Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo la ballaarinayo.

Date:

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland oo ay Wehlinayaan masuuliyiin katirsan Masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo  Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland  ayaa Saaka Howlo Kormeer Shaqo ah ku Tagay Garoonka Diyaaraddaha Magaladda Kismaayo.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad, Xunbaha La Socday iyo Mareeyaha Groonka Diyaradaha Kismaayo ayaa Soo Kormeray Dhammaan Qeybaha Kala Duwan Ee Garoonka Diyaradaha Magalaadda Kismaayo oo Dhowaan Lagu Soo Kordhiyay Qalab casri ah,  iyagoona Mid Mid u Xog Warestay Qaababka Kala Duwan Ee ay Ku Shaqeeyaan.

Madaxweyne ku xiggeenka  ayaa Sido kale Soo Kormeray Xaruntii UN Ka ay Horay u Daganayeen ee Garoonka Diyaradaha Kismaayo oo Hadda ay Ka Guureen, Taas oo dhammaan Qalabkii Yalay Lagu Wareejiyay Maamulka Garoonka Diyaradaha Kismaayo.

Kormeer iyo Soo Indho indheyn ka Dib ayaa Mareeyaha Garoonka Kismaayo Cabdullaahi Aadan Maxamuud Jagadoon Waxuu Madaxweynaha iyo Xubnihii La Socday Oga Warbixiyay Howlaha Garoonka iyo Xarunta UN ka ay ka Gureen iyo Qalabka ay Mamulka Garoonka Ku Wareejiyeen, isagoona Sheegay in Garoonka Kismaayo Lagu Bilaabi Doono Balaarin.

Madaxweyne Ku Xiggeenka Labaad Ee Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane Cabdi Qaadir Xaaji Maxamuud, ayaa Sheegay in Garoonka Kismayo uu Horumar Weyn Ku Talabsaday, Waxuuna Mamulka Garoonka Ku Amaanay Howlaha Horumarinta Leh Ee Garoonka ay Wadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...