Gudoomiyaha golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaalya

Date:

Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin jian, waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada wadan.

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa kulankooda inta uu socday ka wada hadlay isku xirka  baarlamaannada Soomaaliya iyo Shiinaha , mashaariicda lagu horumarinayo golaha shacabka iyo arrimo kale, sida uu geba gebada kulanka kaddib uu warbaahinta Qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka.’

Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan isugu jira iyadoo dowlada Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerto waxyaabo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...