Midowga Afrika oo raashin gargaar ah ku wareejiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Date:

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya Danjire Madeira, ayaa sheegay in Deeq ka kooban Bariis, Sokor, Digir, Saliid iyo noocyo kale oo Raashin ah ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo guddoonsiiyey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS, Mudane Maxamed Macalin.

Danjire  Fransisco Madeira, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaan ay ka timid Midowga Afrika, waxaana uu xusay in  loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya.

Danjre Madeira ayaa Barrtiisa Twitter-ka ku qoray in deeqda ka timid Midowga Afrika ee loo soo diray Soomaaliya ay tahay 67 tan,  Qarash ahaana ay ku baxday Lacag dhan 100,000 oo Lacagta Mareykanka ah, isagoo tilmaamay in Midowga Afrika  ay ka go’an tahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...