Home Blog Page 1526

Gudoomiyaha Degmadda Maxaas oo ka warbixiyey dad dhawaan lagu dilay degmada Maxaas.

0

Gudoomiyaha   Degmada  Maxaas ee  Gobolka  Hiiraan Muumin  Maxamed  Xalane  ayaa  sheegay In  Dad dhawaan  lagu  Dilay  Deegaan  Hoos yimaada  Maxaas  ay  ka   Dambeeyeen  Malayshiyaadka  Al-shabaab.

Dadka  la  Dilay  ayaa  waxaa  ka   mid  ahaa Askari  ka  tirsanaa  Ciidamada  Xooga  Dalka  Soomaaliya  iyo  qof  shacab  ah iyadoo Weerarkaan  ay  ku  Dhaawacmeen labo  Qof  oo  shacab  ah  Gudoomiyaha  ayaa  Tilmaamay  In Falkaani  uu  ahaa  Gaadmo  ay geesteen kooxaha nabad diidka ah ee ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobolka.

Dhanka  kale Muumin Maxmed  Xalane Gudoomiyaha Degmada Maxaas oo  hadalkiisa  Siiwata  ayaa  soo  Hadal  qaaday  Inay Didaal  ugu  jiraan  Xal  ka  gaarista  Dagaal  beelo  dhawaan  ku  dhexmaray Deegaano  ka   tirsan Gobolka  Hiiraan asaga oo xusay in ay waan waanta beelaha walaalaha ay mareyso meel wanaagsan waxa uuna rajo wanaagasan ka muujiyey xal u helida khilaafkaas.

Wasiir Xoosh iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo gaaray Baydhabo

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Saraakiil Sare oo katirsan Wasaaradda ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xubnaha Wasiirka safarka ku wehliya ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr iyo 3 kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda.

Ugu horeeyn, Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka ayaa shir la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka iyo Hub-ka-dhigista Mudane Xasan Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koofur Galbeed Mudane Cabduqaadir Cali Caraale.

Intaa kadib, AVV Cabdi Xoosh oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyay ujeedaada ay daarantahay safarka wafdiga uu hogaaminayo.

“Waxa aan Baydhabo u nimid in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ee ay Wasaaradda diyaarineyso; innagu waxaa inaga go’an in aan si daah-furnaan ah ugu shaqeyno dadka Soomaaliyeed waxa aana kulamo wadatashi ah la yeelan doonnaa dhamaaan qaybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh.

Ugu damabeyn, safar hawleedkan ayaa kamid ah kuwo ay Wasaaradda ku gaarsiineyso kulamada wadatashiga dhamaan gobolada dalka si diyaarinta Qorshaha Guud ee hanaanka dib u eegsita Dastuurka uu u noqdo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay.

—–DHAMAAD—–

Wasiirka Haweenka oo Daahfurtay nidaamka lagu soo xulayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xaquuqul Insaanka

0

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka Marwo Deeqa Yaasiin, ayaa maanta daahfurtay billowgii nidaamkii lagu soo xulayey Guddiga Madaxa Bannaan ee Xaquuqul Insaanka. Tani waa tallaabo muhiim u ah xoojinta, dhowrista iyo horumarinta Xaquuqul Insaanka Dalka.

“Maanta waa maalin taariikh weyn u ah Shacabka Soomaaliyeed oo loo dhisayo Guddigan Madaxabannaan oo wax weyn ka bedeli doona noloshooda. Wallow ay jiraan caqabado farabadan sida amniga, gaajada iyo abaaraha, haddana Dowladda Federaaka waxey ahmiyad gaar ah siineysaa xoojinta hay’adaha xuquuqul insaanka.” Ayey tiri Wasiir Deeqa Yaasiin.

Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Dowlad Goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo dhammaan qeybaha bulshada ayey ka soo shaqeysay nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxa bannaan ee Xaquuqul Insaanka iyadoo la raacayo Sharciga Guddiga Xaquuqul Insaanka (Human Rights Commission Law). Guddigan ku meel gaarka ah ayaa maalmaha soo socda ka howlgeli doonaa diyaarinta sidii loo soo xuli lahaa Guddiga Madaxabanaan. Waxeyna diyaarinayaan nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxabannaan iyadoo si adag loo raacayo Dastuurka KMG ah ee dalka iyo Sharciga dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka. Marka la diyaariyo habraaca iyo nidaamka xulista, waxaa ku xigi doonta xog-wareysiga (interview) iyo xulidda shaqsiyaadka buuxiya shuruudaha oo ugu danbeyntii la xuli doono Guddi ku yimaada nidaam caddaalad ah.

Wasaaradda Haweenka & Xaquuqul Insaanka ayaa ahmiyad gaar ah siisay sidii nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxabannaan ay u noqon lahaayeen kuwo loo dhan yahay, laga wada qeyb qaatay, daahfuran, caddaalad ah. Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed waxuu xaq u leeyahay inuu dalban karo inuu ka mid noqdo Guddiga Madaxabanaan ee Xaquuqul Insaanka Soomaaliya. Wasaaraddu waxey sidoo kale abuurtay jawi xoojinaya isla xisaabtanka si loo hubiyo in nidaamka iyo habraaca uu u noqon lahaa mid si simman ugu adeega shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale 9ka qofood ee Guddiga Madaxabanaan waxaa lagu soo xuli doonaa si caddaalad ah oo ixtiraam ku dhisan.

Marka Guddiga Madaxabanaan ee Xaquuqul Insaanka la soo xulo oo ay howlgalaan waxey u adeegi doonaan shacabka Soomaaliyeed si loo joojiyo xad-gudubyada Xaquuqul Insaanka iyagoo raacaya sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee dalka.

WAR-MURTIYEED laga soo saaray Shirweynihii CAFIS

0

Shirweynaha  CAFIS oo muddo 2 maalmood ah  5-6 July, 2017 ka socday magaalada Turku ee dalka Finland ayaa waxaa soo abaabulay Suxufiyiin Soomaaliyeed oo is xilqaamay waxaana ka soo qeyb galay saxafiyiin, khubaro heer caalami, ururada bulshada ee dalka Finland, ka qeybgalayaal ay ka kala yimid Ingiriiska, Jabuuti, Switzerland ayaa lagu lafa-guray ugu dambayntiina lagu daah-furay is ololaha iscafiska, CAFIS.

 

Shirweynaha oo ay soo fududeeyeen Ururka Difaacayaasha Nabadda ee dalka Finland  oo kaashanaya Lansi Suomen Somali Seura iyo Suomen Somali Seura oo ah laba urur soo Soomaaliyeed. Shirkaas waxa qabsoomidiisa qayb weyn ka ahaa suxufiyiin dareemay waajibka iyo xilka ka saaran dalkooda iyo dadkooda.  Weriyayaasha ayaa ku dhiiraday qabashada howshan kadib wada tashiyo dheer oo ay la sameeyeen dad khubaro oo aqoon u leh maadada, taasina waxaa ka dhashay gogoshan lagu daahfurayo shirweynaha CAFIS oo ay marti geliyeen dadka soomaaliyeed ee deggan Finland gaar ahaan Turku.

Shirka ayaa waxaa furay Elina Rantanen oo ah madaxa magaalada Turku oo ah magaaladii martigelineysay shirka labada cisho ah, iyadoo soo dhoweyn kadib bogaadisay barnaamijka iyo muhiimada uu u yeelan karo xiligan Soomaaliya, balanqaadayna in ay ololaha taageeri doonaan.

 

Labadii cisho ee uu shirku socday ka qeyb galayaasha waxa ay isla qireen in arrinka IS CAFISKu u yahay ummadda soomaaliyeed lagama maarmaan  heer shakhsi – oo qofkii caafimaad u tahay –  iyo heer bulsho.

 

Waxyaalaha shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah in aanay dadka keliya u baahneyn inay dhexdooda is cafiyaan, balse loo baahan yahay in aynu cafis weydiisano dhulkeenii iyo xitaa dhirteenii aynu godobta ka galnay ee aan xaalufinay!

 

Kasoo-qaybgalayaashii shirweynaha CAFIS waxay ku bogaadiyeen dhalinyaradii iyo aqoonyahankii iskood isu xilqaamay inay dadaalkan halkaas ay kasii wadaan ilaa ay ka miro dhalinayaan is CAFIS taam ah oo gaarta ah guri kasta iyo qof kasta.

 

Waxyaabihii ugu qiirada badnaa ee shirka ka dhacay waxaa ka mid ahaa gabar yar oo 11 sano jirta oo dadkii meesha isugu yimid weydiisay su’aalo ka qeybgalayaashii ka ilmeysiiyay. “Waxa aan ahay ilme caruur ah oo Soomaali ah, laakiin ma garanayo sababta maalin kasta loo dilo caruur Soomaaliyeed oo ila mid ah? ……….”, su’aalahaasi waxa ay ka mid ahaayeen kuwii ay is weydiisay gabar yar oo Soomaaliyeed oo 11 sano jirtay.

 

QODOBADA SHIRKA KASOO BAXAY

 

  1. Dadkii shirka isugu yimid waxa ay isla qireen inay dadka Soomaaliyeed ka daaleen colaad, ayna arkeen in aanay dhammaad lahayd, diyaarna u yihiin in la jebiyo gidaarka colaadda, laguna bedelo jawi is CAFIS, kaas oo kamid noqon doona tiirarka dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-curashada Soomaalida cusub.

 

  1. In ay lagama maarmaan tahay in qof kasta oo Samowade ahi halkiisa uu adduunka ka joogo ka bilaabo dadaal lagu abuurayo jawi is CAFIS, isagoo ka bilaabaya nafsadiisa iyo gurigiisa,

 

waxaa la isla qaatay in aanay is-cafintu cid gaar ah u xilsaarnaaneyn, ay waajib tahay qof walba haduu xil hayo iyo hadduusan haynba uu kaalintiisa ka qaato. “daawanaayow, waa dadkaagii”!

 

  1. Ka-qeybgelayaashu waxa ay si hagar la’aan ah ugu muujiyeen inay ku faraxsan yihiin, ayna diyaar u yihiin qof waliba intii kaga soo aada uu ka qaato door muuqda.

 

  1. In howshan aan halkan lagaga harin, oo la qabto shirar kale oo caalamka daafihiisa iyo dalka gudihiisa  ka dhaca oo ololahan ka bilowday daahfurka CAFISKA lagu taageerayo.

 

  1. Shirkani waxa uu ku baaqayaa in shirkii Hannaanka Dib-u-heshiisiinta ee Muqdisho ka dhacay 13-17 June 2017, dowladdu ka dhabayso is cafintu qeyb weyn ku yeelato, saxaafaddana door muuqda laga siiyo.

 

BAAQ

 

DAAH-FURKA CAFISKA ee magaalada Turku lagaga dhawaaqay waxa uu ugu baaqayaa qof kasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu jooogo, in uu marka hore cafis dalbada isna wax cafiyo, abaabulka iyo ololaha CAFIS ee bilaabmayna halkooda ka bilaabaan.

 

Waxa shirka CAFIS lagu soo gabagabeeyey tixihii taariikhda galay ee maansadii Dib-u-heshiisiin ee uu tiriyey Abwaan Abshir Bacadle

 

Duqowdiyo wax garadkow,             fursadan dahabigaa qaata

Dad weynihiyo shacabkow,             ayida dib u heshiisiinta

Dumarkiyo caruurtow qalbiga,         nabad ka doon doona

Dhalinyarada duulaamadow,            damiya baaruuda

Aqoonyahanki lagu daalayow,         deynta soo celiya

Culimada dariiqooyinkow,               daacad wax u sheega

Degaanada cadaawoobayow,   dib u walaalooba

Dhamaad

R/Wasaare Khayre “Calanku ma taagnaan karo oo cirka kama babban karo haddaanu ciidan ku tiirsanayn”

0

 

Muqdisho, 09 July 2017….Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wadajir ah uga qeyb qaatay barnaamij lagu taageereyey Ciidanka Qaranka oo soo qaban-qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana dhaqaale loogu uruurineyey ciidamadda qalabka-sida, waxana munaasabadda ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi C/laahi iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood qiray sida ay lagama maarmaan u tahay in bulshada Soomaaliyeed ay gacantooda ku dhistaan ciidamadda qaranka, si looga baxo baahida uu dalkeenu u qabo ciidan difaaciisa u taagan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qaali ah oo dadkeenu ka shaqeynayaan dhismaha ciidankooda, isagoo soo xiganaya taariikhda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ciidamadda Afrika ugu tayada iyo tirada fiican ay kamid ahaayeen ciidankeenu, hadana wadajir iyo isku tashi lagu gaari karo in dib loo yagleelo ciidamadaasi.

“Ciidankeenu wuxuu lahaa cudud adag, wuxuu lahaa tababar fiican, wuxuu lahaa niyad fiican, wuxuu lahaa waxyaabo aanay laheyn ciidamada afirika oo ah geesinimo iyo dhiiranaan adag oo ilaalhay siiyey. Wuxuu kaalin ka geystay olohihii hirgelinta AfSoomaaliga ee sanadkii 1974-kii, sidoo kale waxay gurmad u fidiyeen dadkii ay ku dhacday abaartii dabadheer oo ciidankeenu muujiyey qiimaha ay shacabkiisu leeyihiin”ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas raaciyey.

“Maanta waxaan nahay dal dhan oo aan lahayn ciidan dhisan oo hadduu cadowgu ku soo duulo markuu rabo qabsan karo. Waxaanu nahay dal idil oo difaaciisa cirka, badda iyo berigaba ay ka dayacan yihiin. Calanku ma taagnaan karo oo cirka kama babban karo haddaanu ciidan ku tiirsanayn, kalsoonida bulshadu ma dhismayso haddii ayan ku hurdin ciidan difaaca, cadowgu ma soo hunguriyeysanayo ciidda dal leh ciidan daryeelan oo cudud iyo tayo leh. Ayuu raaciyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadi aysan gaari karin midnimo iyo horumar haddii aanay leheyn ciidan ay u baxsato waqtiyada adag, isla markaana uusan dal nabadgelyo iyo xasillooni sugan ku naaloon karin haddii aanu lahayn ciidan heegan ah. Sida kaliya ee dhibkaas looga bixi karana ay tahay isku tashi, dhamaanteenna loo baahan yahay inaan u istaagno dhismaha ciidankeena, si aan ula tartanno wadamada nalamidka ah.Wuxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lagu taageero ciidanka qof walba wixii uu awoodo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo gunaanadkii munaasabadda ka hadlay ayaa ugu baaqay bulsho weynta Soomaaliyeed in ay ka soo qeyb qaataan dhismaha ciidanka qaranka, wuxuna hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha ay soo uruuriyaan uu geli doono gacan aamin ah oo gaarsiin doonta ciidamadda u taagan difaaca dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa digreeto ku magacaabay guddiga Taakuleynta Ciidamadda Qaranka, kuwaas oo madax u yihiin dad bulshada dhexdeeda sumcad ku leh, la aamini karo, isla markaana horey loo tijaabiyey.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay dad Soomaaliyeed oo dhaqaale ugu yaboohay difaaca dalkooda, waxana hadallo ka jeediyey xafladda intii ay socotay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Culimo,udiin, saraakiil iyo haween Soomaaliyeed oo dhamaantood ku dheeraaday taageerada ay u baahan yihiin ciidanka qaranku iyo in arrintaa meel looga soo wadajeesto, iyadoo fannaaniinta Qurba-joogtu ay soo bandhigeen heeso ka turjumayey munaasabadda.

DHAMMAAD

Madaxweynaha oo magacaabay Guddiga taakuleynta ciidammada Xoogga dalka

0

Muqdisho, 9 Luulyo 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi maamula sanduuqa taakulaynta ciidamada.

Sanduuqaan oo ah mid madaxbannaan ayaa waxa uu Madaxwaynuhu u magacaabay Guddoomiye Mudane Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib, waxaana Guddoomiye K/Xigeen loo magacaabay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka sanduuqa taakulaynta ciidamada ayaa yiri “Maanta waa maalin baal dahab ah ka galaysa taariikhda ummadda Soomaaliyeed maxaa yeelay waxay tilmaamaysaa wada jirka Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidanka, wada jirka Dowladda iyo Shacabka,”
Madaxwaynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed u diray baaq ku aaddan taakulaynta iyo taageerada Ciidamada qaranka si ay dib ugu soo laabato sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.

“Difaaca dalka ma ahan masuuliyad u gaar ah Ciidamada oo kaliya. Waa masuuliyadda u taala qof kasta oo Soomaali ah, haddii aad doonaysaan in aad ku noolaataan dal sharaf leh.”
Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay geesiyaasha Ciidamada qaranka ee dadaalka dheer u galay sidii ay uga xorayn lahaayeen Al Shabaab dalka oo idil, isaga oo faray shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan ciidamada sidii loo cirib tiri lahaa kooxdan.


->DHAMMAAD<- 

 

Daawo Muuqaal Madaxda dowladda oo ka qeyb galay Barnaamijka Taakuleynta Ciidamada

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ka qeyb galay  Xafladda Furitaanka Ciidamada Qalabka Sida.

Xafladdaan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay dhammaan Madaxdii ka qeyb gashay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay in ay yihiin geesiyaal Naftooda u huray badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo xiray Xafladda ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Barnaamijka Taakuleynta Ciidamada xoogga .

Waxaa uu sidoo kale Magacaabay guddi ka shaqeeya arintaasi , iyadoona gudoomiye looga dhigay Generaal Qaalib , halka Gudoomiye ku xigeenkana laga dhigay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

XAFLADDA DAAHFURKA GUDDIGA QARANKA EE TAAKULEENTA CIIDAMADA #NABADIYO NOLOLBANKIGA DHEXE ACCOUNT.N. 1346 DAHABSHIIL A/C N. 104106355 IBS A/C N. 0013000 PREMIER A/C N. 020700019001 SALAAM A/C N. 40252229

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Σάββατο, 8 Ιουλίου 2017

Dagaalyahanada Daacish oo laga saaray Magaaladda Mosul

0

Dowlada ciidamada Ciraaq ayaa dagaalo goos goos ah kula jirra dagaalyahanada Daacish oo goobo kooban kaga sii haray magaaladda Mosul, Taliye ciidan ayaa sheegey in ay ciidamada ammaanku howlgalkoodii uu ka dhamaaday qaybta duuga ah ee magaalada oo ah goobtii ugu danbeysey ee ay haysteen kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka.

Ciiddamada ayaa ku dabaaldegaya wadooyinka galbeedka magaalada oo burbursan laakiin wali waxa jira iska hor imaadyo, halka kooxda Daacishna ay sheegeen in ay dagaalami doonaan ilaa dhamaadka..

Goor sii horeysey ayey warbaahinta Ciraaq sheegtay in ay ciidamadu ku dhawaaqi doonaan guusha rasmiga ah.

Magaalada Mosul ayaa ahayd goob ay ku xoogan yihiin kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka tan iyo sanadkii 2014-kii iyadoo ciidamada Ciraaq ay wadeen guluf ka dhan ah kooxdan iyo sidii ay magalaadaasi gacanta ugu dhigi lahayeen tan iyo bishi Oktoobar ee sanadkii tagay.

President Farmaajo Opens The Second Parliamentary Session of The House Of The People

0

Mogadishu, 8th July, 2017: The President of the Federal Republic of Somalia H.E Mohamed Abdullahi Farmaajo has officially opened the second parliamentary plenary session of the 10th Parliament after two months of recess.

President Farmaajo while giving his constitutional address to both houses of parliament emphasized on the need to have the separate organs of the government to work closely together to achieve development goals.

In his address, the president shared with the parliamentarians highlights of the government’s progress include consistency in paying salaries and wages for all government employees, efforts in controlling the free flow of illegal arms, operationalizing an integrated special stabilization force for the capital and strengthening of cooperation between the central government and the federal states.

The government has as well been successful in finalizing regaining control of the Somali airspace, has made huge progress in negotiating for agreements to free Somali prisoners in foreign countries and reclaiming Somalia’s cosignatory status for aid funds earmarked for development in Somalia.

President Farmaajo confessed that a lot is expected from the government including ensuring security and stability, justice sector reform, recreating sound economic infrastructure, strengthening foreign policies and relations, upgrading government institutions and public reconciliation.

The president then requested parliament to approve 15 bills that the administration plans to table before the house in this parliamentary session to fast track delivery efforts.

President Farmaajo while addressing the pertinent issue of the Berbera port deal underscored that it is clear in article 7, sub-article 2, 4 and 5 of the constitution of Somalia that it is of paramount importance to safeguard the sovereignty and unity of the republic, adding that the administration would soon bring before the house a full report on the same.

END

Khudbada Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

0

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xildhibaannada sharafta leh ee Golaha Shacabka
Xubnaha Golaha Aqalka Sare
Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada 
Danjireyaasha martida inoo ah
iyo dhammaan marti-sharafta kale

Assalaamu Caleykum Waraxma Tullaahi Wa Barakaatuhu

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Marka hore, waxaa mahad leh EEBBE oo noo suurto-geliyey inaan maanta oo ah Sabti, 8dii Luuliyo 2017-ka, isugu nimaadno kulanka furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamankii 10aad ee Juhmuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed.

Marka labaad, waxaan u mahad-naqayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka oo fursaddaan qaaIiga ah i siiyey, si aan u furo kalfadhigaan, taas oo ka mid ah waajibaadkeyga Madaxweyne ee dastuuriga ah.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee Xilldhibaan Siciid Xasan Geeddi iyo Xildhibaan Cabbaas Cabdullahi Shiikh Siraaji oo inagala qeybgalay Kalfidhigii 1aad ee Golaha Shacabka. Ilaahay ha u naxariisto, ehelladoodiina samir iyo imaan haka siiyo.

Kalfadhigii hore, labada gole ee Baarlamaanku waxay si habsami leh u dhameystireen nidaamkii doorashada dalka iyo isbedelkii dowladda oo ay ku soo gunaanadeen Doorashadii madaxweynaha dalka iyo ansixintii Ra’iisul Wasaarraha iyo Golaha Wasiirrada. Waxaan kaloo u mahad-celinayaa Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay suurto-gelinta isbadelkaas taariikhiga ah. Waxaa ilaahay mahaddiisa in si nabad iyo xasillooni ah uu noogu dhammaaday isbadelkaas.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Si aan uga mira-dhalinno balanqaadyadii aan u sameyney shacabka Soomaaliyeed iyo dareenkii ay muujiyeen bulshadu kadib doorashadii 8dii bisha feberaayo 2017 ka, waa inaan wada-shaqeyneynaa innagoo gacmaha isheysanna, una badalnaa taageerada iyo guubaabada shacabka wax-qabad mug leh. Waa inaan guulo la taaban karo ka soo hoyinnaa himilooyinka iyo rajooyinka shacabka, si dalka iyo dadku uga baxaan dhibaatooyinka raagaadiyay oo ay ugu horreeyaan nabad la’aanta, cadaalad-darrada, musuq-maasuqa iyo saboolnimada.

Dhibaatooyinkaan, waxaa looga bixi karaa inaan la nimaadno daacadnimo, firfir-cooni, wada-shaqeyn, daah-furnaan iyo isla-xisaabtan dhab ah oo dhexmara hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

In kastoo ay jiraan caqabado cul-culus, haddana waxaa hubaal ah in horumar la gaaray tan iyo markii ay dib-u-soo-laabatay dowladnimadii Soomaaliyeed. Balse, waqtigaan, hammiga iyo himilada shacabku wey ka duwan tahay middii hore. Wax-qabadka iyo horumarka nalaka filayo wuu ka baaxad weyn yahay midkii hore. Sidaa daraadeed, waa in dadaalkeenna iyo wax-qabadkeennu ka sii badnaadaan kuwii dowladihii iyo Baarlamaannadii naga horreeyey, si aan guul uga gaarno himilooyinka shacabka Soomaaliyeed nooga fadhiyaan.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Waxaan fursad u helnay in aan hoggaanka dalka qabanno. Waa mas’uuliyad aad u baaxad weyn oo ay nagu aamineen dadka Soomaaliyeed, kuwaas, oo innaga sugaya inaan ka dhabeyno ballan-qaadyadii aan si wadajir ah dusha u saaranay. Waxaa taariikhdu qori doontaa, isla markaasna shacabku nagu qiimeyn doonaan waxqabad-wadareedkeenna iyo guulaha si wadajir ah aynu uga soo hoyno xallinta dhibaatooyinka ragaadiyay ee dalkeenna iyo dadkeenna.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Muddadii koobneyd ee dowladdu jirtay, waxaa noo qabsoomay howlo dowladnimada muhiim u ah sida:
• Joogteynta mushaaraadka iyo gunnoooyinka hay’adaha kala duwan ee dowladda sida Barlamaanka, xukuukamdda, hay’adaha amniga iyo shaqaalaha rayidka ah
• Ka guul gaaridda xakameynta hubka sharci-darrada ah
• Howl-gelinta ciidammo gaar u ah nabadeynta Caasimadda
• Xoojinta wada-shaqeynta dowladda federaalka ah iyo dowlado-goboleedyada.
• Qaadidda jid-gooyooyin sharci-darro ah oo lagu waxyeeleyn jiray shacabka
• Ka soo hoyinta guulo shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay London. Guulahaas oo ay ka mid yihiin in Qorshaha Horumarinta Qaranka lagu saleeyo mashaariicda ay maal-galiyaan deeq-bixiyayaasha
• Dib-u-hanashada saxiixa deeqaha ku baxa magaca Soomaaliya. Awooddaas oo muddo dheer gacanteenna ka maqneyd.
• Dhameystirka heshiiskii duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.
• Dib-u-soo-celinta duulimaadkii habeennimo ee garoonka Muqdisho.

• Dhameystirka dib-u-hanashada maamulka hawada Soomaaliyeed ka hor dhammaadka sanadka.
• Guul ka gaarista in aan heshiis la galno dhowr waddan oo ay ku dhibaataysnaayeen maxaabiis Soomaaliyeed si xurriyadoodii loogu soo celiyo. Dufcadii koowaad waxaan dib ugu soo celinaynaa maalmaha soo socda Insha Allaah.
• Dib u habeynta qaabka loo maareeyo bixinta kharashaadka dowladda.
• Qabsoomidda shirar gogol xaar u ah dib-u-heshiisiin dhab ah.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Waxaa kale oo na horyaalla howlo aad iyo aad u baaxad weyn. Howlahaasi, waa kuwa naga wada-dhaxeeya oo aan Golaha Shacabka la’aantiis horumar laga gaari karin. Howlahaas waxaa ka mid ah:
1) Dib-u-eegista iyo afti-u-qaadidda dastuurka,
2) Dhameystirka federaalaynta iyo dimuqaraadiyeynta dalka,
3) Hirgelinta Xisbiyo Siyaasadeed iyo gaaritaanka qof iyo cod 2021,
4) Dhisidda guddiyada madaxa-bannaan ee dastuuriga ah ee dhimman,
5) Go’aan ka gaaridda maqaamka Caasimadda,
6) Isla meel-dhigidda habka loo wadaagayo khayraadka dalka,
7) Dib-u-habeynta hay’adaha garsoorka, iyo
8) Ansixinta shuruucda hortabinta u leh Xukuumadda

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dowladdu waxay xoogga saareysaa toddobada qodob ee soo socda:

1) Dib-u-xasilinta dalka;
2) Dib-u-habeynta garsoorka;
3) Dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha;
4) Dhameystirka federaaleynta & Dimuqaraadiyeynta dalka;
5) Xoojinta Xiriirka Caalamiga;
6) Dib-u-habeynta iyo tayenta hay’adaha dowladda;
7) Dib-u-heshiisiinta dadka Soomaliyeed.

Si aan higsigaas uga mira-dhalinno, waxaa lagama maarmaan ah in aan u abbaarno si wadajir ah. Waxaa xusid mudan in lixdaas qodob ay leeyihin ahmiyad siman, loona baahan yahay in dhammaantood laga gaaro natijooyin wax-ku-ool ah.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Nabad La’aani waa Nolol-la’aan. Sidaa daraadeed, aan ku hormaro hiigsiga dib-u-xasilinta dalka.

Si aan u gaarno, waxaan ku guda jirnaa ka howlgalka:
1) Dejinta shuruucda iyo qorshayaasha hay’adaha amniga
2) Wacyigelinta iyo dhaqan-celinta dhalinyarada marin-habaabsan iyo soo dhaweynta xubnaha ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisinimada;
3) Dardar-gelinta olalaha la dagaalanka argagixisada iyo fikirkooda gurracaan ee ay ku marin-habaabinayaan dadkeenna;
4) Dib-u-dhiska, isku-dhafka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka qaranka iyo hay’adaha amniga, si aan u gaarno isku filnaansho ugana kaaftoonno ciidamada AMISOM ee hadda ina taakuleeya
5) Ka-hortagga maalgalinta iyo gacansiinta fikirka argagaxnimada.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

In amniga wax laga qabto waxay u baahan tahay istiraatijiyad ku saleysan geesinnimo, dhiirranaan iyo go’aan adeyg, si loo badbaadiyo qaranka. Annagoo taas ka duuleyna, waxaan abbaari doonnaa wadadii lagu heli lahaa hay’ado amni iyo ciidan wax-ku-ool ah, kuwaas oo kasban kara taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adaha amniga iyo saraakiishooda, waxaa looga fadhiyaa sidii ay u dejin lahaayeen siyaasado iyo qorsheyaal shaqo oo waxtar leh, diiradana saara helista xog looga hortegi karo falalka amni darro ee lidka ku ah shacabka. Sidoo kale, fikirka cusub ee aan dooneyno wuxuu salka ku hayaa mabda’a ah in amnigu uu yahay danta guud, qof walbana laga doonayo in uu ka qeyb qaato. Si taas looga miro-dhaliyo, waxaa lagama-maarmaan ah sameynta dadaaal baaxad leh oo lagu abaabulayo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dhismaha gaarsoor loo siman yahay waa hiigsiga labaad lamana gaari karo haddii aan la helin cadaalad iyo garsoor baahsan, kalsooni lagu qabo, dhowrana xuquuqda muwaadinka goob walba iyo goor kasta. Si hiigsigaas loo gaaro, waxaan bilownay qorshe ballaaran oo aan wax uga badaleyno garsoorka iyo cadaaladda. Waxaa xaqiiqa ah in ummadi gaari karin horumar, haddaysan lahayn nidaam cadaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka ilaaliyana naftiisa iyo hantidiisa. Waxaa kaloo hubaal ah in cadaalad-darradu ay qeyb weyn ka aheyd sababaha keenay burburka iyo is-aamin la’aanta aafesay midnimada iyo amniga ummadda Soomaaliyeed.

Si aan u gaarno waxaan ka howl-galeynaa:
1) Dhameystirka sharciyada iyo habraacyada khuseeya hay’adaha garsoorka
2) Dib-u-habeynta iyo tayeynta hay’adaha iyo howl-wadeenndada garsoorka
3) Hirgelinta nidaam garsoor oo baahsan, kaas oo saldhig u ah sarreynta sharicga
4) Isla-xisaabtanka iyo ciribtirka dhaqanka musuq-maasuqa iyo eexda

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Cadaaladda ma hormarin karno haddii aynaan si adag ula dagaalamin musuq-maasuqa iyo wax-isdaba-marinta. Sidoo kale, dowladdu ma gudan karto waajibaadkii loo idmaday inta uu musuq-maasuq ka jiro hay’adaha dowladda gaar ahaan kuwa garsoorka. Waxaan bilwonay in aan dib u habeyn ku sameyno hay’adaha garsoorka dalka si aan dib ugu hanano kalsoonida shacabka. Waxaa naga go’an ciribtirka dhaqanka musuq-maasuqa nuuc walba, heer walba iyo goob walba, si dib loogu hanto garsoor loo siman yahay, loona gaaro dowlad-wanaag iyo daahfurnaan.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo ah qodobka saddexaad, wuxuu u udub-dhexaad u yahay dabargoynta saboolnimada, iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, wax-soo-saarka, horumarinta tacliinta iyo caafimaadka iyo ka faa’ideysiga khayraadka dalka.

Saboolnimada ka jirta Soomaaliya ma’ahan mid dabiici ah ee waxaa abuuray colaadaha, iyo xasilooni-darrada ragaaday oo rajo-beel iyo darxumo ku noqday ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo danyarta.

Si aan uga mira-dhalinno dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan ku howlannahay:
1) Hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka
2) Dhiiri-gelinta maalgashiga iyo abuuridda jawi kordhiya dhaqdhaqaaqa ganacsiga
3) Dib-u-dhiska tiirarka dhaqaalaha gaar ahaan kuwa loo isticmalo wax-soo-saarka
4) Kobcinta iyo suuq-geynta khayraadka dalka, sida xoolaha, beeraha, kalluumeysiga iyo khayraadka dabiiciga ah

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Federaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta waxaa udub-dhexaad u yahay hirgelinta hannaanka doorashada qof iyo cod sanadka 2021, si loo gaaro dimuquraadiyad ku saleysan rabitaanka iyo awoodda-doorasho ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa ka soo wareegay 50 sano ku dhawaad doorasho xor ah oo dalka ka dhacda. Intii ka dambeysay waqtigaas, dalku wuxuu soo maray caqabado iyo dhibaatooyin badan oo wali saameyn ku leh dalka iyo dadkaba. Nasiib wanaag, sanadihii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay gaartay horumar la taaban karo dhanka doorashada xubnaha Baarlamanka iyo hoggaanka sare ee dalka. Doorashadii bilowga sanadkan, waxaa suurtogal noqday in Xildhibaanada intooda badan laga soo doorto dowlad-goboleedyadii iyo degaanadii ay wakiilka ka ahaayeen, si doorasho dadban ah.

Si aan u dardar-galinno howlaha federaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta, waxaan ku howlannahay:
1) Isla meel-dhiggidda qorshaha lagu fulinayo geeddi socodka dib-u-eegista dastuurka
2) Dhameystirka sharciyada iyo Guddiyada dhimman ee doorashooyinka Qof iyo Cod
3) Habka & Geeddi socodka loo hirgelinayo Nidaam Siyaasadeedka Xisbiyada badan
4) Go’aan ka gaaridda maqaamka Caasimadda
5) U diyaar-garowga tirakoobka, afti u qaadidda dastuurka, si loo gaaro doorashada qof iyo cod 2021

Waxaa xaqiiqa ah in howlo iyo dadaallo culusi ka horeeyaan gaaridda hiigsiga federaaaleynta iyo dimuqaraadiyeynta dalka. Si aan uga gudubno caqabadaas, waa inaan u wajahno si wadaninimo iyo geesinimo leh.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Xoojinta xiriirka caalamiga waxaa saldhig u ah xiriir caalamiya oo miisaaman, ku saleysan isqadarin iyo isfaham, innaggoo mar walba horumarineyna danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidaa awgeed, waxaan xoojinay xiriirka aynu la leenahay caalamka, gaar ahaan waddamada aan deriska nahay, dowladaha Carabta, caalamka Islaamka, iyo wadamadda aan xiriirka dhow leenahay, dhanka iskaashiga nabadgalyada iyo dhaqaalaha, xiriirkaasi oo ah mid miisaaman, hormarinayana danta dalka iyo dadka.

Anigoo tixraacaya qoraalkii iga soo gaaray Guddoonka Golaha Shacabka 3dii bisha May 2017, kaas oo ku saabsanaa Heshiiska Barbara, waxaan caddeynayaa qodobadaan:

1) Sida ku cad dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed qodobkiisa 7aad, faqradiisa 2aad, 4aad iyo 5aad, waxaa waajib nagu ah illaalinta madax-banaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
2) Waxaan caddeynayaa in bilowga howlshaas ay ka horreysay 8dii feberaayo, 2017 kii. Sidaa awgeed, dowladdu waxay ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd xog dhameystiran oo la xiriirta arrintaan.
3) Marka aan helno xog dhameystiran, waxaan la wadaagi doonnaa Golaha Shacabka iyo dhammaan hay’adaha ay khuseyso.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Dib-u-habeynta iyo tayenta hay’adaha dowladda oo ah hiigsiga lixaad, waxaa udub-dhexaad u ah helitaanka hay’ado dowladeed oo ku shaqeeya nidaamka iyo sharciga dalka, si hufanna u guta waajibaadkooda shaqo. Hay’adaha dowladda waxaa saamayn baahsan ku yeeshay burburkii muddadii dheereyd ee dowlad la’aanta aan aheyn.

Si loo meel-mariyo barnaamijyada iyo qorshe-howleedyada dowladda, waxaa lama huraan ah in dib loo yagleelo haykalkii hay’adaha dowladda.

Si aan u gaarno higsigaas, waxaa lagama maaraan ah:
1) In qiimeyn baaxad leh lagu sameeyo tayada, baahida iyo caqabadaha horyaal Hay’adaha Dowladda;
2) In la hirgeliyo habraac & hannaan saldhig u noqda maamulka iyo maareynta shaqaalaha iyo hay’adaha dowladda;
3) In la kordhiyo tayada shaqaalaha rayidka ah, laguna kabo xirfadley iyo xeel-dheerayaal;
4) In la dayac-tiro xarumaha Wasaarradaha lana howl-geliyo aaladaha teknoolajiyada.

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Sharafta Leh
Haddaba, si aan u xaqiijinno ballan qaadyadeennii, waxaan ka codsanaya Golaha Shacabka ee sharafta leh in ay ansixiyaan 15ka hindise-sharciyeed oo ay dhawaan Xukuumaddu idin hor keeni doonto. Waxaan kalsooni weyn ku qabaa in haddii hay’adaha dastuuriga ahi ay ka wada ambaqaadan hadaf mideysan aynu gaarneyo natiijooyinka waxqabad ee shacabku naga filayaan.

Ugu dambeyntii, waxaan ku dhawaaqayaa in uu si rasmi ah u furan yahay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamankii 10aad ee Juhmuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

SOOMAALIYA HANOOLAATO