Midowga Afrika oo Deeq gargaar ah ku wareejiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya Danjire Madeira, ayaa sheegay in Deeq ka kooban Bariis, Sokor, Digir, Saliid iyo noocyo kale oo Raashin ah ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo guddoonsiiyey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS, Mudane Maxamed Macalin.

Danjire  Fransisco Madeira, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaan ay katimid Midowga Afrika, waxaana uu xusay in  loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya.

Danjre Madeira ayaa Barrtiisa Twitter-ka ku qoray in deeqda ka timid Midowga Afrika ee loo soo diray Soomaaliya ay tahay 67 tan,  Qarash ahaana ay ku baxday Lacag dhan 100,000 oo Lacagta Mareykanka ah, isagoo tilmaamay in Midowga Afrika  ay ka go’an tahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...