Midowga Afrika oo raashin gargaar ah ku wareejiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Date:

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya Danjire Madeira, ayaa sheegay in Deeq ka kooban Bariis, Sokor, Digir, Saliid iyo noocyo kale oo Raashin ah ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo guddoonsiiyey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS, Mudane Maxamed Macalin.

Danjire  Fransisco Madeira, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaan ay ka timid Midowga Afrika, waxaana uu xusay in  loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya.

Danjre Madeira ayaa Barrtiisa Twitter-ka ku qoray in deeqda ka timid Midowga Afrika ee loo soo diray Soomaaliya ay tahay 67 tan,  Qarash ahaana ay ku baxday Lacag dhan 100,000 oo Lacagta Mareykanka ah, isagoo tilmaamay in Midowga Afrika  ay ka go’an tahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...