xigeenka Dastuurka Soomaaliya. Shaqaalaha ayaa waxa laga dhegeystay warbixino, iyagoo xaqiijiyey in internet-ka ay xarunta bixineyso uu yahay internet xawaarahiisu dheereeya ee badda lasoo marsiiyo oo loo yaqaano Fiber Optic.

Puntland iyo Galmudug oo ka wada hadlaya nabadda Gaalkacyo-Sawirro

0

 

Maxamed Xaashi Cabdi madaxweyne ku xigeenka dowlada goboleedka Galmudug oo ay wehliyaan  xobno ka tirsan Labada gole ee maamulka ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ujeedka socdaal Madaxweyne ku xineekga Galmudug ayaa lagu sheegay dhameystirka wadahadalo horay u socday ee u dhaxeeyay mamaulada Galmuudg iyo Puntland.

Dhigiisa ku xigeenka madaxweynaha maamulka Puntland C/xakiin Camey ayaa isna maanta soo gaaray Gaalkacy waxana ay labada dhican ka wada hadli doonaan arimaha soo afjarida colaadaha ka jira qeybo ka mida gobolka kuwaas oo badankood dhaxmara dadka reer guuraaga ah ee ku wada dhaqan gobolka Mudug.

W/Q: Daahir Faarax

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay

0

 

Mogadishu, 02 September 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Dowladda Oo La Wareegtay Qalab Dhameystiran Oo Lagu Maamuli Doono Hawada Soomaaliya

28/08/2017 ayaa Wasaaradda Gaaddiidka Cirka iyo Dhulka la wareegtay qalab lagu maamulayo Hawada Soomaaliya. Qalabkan ayaa wasaaradda ku wareejisay Hay’adda ECAO. Waa qalab dhamaystiran oo lagu maamulayo hawada Soomaaliya oo haatan laga maamulo Soomaaliya dibadeeda. Dhowaan ayaa waxaa la filayaa in ay dowladda la soo wareegto Maamulka Hawada Soomaaliya. Waxaa la diyaariyey goobtii loogu shaqeyn lahaa qalabkaasi oo maanta la wareegtay wasaaradda. Shaqaalihii ka shaqeynayeyna oo haatan ka shaqeeya Kenya ay waddanka ka howlgeli doonaan.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya Oo Ansixiyey Sharciga Istaatiistikada Dalka

25/08/2017 Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Hindise Sharciyeedka Istaatiistikada oo dood dheer ka dib ay xubnaha golaha wasiirada si wadar-oggol ah ugu codeeyeen una ansixiyeen. Sharcigan ayaa waxaa ka abuurmaya Hay’ada Istaatiistikada Qaranka oo wax weyn ka qaban doonta arrimaha muhiimka u ah diyaarinta Qorsheyaasha horumarinta dalka, iyo arrimo fara badan.

Ra’iisul Wasaaraha oo iclaamiyey Barnaamijka Isla xisaabtanka su’aalana uga jawaabay suxufiyiinta

30/08/2017 – ayaa Kulankan waxay Wariyaasha su’aalo Ku weydiinayeen R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golahiisa Wasiirada. R/wasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada ayaa meesha Ku soo bandhigay waxii u qobsoomay tan iyo markii la magacaabay, iyadoo kulankan loogu magacdaray Maqal Dadkaaga.

Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta oo ku Shaqo Bilowday Dhismana Wasaaradu Ay Leedahay.

29/08/2017 – Madaxda wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta ayaa si buuxda ugu wareegay in ay ku shaqeeyaan xarunta wasaaradda. Waana markii ugu horreysay ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta Wasaaradda tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe 1991-kii. Laga soo billaabo 2014-kii markii la kala jaray wasaraadihii warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta, madaxdii ugu sarreysay ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, sida wasiirka, ku-xigeenka iyo agaasimaha guud waxay xafiisyo ku lahaayeen dhismaha Wasaaradda Warfaafinta ee agagaarka madaxtooyada, halka shaqaalaha intooda kale ay ku hawl-galayeen dhismihii rasmiga ahaa oo ku yaalla degmada Boondheere.

Wasaaradda Maaliyadda Oo Daahfuray Hirgelinta Hannaanka Maareynta Maaliyada

29/08/2017 Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaale ayaa Muqdisho ka furay shir ay ka qayb galayaan Sagaal Wasaaradood iyo Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka. Shirkaan oo ku saabsanaa hagaajinta hanaanka Maaaliyadeed ee Dalka waxaa goob joog ka ahaa Xisaabiyayaasha ka socda Wasaaradaha qaarkood ee XFS. Maalmihii ugu damneeyay Wasaaradda Maaliyaddu waxay waday shirar iyo Tababaro kor loogu qaadayo aqoonta maamulayaasha maaliyadeed ee Hey’addaha Dowladda si wax isdaba marsiin looga fogaaado.

Wasaarada Dastuurka oo soo bandhigtay Waxqabadkii 4tii bilood ee la soo dhaafay

30/08/2017 – Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho siiyay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo ku saabsanaa waxqabadka Wasaaradda ee afartii bil ee la soo dhaafay, sidoo kale wasiirka ayaa si toos ah loo weydiinayey su’aalo ku saabsan howlaha ay waddo wasaaradda uu wasiirka ka yahay. https://www.youtube.com/watch?v=nH7WHiOCDH0

Dowladda Federaalka oo Qabatay Shirweyne Looga Hadlayey Arrimaha Qaxootiga.

28/08/2017 ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) furay Shirweynaha qaran ee xal-u-helidda Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakayaasha Soomaaliyeed. Waxaana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, gaar ahaan waaxda u qaabilsan Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka. Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin ka socda dawlad-gobolleeyada dalka ka jira iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Q/M ee UNHCR. Waxana dhammaadka shirkani ka soo baxay warmurtiyeed la xiriira sida loo wajahayo Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Dowladda oo wada Qorshe dhammaan kharashaadka Dowlada in lagu bixiyo Akaano oo aan lacag danbe gacanta laga isticmaalin

26/08/2017 ayaa Shirkaan oo ay ka qaybgaleen dhamaan agaasimayaasha maaliyadda ee wasaaradaha XFS iyo hoggaanada maaliyadeed ee hey’adaha amiga dalka waxaana looga hadlayay sidii loo hagaajin lahaa hanaanka maaliyadda dalka, isla markaana looga dhigi la haa mid ka madax banaan Musuq maasuq iyo in la joojiyo lacagaha mushaaraad ka ah ee gacanta lagu qaado. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxman Ducaale, ayaa balan qaaday in dhamaan shaqaalaha dowladda ciidamada Nuucyadooda kala duwan dhawaan ay lacagaha mushaarka ku qaadan doonaan Account balse aysan dhici doonin in qof mas’uul ah uu lacag kaash ah boorso ku soo qaado.

Xarunta Maamulka Internet-Ka Hay’Adaha Dowladda Oo La Hirgeliyay

26/08/2017 ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed xariga ka jaray xarunta Maamulka Internet-ka Haya’adaha Dwoladda oo ay hirgelisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoloojida, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada oo ay wehlinayeen mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda iyo Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Wasiir ku-xigeenka Dastuurka Soomaaliya. Shaqaalaha ayaa waxa laga dhegeystay warbixino, iyagoo xaqiijiyey in internet-ka ay xarunta bixineyso uu yahay internet xawaarahiisu dheereeya ee badda lasoo marsiiyo oo loo yaqaano Fiber Optic.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska