Home Blog Page 1526

Shaqaale ka kala socda Wasaaradaha Dowladda Federaalka oo Tababar uga qeyb galaya Kenya “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Maalintii labaad waxaa dalka Kenya uga socda ku dhawaad 40 shaqaale oo ka socda Agaasinka Qorsheynta Wasaaraddaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Tababar lagu baranayo hab-raaca samaynta qorshe istiraatiiji ah, inta uu socdana waxaayabaha diirada la saarayo waxaa ka mid ah, udiyaar garoobidda qoridda qarashaha,Dejinta nimaadka guud ee lagu qorayo qarashe, Qiimeynta xaalka iyo marxaladaha dalka ka jira iyo Qeexidda arrimaha aasaasiga ee isiraatiijiga dalka horyaala,

Agaasimaha Guud ee Qorsheynta  Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Aadan oo la hadlay Warbaahinta qaranka Somaaliyeed ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay shaqaalaha ka kala socda agaasinka Qorsheynta ee Federaalka.

“Shaqaalaha waxaa u kala caddaaday manta tillaabooyinka guud iyo hab-raaca loo maro dejinta Qorshe Qaran, mid Wasaaradeed iyo mid Waaxeed, wasaaradda qorsheynta tababaradda noocan oo kale ay dalka faa”iideyda ugu jirta waa kuwa ay aad u soo dhaweynso, waxaan u mahadcelinaynaa Urar Gobaaleedka IGAD,iyo Midowga Yurub oo iska  kaashaday qabsoomida tababrkan”

Madaxa xafiiska Barnaamijyada Somaaliya ee urur Gobaaledka IGAD Moges Ali ayaa sheegay in tababrkan uu muhiim  u yahay wasaaraddaha dowladda federaalka,

“Sababatan aan u qabanay tbabarkana waxaa ay tahay sidii aan kor u qaadi lahayn aqoonta shaqaalaha dowladda fedralka soomaaliya oo ah kuwa la jaan qaadi karo socadsiinta qorshaha dalka somaaliya anaga waxana auga faraxsanahay sida wanagsan ee  dooda u dhaceyso waa mid  aad u wanaagsan oo ay kala faa”iideysanaa ka qeyb galaaysha tababrka”

Tababarakan ayaa maalintii shalay waxaa si rasmi ah u furay masuulayiin ka socday Safaaradda Somaaliya, Xubna ka kala socday Wasaaradda arrimaha dibada dalka Kenya, Urur Gobaaledka IGAD iyo Masuul ka socday Midowga yurub,iyadoo uu socan doona mudo shan maalin ah.

 

 

 

 

W/Q:Abdirashiid Nuur.

Wasaaradda Amniga Xukumadda Soomaaliya oo ka hadashay Amniga Dalka

0

Muqdisho (SONNA) Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamuud Sayid Carab oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Laamaha Amaanka soomaaliya ay ku guulaysteen Xasilinta Amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Axmed Maxamuud Sayid Carab afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay taasi ku timid wadashaqeynta Shacabka iyo hay’addaha Amaanka qaranka loona baahan yahay in laga hor tago waxkasta oo kasoo hor jeeda hanaanka Amniga Dalka.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ayna garab siiyaan laamaha Amniga qaranka taasoo uu sheegay in ay horseedayso in dalka uu gaaro Amni buuxa lagana hortago falalka guracan ee nabad diidka Al shabaab u gaystaan dadka rayidka ah.

Daahir Amiin Jeesow“Shacabka iyo Ganacsatada waa inay ka qeyb qaataan Dhismaha Ciidamada xooga dalka”

0

Muqdisho (SONNA) Daahir Aamiin jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Xubina ka ah Guddiga Amniga Baarlamaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Daahir Aamiin jeesow  ayaa tilmaamay in Dal kasta uu dhisto Ciidankiisa taasina ay tahay in Ciidamadda Xoogga Dalka  Soomaaliyeed aysan dhisi karin Dowladdo iyo hay’addo shisheeye iyo hay’addo loogana baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed ka qeyb qadashada Ciidamada Xoogga Dalka.

Waxaa uu tilmaamay in aysan macquul ahayn inaan gacmo shisheeye laga sugin dhismaha,qalabaynta iyo Xoojinta Ciidamadda Xoogga Dalka iasgoona ugu baaqay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb galaan dhismaha Ciidamada Xoogga si loo helo Qaran Xooggan oo difaacda dhamaan Xaduudihiisa.

Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti iyo Niger oo kulmay

0

Jabuuti(SONNA):–Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan la qaatay dhigiisa Dalka Niger Mohammedo Yusufu oo shalay Galab Booqasho rasmi ah ku soo gaaray Magaala Madaxda Dalkaasi.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhigiisa Dalka Niger ayaa kawada hadalay xoojinta Xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee ka dhaxeeya labada Dal, iyagoo soo hadal qaaday Murun xuduudeedka ka dhaxeeya Jabuuti iyo Eritrea.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Dalka Niger ayaa soo hadal qaaday hormarada ka jira Dalalka Soomaaliy, Yamen iyo dib u habeynta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Uganda ugu hambalyeeyay 55 guuradii ka soo wareegtay xornimadooda

0

Munasabadaan oo lagu xusayey 55 sano guuradii ka soo wareegtay markii dalka Uganda uu ka xoroobey gumeystihii  Ingiriiska ayaa maanta lagu qabtay xarunta safaradda Uganda ee magalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay  Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre, Wasiiro, Xildhibaanno  iyo safiirada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya.

Safiirka  dowladda Uganda ee Soomaaliya ayaa xustay in Soomaaliya iyo Uganda uu ka dhaxeeyo xariir soo jireen ah,  kuna dhisan iskaashi qota dheer, tasina  ay keentay in ciidamadeenu ay ka qayb qataan Nabadeynta Soomaaliya oo hadda ka jirta xaalad wanaagsan oo an ugu hambalyeynayo dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali ayaa  dowladda iyo shacabka Uganda  u diray Hambalyo uu ka siday Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna  xusay in loo bahan yahay in sare loo qado qiyamka Afrika oo ah riyooyinkii Awooweyaasheenna.

“55 sano markii calanka Uganda laga taagay magaalada Kampala oo ku soo biirtay dalal Soomalida ka mid tahay oo ka xoroobay gumeystihii,  ka Afrikaan ahaan xoriyadda dalalkeena ayay  noo tahay mid qiimo weyn noo leh, maantana waxaan halkaan ka xuseynaa  Aabiyaashii aas aasay xoriyadda maanta, kuwaas oo u istaagay in ay wax kasta u bixiyaan sidii loo heli lahaa dowladnimada anaga leenahay.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa yiri “Waxaana la joogaa waqtigii aan u istaagi laheyn, waxa aan xaqa u leenahay si aan u dhabeyno qiyamkeena oo ah Afriaanimada,  dowladda Uganda waxa ay ku leedahay qeyb kamid ah taariikhda Soomaaliya maadaama ay caawisay Soomaaliya arintaas ayaana anaga ugu mahad naqaynaa”.

“Markii dowladda Uganda ay go’aansatay in ciidankeeda keento Soomaaliya 2007, Ciidankaas geesiyaasha ah oo la shaqeynaya kuwa Soomaalida iyo dalalka kale ee ciidanka ku deeqay,  waxaa ay ka shaqeeyeen sidii Nabada iyo xasiloonida loogu soo celin lahaa dalka oo muddo dheer oo deganaansho la’aan ah soo martay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadalkiisa ku daray “Waxaan ugu mahadnaqeynaa arrintaas  oo micno weyn noogu fadhisa, maanta anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan garowsanahay qiimaha ay na siiyeen dhammaan ciidanka ajnabiga ah oo naftodoa ku waayay safarka Nabad u raadinta Soomaaliya”.

Taliyaha Ciidanka Amisom  Cusmaan Nuur Subagle sheegay  in Soomaaliya ay tahay  Hooyada xoraynta Africa, ciidamada ka socda Midowga Africa ay yihiin kuwa gudanaya abaalkii ay horay ugu samaysay dowladda Soomaaliya.


Kenya oo sheegtay iney dishay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Nairobi-(SONNA)- Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday inay Ciidankeedu dileen Shan ka mid ah Maleeshiyada Al-Shabaab, markii ay weerar ku qaadeen Keymaha Boni iyo Bodhey ee Dalkeeda.

Afhayeen u hadlay ciidanka difaaca Dalka Kenya oo lagu Magacaabo David Obonyo ayaa sheegay in weerarka sidoo kale ay ku qabsadeen Hub iyo Saanad Ciidan oo ay goobtaasi kaga carareen Al-Shabaab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Sanadihii aynu soo dhaafnay waxay fariisimo ka samaysanayeen qaybo ka mid ah Keymaha Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya, halkaasoo ay kasoo abaabulayeen weerarro ka dhan ah xarumaha Dowladda Kenya iyo Dadka Shacabka ah.

Seorce: Daily Nation

Dab xoogan oo sababay dhimashada 10 qof oo ka kacay Mareykanka

0

Mareykanka(SONNA) Gobolka California ee Dalka Mareykanka ayaa lagu so warramaya in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen dab xoog leh oo ka soconaya meelo badan oo ka mid ah gobolka California ee Wadankaasi Mareykanka,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolkaasi California.

Hay’adda qaabilsan  maareynta dabka ee California ayaa sheegtay in sidoo kale uu dabku baabi,iyay in ka badan 1,500 oo guri iyo dhismooyin ganacsi,waxaana guriyohooda ka barakacaya kumanaan qof.

Wararka ayaa sheegaya In ilaa  20,000 kun oo ruux laga daad gureeyay meelaha uu sida aadka ah u ugu sii fidayo dabka,si loo bad baadiyo noloash adadkaasi.

Jerry Brown oo ah guddoomiyaha gobolka California ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalooyinka Napa, Sonoma, iyo Yuba counties si looga fogado fiditaanka saameynta dabkaasi.

Gobolada Dalka Mareykanka ayaa inta badan waxaa ka dhaca Musiibooyinka dabiiciga ah,dhawaan ayay ahayd markii qeybo kamid ah Gobolada Dalkaasi ay saameeyeen Duufaano xooggan,kuwaasi oo sababay khasaarooyin naf iyo maalba leh.

Soomaliya oo ka qeybgashay shir ka furmay Koonfur Afrika

0

Johansberg(SONNA) Kulanka furitaankiisa waxaa marti ku ahaa Madaxweynaha Dalka Sahraawi,gudgoomiyaha baarlamaanka ee dalka Chad,Wefdi ka socoda Soomaaliya Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka South Afrika iyo marti sharaf kale oo ka kala socday hey’ado iyo dowlado kale oo caalami ah.

Inta uusan kulanka furmin ayaa waxaa xarunta kulanka lagu dhaariyay xillibaanada cusub ee ka mid noqonaya xubnaha baarlamaanka Afrika, waxaana ka mid ahaa afar xilldhibaan oo ka socday Golaha Shacabka Soomaaliyeed,kuwaasi oo Baarlamaanka Afrika ku matalaya Soomaaliya.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa markii uu kulanka furitaanka soo dhamaaday waxaa ay la hadleen Waraahinta waxayna  sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in Golaha Shacabka Soomaaliyeed ay ku matalaan Golaha Baarlamaanka Afrika.

Xillibaanada ka socda dalalka Bariga Afrika ayaa kulan gaar ah ku yeelan doona inta uu socdo kulanka waxaana shir guddoominaya xildhibaan Cabdi casiis c/llaahi Maxamed oo ka mid ah shanta xubnood ee ka socda Golaha Shacabka Soomaaliyeed waxaana xillkaan ay Soomaaliya soo heysay sanadahii ugu dambeeyay.

kulanka ayaa waxaa uu socon doona labada isbuuc ee soo socda,iyado  xidhibaanada ay ka doodi doonaan qodobo dhowr ah oo hor yaala.

C/laahi Maxamuud Amiin(C/laahi Qorshe)

Johannesburg South Africa.

Kenya oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsanaa Nabad diidka Al-Shabaab

0

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday inay Ciidankeedu dileen Shan ka mid ah Maleeshiyada Al-Shabaab, markii ay weerar ku qaadeen Keymaha Boni iyo Bodhey ee Dalkeeda.

Afhayeen u hadlay ciidanka difaaca Dalka Kenya oo lagu Magacaabo David Obonyo ayaa sheegay in weerarka sidoo kale ay ku qabsadeen Hub iyo Saanad Ciidan oo ay goobtaasi kaga carareen Al-Shabaab.

Marar badan ayaa diyaarado dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya duqeeyeen Fariisimo iyo gaadiid ay leeyihiin maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab kuwaa soo la gaarsiiyay Khasaarooyin kala duwan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Sanadihii aynu soo dhaafnay waxay fariisimo ka samaysanayeen qaybo ka mid ah Keymaha Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya, halkaasoo ay kasoo abaabulayeen weerarro ka dhan ah xarumaha Dowladda Kenya iyo Dadka Shacabka ah.

Dab xoogan oo sababay dhimashada 10 qof oo ka kacay Gobolka California ee Dalka Mareykanka

0

Gobolka California ee Dalka Mareykanka ayaa lagu so warramaya in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen dab xoog leh oo ka soconaya meelo badan oo ka mid ah gobolka California ee Wadankaasi Mareykanka,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolkaasi California.

Hay’adda qaabilsan  maareynta dabka ee California ayaa sheegtay in sidoo kale uu dabku baabi,iyay in ka badan 1,500 oo guri iyo dhismooyin ganacsi,waxaana guriyohooda ka barakacaya kumanaan qof.

Wararka ayaa sheegaya In ilaa  20,000 kun oo ruux laga daad gureeyay meelaha uu sida aadka ah u ugu sii fidayo dabka,si loo bad baadiyo noloash adadkaasi.

Jerry Brown oo ah guddoomiyaha gobolka California ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalooyinka Napa, Sonoma, iyo Yuba counties si looga fogado fiditaanka saameynta dabkaasi.

Gobolada Dalka Mareykanka ayaa inta badan waxaa ka dhaca Musiibooyinka dabiiciga ah,dhawaan ayay ahayd markii qeybo kamid ah Gobolada Dalkaasi ay saameeyeen Duufaano xooggan,kuwaasi oo sababay khasaarooyin naf iyo maalba leh.